Home » Warar »

Garoowe: diyaar garowga ciidul adxaa oo si weyn loog dareemayo magaalada garowe

Diyaar garowga ciidul adxaa ayaa si weyn looga dareemayaa dhamaan suuqyada magaalada garowe iyadoo ayadoo ay ciidul adxaa ku beegantahay Jimcada ataa suuqyada laga dareemayo diyaar garow aad u weyn gaar ahaan suuqyada dharka iyo bakaashka.

Dhaq dhaqaaqa ganacsi magaalada garowe ayaa isaku si xowliya ku socda iyadoo maalmahaanba ay aad ucamirnaa suuqa dharka.

Dhanka kalena suuqa xoolaha (siinada) ee magaalada garowe ayaa isaku ganacsikiisu aad u kala soconayaa iyadoo aad ku arkaysid xoolo kumanaan oo suuq dhooban xoolahaaso isuku jira ido iyo riyo.

Mar ay Somalitalk wax kawaytiisay qaar kamida dad weynaha ka ganacsata xoolaha ayey noo sheegeen in qiimaha lakala siisto xooluhu uu aad wanaagsan oo lagu kala gadanayo qiime macquul ah.

garowe2

ugu danbayntiina dadweynaha ku nool magaalada garowe ayaa soo dhaweeyay xayiraad ka qaatidii xoolaha soomaaliya ee dalka sucudigu ku dhawaaqay iyagoo sheegay inay guul utahay xoolo dhaqatada soomaaliyeed.

cabdiyare cumar bille
Garoowe

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.