Home » Warar »

Gudoomiyaha Daladda Ururada Bulshada Rayidka ee Deegaanada Banaadir oo maanta Muqdisho lagu doortay

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Xaflad si weyn loo soo agaasimay isla markaasina lagu dooranayay Guddoomiyaha cusub ee degaanada Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacday Hotelka Naasahablood-2.

Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen, qeybaha bulshada Muqdisho, gaar ahaan nabadoonada, aqoonyahanada, culumaa’udiinka, haweenka iyo Saxaafadda ayaa waxaa Guddoomiye loogu doortay inuu u noqdo ururrada bulshada rayidka ee ka dhisan degaanada uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha cusub ee ururrada bulshada rayidka G/Banaadir waxaa loo magacaabay Md. Muxudiin Xasan Afrax oo isagu horay uga tirsanaa madaxda dalladaasi, waxaana khudbad uu u jeediyay ka soo qeyb galayaasha munaasabadda lagu caleema saarayay uu u mahad celiyay intii ka soo qeyb gashay munaasabadda.

Mudane Muxudiin Xasan Afrax Guddoomiyaha cusub ee dalladda ururrada bulshada G/Banaadir waxa uu marka hore faahfaahin ka siiyay qaab dhismeedka dallada ay ku mideysan yihiin ururrada bulshada ee ka dhisan G/Banaadir.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha cusub in dalladani tahay mid nabadeed isla markaasina dooneysa inay heshiis dhex dhigto Dowladda iyo mucaaradka ka soo horjeeda, isagoo intaasi ku daray in ujeedada dalladu ay tahay nabad guud oo ka dhacda Gobolka Banaadir.

“Ujeedada dalladda ururrada bulshada waxa ay ka shaqeyneysaa sidii G/Banaadir nabad u noqon lahaa, si ay dib ugu soo noqdaan shacabkii degenaa ee ay barakiciyeen dagaaladda” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee dalladda ururrada bulshada rayidka Md. Muxudiin Xasan Afrax.

Gudoomiyaha Hey’adda CCD Ciise Axmed Cumar oo kaga qeyb galay Munaasabada Khadka Taleefanka ayaa bogaadiyay doorashada, waxaana uu u balan qaaday inuu la shaqeyn doono, isla markaana Dallada Ururada Bulshada Rayidka siin doonaan Siminaaro isugu jira wacyi gelin iyo aqoon kororsi.

Munaasabadda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho mas’uuliyiintii ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Wakiilka Imaam Maxamuud Imaam oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf, waxa uuna halkaasi khudbad uu ka jeediyay ku tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed barbar istaagaan nabadda iyo qeybaha ku shaqada leh.

plll1

Dhinaca kale xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur), Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Md. Ismaaciil Macallim Muuse, iyo shaqsiyaad kale oo magac ku leh bulshada Banaadir.

Xafladda lagu dooranayay Guddoomiyaha cusub ee ay leeyihiin dalladda ururrada bulshada rayidka G/Banaadir ayaa ku dhacday hab doorasho ah, iyadoo Guddoomiyihii hore uu wakhtigiisa dhammaaday, kaasi oo lagu magacaabo Prof. C/qaadir Tooxow, waxaana cod hal dheeri ah ku soo baxay Xaaji Muxudiin Xasan Afrax, waana markii ugu horeysay doorasho nooceeda oo kale ah kana dhacda magaalada Muqdisho, taasi oo astaan u ah Dimoqoraadiyad Soomaalida albaabka u soo garaacday.

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Guddoomiyaha GOS oo hambalyo u diray xubno GOS ka tirsan oo ka mid noqday hey’ado isboorti oo caalami ah

za2

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji yabarow (Wiish) ayaa hambalyo u diray sadex masuul oo xubno ka ah guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo dhawaan xubno ka noqday guddiyada fulinta hey’ado isboorti oo caalami ah.

War saxaafadeed uu maanta soo saaray ayaa guddoomiye Wiish waxaa uu ku sheegay in wax lagu farxo oo taariikhi ah ay tahay in iyadoo Soomaaliya ay marxalad aad u adag ku jirto masuuliyiin Isboorti oo Soomaaliyeed ay ka dhex muuqdaan guddiyada fulinta ee ANOC Zone 5 oo uu Soomaaliya ugu jiro guddoomiye ku xigeenka GOS ee xiriirka caalamiga ah Duran Axmed faarax, guddiga fulinta ee xiriirka kubada koleyga dalalka carabta oo uu Soomaaliya ku matalayo Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Koleyga Injineer Baana Cabdalla Cali iyo guddiga fulinta ee xiriirka doomaha carabta oo uu Soomaaliya isna ku matalayo guddoomiyaha xiriirka Doomaha Soomaaliyeed Siciid Maxamed Maxamuud Xeyd.

Dhamaan talaabooyinkan xaga horumarka isboortiga Soomaaliyeed loo qaaday ayaa waxaa ay kusoo beegmayaan iyadoo kadib doorashadii GOS ee bishii Maarso ka dhacday Jabuuti uu guddoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) balan qaaday in uu ku dadaali doono sidii Soomaaliya xubno badan uga heli lahady hey’adaha isboorti ee caalamka.

