Home » Warar »

Max’ed Dheere “Inta hadda joogto waxaa lagu ilaaliyaa kaare, sidaas darteed nama wada gaaro kaaruhu”

Max’ed Dheere “Inta hadda joogto waxaa lagu ilaaliyaa kaare, sidaas darteed nama wada gaaro kaaruhu”

Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo mudooyinkaan warkiisa laga waayay warbaahinta ayaa mar kale codkiisa la maqlay, waxaana wax laga weydiiyey sida uu u arko joogitaanka ciidamada AMISOM, waxa uuna sheegay Max’ed Dheere in aysan waxba soo kordhineyn marka la eego dhinacyada nabadgelyada, waxa uuna sheegay in ciidamadaasi ay haatan ku sugan yihiin goobo cayiman oo aysan soo dhaafin.

Max’ed Dheere waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM waqtigaan xaadirka ah aysan waxba ku soo kordhin doonin arrimaha nabadgelyada Soomaaliya , isagoo sheegay in Shacabka Soomaaliyeed yihiin kuwa nabadda keeni kara, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo qaybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Max’ed Dheere mar wax laga weydiiyey in uu dib ugu soo laabanayo arrimaha Siyaasadda, waxa uu yiri “Waan doonayaa in aan mar kale dib ugu soo laabto siyaasadda, mana ihi geed Garas ah ee baxay ee waa in aan meel ka sii sareysa gobolka Banaadir ku sii talaabsadaa”, sidoo kale waxaa wax laga weydiiyey in uu dib ugu soo laabanayo Magaalada Muqdisho, waxa uuna ku jawaabay “Hadda ma doonayo in aan dib ugu laabto Muqdisho, waxaan ku sugannahay Magaalada Nairobi oo aan u joogo hawlo ii gaar ah, hase yeeshee kuwa Dowladda ee hadda ku sugan Muqdisho waxay ku joogaan Kaare sidaasi darteed nama wada gaaro Kaaruhu”.
Ugu dambeyntii waxa uu Max’ed Dheere si aad ah u taageeray maamulka cusub ee dhawaan loo magacaabay Gobolka Banaadir, waxa uuna u soo jeediyey shacabka in ay la shaqeeyaan maamulka cusub, sidoo kale waxa uu maamulka cusub u soo jeediyey in ay arrimahooda ka bilaabaan in ay la tashiyo la sameeyaan shacabka ku nool gobolka Banaadir taas oo ay ku gaari karaan in ay nabad ku soo dabaalaan gobolka Banaadir.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Hayadda OSPAD oo qabatey Siminaar ku saabsan wacyigelinta cudurka AIDS-ka

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah

Waxaa deegaanka Buula-Xuubey ee Magaalada Muqisho lagu soo gebagabeeyey Siminaar ku saabsan wacyigelinta cudurka AIDS-ka waxaana siminaarkaasi isku soo dubariday Hay’adda OSPAD oo gacan ka heleysa Hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dhinaca Carruurta, waxaana siminaarkaasi loo qabtay 40 xubnood oo ka kala socda y xirfadlayaasha Caafimaadka, Haweenka ka shaqeeyaan qurxinta timaha iyo dad iyaguna ku shaqeysta dhinaca timo-jaranimada.

Siminaarkaan ayaa lagu bartay qaabkii uu ku bilowday cudurka AIDS-ka, heerarkii uu soo maray, waxyaabaha keena cudurkaasi, sida looga hortagi karo iyo sida loola dhaqmo dadka qaba cudurkaasi, waxaana mudadii saddexda maalmood ahayd ee uu socday siminaarkaasi cashiro ka bixinayey Luul Culusow iyo Abuukar Max’ed Sheekh waxayna si aad ah ugu dheeraadeen Cudurkaasi AIDS-ka, iyagoo ka qaybgalayaashuna ay dhiibanayeen fikrado ku aadan cudurkaasi.

muqd

Siminaarkaan waxaa soo gunanaaday C/llaahi Xaashi oo ah sarkaal sare oo ka socday hay’adda SCAC, waxa uuna u mahadceliyey intii isku soo dubariday siminaarkaasi iyo macallimintii wax ka dhigeysay siminaarkaasi intii uu socday, isagoo u soo jeediyey dadkii ka qaybglaay siminaarkaan in ay uga faa’iideeyaan dadkii aan fursad u helin in ay ka qaybgalaan siminaarkaasi si loo helo bulsho si wadajir ah uga qaybqaata ka hortaga cudurkaasi, oo uu sheegay in uu yahay cudur aan daawo laheyn balse leh ka hortag.

Hay’adda OSPAD ayaa ah hay’ad inta badan u taagan sidii ay Bulshada uga wacyigelin lahayd Cudurka AIDS-ka waxayna qabatay siminaaro fara badan oo ay u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Max’ed Dheere “Inta hadda joogto waxaa lagu ilaaliyaa kaare, sidaas darteed nama wada gaaro kaaruhu” "

  1. Maxamed Soomaali says:

    Maxamed Dheere weli rajo miyuu ka leeyahay siyaasada Soomaaliya. waaya arag maba noqono hadaan Soomaali nahay bal maxuu soo kordhin karaa haddii la siiyo kaaro lagu waardiyeeyo. Maxuuse uga soo cararay Muqdisho haddii uu nin geesi ah yahay maa al shabab la dagaalo “habar fadhida lagdan la fudud” Maxamed Dheere qurbo joogta ayaa u iibinaysa kaare lagu waardiyeeyo hadduu wadanka ka saarayo alshabab kkkk.