Home » Badda, Warar »

Xildhibaan Qanyare: Reer Yurub oo Cumar Cabdirashiid ka dalbaday in..

Hadalkii Qanyare ka dhegeyso Halkan

Xildhibaan Qanyare: Waxaad ka hadleysaan qayb Baddii Soomaaliya oo la bixiyey waxaad ogaataan in Baddii Soomaaliya lala wareegey

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo November 8, 2009 magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu hayo nuqul heshiis qarsoodi ahaa oo dhex maray xukuumaddii Nuur Cadde iyo dalalka reer Yurub, heshiiskaas oo la saxiixay December 31, 2009. Qanyare waxa uu heshiiskaas ku tilmaamay sharci darro. Heshiiskaas oo ku saabsan in Maraakiibta reer Yurub ay soo geli karaan badda Soomaaliya. Heshiiskaas waxaa saxiixay safiirka DFKMG u fadhiya Kenya, M. Cali Ameerico. (Sida aan hoos ku arki doono xilligaas DFKMG madaxweynaheedii C/laahi Yuusuf wuxuu is casiley laba maalmood ka hor, markii dambena Nuur Cadde waxa loo magacaabay Ergeyga DFKMG u qaabilsan Midowga Yurub iyo safiirka Talyaaniga).

Qanyare waxa uu yiri: Haddii dawladda Soomaaliya ay heshiis dal kale la gasho, qaanuunku waxaa weeye in xukuumaddu ay baarlamaanka keento, si markaas baarlamaanku ka doodo markaas la diido ama la ogolaado. Laakiin heshiiskaas oo aan lakeenin baarlamaanka ayaa maraakiibta reer Yurub soo galeen badda Soomaaliya, waxana uu yiri taasi waa sharci darro.

“Bad gadashadii Kenya laga hadlayey, bad gadashadii ka weyned ayaa tan ah,” ayuu yiri Qanyare. Waxana uu sheegay in uu hayo heshiiska oo qoran, oo hore loo qariyey. Waxana uu yiri waa in ay nooga baxaan dalkeena, oo ilaaliyaan xorriyadda dalkeena. Haddii ay ka bixi waayaan waa isticmaar cusub oo xoog ku jooga, waa inay ogaadaan.

“Heshiiskaas waa laga qariyey baarlamaanka, sidaas daraadeed (maraakiibta reer Yurub) waxay ku joogaan Sharci darro.” Waxaana arrintaas Mooshin ka geyn doonaa baarlamaanka, waxaana rajaynaynaa in baarlamaanku nagu raaco maadaama arrintani tahay mid la xiriirta maslaxadda Soomaalida.

Qanyare oo ka hadlayey xuduudda badda Soomaaliya (Territorial waters) waxa uu yiri “Soohdinta biyaha badda Soomaaliya waa 200 nautical miles oo u dhiganta (370 km).”


Oct 29, 2009: Walad Cabdalla soo salaamaya Cumar C/rashid
Waxaa la socdey C/raxmaan C/shakuur (oo saxiixay MOU)
iyo Juurile oo warbaahintu sheegtay in uu wax ka ogaa MOU

Sida uu qiray Maxamed Qanyare, xadka dhul-badeedka Soomaaliya (Territorial waters) hadda waa 200 mayl badeed, kaas oo ah fogaanta la doonayo in laga dhigo 350 maly badeed oo u dhiganta (648 km). Taas oo jirta ayaa Qanyare waxa uu sheegay in n ra’iisul wasaaraha DFKMG laga dalbaday in uu soo yareeyo soohdinta dhul-badeedka Soomaaliya markii uu booqday Xarunta Midowga Yurub (Oct 29, 2009), waxaana laga dalbaday in uu soohdintii 200 mayl ahayd ka dhigo 12 mayl badeed.

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: “Prime minister-ku markii uu Belgium tegey, warka aniga ahaan hayo waxaa weeye: waxay ku yiraahdeen soohdinta biyaha Baddaada soo yaree oo 12 nuatical mile ka dhig, meeshii ay ka ahayd 200 nautical mile. Prime minister-kuna waxaa la igu yiri waa diidey,” ayuu yiri Qanyare oo intaas kusii daray “200 mayl oo Soomaaliya leedahay iyo EEZ labada waa la aqoonsaday, waa caalami International, ilaa Jamciyadda Quruumaha kadhexaysa iyo dawladuhu waa aqoonsan yihiin. Iyagaa raba sidii Isticmaarkii hore oo kale oo Yurub kusoo galeen in ah hadda badda kusoo galaan.” (Hadalkii Qanyare ka dhegeyso Halkan).


