Home » Warar »

Nairobi: C/raxmaan Faroole oo la Kulmay Cumar C/rashiid iyo Diplomaasiyiin

Madaxweynaha Puntland oo la kumey Ra’isal Wasaare Cumar Cabdirashid & Diplomaasiyiin

Faafin:

Xafiiska Madaxweynaha Puntland.
Garowe, Somalia

Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah

Kadib markii khilaaf xoogan soo kala dhexgaley Dowladda Puntland iyo DFKMG ah ayaa Madaxweynaha Farole kulamo kala duwan uu la leeyahay Diplomasiyiinta wadamada beesha caalamka ka jooga Nairobi iyo siyaasiyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa la kulmey Xildhibaano ka tirsan Barlamanka DFKMG ah kuwaasoo ka xumaadey diidamada waftiga Madaxweyne Sheekh Shariif hogaaminayey in heshiis laga gaaro sidii mashaariic hurumarineed looga hirgalin lahaa Somalia inteeda nabadda ah gaar ahaan Puntland.

Mud.Farole ayaa Hotelka uu ka dagan yahay Nairobi xaley kula kulmey safiirka Sweden iyo Talyaaniga isaga oo kala hadley sababaha keeney is-fahan la’aanta soo kala dhexgashay dowladda Federaalka iyo Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa u dhiibey safiirka Sweden oo xilgaan haya madax-timinada midowga Yuurb qoraalkii la isku khilaafey.

Dhinaca kale Raisal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid ayaa Hotelka kusoo booqdey Madaxweynaha Puntland isaga oo kala hadley khilaafkii dhowaan soo ifbaxey.

Labada mas’uul ayaa ka hadley sidii xal looga gaari lahaa khilaafkaan iyada Puntland hoos ka xariiqdey iney marna tanasulaad ka bixineyn hurumarka dadkeeda iyo dalka.

sawir2

Farole & Ilkajir oo la kulamya EU

sawir1 
Madaxweyne Farole & Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashid

sawir3

Madaxweyne Farole & Xuno ka tirsan Barlamanka DF

sawir4

safiirka Talyaniga & Sweden

Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegey Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashid in hehsiiskaan ay diidanayeen xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadiisa.

Xafiiska Madaxweynaha Puntland.
Garowe,Somalia

FG. Hoos ka akhri qoraalkii ay dhankeeda ka diyaarisay Puntland, laakiin la isku khilaafay

DAWLADDA FEDERAALKA KU MEELGAARKA EE JAMHUURIYADDA SOMALIA IYO DAWLADDA PUNTLAND EE JAMHUURIYADDA SOMALIA

November 13, 2009-11-13

Nairobi, Kenya

Waxaa manta oo bisha November tahay 12 sanadka 2009, shir tariikhi ah isuguyimad Madaxweynaha Dawlada Federalka ah Mudane Shiekh Sharif Axmed iyo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shiekh Maxamed Shiekh Maxamud, halkaas oo labada Madaxweyne iyo wufuudii ay hogaaminayeen ay ku falanqeeyeen go’aamana ka gaareen qodobo muhim ah oo dan u ah ummadda Soomaaliyeed. Ugu horeyntii waxaa la isla soo qaadaya heshiiskii Gaalkacyo oo horey labada Dawladood ku gaareen Magaalada Gaalkacyo 23 August, 2009 kaas oo la isla qaatay in la xoojiyo lana dardargeliyo qodobadii heshiiskaas.

Waxaa kale oo labada Madaxweyne aad ugu dheeraadeen sidii ummadda Soomaaliyeed dhibta mudada dheer soo jirtay loogu hawlgalo sidii xal waara oo nabadeed looga gaari lahaa. Intaas ka dib waxaa la isla gartay in qodobada soo socda lagu kordhiyo heshiiskii Gaalkacy.

Waxaa la isla qaatay:

1. In si buuxda labada dhinac isaga kaa shadaan una wada shaqeeyaan si loogu helo xal kama danbays ah oo looga baxo dhibaatada daba dheeraatay ee dalka

2. Labada dhinac waxay isla qaateen in si hagar la’aan ah u dardargeliyaan dhismaha maamulo shaqaynkara ee heer Degmo, Gobol iyo Dawlad Goboleed hadba kii suurtogal ah in laga hirgeliyo degaan ksta ee dalka Soomaaliyeed ka mid ah. Taas micnaheedu waa hirgelinta qaabka Federaalka ee Soomaaliya sida ku cad Charter-ka ku meelgaarka ah ee Dawladda Federaalka.

3. Labada dhinac waxay isku afgarteen inay ugu yeeraan wadamada deeq bixeyaasha iyo Hay’adaha caalamiga ah inay si buuxda ula shaqeeyaan una taageeraan Puntland si hagar la’aan ah dhinacyada mashaariicda horumarinta ee ku haboo in laga fuliyo qaybtaas degan ee dalka Soomaaliya, taas oo dan u ah dhamaan ummadda Soomaaliyeed. Waxay Dawladda Federaalka ku meelgaarka ah garwsatay in Puntland xaq u leedahay ayna geli karto heshiisyo khuseeya dhinacyada amniga iyo horumarinta.

