Home » Faallo »

Sababta uu Qadaafi u difaacay burcad badeedka Soomaaliya waa… | Qore Wardheere

Sababta uu Qadaafi u difaacay burcad badeedka Soomaaliya waa…

Mucamar al Qadaafi baddiisa ayaa laga xoogay ama lagu xadgudbay 1986kii waxaana uu aaminsan yahay in haddii badda Soomaaliya la dhaafo tiisana la dhaafi doono. Haddii sharciga caalamiga ee badaha la ilaaliyo tiisana la dhaafi doonobaddiisa ilaa 200 oo Nautical Mile.

Qaddaafi weli waxaa uu ku jiraa dagaalkii xoreynta baddiisa qudbaddanna waxay u ahayd aar gudasho iyo ciil bax iyo fursad fiican. Qadaafi oo ka faaiideysanaya jagada uu hadda hayo ee gudoomiyaha ururka midowga Afrika iyo riwaayadda mashruuca burcad badeedka Soomaaliya (Somali Pirates) ayuu masraxii UNta xaday waxaase ka sii yaab badnayd in uusan marnaba xusin gacanka Sitra ama badda Libya ee laga xoogay ama lagu xadgudbay 1986kii mudadii 15ka daqiiqo ahayd ee uu ka hadlayey arrintaas, waxaa uu xusay inuu la kulmay maamulka sare ee burcad badeedka Soomaaliya oo uu fariina ka wado – waaba ayagoo leh maamul midaysan cajiib!!!

Qadaafi Soomaali kama naxo walaaltinimana ma yaqaan ee dantiisa iyo difaaca baddiisa ayaa la gashay. Hore ayuu abwaan Soomaaliyeed u yiri “Baadida ninbaa kula day dayi daalna kaa badane oo aan doonahayn in aad heshaa daa’in abidkaaye”. Qadaafi oo lagu ogyahay inuu dagaalkii 1977/1978 Soomaaliya iyo Ethiopia naga hiiliyey oo uu Ethiopia naga raacay weli ma bixinnin cudur daar iyo raali gelin marka dhibtiisa hanaga dhaafo intaasi waa dulucda qoraalka bal aan u gudbo faahfaahinta hadda.

Qudabaddii uu Qadaafi ka jeediyey Golaha Qaramada Midoobay ee New York sanadkan 2009 waxaa uu dunida gaarsiiyey cabashadeenii ahayd in badeena si sharci darro ah looga kaluumaysto iyo in badeena lagu shubo sun halis ah. Sidoo kale waxaa laga shanqariyey haddiiba ay jirto in uu rabo inuu heshiisiiyo Soomaalida. Hadda yaanan cadaaladda ka tegin odaygana ku xad gudbine bal aan u qiro inuu hadda wanaagsan sameeyey Dadka Soomaaliyeed oo muddo dhibaataysnaa oo aan arag saaxiib fiican oo u soo gurmada oo daacad ah inta aanay qaarkood ku farxin Qadaafi bal aan waxoogaa ka sheego.

Qadaafi waa kuma?

Keligii taliya Qadaafi waa madaxweynaha Liibya laga soo bilaabo 1969 ilaa hadda asagoo wiilkiisa u diyaarinaya inuu bedelo. Qadaafi hadda waa gudoomiyaha ururka midowga Afrika. Qadaafi waa nin isbed bedela oo aan lahayn deganaansho siyaasdeed oo sal adag ku fadhida oo jecel inuu marsaxyada xado. Waa nin maalin carab ah maalinna caaya, waa nin maalin Maser rabay inuu la midoobo ka dibna ka booday, waa nin damcay inuu hub culus samaysto ka dibna ka noqday, waa nin maalin diinta islaamka jecel maalin kalena faaniya kitaabkiisa cagaaran oo culimada islaamka cambaareeya, Qadaafi waxaa lagu yaqaan inuu taageero qolooyin uusan shaqo ku lahayn iyo warlords iyo jabhado baas si fudud ka dibna lagu soo jebiyo.

qadaafi

Maanta waxaa uu ku mashquulsan yahay inuu yahay oday dhaqameed Afrikaan ah ama jecel in uu noqdo madaxa hogaamiye dhaqameedyada Afrika. Intaan waxaaba la dhihi karaa waayaha iyo duruufaha ayaa la galay laakiin su’aashu waa, maxaa ku kalifay inuu Ethiopia raaco 1977 oo ka hiiliyo Soomaaliya?

