Home » Warar »

Dowladda Hoose ee Boosaaso oo soo bandhigay qashin ay ka uruuriyeen qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada iyo warar kale ee Bosaso

  • Dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso oo soo bandhigay qashin ay ka uruuriyeen qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Boosaaso.
  • Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo Dib ugu soo Laabtay Puntland iyo isagoo Baaq u diray Bulshada Reer Puntland.
  • Munaasabad Balaaran oo xariga looga Jaray Shirkada Cusub ee Golden Standard Company(GSC) oo lagu Qabtey Bosaso

Dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso oo soo bandhigay qashin ay ka uruuriyeen qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Boosaaso.

Halkan ka daado sawirada nadiifinta qashin qubka

Xubno faro badan oo uu horkacyo xoghayaha Dowlada Hoose ee magaalada Boosaaso iyo gudoomiyayaasha xaafadaha ayaa saaka waxa ay warbaahinta u soo bandhigeen qashin faro badan oo ay ka uruuriyeen qaybo ka mid ah magaalada boosaaso ee xarunta ganacsiga dowladda Puntland.

Xubnahani oo uu horkacayey Xoghaye Dowladda Hoose magaalada Boosaaso mudane Axmed iyadoona ay wehliyeen xubno faro badan oo ka mid ah gudoomiyayaasha xaafadaha iyo gudoomiyaha arimaha bulshada iyadoona looga gol leeyahay qashin uruurintani si looga hortago cudarada ay keeni karaan qashin hawshani oo gacan weyn ka geysatay dowladda Hoose ee magaalada boosaaso.

Xubnahani oo uu horkayey xoghaya dowlada Hoose ee magaalada Boosaaso Mudane Crisaaq Axmed Geeldoon ayaa waxa uu warbaahin halkaasi ugu soo bandhigay tirada qashinka iyo meelaha laga soo kala uruurinayey kaam uu ka mid yahay kaamka shirkow oo ku yaala duleedka xaafada raf iyo raaxo kaasi oo ka muuqday dayac xoogan oo uu ugu weyn yahay dhinaca nadaafada iyadoona haatan ay u muuqata in ay dowladda hoose magaalada boosaaso ku hawlan tahay sidii ay goobaha qashinka ay yaalaan uga uruurin lahaayeen.

Sidoo kale waxaa iyana wariyayaasha halkaasi kormeer lagu soo mariyey gawrac ay dhistay hay’ada mercy corps kaasi oo ay gacan weyn iyana ka geysanay dowladda hoose ee magaalada boosaaso iyadoona looga golleeyahay in geelu helo meel lagu xanaaneeyo iyo meelo ay harsadaan.

Intaasi kadib ayaa waxaa xafiiskiisa gudaha magaalada boosaso warsaxaafadeed ku qabtay xoghayaha dowladda hoose ee magaalada Boosaaso Mudane C/risaaq Axmed Geeldoon iyadoona uu xoghaya tafaasiil kaga bixiyey warsaxaafadeedkiisa waxa uu ku wajahan yahay taasi oo uu ku tilmaamay in uu warsaxaafadeedkiisa ku wajahan yahay arinta qashinka uruurinta oo ay hada olole weyn ugu jirto dowladda hoose ee magaalada boosaso iyadoona uu uga horeyn xoghaya kaga Hadley shirkiisa dhinaca nadaafada deegaanka iyo ahmiyada ay u leedahay bulshada isagoona ku dabaqay si aysan u fidin cudarada wuxuuna tibaaxay in ay diyaariyeen 18 kaam oo IDP iyadoona ay ka xaaqeen 500 lawr oo qashin ah isagoona uu mashruucaasi socon doono ilaa 3 maal mood – 4 maalmood isagoona xusey in ay xigidoono buufinta cayayaanka waxaa kaloo uu xoghayuhu sheegay in ay dowladda hoose iibisay dhul dhan 150 xoghayaha waxaa kaloo uu tibaaxay in ay diyaar garow xoogan ugu jiraan sidii loo sameyn lahaa wado weyn oo aada dhinaca bari kaasi oo uu ku sheegay in ay tahay amar uga yimid madaxweynaha DPL Dr C/raxmaan Shiikh maxamed Faroole.

 hh6

Ugu danbeyntii xoghayaha dowlada hoose ee magaalada boosaaso oo hadalka si aad ah ugu dheeraaday ayaa waxaa kaloo uu shirkaasi ku sheegay in ay dowladda hoose diyaarisay haatan 50 geed oo loo qaybin doono 16 xaafadood oo ay ka kooban tahay mgaalada boosaaso lana siin doono xaafad weliba 8 geed xoghayaha oo hadalkiisa soo gabogabeynayey ayaa waxa uu ku booriyey dadka reer boosaaso in ay kala shaqeeyaan dowlada hoose sidii loo nadiifin lahaa deegaanka.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
Email. Xuseen339@hotmail.com
Bosaso Puntland Somalia

Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo Dib ugu soo Laabtay Puntland iyo isagoo Baaq u diray Bulshada Reer Puntland.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Siyaasiga Reer Puntland Cali Cabdi Aware ayaa waxa uu dib ugu soo laabtay Deganada Puntland Gaar ahaan Magaalatan Bosaaso isagoo Safaro ku maray Wadamao ku yaala Qaarada Africa.