Nuur Cadde (Dhexda gaariga) iyo Cumar C/rashiid (kursiga hore)
FG: Nuur Cadde ayaa fadhiyey kursiga PM-ka (protocol), markaas ayuu
Farta ku fiiqayaa PM oo ka soo degey kursiga hore si loo salaamo
Brussels Belgium (Oct 29, 2009): Video: Halkan ka daawo

Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaalida. Qodobka 1aad ee xeerkaas waxa uu dhigayaa: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah. Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka Soomaaliya oo ay galaan kuwa saaran maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka shacabka waxaa lagu qaadayaa sharciga Soomaaliya. (Xeerkan ka eeg dhanka hoose ee qoraalkan)

Ujeedada meesha ku jirta waxay tahay in sharciga Soomaaliya u deggan uu dhigayo in 200 mayl badeed oo bad ah ay ka mid tahay dhulka Soomaaliya, sidaas daraadeed aan lagu soo xad gudbi karin. Waxaa muhiim ah in dadka Soomaaliyeed ay kala fahmaan saddex cabbir oo loo adeegsado badda oo kala ah:

  1. Territorial sea/Waters oo ah ka tirsan Dhulka Dalka. Waa bad ka tirsan dhulka dalkaas, oo aan lagu soo xad gudbi karin, ciddii martana waxay u hoggaansamayaan qaanuunka dalka baddaas leh. Adduunka badankiisa cabbrikaasi waa 12 mayl badeed, laakiin sida aan kor ku soo aragnay sharciga u deggan Soomaaliya xadkaasi waa 200 oo mayl badeed.
  2. Economic Exclusive Zone (EEZ) -Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga – waa aag dalka xeebta leh ka kalluumaysan karo. Badanaa adduunka badaha leh cabbirka EEZ waa 200 mayl badeed waxaana hadda la qorshaynayaa in laga dhigo 350 mayl badeed.
  3. Internatioanl Waters / High Sea (Bad weyn) – bad caalami ah oo dad ka dhexeeye ah. Waa wixii ka baxsan Territorial waters iyo EEZ.

Bishii October 2008 ayaa Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla waxa uu bilaabay ama uu lahaa asaaskii diyaartii akhbaarta Soomaaliya ee la xiriirta cabirka badda ee Qalfoofka Qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed. Waxaa xilliyadaas soo shaac baxayey khilaaf ku kala dhex jirey xukuumadda FKMG, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

November 1, 2008 ayaa ra’iisul wasaarahii DFKMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxa uu warqad u diray Midowga Yurub qaybta u qaabilsan  Arrimaha Dibadda, ammaanka iyo siyaasadda, warqaddaas oo jawaab u ahayd wada shaqayn ay reer Yurub usoo bandhigeen. Waxaana taas ku xigtey warqad wargelin ah oo Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ay November 14, 2008 u dirtay Xoghayaha Guud ee QM.

C/laahi Yuusuf Axmed waxa uu xilka madaxweyna-nimada DFKMG iska casilay December 29, 2008. Laba maalmood kaddib ayaa magaalada Nairobi December 31, 2008 waxaa heshiis ku kala saxiixday Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Nairobi iyo Midowga Yurub. Heshiiskaas oo ku saabsan Dhulka, Badda iyo Hawada dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya in ay geli karaan ciidamada Yurub ee loogu magac daray EURAVFOR.

Markii la soo dhisay xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Sheikh Shariif, waxay durbadiiba Kenya la gashay heshiis muran gelinaya badda Soomaaliyeed. Heshiiskaas oo hadda uu Cumar C/rashiid ku tilmaamay mid xad gudub (Violation) ay ku kacday Kenya. Laakiin ilaa hadda DFKMG aysan si rasmi ah uga laaban heshiiskaas, aqbalina diidmadii baarlamaanka, isla markaasna aan diidmadaas loo gudbin QM.

