Home » Warar »

Sweden: Hormuudka jaamacada Puntland iyo kulankii jaamacada Mälardalen

Sweden: Hormuudka jaamacada Puntland iyo kulankii jaamacada Mälardalen
 
Hordhac

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
 
Hormuudka jaamacada Puntland ee ku taal magaalada Garoowe mudane Maxamuud Sheekh Xaamud ayaa bisha november 2009, booqasho ku yimid dalka Sweden. Mudane Maxamud sh. Xaamud waxaa uu intii aanu iman wadanka sweden  horay usoo maray wadanka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minneapolis ee ay soomaalidu ku badan yihiin. Halkaas waxaa uu kaga soo qayb galay shirar kala duwan oo uu la galay dhinaca jaamcadaha iyo jaaliyada reer puntland ee ku dhaqan halkaas. Jaamacada Puntland state university waxaa dhidibada loo taagey sannadkii 1998-dii. Jaamacadu waxaa ay wakhtigaan xaadirka ah shaqeyneysey in ka badan toban sano. Jaamacadu waxaa ay leedahay kuliyado kala duwan oo waxbarasho. Waxaa kaloo ay jaamacadu aad u horumarisay qaabka waxbarashada iyadoo la adeegsanaayo aalada Internetka. Qofku meelkasta oo uu joogo waxaa uu isticmaali karaa qaabkaas casriga ah ee waxbarasho. Arday badan oo ka qalinjebisey jaamacada Puntland ayaa maanta ka shaqeeya hayàdaha kala duwan ee gobolada Puntland. Waxaa kaloo jira arday badan oo waxbarasho u aaday wadamo dibada ah si ay u helaan takhasus gaar ah.
 
Kulankii Hormuudka jaamacada Puntland state university iyo madaxda dugsiyada Eskilstuna
 
19-kii bisha november ayaa  madaxa jaamacada Puntland state university  mudane Maxamuud sheekh Xaamud waxaa uu booqasho horay loo sii qorsheeyey ku yimid magaalada Eskilstuna oo aan sidaas uga fogeyn magaalada caasimada ah ee Stockholm. Ujeedada booqashadu waxaa ay ahayd saddex arimood:
 
-La kulanka madaxda jaamacada Malardalen university ee Eskilstuna
-La kulanka qaybo ka mid ah madaxda waxbarashada degmada Eskilstuna
-Lakulanka Jaaliyada Puntland ee ku nool Eskilstuna.
 
Waxaa  mudane Xaamud kulankiisii ugu horeeyey uu la yeeshay maamulaha qabta waxbarashada ku wajahan ardayda ku cusub wadanka Sweden. Qaybtaas oo lagu magacaabo  ( multicultural Unit), ama qaybta dhaqanada kala duwan,waxaa ay howsheeda ugu weyni tahay meeleynta iyo waxbarista caruurta ajnebiga ah ee muddada yar Iswiidhen joogey.  Maamulaha oo lagu magacaabo Lena Hallander ayaa waxaa ay warbixin dheer ku sharaxday qaabka ay ardayda u caawinaan. Waxaa kaloo ay maamuluhu sheegtay muhiimada ay leedahay in ardaygu barto afkiisa hooyo. Cilmi baaris badan ayaa waxaa ay caddaysay xiriirka ka dhexeeya aqoonta uu ardaygu u leeyahay luqadiisa hooyo iyo luqada cusub ee uu baranaayo, ayay tiri Lena Hallander. Wadanka Sweden waxaa uu ka mid yahay wadamada aad xooga u saara in ardayda ajnebiga ah ee ku dhaqan Iswiidhen helaan fursad ay luqadooda hooyo ku bartaan. Mudane Xaamud ayaa isna waxaa uu sharaxay sababta keentay in arday badan oo soomaali ahi aaney aqoon akhrista iyo qoritaanka. Sababta ugu weyn ee arinkaas keenta waxaa weeyaan iyadoo qaybo badan oo Somaaliya ka mid ah  dagaal muddo dheer ka jirey.Taas oo dhalisay in waalidku ay xooga saaraan siddii ay dagaalka uga badbaadi lahaayeen.Waxaa dhacda in reerku marar badan qaxo ama aaney haysanba dhaqaale ay ku bixiyaan waxbarashada caruurta.  Waxaa maamulaha shirka ku weheliyey laba maamule ku xigeen. Waxaa kaloo shirka ka qayb qaatay qaar ka mid ah macalimiinta Soomaaliyeed ee wax ka dhiga magaalada Eskilstuna. 
 
