Home » Warar »

Sucuudiga oo bilaabay dhoofintii xoolaha Soomaaliya oo xayirneed mudo 9 sano ah

Sucuudiga oo bilaabay dhoofintii xoolaha Soomaaliya oo xayirneed mudo 9 sano ah

Dowladda Sucuudiga ayaa dhawaan waxay ku dhawaaqday in ay xayiraaddii ka qaaday dhoofinta xoolihii Soomaliya kaas oo xayirnaa mudo 9 sano ah, waxayna arrintaani ku timid kadib markii codsiyo fara badan ay gaareen Dowladda Sucuudiga oo looga dalbanayo in ay xayiraadda ka qaadaan Xoolaha Soomaaliya, maadaama ay yihiin xoolo caafimaad qaba.

Xayiraad qaadistaan oo ku soo beegantay xili lagu guda jiro gudashada xajka ayaa waxaa dalka Sucuudiga lagu waddaa in loo dhoofiyo xoolo fara badan oo ka imaanaya dacalada adduunka, iyadoo xayiraad qaadistaan markiiba laga dareemay safarka lacagaha qalaad kuwaas oo uu ku yimid hoos u dhac aad u weyn, waxaana dekedda Berbera ku soo xirtay Markab qaadaya 250-kun oo neef oo arri ah, sidoo kale dekedda Boosaaso ayaa isna waxaa taagan Maraakiib iyana qaadaya xoolaha Soomaaliya, sidoo kale dekedaha Muqdisho iyo Kismaayo ayaa iyana laga dhoofin doonaa xoolo fara badan.

Lama oga in Sucuudigu uu sii wadi doono qaadashada xoolaha, kadib marka laga gudbno xilliga xajka, waxayna dadka qaarkiis ku macneeyey xayiraad qaadidaan Sacuudiga oo baahi weyn u qaba xilliga xajka xoolo fara badan.

Dhoofinta xoolahaan ayaa waxaa shaqooyin ka helay dad fara badan, waxaana Magaalooyinka dalka maalin walba ka socda Gawaari fara badan oo daabuleysa xoolahaasi, waxaana dadka Soomaaliyeed galay rajo ah in ay dhaqaaleystaan xoolo fara badan.

Inkastoo Sacuudiga uu haatan qaadanayo Xoolaha sida Ariga ayaa waxaa dad badani qabanaan in marka laga baxo xiliga xajka uu sucuudiga qaadan doono xoolo isugu jira Geel, Ari iyo Lo’, waxaa mudo 9 sano ah oo xayiraadaasi saarneed Soomaaliya dhacday in dhoofka xoolaha ku soo uruuraan hilib ceeriin oo loo dhoofiyo qaar ka mid ah wadamada carabka sida Imaaraadka iyo wadamo kale, waxaana la sheegay in ay sii laba-jibaarbi doonaan diyaaradaha qaada hilibka ceeriin.

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam oo bilaabay in ay ku tartamaan taageerada bulshada

Ururka Xisbul Islaam oo ka bedelaya siyaasaddiisii hore ayaa waxa uu Magaalada Muqdisho uga furay Siminaar 50 Odey Dhaqameed oo ka kala socday beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed, waxaana siminaarkaasi lagu baranayaa casharo la xiriira ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.

Xisbul Islaam oo maalgelinaya Siminaarkaan ayaa waxaa Macallimiin ka aha Culima’udiin Soomaaliyeed, iyadoo inta uu siminaarkaasi socdo halkaas la isku weydaarsan doono arrimo la xiriira Shareecadda Islaamka.

Waa markii ugu horeysay oo siminaar noocaan oo kale ah oo lagu baranayo shareecadda Islaamka laga furo Magaalada Muqdisho, waxaana horey u jiray Siminaaro ay bixin jireen Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha kuwaas oo lagu baranjiray baaqa caalamiga ah ee xaquuqda Aadanaha.

Ururka Xisbul Islaam ayaad moodaa in uu wax ka bedelayo siyaasaddiisii ku aadaneed arrimaha Soomaaliya, waxa uuna dhawaan kullan la yeeshay qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed, waxaana la isku afgartay in kullan ciidda kaddib isugu yimaadaan dhamaan Culima’udiinka Soomaaliyeed, si ay uga arrinsadaan xaalada Soomaaliya, sidoo kale Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa iyana waxay Buundo ka dhistay Degmada Marka, kadib markii wadada soo gasha Marka ay noqotay meel bacaad iyo biyo fariisi ah oo dhibaato kala kulamayaan gawaarida wadadaasi isticmaasha.

Xarakada Shabaabul mujaahidiin waxay sheegeen in ay Hay’adaha Samafalka markii hore u bandhigeen sidii wax looga qaban lahaa wadadaas balse waxay Hay’aduhu sheegeen in lacagta ku baxeysa hawshaasi gaareyso 120-Kun oo Doolar, hase yeeshee iskaashi dhex maray ganacsatada Magaalada Marka iyo Xarakada Alshabaab ayaa dhisay buundadaasi oo ku ay baxday lacag dhan 12-Kun Doolar, waxayna Xarakada Alshabaab sheegeen in mashaariic noocyadaan oo kale ah ka hirgelin doonaan dalka gaar ahaan goobaha ay ka taliyaan, sidoo kale waxay Shabaabul Mujaahidiin dhar iyo alaabo kale ka qaybiyey Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa bilaabay in ay taageere ka raadiyaan Bulshada Soomaaliyeed, waxayna labada dhinac sheegeen in waqtiyada soo socda goobaha ay ka taliyaan ka fulin doonaan mashaariicyo fara badan oo loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.