Qadaafi : Saaxiibkii iyo walaalkii la jeclaa ee sida lama filaanka ah cadowga ula soo saftay.

Waxay ahayd horaantii todobaatameeyadii markii uu ka soo degay Muqdisho ayadoo xilligaas Soomaaliya ay ku cusbayd ururka jaamacadda carabta waxaa Qadaafi Xamar iyo Afgooye loogu soo dhoweeyey si heer qaran ah iyo walaaltinimo iyo islaanimo lagu dheehay iyo carabnimo. Waxaa lagu ballamay oo lagu heshiiyay in dhulka Soomaaliya ee hodanka ah si wadajir ah looga wada faaiideysto iyo mashruucii la magac baxay LIBSOMA. Ilayn Qadaafi nin siyaasad degan leh maahan ama kala yaqaan walaal iyo cadow waa asagii dagaalkii 1977 hiil iyo hooba la garab istaahay Ethiopia aadna uga shaqeeyey sidii loo jebin lahaa xoogga dalkii Soomaaliyeed. Haddii aad ka naxayso curyaamiinta xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta haraadigoodi ay weli ku jiraan Isbitaalka Martini ogow Qadaafi lugbuu ku lahaa dhibka soo gaaray. Waxaan Aaminsanahay markii ay Soomaaliya hesho dawlad adag in lala xisaabtami doono Qadaafi – Soomaalida nin ganay iyo nin galaday kala og!.

Dadka damca inay difaacaan ficilkii Qadaafi ee 1977 waxay yiraahdaan oday durufbaa ku kaliftay oo waagaas dagaalkii qaboobaa ayaa socday oo amar kama diidi Karin madaxdiisii Soviet Union ee deganayd Moskow ayagaana amarkaas siiyey ama siyaasaddu waa ay ka weyntahay walaatnimo, islaanimo iyo carabnimo. Qadaafi maba oga in adduunku yahay maalintiina oday oday iyo xeer caalami habeenkiina habar habar iyo hawlo kale, saw siyaasaddaas ma gayn Europe iyo NATO Afganstaan!. Waxaan aaminsanahay inuu Qadaafi ikhyaar lahaa oo uu xataa dhex dhexaad ka noqon karay dagaalkii Soomaaliya iyo Ethopia. Arrimahaas oo dhan mar marsiiyo ma u noqonayaan Qadaafi waxaanan filayaa dawlada adag marka ay Soomaaliya ka dhalato haddiiba uu sii noolaado in lala xisaabtami doono haddii uu Alle ogolaado..

Sidee gacanka Sitra (Sidra) ama badda liibya loogu xadgudbay 1986?

Sharciga badaha caalamiga ayaa dhigaya in dalwalba looga danbeeyo khayraadka baddeeda sida kaluumaysiga ama shidaal qodista ilaa 200 Nautical Mile ama fasax laga qaato dalka is kaleh. Qadaafi waxaa uu bilowgii 80aadkii iclaamiyey in baddiisa ilaa 200 Nautical Mile ay tahay gacankii geerida oo aan xattaa la soo mari Karin fasax la’aan qofkii isku dayona uu tallaabo ka qaadi doono. Madaxweynahii maraykanka ee waagaas oo la oran jirey Ronald Reagan ayaa arrintaas uga faa’iideystay duulaan ujeedo badan ahaa oo lala damacsanaa Qadaafi. Reagan waxaa uu iclaamiyey inuu dhoola tus military ku samayn doono gacanka Sitra ee badda liibiya asagoo yiri waxaan Liibiya u aqoonsanahay 12 Nautical Mile oo keliya. Dagaal yar oo xagga circa ka dib Reagan waxaa uu sheekada ku soo daray in Qadaafi ka danbeeyey dad lagu dilay qaraxyo ka dhacay Yurub.