Waxaa la isku raacay in  jaamacada Puntland state university iyo hayàda maamusha waxbarashada caruurta ajaaniibta ah ay yeeshaan xiriir joogto ah. Iyagoo mar walba isweydaarsanaaya waxii warbixin ah ee caawinaad u noqon karta waxbarista ardayda soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan Iswiidhan gaar ahaana magaalada Eskilstuna.
 Maamulaha waxaa ay sheegtay in hay àdoodu diyaar u tahay waxii iskaashi ah ee lagu horumarinaayo waxbarashada ardayda soomaaliyeed.
 
La kulankii madaxda jaamacada Mälardalen
 
Gelinkii dame ee 19-ka bisha november  ayaa Mudane Maxamuud sh.Xaamud la kulmay madax ka socotey jaamacada Mälardalen oo ay hogaamineysey Madaxa waaxda xiriirka dibada ee jaamacada Mälardalen Mrs Gudrun Paulsdottir
 
Madaxa jaamacda ayaa kadib kolkii ay soo dhoweysey waftiga jaamacada Puntland sate university waxaa ay warbixin dheer kaga warantay jaamacada Mälardalen University. Sida ay madaxa waaxda xiriirka caalamigu sheegtay waxaa jaamacada dhigta arday gaareysa ilaa 14 kun oo arday.Waxaa jaamacada ka shaqeeya dad gaaraaya ilaa 900 oo qof. Laba boqol oo qof oo dadkaas ka mid ah waxaa weeyaan shaqaale caadi ah sida kuwa ka shaqeeya xafiisyada iyo kuwa dhinaca farsamada qaabilsan. Inta kalena waa macalimiin iyo cilmibaarayaal kala duwan. Jaamacadu waxaa ay leedahay barnaamijka ugu weyn ee xagga kalkaaliyayaasha caafimaadka kolkii la eego guud ahaan wadanka Iswiidhan. Barnaamijyada kale ee aad u balaaran waxaa ka mid ah, kan macalimiinta iyo mid ku wajahan dhinaca tammarta. Jamaacadu waxaa ay xiriir balaaran la leedahay jaamacado badan oo kuyaal meelo kala duwan oo dunida ka mid ah. Waxaa ka mid ah wadamo badan oo yurub ah iyo kuwa kale sida Jaban, Tayland, Kuuriya iyo shiinaha. Dhinaca Afrika waxaa ay jaamacadu xiriir waxbarasho la leedahay koonfur afrika, Musanbiig iyo Tanzaaniya.
 
Hormuudka jaamacada Puntland waxaa uu ka waramay sida ay u shaqeyso jaamacada Puntland  state university iyo qaybaheeda kala duwan.  Waxaa kaloo mudane Xaamud uu ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee ay jaamacadu soo martay iyo weliba himilooyinka ay higsaneyso.  Waxaa kaloo hormuudka jaamacada Puntland tusaale ka bixiyey meelaha ay labada jaamacdood ka wada shaqeyn karaan.
 
“Waxaanu haysanaa qorax aad u badan iyo weliba dabeyl xad-dhaaf ah oo haddii aanu helo wadashaqeyn caalami ah, aad loo hurumarin karo. Waxaa la abuuri karaa tammar aad u badan oo dabooli karta baahida loo qabo korontada iyo waxyaalaha la xiriira, ayuu yiri mudane xaamud. Meelaha kale ee jaamacada Puntland iyo jaamacada Mälardalen ee Sweden ay ka wada shaqeyn karaan waxaa ka mid ah isdhaafsiga ardayda iyo macalimiinta.
Madaxa xiriirka caalamiga ee jaamacada Mälardalen waxaa ay iyana sheegtay in jaamacadeedu ay aad u xiiseyneyso iney jaamacada Puntland kala shaqeyso qaybaha aan kor kusoo sheegnay. Ugu dameyn waxaa ay madaxa xiriirka caalamiga ee jaamacda Mälardalen ka codsatay mudane xaamud in jaamacada Puntland ay soo gudbiso warbixin iyo qorshaha ku saabsan dhinaca wadashaqeynta labada jaamacadood, taas oo uu mudane xaamud balanqaaday.  Warbixntaas waxaa lagu faafin doonaa  dhamaan kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Mälardalen si ay macalimiinta iyo cilmibaadhayaashu u soo dersaan qaabka ugu wanaagsan ee ay labada jaamacdood ku wada shaqeyn karaan. Waxaa kaloo la isku raacay in labada jaamacdood ay si joogto ah u wada xiriiraan ayna mar walba isdhaafsadaan waxii warbixin ah.
 
