Home » Warar »

Wiil yar oo wadnuhu daloolo oo Caawin ubaahan

Aabe dhalay ilmo wadnuhu daloolo oo dalbanaya gar gaar deg de ah

Maxu’d Axme’d Yuusuf (Jabiye) oo ah aabe dhaliyay ilmo yar oo dhaqaatiirtu cadeeyay in uu daloolo wadnihiisu una baahan yahay in lasoo caawiyo cidii wax uqaban karta wiilkaas yare e xanuunsan .

Ilmahan yar ayaa jira labo sano mana helin wiilkaasi yar caafimaad toos ah waxana uu intabadan ahaa ilmo dhul yaal ah waxaana dhaqaatiirta waawayn ee Puntland haatan ay cadeeyeen in ay ilmahaas yar aan waxba dalka loo qabankarin una baahanyahay gar gaar deg deg ah .

Waxa aabaha dhalay wiilkaas yar kacodsanayaa cidii wax uqaban karta in ay wax uqabato wiilkaas ee dhibaataysan xanuunkana uu kahaleeyay dhanka wadnaha .

Maxamud

Wiilkaas yar ayaa haatan waxa uu kusuganyahay gudaha magaalada Bosaso oo loo keenay dhaqtar waxayna dhaqaatiirta baaray wiilkan uu kamid yahay Dr,Burci ayaa cadeeyay in wiilkaasyar aan dalka wax looga qabankarin .

Aabaha wiilkan dhalay ayaa ka codsanaya Dhamaan Hay’adaha Caalamiga ah kuwa maxaliga ah ,Ganacsatada ,mamaulka Puntland iyo cid walba oo islaam ah in ay wiilkaas yar ay wax uqabtaan oo gar gaar lasoo gaaro .

Dhamaan jaaliyadaha Dibabada ayuu aabaha wiilkan kacodasnayaa in wiilkaas yar ay usoo gurmadaan qofkasta waxa uu awoodo uu udhiibto hor ilaahay .

Cidii rabta in ay wiilkaas lasoo xiriiraan oo gar gaar lasoo gaaraysa waxay lasoo xiriiri karaan Aaabaha Dhalay wiilkaas yar oo lagu magacaabo Maxu’d Axmed Yuusuf (Jabiye) oo telfonkiisu yahay 0025290750600 , ama cinwaanka E-mailkuusu yahay saxar77@hotmail.com ama xasanfaray@hotmail.com aabaha Maxamud

C/qaadir Saciid Cali(Gaanni).
Gaani18@hotmail.com

Bosaaso-somalitalk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.