Home » Warar »

GabdhahaToronto oo kaalmo lacageed gaarsiiyay Naafada ku nool Isbitaal Martiini

Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Toronto ee dalka Canada oo kaalmo lacageed gaarsiiyay Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku nool Isbitaalkii Martiini

Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxay kaalmo lacageed gaarsiiyeen Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku nool Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Halkan kadaawo sawiro kale oo dheeraad ah

Kaalmada Lacageed ee ay gabadhahan iska soo uruuriyeen oo gaareysay 700$ ayaa waxaa Naafada gaarsiiyay Wakiilka Hiiraan Online ee Soomaaliya Salaad Xiis, wuxuuna guddoonsiiyay naafada ku jirta Isbitaalka Martiini oo ah kuwo leh nidaam ay kaalmooyinka ku guddoomaan.

Lacagtan ayaa markeedii hore waxay gabdhaha Soomaaliyeed eek u nool Magaalada Toronto ku soo wargeliyeen Milkilaha Website-ka Hiiraan Online Axmed Gure oo isagana u sii gudbiyay Wakiilka website-ka ee Soomaaliya Salaad Xiis oo isna gaarsiiyay Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Saciido Xaaji Cilmi oo ka mid ah Gabdhaha lacagta soo gaarsiiyay Naafada ayaa waxay HOL u sheegtay in ay ku dhalatay in ay Naafada lacagtaas u soo diraan kaddib markii ay ka damqadeen dhibaatada heysata naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku naafoobay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977-kii.

Haddaba Munaasabaddii Lacagta lagu guddoonsiinayay Naafada waxaa ugu horreyn ka hadlay Wakiilka Hiiraan Online ee Soomaaliya Salaad Xiis, wuxuuna sheegay in lacag gaareysa 700$ ay u wakiisheen gabdho Soomaaliyeed oo Toronto ku nool in uu guddoonsiiyo Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay la soo derseen dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu daran tahay mid ka heysata dhinaca nolosha.

Markii ay lacagta guddoomeen Naafada waxaa hadal kooban ka jeediyay munaasabadda Afhayeenka Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdi Mahad Cali oo u mahadceliyay Gabdhaha lacagta soo gaarsiiyay iyo howlwadeennada Website-ka Hiiraan Online .

“Waan u duceyneynaa gabdhaha Soomaaliyeed ee na soo gaarsiiyay lacagtan, waxaana dareemeynaa in ay garteen dhibaatada nagu heysa halkan”ayuu yiri Cabdi Mahad Cali oo sheegay in ay horay sidan oo kale ay kaalmooyin u soo gaarsiiyeen gabdho Soomaaliyeed oo Mareykanka, Canada iyo Yurub ku nool.

“Waxaan leenahay kaalmada aad na soo gaarsiiseen bedelkeed Alle ha idin siiyo, waxaana ku faraxsan nahay in aan leenahay dad niyadda nagu haya oo ka damqanaya dhibaatada na heysa”ayuu yiri Cabdi Mahad Cali oo intaas ku daray in ay gaarayaan 100 sarkaal oo dhamaantood naafo ah, kuwaasi oo weliba leh Xaas iyo Caruur.

Cabdi Mahad Cali oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in qaarkood ay mar labaad sii naafoobeen kaddib markii Isbitaalka ay degan yihiin ee Martiini ay madaafiic kula dhacday, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dadka dhaawacmay uu isaga ka mid yahay, “markii hore midigta ayaa naafo ka ahaa, haddana sida aad aragto waxaan ka naafoobay lugtii bidix ee ii fiicneyd”ayuu yiri Cabdi Mahad Cali.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku nool Isbitaalka Martiini waxaa laga dareemayaa dhibaato ka heysata dhinaca nolosha, waayo ma lahan itaal ay ku xoogsadaan, waxaana taasi u sii dheer iyadoo ay xaas iyo caruur leeyihii Ragga Naafada ah ee ku nool Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho, waxaana hubaal ah in ay u baahan yihiin in noloshooda lala socdo oo loo soo gurmado.

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " GabdhahaToronto oo kaalmo lacageed gaarsiiyay Naafada ku nool Isbitaal Martiini "

  1. maslax says:

    A.C maxaa ku dhacay wiilasha dhalinyaradaah ururadooda maxay u kaalmeenwaayen walaalahooda dhibaateesan miyaad hilmaamteen walaalihiina