Home » Warar »

Gabdhaha Soomaaliyeed ee deggan Britain oo Deeq Lacageed gaarsiiyey Shacabka ku dhibaataysan Muqdisho

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Qaar ka mid ah Jaaliyadda gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Briting gaar ahaan magaalada Bolton ayaa kaalmo lacageed gareysa $400 soo gaarsiiyay qaar ka mid ah dadka jilicsan ee ku nool Magaalada Muqdisho Gobolka Banadir .

Deeqdaan oo la gaarsiiyey Hawen, Caruur, Ciroole, iyo dad kale oo naafo ah ,
Dad masaakiin ah oo isugu jira indhoolyaal,cuuryaamiin garguurta iyo kuwa saaran garida cuuryaamiinta kuwaas oo aan awodin in ay fuuleen ama ka dagaan garida ay saaran yihiin,dad waayeelo ah ,kuwo waalan, oo dharka loo celinayo ,oo tira ahaan gaarayey in ka badan 40 aad oo wajiyadooda laga dheehan karey in ay u baahan yihiin in ay helaan gargaar sidaan oo kale ah , iyadoo ay Kaalmadaan oo la geersiiyey goob lagu soo aruuriyey maadaama inta baahan aan wax deeqa loo wada heli Karin .

Kaalmadaan lacageed waxaa soo direy qaar ka mid ah Gabdhaha Jaaliyadaha Somaliyeed ee ku dhaqan dalka U.K Gaar ahaana magaladda lagu magacaabo Bolton .

Deeqdaan Lacageed oo gaareysay 400$Doolar ayaa waxaa loo soo marsiiyey meel marinteeda Caasha cusman Ugaas {Caasha Shaacuur ) oo iyadu Gacanteeda ku gudoonsiisay si mid mid ah
Qar ka mid ah dadkii ay gaartay deeqdaan ayaa ugu mahad celiyay lacagtaasi Deeqdda ah oo gaareysay 400$ Doolar oo la gudoonsiiyay, cuuryaamiinta iyo dadka kale ee la midka ah oo tiradoodu kor u dhaafaysay 40 qof kuwaas oo ku dayacan qaar ka mid ah dagmooyinka Gobolka banadir .

Gabdhaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka U.K ayaa si gaar ah u codsaday in deeqdani lacageed la gaarsiiyo bulshada kuwooda jilicsan si ay uga qeybqaataan farxada ciidu adxaa, taasoo ay gudoonsiisay marwo Caasha Cusman Ugaas ( casha Shaacuur ) oo loo soo wakiishay iney Gaarsiiso deeqdda ah oo ay soo diiristeedu wakiil ka aheyd gabadha lagu magacaabo nasro Cabdulaahi qeelshe iyo Gabdho kale oo ay kuwada nool yihiin magaladda Bolton ee dalkasi briting U.K .

deeq1

Haweeney ka mid aheyd dadkii la gaarsiiyey deeqdaan ayaa tiri “Anagu waxaa gacan naga siiyo walaalaha qurba jooga ah ee muslimiinta ah sida Haweenka iyo Raga muxsinaadka ah oo ka damqanaaya dhibaatada heysta bulshada jilicsan ee ku nool dalka gudihiisa, waxana sidoo kale ka Mahad celineynaa deeqdaan maanta la gaarsiyey oo ay baahi weyn u qabeen Cabdulaahi Maxamed oo dhinaca kalana ka codsay cid walba oo ka damqaneysa dhibaatada dadka dhiban ama cuuraaminta ah in ay uga taxadiraan oo ay ku saacidaan wixii karaamkooda ah “Qofkii wax baxsadaana isaga ayuu miisaanka Qiyaamo u fuulaya” ayuu yiri oday waayeel ahaa oo la garsiyey deeqdaan ,waxaana uu si gaar ah uga mahadceliyay lacagtasi la gaarsiiyay cuuryaamiinta iyo dadka kale ee jilicsan

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.