1986 Qadaafi waxaa la rabay in weerar cireed lagu dilo laakiin ma suurtoobin waxaaa weerarkii Reagan ku dhintay 40 qof oo ay ku jirto gabar yar oo uu Qadaafi korsanayey oo la oran jirey Hana waxaana ku dhaawacmay labo wiil oo uu dhalay. Qadaafi waa loo xoog sheegtay waxaana lagu soo koobay 12 Nautical Mile. Saaxiibkii uu isku halaynayay ee Soviet Union ayaa garabkiisa ka baxay oo aan u soo hiilin. Qadaafi intaas loogama harin ee waxaa la weydiistay inuu bixiyo labo magdhaw oo ku saabsan rakaabkii labo diraaradood oo la soo riday sida la sheegay. Waxaana uu ballan qaaday inuu bixinayo lacag ku dhow 3 billion oo dollar.

Qadaafi inuu yiraahdo badda Soomaaliya ha la dhaafo waxaa ku hoos qarsoonaa taydana dhaafa bil ixsaanag laakiin Suaashu waxat tahay manta Qadafi ma yaqaanaa kii soo xiga Soomaaliya iyo Soviet Union ama Ethiopia. Jawaabtu waa maya ama too late!

wardheere
Maxmuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Sababta uu Qadaafi u difaacay burcad badeedka Soomaaliya waa… | Qore Wardheere "

  1. khadar says:

    walaalayaal muhiimada qoraalku waa inaan ogaano taariikh hore udhacday kana tusaale qaadano si’aan isaga saxno qaladaadkeena iska dhaafa hadalada qalafsan waa ta’aan meel kugaadhi laanahay ilaa hada hadii aan soomaali nahay isku fiirsigu let us learn our history just not to repeat our past mistakes aad ayuu umahadsan yahay walaalkaas sida fiican noogu faahfaahiyay Qadaafi waxa uu ahaa dhalintana waxan kuguubaabin lahaa inay kafaa’iidaystaan walaalahooda cilmiga iyo waaya aragnimada kudhaama

  2. ahmed Gedi says:

    war hee dheh, kan yaree la yiraahdo Cabdirisaaq Cali Xuseen wax ma aqriyo miyaa? xaggee buu ka keenay in Wardheere Maraykan qareen u noqday, warkiisa waxba kama jiraan. bal marlabaad aqri oo noo sheeg meesha uu wardheere ku noqday qareen maraykan ah. Cabdiqaadir maraykan asagaa lacag iyo qareeno badanba haysta oo cidna kaagama baahna. haddii aadan aqoon u lahayn Wardheere waa la yaqaan waa nin mudo dheer Soomaalida qareen u ahaa oo wadaninimadiisa waa la wada ogyahay oo waa nin marwalba u taagnaa danaha Soomaalida gaar ahaan ardada. Haddii uu alqadaaafi wax ka sheegay ma maraykan buu qareen u noqday. bal qoraalka ku noqo oo aqri oo faham. wardheere waxaa uu Alqadaafi ku eedeeyey inuu 1977kii naga hiiliyey oo amxaaro u hiiliyey ma sidaasbaa maraykanka qareen loogu noqdaa?
    ciidamada dhaawaca ee isbitaal martini buu sheegay wardheere in qadaafi lug ku lahaa. adiga ma kuwii xumaa ee amxaarada u adeegayay ee USC ama SSDF ayaad ka mid ahayd maxaad u dhibsatay in wardheere amxaaro iyo qadaafi wax ka sheego oo taariikh run ah caruurta u soo bandhigo. Haddii aad al qadaafi u malaynayso inuu wax ku tarayo adigaa cirka roob ku og. Haddii aad cafisay Alqafaafi iyo denbigii uu ka galay Soomaalida annagu ma cafin. intaadan wax ka sheegin qof wadaninimadiisa iyo Soomaalijeceelkiisa aanay shaki ku jirin ka fikir hadii kale qof nooc kale ah ayaa lagu moodi doonaa waa iga talo.