Soo labashada Siyaasi Cali Cabdi Aware ayaa waxa ku so Dhaweeyey Garoonka Bander Qasim Airport Shacab aad u fara badan , Laamaha Amaanka Puntland iyo Ururada Bulshada Puntland.

Madane Cali Cabdi Aware ayaa waxa uu Saxafada ugu Warbixiyey Safaradii uu ku tagay Dalal ka Tirsan Qaarada Africa iyo Masuuliyiintii uu kula kulmay Dalalkaasi.

Madane Cali Cabdi Aware waxa uu sheegay in uu la kulmay Mulkilayaasha Warbaahinada Qaarada Africa Isagoo Somaliya u Matalay Shirka Warbaahinada Qaarada Africa, isagoo ah Mulkilaha Hay’ada Warbaahinta Somaliyeed ee SBC-Intertional .

Waxuuna kulankaasi Mulkiilayaasha Warbaahinada uu ka Dhacay Magaalada Lagos ee Dalka Nigeria, waaana kulan Sanadle loo Qabto sanad walba Mulkiilayaasha Warbaahinada Qaarada Africa waxaana sidaasi Saxaafada u sheegay Madane Cali Cabdi Awaare.

Siyaasi Cali Cabdi Aware waxa uu sidoo kale ka hadlay Xaladaha Amni ee Degaanada Puntland isagoo Bulshada Reer Puntland ugu Baaqay in ay Dhawraan Amniga Puntland.
Cali Cabdi Aware waxaa uu sidoo kale baaq u diray laamaha dambi Baariste ee Puntland si ay u Ogaadaan Cida ka Danbaysay Dilkii Allaah ha u Naxariistee Gudoomihii Maxakada Darajada Kowaad ee Gobolka Bari Maxamed Cabdi Aware oo ay Walaalo Ahaayeen.

hh1

Waxuuna sidoo kale ka hadlay Siyaasi Cali Cabdi Aware Qilaafkii soo kala dhaxgalay Maamulka Puntland iyo DKM Somaliya in uu yahay Qilaaf aan sidaa u sii wayneen oo haatan Xal laga Gaari doono waa sida uu yiri Cali Cabdi Aware.

Isku soo wada duub Madane Cali Cabdi Aware dib u soo laa Bashadiisa Puntland ayaa waxa uu sheegay in aad ugu farax san yahay , isagoo Haatan wax xil ah ka ahayn Maamulka Cusub ee Puntland ee uu Hogaaminayo C/raxmaan Faroole balse Maamulkii hore e Puntland ayuu Madane Cali Cabdi Aware kasoo qabtay Xilal aad u Mahiimsan.

C/qaadir Saciid Cali Gaanni
gaani18@hotmail.com
Bosaaso-somalitalk.com

Munaasabad Balaaran oo xariga looga Jaray Shirkada Cusub ee Golden Standard Company(GSC) oo lagu Qabtey Bosaso

Halkan ka daado sawiro dheeraad ah

Munaasabadani Balaaran oo aheyd mid xariga lagaga Jaraayey shirkadani Cusub ee Golden Standard Company (GSC) ayaa waxaa kasoo qeyb Galay Masuuliyiin Kala Duwan oo kasocotey Dawlada Puntland oo uu kamidka ahaa Wasiiru Dawlaha Ganacsiga Dawlada Puntland Taliyaha Ciidamada Boliiska Dawlada Puntland iyo Taliyaha Qeybta Ciidamada Boliiska Gobolka Bari iyo Masuuliyiin kale

hh5

Munaasabadani oo xariga looga jaray Suuqan iyo Carwadan Cusub ee Golden Standard Company (Mall) oo ay Hirgalisey Shirkada Golden ayaa waxaa kaloo kasoo qeybgalay Ganacsatada ugu waaweyn Deedaanada PL sida Gudoomiyaha Warshada Kaluunka ee Laasqorey Masuul kasocdey Shirkada Al,Fadli iyo Ganacsato kale

Iyadoona ay kasoo Qeyb Galeen Munaasabada Xarig Jarka ee shirkadan Golden Standard Company Isimo Nabaddoono waxgarad iyo Bulshada Qeybaheeda Kala duwan

waxaana ugu horeen Hadal kajeediyey Munaasabadan xarigjarka Mareeyaha Shirkadani Cusub ee Golden Standard Company C/fitaax Maxamed Sugulle oo kawarbixiyey Qorshaha Mustaqbalka ay Hiigsaneyso Shirkada Golden

