Home » Announcements, Warar »

Sheikh Maxamed-Rashaad oo ku Geeriyoodey Xajka, Allah ha u Naxariisto

Sheikh Maxamed-Rashaad Macallin oo ah Sheikh Soomaaliyeed oo caan ku ahaa fidinta diinta Islaamka ayaa Maanta (Carafo) ku geeriyoodey Xajka.

Sheikh Maxamed-Rashaad Macallin Allah ha u naxariistee waxa uu ku geeriyoodey Mina.

Sh. Maxamed-Rashaad waxa uu deganaa magaalada Ottawa ee magaalo madaxda dalka Canada, halkaas oo uu iimaan ka ahaa masjid ku yaal magaaladaas.

Waxa kale oo Dr. Maxamed-Rashaad Macallin uu macallin ka ahaa Jamaacad ku taal Canada.

Sheikh Maxamed-Rashaad Macallin waxa uu aad ugu caan baxay faafinta diinta Islaamka asagoo cajladihiidu gaareen caalamka dhinacyadiisa, kuna faafin jirey Internetka.

Allah ha u naxariisto Sh. Maxamed-Rashaad Macallin, eheladii iyo ummadda Soomaaliyeed dhammaan samir iyo iimaan haka siiyo.

VIDEO: Allah ha u naxariistee Sheikh Maxamed Rashaad video-yadii uu duubay Halkan ka daawo (youtube)

…………..

GOLAHA ISUTAGA IIMAAMAADA EE WAQOOYIGA MARAYKANKA.
TACSI TACSI TACSI..
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICOON……

GOLAHA ISUTAGA IIMAAMDA EE WAQOOYIGA AMERICA,WAXAY TACSI U DIRAYAAN DHAMAAN UMADA SOOMAALIYEED,GAAR AHAAN QOYSKII UU KA GEERIYOODAY ILLAAH HA U NAXARIISTEE SHEEKH
MAXAMED RASHAAD,ILAAHAYNA WAXAAN UGA BARYAYNAA INUU RAXMADIISA DHEX GASHO,DNBIGIISANA ILLAAH DHAAFO,JANADIISANA GASHO.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN

MAAMULKA MAJLISKA. 12/26/09
Sheikh C/llaahi abulfadli. Minneapolis/MN

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

47 Jawaabood " Sheikh Maxamed-Rashaad oo ku Geeriyoodey Xajka, Allah ha u Naxariisto "

  1. layla says:

    ilahay ha u naxariisto shekh mohamed rashaad dhamaan eheladii iyo qaraabadisii samir iyo iiman saadiq ah ha ka siiyo wuxuu ahaa sheekh aad uqaali ahna una gargaagara diinta islaamka

  2. A.c inaa lilaahi wa’inaa ileyhi raajicuun, allaha unaxaristo sh.maxamed rashaad. weli waxaa iga hor muqda muxaadaro uu shiikhu duubay oo ka hadleysa qiyaamaha runtii qofkii dhageysta wuu ku cibro qaadanayaa shiikha waxaa Alle sw, uga baryayaa janatul firdowsa inuu ku abaal mariyo dadka muslimiinta ah ee uu ka tagayna sabar iyo iimaan ka siiyo AAMIIN

  3. nadifo xirsi says:

    Assc wr wbt.inaalilaahi wainaa ilaahay raajucuun..waxaan tacsi u dirayaa umada soomaleey meel kastoo aay joogaan gaar ahaan qooyska uu ka tagay sheekhu.walaalayaal waxaad ogaataan in sh maxamed rashaad uu ka dhintay umada dhan.waxaan leeyahay walaalahayga islaamka ha la bixiyo dayntii dhiman ee masjidka aad libaantaane barakallaahu fiikum

  4. Abdirasaq Ali Hassan says:

    inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun sheekh maxamed rashaad ilaahay ha unaxariisto ajarna ha ka siiyo faafintii diinta islaamka ee ku dhex jiray waxaana tabi doona dadka qurbaha ku nool oo uu muxaaradooyinka ka dhagaysan jiray camalkiisii ugu dambeeyay ee gudashada xajka ilaahay ha ka ajarsiiyo anagana gadaashiis ilaahay nama fidneeyo isagana waxaan ilaahay u weydiinaynaa dambidhaaf iyo janatul fardows

  5. Inaa lilaahi wa inaa ileehi raajicuun Allaha u naxariisto, Sheikh Maxamed-Rashaad Rajadu fardowso Allaha ka waraabiyo Eheladii iyo anagana samir iyo iimaan Allaha nagasiiyo Aamin aamin

