Home » Announcements »

London: Xubnaha Guddiga Dhaqanka-Siyaasadaa Beesha Saruur

Kulan labaad ee Beesha Saruur

Kulan mudo u socday beesha saruur ee UK, toddobaadyadii la soo dhaafay laguna qabtay Edmonton London waxaa ka soo baxay arimahan:

Beesha waxay u xilsaartay guddi ka kooban 8 xubnood oo wakiil uga noqonaya la kulanka xubnaha guddiyada beelaha, laguna soo bandhigayo habka ugu haboon oo ay Beesha H/G wax ula qaybsaneyso walaalaha kale oo ay ood wadaaga yihiin, oo danna u ah dalka iyo deegaanada gobolada dhexe.Taas oo ugu dambeynta ujeedadeedu tahay sidii loo gaarsiin lahaa deegaanadaas nabad ku wada noolaasho.

Sidaa si la eg, waxaa la rajeynayaa in kulamo caynkaas oo kale ah ay ka dhacaan: Toronto, Dubai, Jeddah, Nairobi, Helsinki, Minnesota iyo meelaha kale oo ay H/G deggan tahay ee dibedda dalka.

– Ka dibna kulan guud lagu qabto dalka gudihiisa, ayna ku haboon tahay in ay Beeshu ku soo dhoweyso walaalahood degmada Xarardheere.

Guddigu wuxuu xiriir joogto ah la sameeyn doona Guddiyada Saruur ee dalalka dibedda ku nool iyo kuwa guddaha dalka ka jira

saruur

Xubnaha Guddiga Dhaqanka-Siyaasadaa Beesha Saruur ee UK waxay kala yihiin:

Danjire Maxamed Axmed Caalim – Guddoomiye
G/Sare Axmed Jumcaale Geedi – Gudd.Ku-Xigeen
Dr. Maxamed Aden Barre – Xoghayen
Mud. Sheikh Cabdullahi Cilmi Abdtidon – Xubin
“ Aaden Xaaji Moxamud Jaabiri – “
“ Cabdikarim Xasan Beered (Jacfar) – “
“ Cabdiraxman Maxamed Saciid – “
Xildh.Cabdi Abshir Dhoore – Xubin – Coordinator

Mahadsanid, wada shaqeey wacan

Waxaa soo tebiyey
adam haji
adamjabiri@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " London: Xubnaha Guddiga Dhaqanka-Siyaasadaa Beesha Saruur "

  1. cadceed says:

    WALALAYAAL AAD IYO AAD AYAAD U MAHADSANTIHIIN WALAYAAL HALA BADIYO XARIIRKA IYO ISKU DUBNAANTA BESHA IYO LAXRIIRKA HABARGIDIR LANA QEBSADA WALALIHIIN WAXAA LAMODA IN AAD KA KODEEN BESHA HABARGIDIR MARKA AAD TIHIIN SARUUR WAYO MARKII LESKU IMADO MELAHA LAGU KHEBSANAYO XILALKA XAQIIQDI KAMADIRSANIDIIN LAKIIN MARKII DHIB AMA LADHOHO DHIIG XAKA HABAR GIDIR WAXAAD KUJIRDIIN KAALINTA GOBAAD MACQUULSE MATAHAY IN XILAL IYO DHEF MARKAY NOQOTO IN LIIN DAFIRO MARKA WALALAHA BESHA SARUUR WAXAAN LEYAHAY NOQDA QASATAN XUBNAHA CUSUB E UK NOQDA WALALAYAAL 8 NIN E SOODHICI LEHEED XUBNIHII BESHA SARUUR UNA SHAQEYA SIXOOWLI AH INSHA ALAAAH
    RABI HA IDINKU KULEYO SHIRKA INSHA ALAH AAD KU QABANTONDAAN DALKA SOMALIYA INSHA ALAAAAH RABINA HAKADHIGO KII LAGU MIDOOBI LAHAA WALALAYAAL
    AAAAAAD IYO AAD AYAAD UMAHADSANTIHIIN
    WABILAHI TOWFIIQ WASALAMU CALEKUM WARAXMATULAAAAAAAH

  2. leyla says:

    walaalayaal aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay sida qaymaha badan eed waqtigiina ugu hurteen danaha bulshadiina illaahay haydin guuleeyo hana idinla garab galo waa wax waa hore laga gaabiyay ma malaynkartid shucuurtayda.

    keep up the good job [jacfar]

  3. Abdishakur says:

    aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in Beesha Saruur ee Habargidir ay xoojiyaan midnimada dhexdooda iyo in ay isu taagaan sida ay beelwaynta habargidir guud ahaan isugu keeni lahaayeen siyaasad qura.

    Allaha idinla qarab galo dadaal kiina ayaan leeyahay walaalaha sharafta leh ee Saruur.