Home » Announcements »

Taariikh Nololeedkii COl. Maxamed Xaali Cali Shirwac

Maxamed Xaji Cali Wuxuu dhashay Sanadku Markuu ahaa 1940
Wuxuuna ku dhashay maxamed Xaaji Cali Degmada Durduri ee Gobolka Sanaag, Maxamed Xaaji Cali Wuxuu dugsi quraanka ka dhigtay Degmada Durduri ee Gobolka Sanaag wuxuuna ka tagay Markii uu dhameeyay quraanka isagoo Tobon jira Kadib wuxuu u hayaamay Magaaladda Cadan oo ay reer Aabihii daganaayeen islamarkana Somalida ku badnayd Waagaas Wuxuuna Cadan ka dagana Xaafada la yiraahdo”macaala” .
Maxamed Xaaji Cali Wuxuu Dugsiga Hoose dhexe iyo Sarreba kusoo qaatay Magaaladda Cadan, Maxamed Xaaji Cali wuxuu markii uu hana qaaday ku biiray ciidankaBooliska ee Magaaladda cadan Wuxuuna Booliska Cadan ka gaadhay Darajada Xidigle.

Coll Maxamed Xaaji Cali Wuxuu Kaga Soo baxay Magaaladda Cadan Macad lagu barto Luuqadaha Carabiga iyo Ingriiska .

Coll Maxamed Xaaji Cali Wuxuu 1950-gii kamid ahaa Dhalinyaradii SYL Xidhiidhka Dibada u qaabilsanaa gaar ahaan magaaladda Cadan.

Maxamed Xaaji Cali Wuxuu Soomaaliya dib ugu soo noqday Sanadku Markuu ahaa 1964 isagoo Xidigle ah Wuxuuna Kamid noqday Ciidanka Booliska Qaranka Soomaaliyeed, Sadex Sano kadib oo ku beegnayd 1967 Wuxuu Maxamed Xaaji Cali Tababar dhinaca Booliska ah u tagay Wadanka maraykanka Wuxuuna ku maqnaa Tababarkaas Labo Sano 1969 ayuu dalka dib ugu soo noqday Wuxuu Maxamed Xaaji Cali halkaas ka sii amba qaaday Hawlihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Wuxuuna Taliye qeyb ka noqday Magaalooyinkan kala ah Hargeysa, Boosaaso, Buulabardde, Jowhar iyo Afgooye, Markale Wuxuu noqday Maxamed Xaaji Cali Taliyaha C.D-da Gobolada aan kor kusoo sheegnay qaar kamida.

Bartamihii Sanadkii 1970-gii waa la dalacsiiyay Maxamed Xaaji Cali Wuxuuna noqday Gaashaanle Sarre Wuxuuna Kamid Noqday Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeyb galay Dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Ehtiopia dhex-maray Maxamed Xaaji Cali Wuu kusoo dhaawacmay dagaalkaas Waxaana laga dhigay Full Conreyl.

Coll Maxamed Xaaji Cali Kadib dagaalkii 77 ee uu kusoo dhaawacmay wuxuu qaatay ruqsad dhinaca Ciidamda Wuxuuna u diga rogtay Markii uu ka kacay dhaawicii soo gaadhay Baayacmushtar wuxuuna noqday Ganacsade weyn oo u kala goosha Soomaaliya iyo Wadamada Dibada.

Maxamed Xaaji Cali iyo Nin kale oo la odhan jiray Cumar Waxay ahaayeen Labadii qof ee ee Soomaaliyeed ee ugu horeeyay Iskaashiga Ganacsiga Muuska ee Soomaaliya la yeelato Dalalka Siiriya iyo Lubnaan, oo bilabmay badhtamihii Sagaashmiyadii.

Coll Maxamed Xaaji Cali Shirwac (Aflul) Wuxuu Wakhtiyadii dambe oo dhan ahaa Ganacsade ilaa ay ka dhacday Dowladii maxamed Siyaad Barre Ilaahay Isna ha u naxariistee. Coll. Maxamed Xaaji Cali Shirwac (Aflul) Markii ay dhacday Dowladii 1991-gii Wuxuu galay Wadanka Siiriya Wuxuuna ka noqday Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Wakhtigaas dhowr Sano kadbib Wuxuu uga Boqoolay Siiriya Wadanka Holland oo uu Magan galyo Siyaasadeed ka helay.