4. Labada dhinaca waxay ugu baaqayaan Soomaalida ku nool dalka gudihiisa iyo debeddaba iyo bulshad caalamkuba inay taageeraan barnaamijka nabadaynta ee ay wadajirka u hirgelinayaan Dawladda Federaalka ku meelgaar ka iyo Puntland si loo helo nabad waarta, iyo soo nooleynta Hay’adihii dawliga ahaa ee dalka. Sidoo kale waxay labada dhinac ugu yeerayaan qaybaha Soomaalida ee dagaalamaya inay khilaafyada siyaasadeed ay ku dhameeyaan si nabad ah, islamarkaana waxay Soomaalida iyo beesha caalamka ugu baaqayaan inay taageeraan himilada nabadeed ee maxaliga ah si loo soo afjaro silica haysta ummadda Soomaaliyeed.

5. Labada dhinac Waxay go’aansaday inay badiyaan xiriirka wadashaqaynta iyo wadatashiga iyadoo lagu shaqaynayo hadba meeshii suurtagal ah oo ay kajirto jawi xasiloon oo

Gabagebadii waxay labada dhinac hoosta ka xariiqeen inay ku dadaalaan siday u soo celin lahaayeen midnimada dalka iyo daka Soomaaliyeed iyadoo la qancinayo ciddii tirsanaysa dhibaato dheeraad ah mid hore iyo mid dambeba.

Waxay madaxda Soomaaliyeed mahad u celinayaan dhamaan dawladaha, Urur goboleedyada iyo ururada caalamiga ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay. ama ay xiriir gaar ah la leedahay.

Saxiixayaasha waxey ahaan lahaayeen:

Mudane Shiekh Sharif Shiekh Axmed
Madxweynaha DFKM, Soomaaliya

Dr. Cabdiraxmaan Shiekh Maxamed
Maxamud (Farole)
Madaxweynaha dawladda Puntland

Faafin: Xafiiska mataxtooyada PL

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Nairobi: C/raxmaan Faroole oo la Kulmay Cumar C/rashiid iyo Diplomaasiyiin "

  1. Farah says:

    Marka ugu horeysa waxaan salaamayaa dhammaan ummada soomaaliyeed,marka labaad dhulka puntland waa meel nabadi ka jirto waana ku ammaanan yihiin cid kasta oo nabadaas ka qayb qaadatay, sidaas oo kale waa inay ogaadaanin ay yihiin gobol ka mid ah gobolada soomaaliya oo Ilaahay la garab galay nabada waxaana inta kale u rejaynayaa inuu nabad ku soo wada dabaalo.
    Dawlada soomaaliya waa tan keliya ee haddadunidu aqoonsantahay iyadaana ka masuul ah wadanka ,dadka, iyo dalka

  2. Sharma'arke says:

    Ilaah baa Mahad dhamaanteed iska leh.

    Madaxweyne Shariif ha xumaado ama ha wacnaadee maanta isaga ayaa Tabeellihii somalia wata, balse waxan la yaabanahay sida uu uga faa’iideysanayo iyo qaabkuu wax ku wado, Cajiib, bal ila eega,wuxu ogolaaday oo si ka fiirsasho la’aan ah u saxiixay heshiiskii ay soo qoratay Kenya kuna saabsanaa Xadka badda somalia, wuxu Qalinka ku duugay Qoraalkii uu watay Would Abdalla ee ahaa in somalia ay soo weerari karaan caalamku hadii khatarteeda laga baqo, Balse waxa ku cuslaatay inuu Saxiixo Mashruuc horu-marineed oo waddanka laga hirgeliyo !!.
    Sababtuna waa Gobolada laga hirgelinayo anigu kamasoo jeedo, isku haybna maba nihin, Bal aan eegno tallaabada xigta ee madaxweynaheena.

  3. Maxamed says:

    Faroole Puntland horumarkeeda kama hadlaayee calooshiisuu ka hadlaayaa…wuu ogyahay fursad tanoo kale inay soo marayn waligii wuxuuna rabaa inuu ka faaiideysto inta yar uu joogo…caqli Burcad badeedka waa inuu kasoo tagaa…Shariifna maanta lafdhabar buu yeeshaye…

  4. Osman says:

    Asc. waan salamay maamulka Webka. Runtii waa arrin fiican, oo ay puntland ku tallabsatay, ku dayashana mudan, somalia inta nabadda ah, inay horumarkooda ka shaqayso, waa lagama maarmaan, waana in la helaa, meel fayoow oo la hadhsan karo, Somaliland na iyana waa inay, ka faa’iidaysato, inta la helayo, dawlad sax ah.
    Mahadsanidin.

  5. Mustaf says:

    ugu horen waxaan salaamayaa bahda boga mida labaab waxaan aad ula yaabanahay sida ay puntland ufukirtay waa arin aan dhihi karo dadka kale ha ufikiraan punland waayo inaad wax gobolkaaga kasoobaxo aad kaligaa lahaatid kan dadkakalena aad layeelatid waa arin kudayasho mudan sidaas baana soomaliyey noo wada balan ah koox waliba iyo inay sad bursi kudadaasho

  6. Xassan says:

    Ujeedada aay Puntland wado waa kala tafaraaruq cad ee Dalkii somaliya lakala qeybsanayo, waxaana soo ifbaxaya Madaxweynayaal cusub oo heshiisyo is-afgarad ah oo qabiil kastaba kheyraadkii goonidiisa ula soo baxayo sida:-Mudug-land, Gedo-land, Benadirland, Shabaab-land, Aweys-land iyo wax lawada mid ah.
    Keenya ayaa bad loo saxiixay tan baaba kadaran. ALLOW NAFAKSO OO JIILKAN HABOWGA AH NAGA QABO.