Home » Warar »

Ururka Xisbul Islaam Oo Siminaar Lagu Baranayo Shareecada islaamka U Qabtay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Siminaar ay soo qaban qaabiyeen ururka xisbul islaam oo loo qabtay odayaasha dhaqanka soomaaliyeed oo ka koobnaa ilaa konton oday dhaqameed ayaa (Nov 16, 2009) ka dhacay magaalada caasimada ah ee muqdisho kaasoo lagu soo bandhigay ku dhaqanka shareecada islaamka .

Siminaarkan oo uu gudoominayey madaxa arimaha bulshada ururka xisbul islaam sh.salmaan sahal Muuse (Abu-cabdalla) ayaa saxaafada u sheegay in siminaarkan lagu baran doono sida shareecada islaamka loo dabakho islamarkaana la doonayo in la baro bulshada gaar ahaan kuwa horjoogayaasha u ah ee odayaasha dhaqanka ku dhaqanka shareecada islaamka iyo weliba waxyaalaha uusan ALLE banayn .

Sidoo kale siminaarkan loo qabtay odayaasha dhaqanka soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo bandhigay casharo ka turjumayey ku dhaqanka shareecada islaamka iyadoo macalimiinta wax ka dhigayeen ay ahaayeen qaar ka tirsan culimo-udiinka ku takhusasay ku dhaqmida shareecada islaamka oo uu kamid yahay sh,jaamac c/salaam

hism

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ee ururka xisbul islaam uu u qabto qaybaha bulshada gaar ahaan Odayaasha dhaqanka soomaaliyeed siminaar ka turjumaya ku dhaqanka shareecada islaamka ,kaasoo si weyn loogu baranayo dabakhida ku dhaqanka shareecada .

Yaasiin Maxamed faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.