Bishii June 2009 ayaa xukuumadda Sheikh Shariif waxay Nuur Xassan Xussen (Nuur Cadde) u magacawday Safiirka dalka Talyaaniga iyo Ergayga DFKMG u wakiilka uga ah Midowga Yurub.

Warbixinta hadalka Qanyare ee heshiiska Yurub iyo Soomaaliya hoos ka akhri.


Brussels, Oct 29, 09: Javier Solana oo la kulmay Cumar C/rashiid iyo waftigiisii
Kulanka waxaa joogey: Nuur Cadde, C/raxmaan C/shakur iyo Juurile

Xildhibaan Qanyare: Waxaad ka hadleysaan qayb Baddii Soomaaliya oo la bixiyey waxaad ogaataan in Baddii Soomaaliya lala wareegey

Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid xildhibaanada Baarlamaanka ayaa daaha ka rogey Heshiis qarsoodi ah uu galey Raiisul wasaarihii Hore ee  Soomaliiya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) kaasoo u ogolaanaya in Maraakiibta reer Yurub ay kaluunka ka jilaabtaan Xeebaha soomaaliya.

Heshiiskaas ayuu xildhibaan Qanyare sheegey in  uusan waxba ka ogeyb Baarlamaanka Soomaaliyeed , wuxuuna ku tilmaamey mid Sharcidaro ah maadaama aan la soo marsiin Baarlamaanka Soomaaliya , wuxuu sheegey Xildhibaan Qanyare in ay heleen Nuqul ka mid Heshiiskaas Qarsdoodi ah oo uu sheegey in ay  wada saxiixeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya iyo Gabar ka socotey Dalka Faransiis oo mataleysey midowga Yurub.

Xidhibaan Maxamed Qanyare ayaa sheegey in laba warqadood oo lagu codsanayo Hirgelinta Heshiiskaa ay ka baxdeen Xafiiska Raiisul Wasaarihi hore Mudane Nuur Xasan Xuseen( Nuur Cadde) , isagoo sheegey in heshiiskaas lagala dhuuntey Golaha Baarlamaan Soomaaliya , islamaarkaana uu u dhacay si qarsoodi ah

Mudane Xildhibaan Maxamed Qanyare ayaa sheegey in heshiiskaa uu u fasaxyo Maraakiibta shisheeye  ee la dagaalamaya Burcad badeedka  ayna soo galaan Xeebaha soomaaliya , isagoo sheegey in maraakiibta  u jeedkoodu yahay in ay ka kaluumeystaan Xeebaha soomaaliya.

qanyare01

Maxamed Qanyare Afrax

Mar uu ka waramayey xildhibaan Qanyare sida uu u arko Burcad badeed ayuu sheegey in wixii ay ka soo afduubtaan meel ka baxsan xeebaha soomaaliya ay tahay sharci darro , hase yeeshee wixii ay ku qabtaan meel ka mid ah xeebaha soomaaliya haddi ay ka soo afduubtaan ay burcad badeedka ku sax san yihiin isagoo ugu baaqey wadamada haya Burcad badeed ay si dhaqsiyaha u sii daayaan isla markaan ay mag dhow ka bixiyaan wixii naf iyo maal ah ay ku dhibaateeyeen Xeebaha soomaaliya

Xidhibaan Qanyare wuxuu u soo jeediyey wadamada Maraakiibtooda ka jooga xeebaha soomaaliya ay si dhaqsiya ah u gala baxaan Maraakiibtooda Xeebaha soomaaliya , isagoo sheegey haddii ay ka fureystaan baaqaas ay u arkaan Gumeysi Cusub oo ku soo duuley Xeebaha soomaaliya.

Qanyare oo u waramayey Idaacada Shabeele ayaa sheegey in ay wadaan Mooshin ka dhan Heshiiska qarsoodiga ee dhexmarey Raiisul Wasaarihii Hore ee soomaaliya Nuur Cadde iyo Midowga Yurub.