Jaaliyadda Puntland ee Eskilstuna iyo la kulankii hormuudka jaamacada Puntland
 
Booqashadii hormuudka jaamacada Puntland ee Magaalada Eskilstuna waxaa lagu soo afjaray  kulan dhexmaray waftiga jaamacada iyo jaaliyada Puntland ee Eskilstuna. Shirkaasi waxaa uu ahaa mid aad loo soo agaasimey. Waxaa uu mudane xaamud jaaliyada uga waramay xaalada guud ee gobolada Puntland. Warbixintaasi waxaa ay u badnayd dhinaca waxbarashada iyo heerarkeeda kala duwan. Waxaa kale oo uu Mudane xaamud xusay kaalinta laga doonaayo dadka reer puntland ee ku nool guud ahaan wadanka Iswiidhan, gaar ahaana magaalada Eskilstuna. Hormuudka jaamacadu waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la taageero jaamacada puntland iyo guud ahaan tacliinta dalka. Waxaa uu ku celceliyey mudane xaamud muhiimada ay tacliintu leedahay iyo horumarka ay wadan gaarsiin karto.

pll1
 
Waxaa kaloo uu  hormuudku sheegay in jaamacada Puntland la balaarinaayo laguna daraayo qaybo kale oo dhismayaal ah.Sidaas darteed loo baahan yahay in jaaliyadaha Puntland ee dibada ku dhaqani taageeraan qorshahaas. Haddii kaalmo iyo taakuleyn dibada ah la helo waxaa yaraanaaya lacagta laga qaado ardayda ayuu yidhi mudane xaamud.

Jaaliyada Puntland ee Eskilstuna oo leh gudi firfircoon waxaa ay balanqaaday in ay ka qayb qaadan doonaan dhaqaalaha lagu horumarinaayo jaamacada Puntland.

Su àalo iyo war-kala qaadasho ka dib waxaa ay waftiga puntland university iyo qaybo ka mid ah jaaliyada Puntland ee Eskilstuna kuwada casheeyeen xarunta jaaliyada Puntland ee Eskilstuna.
 
Waxaa xaflada lagu soo xiray tix gabay oo ay jaaliyada Puntland ugu talo galeen munaasabadan. Tixda oo dheerayd waxaa ay ka hadleysey muhiimada waxbarashada.
Waxaa tixda loogu magac daray: QALINKA TAAGEERA.waxaana ereyadii ka mid ahaa.
 
QAARAAN BILEEDKA QALINKA IYO QORSHAHA DHIIBA

QALBIGANA RAACSHA OO QALINKA TAAGEERA

QOWS_WALBOW SHAQADAADA QABO QAADIRNA ADEECA

QADARTA IYO XUKUNKANA WALEE QAADIR BAA QORAYE

EE QALBIGAAGA GELI INAAD QALINKA TAAGEERTO
 
 
Mahadsanidin
C/risaq Maxamed Xuseen
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sweden: Hormuudka jaamacada Puntland iyo kulankii jaamacada Mälardalen "

  1. Mohamed Ahmed says:

    Aad baan marka hore ugu faraxsanahay in Jaamacada Puntland booqasho ku timaado wadamo horay ugu maray waxbarashada. Sweden waxeey ka mid tahay wadamada aadka ugu hormaray cilmiga technologyga, sidaas darteed waxaan kula talin lahaa in Puntland University ka faa’iideeysato inteey joogaan Sweden ineey xiriir wanaagsan la sameeystaan Jaamacadaha Technology:ga horumarka ka sameeyay. Inkasta oo aanan joogin Sweden, waxaan kula talin lahaa ineeey fursad qaaliya tahay ineey booqdaan jaamacada Chalmers University ee Gothenburg. Waxeey kaalin fiican kaga jirtaa 100:ka jaamacadood ee aduunka ugu horeeya dhinaca technology:ga iyo Engineering:ka, dhaqaale xoog lehna uga soo xaroodo research:ka eey u sameeyaan shirkado caan ka ah aduunka oo eey ka mid yahiin Cisco, Intel, Xlink iyo kuwa kaleba.

  2. Mohamed faarah says:

    salaan ka dib. waa horumar aad u wanaagsan, xiriirka jaamacada puntland state university iyo Jaamacada mlardalen ee Sweden.jaaliyada puntland ee Magaalada Eskilstuna, sweden waa runtii jaaliyad aad u fir-fircoon, mudana in jaaliyadaha kale ku daydaan. Waxaan horay u akhristay booqashadii wasiir ku xigeenka arimaha gudaha puntland mudane xoosh iyo ku xigeenka hormudka jaamcada boosaaso ay ku tageen magaaladaas Eskilstuna, sweden.
    Mahadsanidin