Home » Warar »

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo gaarey Degmada Cadaado

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo gaarey Degmada Cadaado

Wafdi ka socda Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ee Qaramada Midoobey ayaa soo gabagabeeyay booqasho 3 cisho ah oo ay ku joogeen magaalada Cadaado.

Wafdigaan oo ka koobnaa 3 xubnood ayaa kormeeerkoodu ku salaysnaa qiimayn ay ku soo samaynayeen heerka ay gaarsiisan tahay abaaraha ka jira deegaanadda Ximan iyo Xeeb.

Wafigaan oo sitay diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay (UN) ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb
Wafdigaan ayaa intii ay joogeen magaalada Cadaado waxay kulamo la qaateen masuuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu horkacayo Guddoomiyaha maamulkaas Mudane Maxamed C/llaahi Macallin Aadan “Tiiceey” , waxayna kormeer ku soo kala bixiyeen deegaanno ka tirsan maamulka oo ay ka mid yihiin Cadaado, Docoley, Godanlabe Iidoole, Dacdheer, Ardo, Cadokibir, Maarsamage, Xinlibi iyo Baxdo.

Guddoomiyaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Mudane Maxamed C/llaahi Aadan “Tiiceey” oo u waramay Alshahid ayaa sheegay inay wafdigaas ay warbixin ka siiyeen xaaladda abaaraha ka jira deegaanada Ximan iyo Xeeb.
“Waxaan sawir guud ka siinnay xaaladda nololeed ee deegaannada Ximan iyo Xeeb, waxaana u tilmaannay sida ay deegaannadu ugu kala daran yihiin xaaladda abaarta” ayuu yiri Mudane Tiiceey oo intaa ku daray in dhowr sano oo xiriir ah uusan roob ka di’in deegaannada Ximan iyo Xeeb.
“dadku waxyeelo ba’an ayay kala kulmeen abaartaa, sidaas darteed ayaan wafdiga
as u sheegnay inay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, si loo samata bixiyo noloshooda” ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ay WFP iyo cid kasta oo doonaysa inay ka howlgasho deegaannada maamulka Ximan iyo Xeeb u ballan qaadayaan nabadgalyo buuxda iyo in amaankooda la sugayo.

“Waxaan leenahay ciidamo xooggan oo tababaran iyo maamul garsoor oo dhamaystiran oo dhamaantood u taagan sugidda amaanka deegaannada maamulka” ayuu yiri Guddoomiyaha Ximan iyo Xeeb.

Wafdiga WFP intii aysan gaarin deegaannada Ximan iyo Xeeb waxay horey u soo mareen magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxayna safaro kuwaa la mida ku tagi doonaan goobo kale oo ka tirsan gobollada dhexe.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo gaarey Degmada Cadaado "

  1. ali says:

    acw waa wax lagu farxo sida maamulka ximan iyo xeebaha horumarka deegaanada maamulkaas ka arimiyo somalitalk.com isha wararka