“waxaad ka hadleysaan qayb yar oo Badeena ah oo la la wareegey , waxaad ogaataan in Baddii oo dhan lala  wareegey laguna bixiyey Heshiisyo Qarsoodi ah “ayuu si kulul u yiri Xidhibaan Maxamed Qanyare oo ugu baaqey Bushada soomaaliyeed in ay u guntadaan Sidii looga hortagi lahaa boobka lagu hayo Baddii soomaaliya , sidoo kale wuxuu ugu baaqey Baarlamaanka soomaaliya in ay arrintaa u guntadaan oo ay laalaan heshiiskaa qarsoodiga ah

Horraantii sannadkaan ayaa Dowladda Shiikh Shariif waxay heshiis Afgarad oo ku aadan Badda soomaaliya la gashey Dowladda Kenya , Heshiiskaas ayaa u  u ogolaanaya in Dowlada Kenya sii Balaarsato Badeeda hase yeeshee waxaa arrinkaa wax kama jiraan ku tilmaamey Baarlamaanka soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 


Xeer Lambar #37/1972 – Xeerka Badaha Dhulka Soomaalida

Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaalida waxaa ka mid ahaa qodobadan:

  • Qodobka 1aad: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah. Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka Soomaaliya oo ay galaan kuwa saaran maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka shacabka waxaa lagu qaadayaa sharciga Soomaaliya.
  • Qodobka 2aad: Meesha cabbirka laga bilaabayo waa meesha ugu hoosaysa xeebaha Soomaaliya (xigmad weyn ayaa halkaas ku jirta).
  • Qodobka 6aad: Kalluumaysiga Badda Dhulka Soomaalida iyo u kala gooshinta xamuulka iyo dadka ee dekedaha Soomaaliya waxay khaas u tahay maraakiibta sita Calanka Soomaalida iyo markiibta u haysta fasax/sharci. Haddii taas lagu xad gudbo marka hore waxaa markabka la ganaaxayaa 5,000 ilaa 10,000 Sh.So. (oo xilligaas u dhigantey $700 ilaa $1,500 – waa xilligii Shillinka Soomaaligu qiimaha lahaa oo ahaa US$1 = 7Sh.So.). Haddii xad gudubku soo noqdo mar labaad waxaa markaas ganaaxa laga dhigayaa laba-laab, waxaana kabtanka markabka lagu qaadayaa sharciga xeer dembiyeedka Soomaaliya, waxaana lala wareegi karaa markabka.
  • Qodobka 9aad: Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya dalalka aysan aqoonsanayn maraakiibtooda looma ogola in ay maraan Biyaha Soomaaliya. Ciddii ku xad gudubta arrintaas, Soomaaliya waxay ka qaadeysaa tallaabadii ku haboon.
  • Qodobka 10aad: Maraakiibta dagaalku ma soo mari karaan badda ku xeeran dhulka Soomaalida haddii aysan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliyeed.

Maadaama ilaalinta iyo beekhaaminta kalluunku uu muhiimad weyn u lahaa Soomaalida, waxaa dawladdii Soomaaliya soo saartay Xeerka Kalluumaysiga oo lambarkiisu ahaa N° 23 ee soo baxay 30kii November 1985, xeerkaas oo qeexayay maraakiibta iyo shakhsiyaadka la siiyo shatiga ee ka kalluumaysanaya baadda Soomaaliya in ay dhawraan xeerkaas, islamarkaasna ay soo sheegaan inta ay leegtahay kalluunka ay badda kala soo baxeeen iyo nidaamka ay adeegsadeen. Ciddii xeerkaas ku xadgudubtana ay la kulmayso ganaax adag ama xabsi. Waxaa xeerkaas ku cad in:

  • Ganaax gaaraya ilaa So.Sh. 10,000 laga qaadayo doonta aan matoorka lahayn ee xeerkaas ku xadgudubta.
  • Ganaax dhan So.Sh. 15,000 ilaa So.Sh. 4,000,000 laga qaadayo doonyaha uu saaran yahay matoorka baaxadiisu dhaxayso 6 HP (HorsePower) ilaa 101 HP.
  • Xabsi 3 ilaa 10 sano ah ama ganaax So.Sh. 5,000,000 ilaa So.Sh. 50,000,000, ama in la isugu daro xabsi iyo ganaax, qofkii kalluumaaysiga u adeegsa waxyaabaha qarxa, ama adeegsada aalad mamnuuc ah, ama kalluumaysa xilliga xirmada ee aan lal ogolayn in kalluunka la dabto, ama soo jillaabtay kalluun mamnuuc ay tahay in la soo qabto. (FG: Xilligaas 1985 qiimaha isku bedelka lacagtu wuxuu ahaa US$1 = 36 So.Sh. Sidaas daraadeed 50 million So.Sh waxay u dhigaantey 1.4 million doolar.)