  6. ADAM NUR ABDI says:

    ASALAMU ALAYKUM MAY ALLAH HAVE MERCY SHIEK MAHAMED RASHAD AND MAY ALLAH BUT HIM JANATAL FARDUSA INSHA ALLAH AMIN

  7. asc wrx halkaan waxaan oga tacsiyeeynayaa,,walaalkay,,macalinkayga iyo shiikhayaga sh maxamed rashaad…ilaahay waxaan oga rajaynayaa inuu shiikh maxamed rashaad u naxariisto…elhelkiisa iyo qaraabadiisana samir iyo iimaan ka siiyo alloow aamiin alloow aamiin.

  8. asc dhamaan muslimiinta meel kasto oo ay joogaa waxaana uga tacsineeynaa geeridii naxdinda laheed oo ku timid shiikh maxmed rashaad oo ah waalhi shikh aad muhiim ugu ahaa umada soomaaliyeed qaasan
    umada reer ottow waxaana leeyahay inaalilaah wa inaa ilahi raajicuun

  9. ALI ABDULLAHI WARSAME says:

    allaha u naxariisto sheekheena alhediisii iyo ardaydiisiina iyo umadda soomaliyeedna samir iyo iin=maan allaha ka siiyo

  10. aasiya cali says:

    asc wrwb qof walba maalintiisuu dhiman doonaa ilaahaw unaxariiso sheekha

  11. khaliif muxyadiin cumar says:

    INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICOON
    allaah u naxariisto sheik maxamed rashaad wuxuu ahaa daaci dadka diinta ugu yeera allaah waxaan weydiisanayaa in uu janadiis geeyo eheladii iyo muslimiinta oo idil samir ka siiyo aamiin waxaan halkan uga mahad naqayaa Barta Internatka Somaalitalk

  12. aadam m dirir says:

    inaa lilaah wa inaa ilayhi raajicuun tacsi ayaan u dirayaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday shiikh maxamed rashaad inkasta oo aan tacsi aanay aniga ila ahayn waayo hadii qofka tawfiiqda ilaahay waafajiyo oo uu wado fiican ku dhinto waa shay aad qaali u ah ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu anagana tawfiiqda na waafajiyo sida uu shiikh maxamed u waafajiyey sida rasuulku salalaahu calayhi wasalam sheegayna shiikh maxamed isaga oo ixraaman oo talbiyeynaya ayuu inshaalaah aakhiro iman doonaa marka walaalkay shiikh maxamed waa u hambalyeynayaa

  13. kowsar omar says:

    inaalilaah wa inaa ileyhi raajicuun sheeq maxamed rashaad ilaahaey janada haka warabiyo anagane qatumada ilaah hano toosiyo oo ilahey malintena maalin qeer qabto haka yeelo ilaah koleybowaan wad tageynaa kuli nafsin daa,iqatul mowt qof dunidan jogeyso ma jirto waa uun kala horeynaa mooyaaneeh inaa lilaha wa ina ileyhi raajicuun

  14. naciima says:

    asc INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN ILAAH HA U NAXRIISTA SH MAXAMED RASHAAD JANDA FARDOWSA ALLAHA GEEYO

  15. umu maxamed says:

    alle haw naxariisto sheekhu xusnu khatimu ku dhintaye anaguna saso kalan alle weydisaneyna kulba naftani wey bixiye alle hanaga dhigo kuwii sidaso kale u dhinta nin walibana tiisa haw ooyo maanta sheekhu aduun iyo fidanki wuu ka hoydey eh ninkey ku hadhey hawli haysa

  16. asalaamu calaykum .w.w walaal waxaan tacsi udirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu kageeriyoo day alah hau naxariistee al sheik mohamed rashaad iyo dhamaan umada soomaaliyeed walaal daganahay germani asalaamu calaykum .w.w

  17. Abukar says:

    Allaha u naxariisto Waaa Geeri naxdin leh, Kolley wuu dhiman lahaa ee Allaha Khaatumada Wanaagsan Siiyay ayaa Mahad Leh Annagana Sidoo kale ayaan Eeebe ka baryeynaaa.
    İntii uu ka tagay Samir iyo İimaan Annagana Gadaashiisa Eeebe Nama Fidneeyo

  18. jamila says:

    inaalilaah wa inaa ileyhirajacuun ilaahey ha u naxariisto sheikh mohamed wakhti fiican buu dhintey samir iyo iiman illaahey ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey

  19. INAA LILAAHU WA INAA ILLAYHI RAA JICUUN
    ILLAAHAY NAXARIISTII JANO HA SIIYO Shiikh Maxamed Rashaad waxaana Illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii jano ka waraabiyo Isaga iyo Wixii Islaamee dhintayba AAMIIN AAMIIN AAMIIN YAA RABI

  20. Axmed says:

    Aaamin allaw u naxariiso

  21. Bin Sheikh says:

    INAA ILILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUN .. WAXAAN TACSI U DIRAYAA DHAMAAN UMADA SOMALIYED MEEL KASTO AY JOOGAN IYO QARAABADI EHELADI CULIMADI IYO ARDAYDII UU KA DHEX BAXAY SH MAXAMED RASHAD . RABI WAXAAN KA RAJEYNEYNA IN UU QABRIGA U WAASICIYO KITABKISA MIDIGTA KA SIIYO JANATOL FARDOOSANA MAQAAMKISA ALLE UU KA DHIGO . SAMIR IYO IMAANA DHAMAAN ALLAH NAGA WADA SIIYO

  22. omar says:

    Waxaan Ilaah ug baryaa sh. Moxamad Rashaad Inuu Janadda Fardowza Ka waraabiyo Samir IYo Imaan INuu ILaah naga siiyo. Amiiiiin

  23. c/Majiid Maxamuud Xambali says:

    Shekh allah u naxariisto janadii fardowsana allahka warabiyo wuxuu aha sheekh aad u qiimo badan alla waxa oga baryaa in uu u waasiciyo qabriga….

  24. maryan axmed says:

    asc walalyaal waxaan tacsi u dirayaa dhaaam dadka soomaliyeed iyo weliba qoskii uu ka geeriyooday sheekha waxan allaha wayn ee waaxidka ah uuga baryeyynaa inuu u naxariisto geeyana jamada fardawsa nuslaa ingana inooga daba naxariiso aamiin amiin

  25. abdishakur says:

    inaalilaahi waa inaa ilaah raajacuun.waxaan tacsi u dirayaa dhamaan Eheladii & qaraabadii uu ka geeriyaaday sheekh mohamed rashaad & dhamaan dadka soomaaliyeed oo dhan ,asagana janatu fardowso Alle haku abaal mariyo.

  26. asc dhamaan muslimiinta meel kasto oo ay joogaa waxaana uga tacsineeynaa geeridii naxdinda laheed oo ku timid shiikh maxmed rashaad oo ah waalhi shikh aad muhiim ugu ahaa umada soomaaliyeed qaasan
    umada reer ottow waxaana leeyahay inaalilaah wa inaa ilahi raajicuun

  27. maxamed xasan jaamac says:

    alle ha u naxariisto sh. maxamed rashaad. samir alle ha geliyo eheladii, qaraabadii, iyo dadkii cilmigiisa ku xirnaa. janatul firdowsa alle ha geeyo.

  28. allaha u naxariisto sheekh maxamed rashaad. wuxuu ahaa nin muslim ah, oo daaci ah, oo aad u dadaal badan. jannada alle ha geeyo.

  29. mohamed says:

    allaha u naxariisto waxa uu ahaa sheekh muhiima oo dacwada islaamka kaalin wayn kaga jiray, waxaan marna qalbigayga ka go,ayn oo aan soo xusuustaa cajalad vedio ah oo kaga hadlayay sheekhu xuquuqda waalidka siiba hooyada. markasta oo aan xusuusto hadaladiisiina indhahayga ilmaa ka soo qubata aanan joojin karin. weligay ma arkin sheekha si caadi ah laakiin waxaan dareensanahay inuu ahaa nin aad u qalbi nugul oo naxariis badan tawaaduciisuna uu buux dhaafay. allaha u naxariisto anagana naga samir siiyo ……..amiiiiiiiiiiiiiiiiin

  30. allaha u naxariisto sheekh maxamed rashaad. waxaan dhageysan jiray cajaladihiisa video-ga ah oo aan ka faa’iideystay cilmi badan.

  31. Allaha u naxariisto sheekh maxamed rashaad. wuxuu ahaa nin muslim ah oo daaci ah. alle ha ka abaal mariyo dadaalki uu sameeyay.