Tanyo intii ka dambeysaay Bururkii Soomaaliya Wuxuu Coll Maxamed Xaaji Cali Shirwac (Aflul) Ku noolaa Wadanka Holland Wuxuu Soomaaliya gaar ahaan Puntland dib ugu soo noqday Sanadku markuu ahaa 2005.

2006 ayaa Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse u magaacabay Coll Maxamed Xaaji Cali Gudoomiye Ku Xigeenka gudiga Khilaafaadka Xalinta ee Puntland oo ka koobnayd 7 Xubnood

Coll Maxamed Xaaji Cali Alle ha u naxariistee Wuxuu Markii dambe noqday Lataliyaha UN-ka dhinaca Amniga oo uu ilaa hada ahaa.

Maamulka Cusub ee Madaxweyne Faroole ayaa Waxaa loo Magaacabay Coll Maxamed Xaaji cali Gudoomiyaha Gudiga Tirikoobka Ciidamada Puntland Wuxuuna ahaa Mudo Kooban.

Kadib Madaxweyne Faroole wuxuu u magacaabay Coll Maxamed Xaaji Cali Gudoomiyaha Civil Sociatiga Puntlad islamarkaana wuxuu ku jiray Gudiga habaynta Amniga Puntland oo uu ahaa ilaa hada inta uusan ka geeriyoon

Coll maxamed Xaaji Cali Wuxuu ku jiray Gudigii ukala dabqaadayay Dowlada KMG iyo IRS Maxaakiimta Islaamiga Shirkoodi Jabuuti uga socday ee Markii dambe lagu dhisay Dowlada Wadaaga Wuxuuna ka socday dhinaca Puntland.

Coll Maxamed Xaaji Cali Wuxuu ahaa Nin Afmiishaara waxaadna ka dhan dhansan kartaa inuu Afmiishaar ahaa Naanaystiisa oo ahayd Aflul, wuxuu ahaa Nin Taariikhda Somalida aad u yaqaanay Axmed Guray ilaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Taariikhii kale ee ay lahayd Somaliya, Wuxuu Sidoo kale hayay Gabayada ama Suugaanta Somalida iyo Qabaa’ilada Somaliya Wuxuuna ku hadli jiray Dhowr Luulqadood.

Qalinlayda Somalida iinteeda badan ayaa kala tashan jirtay Markii ay damcaan inay buug qoraan Coll Maxamed Xaaji Cali.

Coll Maxamed Xaaji Cali Waxaa lagu yaqaanay dhaqan furfurni, iyadoo arinkaas laga arki jiray qaab dhaqankiisa uu la wadaagay dadka ay isyaqaanaan, yar iyo weynba.

Coll Maxamed Xaaji Cali Wuxuu ifka kaga tagay Labo Xaas iyo Sadex iy
Tobon Caruura waxa yana intaas siid dheer duriyada kasii farcantay

Maxamed Xaaji Cali Wuxuu geeriyooday Taarikhdu Markii ay ahady 9/11/09 Wuxuuna ku geeriyooday Magaaladda Amsterdam ee Wadanka Holland.

Taariikhdan Waxaa soo diyaariyay oo isku soo duba riday Wariye Liibaan C.rashiid Siciid oo Jooga Magaaladda Nairobi ee Wadanka Kenya,
Waxaana ka qeyb qaatay Coll Cumar Xaaji Cali oo ay Walaalo ahaayeen marxuumka Coll. Maxamed Xaaji Cal oo hada jooga Holland iyo General C.raxmaan M. Cali Bayr oo isna jooga Magaaladda Nairobi ee Wadanka Kenya Waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay Taariikhda Coll Maxamed Xaaji Cali General C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowlada Hoose ee Puntland oo isna hada ku sugan Magaaladda Nairobi Waxaan isna qeyb Libaax ku leh Taariikhda Coll Maxamed Xaaji Cali Khaalid Xasan Yuusuf oo jooga Wadanka Maraykanka gaar ahaan Magaaladda Minnesota.

Liibaan Abdirashiid
Liibaan5711@hotmail.com
Tafatiraha Guud Ee Laasqoray.Net
Nairobi_kenya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.