Xeerkaas kaddib waxaa su’aalo ka soo laaban kareen sidee lagu xaqiijinayaa in maraakiibta shisheeye ee shatiga la siiyay ay runta ka sheegaan cadadka kalluunka ay la soo baxaan. Taas waxaa xal u noqotay: Wareegto ay Soomaaliya soo saartay 24kii September 1986 ayaa si qeexan u sheegtay maraakiibta shisheeye ee la siiyo shatiga kalluumaysiga badda Soomaaliya ay shardi tahay in shaqaalaha boqolkiiba 30% ka dhigaan Soomaali.

Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaaliya (xeer #37/1972) waxay dawladdii Soomaaliyeed ka diiwaan gelisay dukumiintida Qarammada Midoobey – DOALOS/OLA.[6]

Meelo badan oo ka mid ah dukumiintiga iyo qoraallada Qarammada Midoobey waxaa ku qoran in badda ay leedahay Soomaaliya (TS) ay tahay 200nmi, halka dalalka kale badankood badaha ay leeyihiin ay tahay 12 nmi.[7] –  Xusuusnow dalalka kale cabbirka 200nmi waxay u tahay aagga ganacsiga (EEZ).

Tixraac cilmi baaristii SomaliTalk: https://somalitalk.com/2009/may/13/index.html

__________________

[6] XEER # 37 (1972): Sharciga Badaha iyo Dekedaha Soomaaliya ee lambarkiisu yahay 37 ee ka soo baxay Mogadishu, September 10, 1972: Eeg Halkan: http://www.un.org/Depts/los/. Sidoo kale xeerka Kalluumaysiga Soomaaliya Law N° 23 ee 30 November 1985: Eeg: https://somalitalk.com/2009/may/13/law23.html

[7] Qoraalka Qarammada Midoobay ee May 28, 2008 ee muujinaya shaxda dalalka adduunku badaha ay hore u sheegteen: http://www.un.org/Depts/los/. Dalalka markii hore sheegtay 200nmi in ay badda dhulkooda ka mid yihiin waxaa ka mid ah: Benin, Congo (Brazzaville), Ecudor, El Salvador, Liberia, Philippines, Sierra Leone, Soomaaliya. (UKHO, 2004: “United Kingdom Hydrographic Officehttp://www.ukho.gov.uk/ ). Sheegashadaasi dhammaan waxay ka horeeyey intii uusan dhaqan galin xeerka badaha Adduunka. Soomaaliya waxay kusii adkaysatay in 200nmi oo badda ah ay kamid tahay dhulkeeda.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " Xildhibaan Qanyare: Reer Yurub oo Cumar Cabdirashiid ka dalbaday in.. "

  1. ali maxamed says:

    qanyare hadalkiisa waa fiican yahay waxa uuna keenayaa in umada ay ka cafiso danbiyadii uu horey u galay ee ku saleysnaa barakicinta iyo baabi’inta umada soomaaliyeed

  2. mahamed says:

    hadan waxooga yar ku darsado fikirkayga marka hore waan ugu mahad celinayaa somalitalk oo runtii u heelan xiriirinta iyo u heelnaanta umada soomaaliyeed marka xiga qanyari waxan ka taga maanta umada soomaaliyeed waxa lugu hayaa biliqo joogta badii soomaliyeed waxa ka dilaacay burcad badeed taasi oo aan danaha soomaliyeed ahayn is waydiiyaa badan yar ee soomaliyeed maxay u yimaadeen quwadaha caalamka sida farasiis maraykan ruush shiine iyo wixii la mida dad kale ayaa badan ugu jira sidii ay ku biliqaysan lahaayeen midkaastaaba wuxuu la tartamayaa quwada kale halkaana masaaliixdii umada soomaaliueed ayaa ka baxaysa dhankan kale qasbaa ka socda dagaala socda umadiibaa qaxaysa markaas waxan waa wax aan ku wareeray walaalayaal waxana aan aaminsahay inay waxani maruun dhamaan doonaan soomaalidu intay dhexdooda is xaasidaysay oo qabiil qabiil isku laynaysay oo midna midkale waxba la ogalayn iyadna hogeegiibaa loo qodaya forexample waxa muqdisha ka socda waa kooxooyin kala fikrad duwan midkastaaba ku andacoonaya inuu isagu saxsanyahay kakalana uu khaldanyahay umadii dhamaatay dadkii badii ku dhamaadeen dumarkii geedaha hoosooda ku dhalayaan walaahi waa masiibo argagax leh

