Home » Warar »

Hay’adda CDHR oo siminaar u qabatey Xubno ka kala socdey qaybaha Bulshada

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Waxaa Hotelka Ambaasadoor ee Magaaladda Muqdisho lagu soo gabagabeeyey siminaar socdey Muddo Saddex Maalin ka soo ay soo qaban qaabisey Hayadda Center For Democracy And Human Rights CDHR waxaana ka qaybgaley Dad gaaraya 40 xubnodd oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Culama’udiin, Odayaasha dhaqanka, Hayadaha Xuquuqda Aadanaha , Maamulada Hoose , Jaamacadaha , Haween, Dhalainyaro iyo Bahda Warbaahinta waxaana lagu baranayey Casharo la xiriira Dimoqaraadiyada iyo doorka Bulshada iyo Xiriirka kala dhaxeeya waxaan Macalimiin ka ahaa Prof Xirsi Xaaji Culusow iyo Prof Cabdalla Macalin Maxamed waxaana xiriirinayey intii uu socdey siminaarkaas Ing Cabdulaahi Yuusuf (Siyaasi) iyadoo ka qaybgalayaasha Mararka qaarkood ay dhiibanayeen Fikradahooda ku aadan Dimoqaraadiyada waxaa kaloo siminaarkaas ka qaybgalayaasha ku baranayeen arrimo la xiriira Xaquuqda Aadanaha

Siminaarkaan oo ay maaligelinteeda lahayd National Endowment for Democracy (NED) ayaa macalimiinta wax ka dhigeysey siminaarkaas waxay si qota dheer uga hadleen Dimoqoraadiyada iyo is waafajinta Xuquuqda Aaadanah iyadoo ka qaybgalayaasha loo qaybinayey Kooxo kooxo si ay uga hadlaan aaraadooda ku saabsan Casharada lagu baranayey siminaarka waxaana halkaa ka soo baxay Fikrado ku saabsan sida xal loogu heli kar arrimaha soomaaliaya

Ma aha markii ugu horeysey ay Hayadaan ay qabato siminaaro ku saabsan Xalinta Khilaadka , Maamul Wanaaga iyo Xuquuqda Baniaadamka i iyadoo ka qaygalayaasha ay codsadeen in loo balaariyo siminaarada noocaan ah waayo ayey yiraahdeen laba ama sadex waxaba laguma baran karo iyadoo masuuliyiintii ka socotey Hayadda ay balan qaadeen in ay sii laba laabi doonaan siminaarada Noocaan ah ee wax ka taraya Nabada iyo dib u heshiisiinta iyo Dowlada wanaaga wuxuuna siminaarkaas ku dhamaadey sidii loogu talagaly iyadoo ka qaybgalayaasha ay u mahadceliyeen intii soo qaban qaabisey iyi intii isku soo dubaridey oo ugu horeysa Hayadda CDHR

siminaar

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.