Gudoomiyaha Shirkadani Cusub ee Golden Standarda Company Cabduqaadir Maxamed Sugule oo kahadley Munaasabadani Xarig Jarka Suuqan iyo Carwadan Cusub ee Golden Standard Company Mall ayaa mahadnaq ujeediyey Masuuliyiintii iyo Bulshadii Kasoo Qeyb gashay Munaasabadii Furitaanka Shirkadan Golden isagoona Balan Qaadey in shirkadan ay kufidindoonto ganacsigan meelo badan oo somaliya

wasiiru Dawlaha Ganacsiga Dawlada Puntland Maxamuud Faarax Beeldaaje oo Munaasabadaasi xarig jarka shirkadan cusub ee Golden Satndarda Company hadal kajeediyey ayaa ku Aamaanay Ganacsatii soo kordhisey Ganacsigan Taaba Galka ah ee Shirkada Golden

Shirkadan waxay ka kooban tahay Golden Store iyo Golden Mall oo ka kooban Supermarket, Electronics. Carwo iyo Suuq dahab.

isku soo wada Duuboo Xafladan Xarig Jarka oo ay Hadalo kala duwan ay kajeediyiin masuuliyiintii kasoo Qeyb gashey ayaa waxa ay aheyd mid loo soo agaasimay si heersare ah waxa ayna kusoo gabgaboowdey Jawi Wanaagsan iyadoona suuqani cusub ee carwada ah Golden Standard uu lamid yahay suuqyada caalamka kahanaqaadey.

Abdifitah M. Sugule
cabdisugulle@hotmail.com

Maalinta Caruurta Aduunka oo laga Xusay Gobolada Maamulka Dowlada PL.

Halkan ka daawo sawirada
Maalinta caruurta Aduunka ayaa laga xusay qaybo badan oo ka mid ah somaliya gaar ahaana waxaa siwayn looga xusay Gobolada Maamulka dowlada Puntland,Maalinimadii shalay oo ay ku aadanayd maalinta caruurta Aduunka 20/11/09.

Xaflad Balaadhan oo si heersare ah loo soo Agaasimey ayaa ka dhacday Hoteelka Karaama two ee Magaalada Bosaso,Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin farabadan oo ka kala socda Dowlada shacabka ku dhaqan Magaalada Bosaso ee Xarunta Ganacsiga dowlada Puntland.

Maalinta caruurta ayaa maalinkii shalay waxaa hadalo ka soo jeediyey isla markaasina goob jog ka ahaa Wasaarada haweenka iyo Qayska dowlada Puntland,Wasaarada Waxbarashada dowlada Puntland,Hay,addaha Internotionalka ah Laamo kala duwan iyo Sarkiil ka socotey sida Hay,adda DRC ,INXA,NRC iyo isimada dowladgoboleedka Puntland oo halkaasi iyana uga hadlay muhiimada dhalaanka somaliyeed.

Barnaamijkan ayaa waxaa soo diyaariyey PSCA waxaana Agaasimey Naadiyaasha STC oo ka socda 5iskuul oo Bosaso gudeheeda ku kala yaala,waxaana halkaasi ka hadlay dhamaan xubnaha xuskani uga qaybgalay xafladii Maalinimadii jimcaha ka dhacay Hoteelka Karaama two ee Magaaladatan Bosaso.

Xubnaha ugu Firfircoon ee lugu arkayey dhaq dhaqaaq Barnaamijkan Munaasibada maalinta Caruurta Aduunka ayaa waxaa intabadan lugu arkayey Masuuliyiinta PSCA oo intabadan kaalin Mugle ka geysta hirgelinta iyo taabagelinta caruurta somaliyeed.

Xafladaasi ayaa intabadan waxaa sidoo kale goob jog ku ahaa qaybaha kala duwan ee Xafaafada iyadoo halkaasi looga hadlay doorka dhalanka somaliyeed iyo rawaayado ka turjumada Mudnaancaruurtu ay leedahay Madaama ay yihiin laama curgug ago o Iminka caarada la soo baxaya.

Kulan ay isugu yimadeen Gudiga Amaanka Gobolka Bari ee Xarunta Ganacsiga Dowlada Puntland oo Maanta ka dhacay Xarunta Gobolka Bari.