  3. Cajiib says:

    Qanyare noloow … maxa looga waayay somalida xilka loo dhiibay rag geesinimada Qanyare leh mise taloow afka loo buuxiyay oo la luusha la siiyay?
    hada nahay dhalinta somaliyeeyd waxa somaliya ka dhaca maraqaati aa ka nahay waana la xisaabtami doonaa
    waxaana rajeeynaa arintaas in 5/12/2009 Barlamaanka looga hadli doono oo maqli doono war na qanciyo.

  4. Cadnaan A. Adan says:

    Mar labaad ASC Dhamaan, Ninka Odaga ah Waa QANYARE, Waa well experiance And Capable To Understand and deal with Kuwa danaha Gaarka ah leh iyo kuwa Qabiilka fashilmay ku shaqeysta, Sidaa Daraadeed Ka fogaada Danbiga iyo Qof Nacayabka aan salka lahayn, qof walboo denbiila ah waqtiggaa sheegaya waana lala xisaabtamayaa, Ama Wadaad sheego, ama qabiil waxkasta oo dhaca wey diiwaan gashantahay. QANYARE KEEP THE GOOD FIGTH.

  5. Cadnaan A. Adan says:

    Asc Aqristayaasha Sharafta leh iyo kuwa fikorkooda ka dhiibtey Mawduucaan.
    Soomaalidu Markasta waxay fiirisaa Dhanka xun iyo ineey iin u yeesho Fikirka Saliimka ah.
    Qanyare Waa wadani markastana wuxuu difaacaa Shisheeyaha ku soo xadgudba danaha soomaaliyeed, iyo kuwa soomaalida ah ee sitoos ah iyo si dadbanba u qiyaana Qaranka. Lama inkiri karo lamana dabooli karo, wax qabadkiisa, Qofse waa nici karaa

  6. cabdul says:

    Mohamed Ahmed says on qanyares’ education “I’m not taking seriously a man that his education starts at Dugsi Quraan and ends at Middle school.”
    i am sure if mohamed ahmed knows the value of Dugsi Qur’an or he is a narrow minded secularist wannabe. for your info. Mohamed i went through dugsi quran and i would propose it to be included in our nation curriculum.

  7. Mohamed Ahmed says:

    First, is Qanyare cabable of understanding documents that need lawyers to translate the underlying text accurately. I’m not taking seriously a man that his education starts at Dugsi Quraan and ends at Middle school. Please Somalitalk, this is serious issue and if you refer to or quote every buffoon who says something about the issue, you will loose the credibility and judgment!!!!
    Be carefull!!!!

  8. RAHUL says:

    ASC WR WB MARKA HORE WAXAAN SALAAMAYAA DHAMAAN UMADA SOMALIYED MEEL KASTA OO AY JOOGTO TAN LABAAD WAXAAN RABAA INAAN FIKIRKAYGA KA DHIIBTO ARINTAAN OO AH ARINTAAN BADA MUDO BADAN MASKAXDA UMADA SOMALIYEED WAREERISAY DAL IYO DIBADBA HA JOOGAAN ANIGOO HADALKAYGA SOO GAABINAYA WAXAAN ORAN LAHAA NIMANKA WAX SAXIIXAYA WAXAAD OGAATAAN MAALIN AAN MAANTA AHAYN IN LA IDINLA XISABTAMI DOONO OO MAR UUN HADII AAN LA DHIMAN MAXKAMAD LA IS HORKEENI DOONO ( AMA NUUR CADE HA AHAADO AMA C/SHAKUUR HA AHAADO C/C/RASHIID HA AHAADO QOF WALBA OO QAYAANO QARAN GALA SHARCIGA AYAA LA HORKEENI DOONAA HADII AANAN LA DHIMAN

  9. SSM says:

    AAWW,
    Anigoo mar labaad la hadlaya Qanyare, waxaan ku weydiiyey Qanyare marka aad leedahay:
    Reer Yurub oo Cumar Cabdirashiid ka dalbaday in uu soo yareeyo Xuduudda Badda Soomaaliya, wuuna ka diidey … ma waxaad difaaceysaa denbigii uu hore u galay ina C/rashiid ee ahaa heshiiskii is fahamka oo aad leedahay 12 nuatical mile unbaa lanala rabaye isagaaba kordhiyey 200 gaarsiiyey.