  3. Abdirasaq Ali Hassan says:

    salaama caleykum walaalayaal dhamaantiin, hadaan siyaasadda, ka baxno, soomaali waxay maraysaa maanta maahmaahdii ahayd( waraabaha ninkii ka daaya, yiraahda dhankiisa ayuu isku leexiyaa) wardheere hadii isagu maraykanka uu qareen u noqday soomaalidana waxaa qareen u noqday col.Qadaafi, waayo? cidkale ma hayno!! ceelna uma qadna cidna uma maqna, ilaahow na samata bixi

  4. Farah Jama says:

    Siyaasada SAxii iyo walaal maleh
    Qadaafi Mante waa noo Hiiliyay Haduu shalay naga hiiliyay xataa hadeey tahay dantiisa inuu ku qariyo. Stop excpecing arabs too much buddy. Keep your expections to realistic manner.

  5. Maxamad Bashiir Jaamac says:

    Marka aan inagu isu naxarisanno ayan cid noo naxariisata alle ka helaynaa. Dhibka inna haysta inaga is badnay ee aan tashano walaalayaal haddii kale nin walbaa sidaasuu inoo cunaayaa.Qabiilka aan dhaafno allena a cabsano nabadana taageerno iyo ciddii wada, kuwa dhibka wadana aan meel uga wada jeensano.

    wabilaahi towfiiq

  6. waxaan kaloo ku yar dari lahaa soomaalida gabigeediiba waxay noqotay dadyow la gumaystay badh qalin loogu taliyay badh la keenay argagaxiso argagaxisada kooxaha lugu tilmaamo soomaaliya dan uma aha budhcad badeedku somalia dan uma aha tanina waa mid bilow iyo qiil u noqon karta faragalin shisheeyo si sahalana loogu baabiyo hadaad run doonaysaan bbcsiyo voatoona somalia dan uma aha hadaad wax fahmaysaan

  7. marka hore waxaan salaamayaa shaqaalaha somli talk marka xiga waxa aan wax kayar taataab doonaa arimaha qadaafi iyo ku wajahsanaantiisa waxa qora ka muuqday arin markaasi u eeg xasaasiyad iyo siyaasad waxana aan ka odhan lahaa qadaafi waa horta nin aan mabda lahayd somalia kaliya maaha meelkaste waxaynu ognahay nmarkay seerbiyiintu layneyeen dadkii muslimiinta ahaa inuu yidhi waa wax iska caadiya oo seerbiyiintu waa walaalahayo kuwa kalana waa sxiibahayo ninkani markaa wuxuu doonoo iskaga hadlaa waxaan kaloo aan odhan lahaa somalia haday iyadu isku tashan weydo walaahi waa loo yaabi caalamkii wuu isoo jeedsaday waxana go’aan lugu gaadhay in somaalida la ceebeeyo la dilo la dabar gooyo libyana waxba idiin qaban mayso cikalana waxba inooo qaban mayso hadaanaan inagu isku tashan arin weynbaan arkayaa oo ayna dad badan arkayn waar hurdada ka toosa wabikaahi towfiiq

  8. c/raxmaan says:

    walaalayaal hadaad tihiin dhamaan shaqaalaha sida hagar la aantaa ugu shaqeeya shacabka maanta kala qoqoban ee ay wax magaratadu utalisay iyagana dooran waayay siday u gaarilahaayeen asaagood waxaana aan aad iyo aad aan ugu naaloodaa sidaad har iyo habayn aad isuguhawshaan inaad farta ugu fiikhdaan waxa ay iyagu u arkaan basiidka waxaana aanan hilmaami doonin sidii aad ugu baraarujiseen damacii lala maaganaa badeena ee aad sida wanaagsan ugu baahiseen solitalk.com waana abaar marindoonaa hadaanan idinka hor marin ee eebe idaayo waxaana aad top history white buugayga uga jirtaan bogagiisa hore idinmana hilmaamayo ee halkaas hankiina kasii wadao walaalayaal

  9. umma says:

    acs walaal waa ku mahadsantahay qoraalkan waxa uuna ii cadeeyay soomaali qof asxaan u haysa ma jirto wadamada carabta ha noogu soo horeeyaane waxaa aad u xasuusana dagaal 77 sida ay qaarna qaybgaleen qaybna ay noogu aamuseen. ma u malaynayo in axsaan maanta cid noo hayaan kuwa hada sheegaya in na caawiyaana dana gaar ah bayleeyihiin calaakuli xaal Allah hana waafajiyo danteena hadaan soomaali nahay.