Laamaha Amaanka Gobolka Bari iyo Maamulka qaybihiisa kala duwan ayaa kulan ku yeeshay saaka Abaaro 9:40Daqiiqo Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Bosaso gaar ahaan aqalka gobolka waxaana kulankan ka soo qaybgalay Maamulka dhanka Amaanka sida taliyaha qaybta iyo sarkiisha kale ee dhinaca Amaanka Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari,Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Gelle Yusuf iyo ku xigeenkiisa ayaa siwayn uga hadlay Amaanka iyadoo ay ku tilmaameen beryihii u dameyey inuu Ahaa Amaanka Magaalada Bosaso mid ka soo raynaya.

Taliyaha qaybta Booliska Bosaso iyo Laamaha kale ee Madaxda Ciidanka Howlgalka gobolka Bari ayaa sheegay inay shacabka qaarkood waayahandame siwayn ula shaqaynayaan ciidamada Amaanka ee Bosaso,Maamulka Gobolka Bari iyo taliska Ciidamada Amaanka Bosaso waxa ay siwayn isugu raceen inay tahay lagama maarman in halmeel oo keliya looga soo jeensado Amaanka Guud ee Gobolada Maamulka dowlada Puntland.

hh8

Habeenimadii xalayey ayey ahayd Markii ciidamada Amaanka Bosaso ay ku so rogeen Magaalada Bosaso Bandow ka dibna ay dhaawac u geysteen dad rayad ah oo ka madax adaygay inay Xiliyada dame Maqaaxiyadohooda daran ay damiyaan kuwaasi oo ay shegegeen ciidanka Amaanka iyo Maamulka Gobolka Bari inay ugu soo hulan karaan kooxa Amaandarada ka wada gudaha Magaalada Bosaso sida tuugada iyo waxyaalaha la midka ah.

Dowlada Hoose ee Bosaso oo Saaka Howlo Qashin Ururin ah ka bilowday Kawaanada Hilibka ee Suuqyada Bosaso.
Maamulka dowlada Hoose ee Degmada Bosaso ayaa saaka howlgaladii ugu balaadhnaa ee dhanka Nadaafada waxaa ay kaga bileen Ollele Nadaafadeed goobaha hilibka lugu qalo ee kawaanada Suuqyada Bosaso,Madaxda sarsare Ee Dowlada Hoose ayaa sidoo kale dhamaan agagarka hilibka lugu qalo ee kawaanada iyo meelaha kale oo la geeyo marka la qaado hilibka qaybihiisa aan la cunin waxa ay ku samyeen nadiifin.

Maamulka Dowlada heese ee Bosaso ayaa talaabadan qaaday xili Magaalada Bosaso cimiladeedu ay tahay mid aad u qabow isla markaasina ay dhaci karto inay goobaha hilibka lugu qalo ay ka dhashaan Cudurada Faafa ee Bakteeriyada sababtoo ah waxaa hilibka dul fuulaya oo aad indhahaaga ku arkaysaa Duqsi farabadan hilabkana waxaa cunikara shaqasi aan duqsigaasi kaba filayn.

Xildhibaan Xabeeb Guluf oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Counselka Bosaso ayaa saxaafada u sheegay inay Dowlada hoose iyo Masuuliyiinteeda ay ka Go,antyahay sidii ay xooga u saarilahayeen Ollaha dhanka Nadaafada degmada Bosaso taasi oo qayb ka ah talaaboyinka ay wayahan dame dowlada hoose ku faanaysey inay wax ka qabatay Dhanka la dagaalanka nadaafada Xumada.

Maamulka Fayadhowrka ayaa siwayn ugu baaqay bulshada reer Bosaso inay kala shaqayaan arrimaha dhinaca nadaafada iyadoo taas uu ku macneeyey inay tahay mid Muqdas ku ah shaqsi kata oo ka mida Bulshada Reer Bosaso,Waxaana ka dib Markii howshan ay kawaanada ku booqdeen isla markaasina shaqaalaha dowlada hoose ku nadafeyeen shir ku qabtay Xafiiskiisa Bosaso Xooghayaha Dowlada Hoose.

C/risaaq Geeldoon Xooghayaha Dowlada Hoose waxa uu saxaafa u shegay inay Maamulka dowlada hoose dadka ku dhaqan 16xafadood ee Magaalada Bosaso ay u samaynayaan qoshayaan dhanka Nadaafada ah oo ay kuwada shaqayaan waxaana uu shegay inay dowlada hoose ee Bosaso mar hore ka tashatay sidii dadkeeda iyo dalkeeda wax ugu qaban lahayd.

Mudane Geeldoon oo Xafiiskiisa ku sugan ayaa gebagebadii tibaaxay inay siiwadayaan arrimaha dhanka Nadaafada ah iyadoo uu taas ku sii daray Xooghayuhu gacan inay siinayaan dadka ka soo barakacay gobolada koonfureed ee dalka somaliya kuwaasi oo ku dhibaataysan Kaamamka qaxootiga Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolkan Bari.

maxamed ciise
geedi7@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.