    Tan labaad waxaad kaloo tiri: Waxaad ka hadleysaan qayb Baddii Soomaaliya oo la bixiyey waxaad ogaataan in Baddii Soomaaliya lala wareegey. Iyana ma waxaad ula jeedaa dhib ma lahan inta yaree la baxshey? ee iska samra ayadoo dhan baaba halis ku jirto, oo aad weli heshiiskaas difaaceysid.
    Haddaadan saas ula jeedin iska sax afsoomaaliga aad ku hadashey oo hadal walbaa micnuu yeelaniye.

    Hadaad warka ula jeedana Cumar C/rashiid keliya dembi ma geline ee Nuur cadaba wuu galay, hadaladaadana dhadhankooda sidaa baa laga dareemayaa, anagu hadaan nahay shacabka idin ma kala jeclin, nin walbana wuxuu geysto taariikhdaa qorayso shacabkana marqaati buu ka yahay.

    Waxadna ogaataan in waxa aad biilaneysaan iyo hubka aad ku dagaalameysaan ay yihiin waxa aad sixiixeysaan.

  10. SSM says:

    AAWW,
    Iyadoo ay jirto dhibaatooyin badan oo wadanka ka jira, ayaa hadana waxa aan la yaabanahay in maanta Qanyare uu iska dhigayo inuu Soomaali ka diir naxayo, Qanyaroow adiga bad iyo beri baad ka hadliyee imisaad heshiis hoose saxiixday oo dad ama Culimadii lagu iibinayo ama lagula dagaalamayo oo aqoonyahanadii wadanka lagu dilay, heerka hada wadanka uu marayo sow ma ahan mid aad adiga iyo kuwo kula mid ahiba ay garsiiyeen, aaway Soomaalida aad u guntada leedahay bad maxaa bad ah meelay hergalaan oo harsadaan bayba la’yihiin oo dhibaatadaad u horseedeen bay ka soo waaqsan la’ yihiin hurdaa ku heyso, Waxaa soomaalida ku maahmaahdaa Jid Casar Dhumay cisho lama helo.
    Mida labaad adoo dowlada qaladka gashay ka tirsan ha isaga kaaya dhigin mid beri ka ah, xageed mushaharka la idinka siiyaa ma daqli Soomaaliya ayaad u qaadataan mushaar, waxaad ogaataan mushaarka aad qaadataan ee aad masaruufataan inuu ka imanayo shisheeyaha aad leedahay si khalad ah ayuu u kaluumeysan, idinkaa diiday in wadanka dego oo xor ahaado, daqligiisana lagu maamulo, markaad hadasho meel baa ina danqaneyso oo Hogaamiyo kooxeed wax badan soo bi’iyey inuu maanta isaga kaana dhigo Wadani waan ka xumahay, adna dadkii baad iibsan jirtey oo Ameerikaan ka gadi jirtey kuwana bada iyo berigaba iibsada dheh. waayo nin u naxariirstey ma jiro soomaaliya.
    Dhibaatada ugu badana ee maanta Soomaaliya heysato waxay ka timid aqoonyahankii oo la iska fogeeyey, ood hogaanka u dhiibateen un-Alifbeta ah, marka hada calaacal waxba tari maayo oo maalin walba sixiix hor leh baa dhici oo kan sixiixi uusan aqrin karin waxa uu saxiixayo.
    A/C

  11. maxamed cusmaan says:

    horta marka hore waxaan aad uga xunahay imaatinta ciidamada shisheeya badeena soomaaliyeed, mida kale qanyare hadda miyuu soo baraarugay meeshaan wadanka dhan waxaa heysta cadaw xoriyadeenana ma heysano marka qanyare waxaan u sheegayaa hada hadaad baraarugta horay u soco oo wadanka cadawga ka difaaca waana ku mahadsantahay soo bandhigitaankaaga aad so bandhigtay fikaradaan.