“Aduunyada intii la abuurto dad ayaa ugu fiican siyaasadd guddiga Olombikada Soomaaliyeedna waxaa ka mid ah in la abuuro dhalinyaro Soomaaliyeed oo wax gal ah si caalamka wax loola qeybsado taasna waa ka dhabeyneynaa oo waxaa ay ka mid ahayd balan qaadkii aanu Soomaali u sameynay markii masuuliyada nalaku aaminay”ayuu guddoomiye wiish ku yiri war saxaafadeekiisii uu maanta soo saaray.

“Howsha wali fari kama qodna waana naga go’antahay in aan soo saarno ma daalayaal kaadiriyiin isboorti ah, waxayna ila tahay shacabka Soomaaliyeed in aanay ka qarsoonayn in maanta aan fulinay qeybtii ugu horeysay balan qaadkii aan sameynay shir weynihii 5-aad ee doorasahda kaddib”ayuu guddoomiyuhu mar kale ku yiri war saxaafadeedkiisa.

Waa markii ugu horeysay ee taariikhda inta la ogyahay ee muddo bil ka yar gudeheed guulahan oo kale ay usoo hoydaan bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed, waxaana tani ay tahay talaabo dhiirri gelineysa qeybaha ku howlan horumarinta isboortiga Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadaba ku kala sugan.

Guddoomiyaha GOS Mudane Wiish iyo wafdi uu hogaaminayo oo dhawanahanba socdaalo ku marayay qaarada Yurub ayaa tagay xarunta Olombikada Aduunka ee magaalada Lausanne waxaana ay kulamo la qaaten dhamaan hey‘adaha isboorti ee magaaladaas dagan oo uu guddoomiyuhu kala hadlay sidii Soomaaliya ay dib ugusoo ceshan lahayd xubnihii ay ku lahayd hey’adaha isboorti ee caalamiga ah, kuwa qaaradeed iyo kuwa gobaleed intaba, waxaana durbaba muuqata in kulamadasi ay mira dhal noqdeen.

Somali NOC Media Department

Siyaasi Soomaaliyeed oo sheegay kooxaha mucaaradka ah inay bililiqeysteen guri uu ku lahaa magaalada Muqdisho
 
Mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed laguna magacaabo Geeddi Raage Xasan ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha iyo dibadda dalka in kooxo hubeysan oo ka tirsan mucaaradka Dowladda KMG ah ay si bareer ah bililiqeysteen hanti uu isugu leeyahay ee dhex tiilay guri uu sheegay ka degenaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada C/casiis.
 
Siyaasigaan oo qadka Taleefanka shir jaraa’id shir jaraa’id ugu qabtay Saxaafadda gudaha iyo dibadda isagoo xilligaasi ku sugnaa magaalada London ee dalka Ingiriiska, wuxuuna sheegay inay wax laga naxo ama lala yaabo ku noqotay in la soo gaarsiiyay in hanti gaar ahaaneed laga qaatay gurigiisa, falkaasina ay ku dhaqaaqeen sida uu sheegay kooxaha ka horjeeda Dowladda Soomaaliya.
 
Md. Geedi Raage Xasan ayaa waxa uu intaasi ku daray inuusan garaneyn sababta kooxan ay u bililiqeysteen iyagoo ka qaatay dhammaanba wixii agab ahaa oo yiilay gurigiisa sida Gaadiid, dhar kala nooc ah, boorsooyin, jiif iyo wixii hanti ahaa ee gurigaasi dhex yiilay.
 
Siyaasigan oo ah shaqsi u ololeeya nabadda waxaa kale oo uu sheegay inuu ka xun yahay in hantidiisa gaar ahaaneed maalin cad laga qaato taasna ay meel ka dhac ku tahay sharafta Muslimiinta iyo caqliga saliimka ah.
 
Md. Geedi Raage oo ah ninka labaad ee Xisbiga Midnimada Jamhuuriga isla markaasina Xisbigaasi ka ahaa mas’uulka ugu qaabilsan dhinaca arrimaha gudaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in uu yahay nin nabadeed una ololeeya nabadda iyo horumarinteeda, ummadda Soomaaliyeedna ay tahay mid isugu mid ah.
 
Ugu dambeyntii waxa uu ka codsaday kooxihii ka dambeeyay falkaas ee u dhacay gurigiisa kana qaatay hantidiisa inuu kula xisaabtami doono adduun iyo aakhiro, dhinaca waxa uu si gaar ah baaq ugu diray hoggaamiyayaasha dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah inay arrintaasi wax ka qabtaan.
 
“Dinta Islaamka ma qabto in sharafta Islaamka lagu xadgudbo, waxayna xaaraantinimeysay in hantida Muslimiinta la dhaco, Islaamka la dilo lana bililiqeysto hantidiisa, taasna ma aha mid Islaamku uu ku wada noolaan karo, sidaa darteed kooxaha sheeganaya inay ku dhaqmaan Shareecada Islaamka waxaan u sheegayaa inay joojiyaan falalka noocaas oo kale ah ee ka hor imaanaya sharciga Islaamka, ayna soo celiyaan dhammaanba wixii hanti ahaa ee ay ka qaadeen gurigaas” ayuu yiri Geedi Raage Xasan.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.