Home » Warar »

Jaaliyada Magaalada Orgos Denmark Oo Deeq Soo Gaadhsiiyey Dadka Barakacayaasha ah Ee Duleedka Muqdisho

Jaaliyada Muslimiinta Denmark Gaar Ahaan Magaalada Orgos Oo Deeq Soo Gaadhsiiyey Dadka Barakacayaasha ah Ee Duleedka Muqdisho

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Gudiga taakulaynta dadka tabaalaysan ayaa deeq hilib ah oo ay gowraceen 115-neef oo adhi ah u qeybiyey dadka barkacaayaasha ah ee duleedka caasimada muqdisho munaasabada ciida awgeed taasoo ay gaarsiiyeen in ka badan 600-qoys ,oo qoyskiiba la siiyey wax u dhigma shan kiilo oo hilib ah .

Gowracan oo ahaa kii ugu balaarnaa munaasabadan ciidul carafo oo loo qeybiyo dadka barkacayaasha ah ee ku dhaqan deegaanka dayniile gaar ahaan T-da iyo weliba deegaanka ceelasha biyaha.ayaa dadka loo qeybiyey hilibkan waxaa ka muuqday farxad ,islamrkaana ay si weyn ugu duceeyeen dadkii soo dhiibay iyo weliba qaybiyeyba .

Sidoo kale sh,jaamac cabdisalaam oo ah gudoomiyaha gudiga dadka tabaalaysan ayaa saxaafada uga warbixiyey halka ay deeqdan kasoo gaadhay iyo weliba inta ay ka koobnayd ,isagoo tilmaamay inay soo gaadhay lacag dhan 5200$ oo dollar islamrkaana kasoo gaadhay dalka denmark magaalada Orgos iyadoo uu soo dhiibey afhayeenka jaaliyada denmark cabadiqani qorane .

deeq100

Sh,jaamac ayaa intaasi raaciyey inay lacagtaas ku iibiyeen adhiga la Gowracay oo dhamaa 115-neef islamrkaana la gaadhsiiyey 600-qoys oo qoyskiiba uu helay wax u dhigma 5-kg ,iyadoo neefkiiba loo qaybiyey 5-qoys

Si kastaba ha ahaatee deeqdan hilibka ah ayaa ahayd mid aad usoo dhoweeyeen dadka brakacayaasha ah eek u dhaqan deegaanka dayniile gaar ahaan T-da iyo weliba deegaanada ceelasha biyaha iyadoo ay u duceeyeen dadka mulimiinta ah ee ugu soo deeqay iyo weliba kuwa soo gaadhsiiyeyba .

Yaasiin faytaan
yasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.