  32. Ramla Oman says:

    Inaalilah wa inaa ilaah raajucun.
    waa geeri naxdin leh waxaan Allaah uga baryaynaa janatul FARDOSA in ilaahay ka warabiyo, isaga iyo wixii islaama waqti fiican ayaa Allah oofsadaye ehelkiina ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo

  33. Baadiyow Cali Carabey says:

    Allaha u naxariista Shieq Max’ed Rashaad.salaadii casir kadib ayey ahayd markii imaamka masjid cusub ee Seattle uu yiri inaa lilaahi waa in aan ileyhi raajicun anigoo leh yuu noqon doona misna waxuu waxaan maanta Mino ku geeriyooday sheeqeena sheeq Max’ed Rashaad. Allaah waxaan ka baryeynaa in uu janatul firdowsa geeyo. Allah waxaan u weeydiineyna in samir uu giliyo eheladii iyo qaraabada iyo qaraabadii iyo dhamaan dadkii cilimigiisa ku xirnaa ee Ottowa iyo dhamaan Muslimiinta meel walba eey joogaan amiin amiin amiin.

  34. hodan hussein mire says:

    hussein umar daad iyo hodan hussein mire iyo caruurtoda ookunol arlington, tx waxey hawada tacsi uu marinayaan ehelkii iyo qarabadi uu kageriyodey sh maxamed rashaad allahha u naxariisto. waxaa uu ahaa walalken qali ah. ilaahey waxan uga baryeyna inu janadi fardowsa kawarabiyo samir iyo imaan allaha nagawada siiyo amiin amiin amiin.

  35. najmo says:

    Illaahay haa uu naxaristo shiikh Mohamed Rashaad,jaanatul fardowsa-na ha gayo Amiin

  36. Shekh waxaan arkey 2 isbuuc ka hor waxa uu ahaa nin wanaagsan misnkiin ah aad u xishood badan qalbi wanaagsan ixtiraam badn, xishood badan dhalinyarada jecal aad u furan, waaahi geeridiisa markii ey sheegay waan ooyay oo waan socon waayay waayo waxaan aad uugu farxey meesha uu ku dhintay Arfa iyo maalinta uu dhintay, waxaan sidoo kale xasuustay eraydiisi macaana iyo sidoo uu iila hadli jirey waxaan hubaa in Sheekha Soomaali oo dhan tabi doonto Allow u naxriiso Jantul Fardowsana gee anagana nagu tus janadaad

  37. cabdulahi says:

    Allaha u naxariisto Sheekh Maxamed Rashaad Soomaalida oo dhana samir iyo iimaan ilaahay ha kasiiyo AMIIN AMIIN

  38. jams says:

    ilaahay wuxuu qaato iyo wuxuu bixiyaba isagaa leh naf kastana agtiisa waxay ku leedahay wakhti go,an
    sheekha ilaahay ha unaxariisto waa calaamad muujinaysa sida ilaahay ugu dilay toobada iyo meesha uu ku dhintay inuu ahaa qof wanaagsan.
    ehelkiisii iyo dhamaan ummada wacdigiisa ku xidhnaydna samir iyo iimaan.
    al camalu khawaatim

  39. safiya siciid says:

    Inna lillaah waa innaa ileyhi raajucuun. Waxaan si aada uga naxay geerida degdegaa oo kutimid sheekhanaa maxamed Rashaad. Waxaan illaaha raxmaankaa uga baeyeynaa in uu geeyo janatul culyaa janatul firdowsa. Waxaan illaaha raxmaankaa kabaryeynaa in uu samir iyo iimaan kasiiyo dhamaan eheladii uu la ahaa rixinka dhow iyo dhamaan muslimiintii uu kadhintay. Illaaha raxmaankaa ha ugu badelo gurigiisii guri kawanaagsan. illaah ayaan u sheeganay tiiraanyadeena waxaana naftayada ku maaweelinaynaa in uu kudhintay shiikhanaa meel lagu dhinto meesha ugu fiican uuna dhintay maalin aad u barakaysan. waxaan mar labaad leenahay innaa lillaahi waa innaa illaahi raajucuun.

  40. Abdirahman Sweden says:

    Allaha u naxariisto Sheekha. Ehalladii ka dhintayna Sammir iyo imaan Allaha ka siiyo. Barta Internatka Somaalitalkna waad ku mahadsantihiin akhbaarta deg-dega ah. Marka Ehaladiisa waxaan ka codsanayaa Sheekha inaan lagu duugin ama loo qaadin dhulka gaalada waayo aad ayuu u necbaa. Marka halugu duugo dalka uu ku dhintay iyo dhulka barakeesan. Intaa iga gaarsiiya eheladdisa iyo qaraabadiisa.