Home » Warar »

Baaq uu soo saaray af-hayeenka beelaha kuul carre

Baaq uu soo saaray af-hayeenka beelaha kuul carre

Bismillaahi raxmnnaani raxiim.

Anigoo ah, af-hayeenka beelaha Kuul Carre mudane Maxamed Jaamac Cawil.

Waxaan ku wargelinayaa dhammaanba beelaha Kuul Carre, ee ku kala hoyda dunida hareereheeda

Inay u dyaargaroobaan sidii ay uga qayb gelilahaayeen shirweynaha, ka dhici doon magaalada Burco
Somaliland 20/1/2010.

shirkaasi oo beelweynta Habar Yoonis ku soo dhoweynayso walaalahooda Kuul Carre.

Waxaan beelaha Kuul Carre ku wergelinayaa inay dhowaanahan soo shaac baxeen, shakhsiyaad
Tira yar oo doonaya inay carqaladeeyaan, ama is hortaagaan shirweynaha ka dhici doona magaalada Burco ee gobolka togdheer Somaliland, ee ay hore ugu heshiiy een, guurtida iyo salaadiinta Beelweynta Habar Yoonis iyo cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Kuul Carre.

Shakhsiyaadkaas oo caadaystay beenabuur, iska horkeen iyo xasard joogto ah, inay kula dhex wareegaan beelweynta Habar Yoonis iyo beelaha Kuul Carre oo isir walaaleeyey.

Isla markaana ku been abuurtay magacyada dad Kuul Carre ah,kuna sheegay qabiilk aanay isir ahaan ka soo jeedin. Iyo weliba dad aan beelaha Kuul Carre u dhalan Sida;

1.khadiija Cabdi
2.Xaliimo Cabdi Axmed.
Dadka lagu been abuurtay magacyadoodana sida qaldan loo isticmaalay, isla markaana la siiyey derejooyin iyo magac dhaqameedyo aanay lahayn raalina ka ahayn, sida, caaqil, Dr., nabad doon
Abwaan, sheikh, prof. iwm, magacyadoodu waa kuwa hoos ku taxan, iyagoo dacwad qaba’;
1, Maxamed Muuse Xayir Afjar
2,Axmed Mustafe Abdi Aw-Ali Siraad
3,Yuusuf Muuse Xayir
4,Dr. Ali Abdisalaan ALazhar
5,Yaassin Jama Adan
6,Bashiir Jama Adan
7.Xuseen Xaashi
8,Dr. Xasan Maxamed Cismaan
9,Ibrahim Xasan Yool
10.Dr. Xasan Ali Maxamed
11,caaqil Daahir Saalax
12,caaqil Maxamed Tarabi.

Haddaba kadib markaan samaynay baadhitaan aad u qotadheer, waxaa noo caddaatay oo aan xaqiiqsanay sida kor ku xusan in dadkaas magacyadooda lagu been abuurtay, isla markaana beelaha
Kuul Carre iyo beelweynta Habar Y oonis fidmo iyo fadqalalo ay kula dhex meeraysanayaan canaasirta u soo tafa xaytay inay dadkan is helay ee isir ahaan walaalaha ah kala dilaan.

Af-hayeenka beelaha Kuul Carre
Mudane Maxamed Jaamac Cawil
Phone 206 778 9512.

Waxaa soo tebiyey
Jama Guled
gulledd@yahoo.ca

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Baaq uu soo saaray af-hayeenka beelaha kuul carre "

  1. Marka hore Salaamad guud ahaan duriyadida Maxaad barre(Sacad,siciid iyo geedi),oo hada la leeyahay waa kuul carre(habaryoonis)waxaan u soo jeedinayaa waano waxaan leeyahay idinku marka hore isku tashada.tafaraauqana iyo is cambareyntana joojiya.taariikhada maxaad bare weli madmadaw ayaa ku jirta.hubsiimo hal baa la siistaa.arintana si saraaxad ah oo aan cunuf ku jirin ha loo waajaho,waxaanse leeyahay dhagax kugu soo noqonaaya lama tuuro.(byyyyyyyyyyyyyyyyyy

  2. ahmed says:

    cajiib, iyo la yaab, mar hadii ninkii kull carre ee la yidhi lagu maqal se laguma arko uu soo baxey, tolow maxaa dhacey, waxey ila tahey habaarkii carre ee uu kuul ku yidhi -lagu maqalse laguma arko ayaa waqtigiisi dhmaadey, oo wa kaa kuul soo if baxey isna cadeeyey abtirsadeyna ,alxamduliah mar hadii nin lumey oo qabiil ah la soo hesley, dadka diidan fekradana waxaan leeyahey habar yoonis kama liidato reeraha kale ee yaguba dad qaadanaya- ee xag danbe lagasoo gelayo
    hawiye oo reer somaliyeed ee kooffurta degaba 20 sano ee ugu danbeeye 10 reer in ku dhow ayey heleen-, reerahaas oo ay ka mid yihii, 1–kamasle hawiye , kakakne hwayie dulcade hawiye iyo qaar kaloo badan , bililiqadii maalka ayaa dhameetey tii reeraha ayaa bilaabantey, markaa waxaan leeyahey ilaahow inta nala bililiqeyn san lhaa aanu noqono kuwa wax biliiliqeysta
    s/c