Home » Warar »

Shirkadda Golis oo Daahfurtay Adeegga cusub ee Sahal

Shirkadda Golis oo Daahfurtay Adeegga cusub ee Sahal.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Habeenimadii jimcaha ee bishu ahayd 06/11/2009 Shirkadda Golis Telecom Somalia waxay soo bandhigtay adeeg casri ah oo aan horay dalka looga aqoon looguna magacdaray adeegga sahal . adeeggani wuxuu qofka wata mobilka Golis u suurta gelinayaa inuu mobilkiisa u isticmaalo siyaabo badan sida isagoo lacag ku kaydsan kara, lacagaha ugu xawili kara meelo kale sida deegaano durugsan, in lagu dukaamaysan karo mobilka Golis oo qofku intuu meherad yimaado oo wuxuu doonayo ka qaato deetana uu siiyo lacag electronic ah , lacagta mobilka kuugu jirta waxaad u wareegsan kartaa oo ku shuban kartaa qaybta hadalka , sidoo kale waxaa barnaamijkan cusub lagu bixinayaa dhamaan biilasha shirkadaha , hay’adaha iwm. ( ku kaydso, ku dirso, ku shubo, ku gado, kuna bixi biilasha ) .

Xafladan oo si heersare ah loo soo agaasimay waxay ka dhacday hoolka weyn ee panorama ,waxaana ka soo qayb galay madax ka tirsan dawladda, ganacsatada waaweyn ee puntland , culumo, isimo, ururada haweenka iyo dadweyne fara badan , waxaana ugu horayn kelmado baraarujin ah ka soo jeediyay sheikh daahir aw cabdi oo kamid ah culumada waaweyn ee soomaaliyeed .

Madaxa suuqgeynta Golis Cumar Ciise Maxaed (faaruuq) ayaa sharaxaad dheer ka baxshay sida loo isticmaalayo adeeggaan iyo faaiidooyinkiisaba , taasoo ka qaybgalayaashu ku qanceen .

Madaxa Xiriirka Dadweynaha (Public Relations) mudane Faarax X.mire ayaa isaguna ka waramay marxaladihii uu soo maray u diyaargarowga barnaamijkan cusub iyo sida uu waxtarka ugu yahay bulshada oo dhan , isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay inuu yahay nidaam si aad looga ilaaliyay inuu yeesho dhaliilo.

Maareeyaha Guud ee shirkadda Golis Aadam Sheekhdoon Cali ayaa dadka uga waramay teknoolijiyada shirkaddu higsanayso iyo kuwa ay hirgelisayba ,isagoo tilmaamay in shirkaddu keenayso ATM , ayna ka fakarayso sida loo hirgelin karo e-learning iyo e-government .

sahal1

Khaliif Ciise Mudan oo ah ku simaha gudoomiyaha guddiga asaasayaasha Golis ayaa isna halkaas ka jeediyay khudbad qiimo leh , isagoo amaan ujeediyay shaqaalihii soo diyaariyay barnaamijkaan , iyo maamulka shirkadaba , wuxuuna dadweynaha ku dhiirigeliyay inay ka faaiidaystaan fursadaan .

Maamulaha Shirkadda Alfurtqaan Cumar Ismaaciil Waaberi iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga PL Maxamuud xayir ayaa iyaguna si weyn u soo dhoweeyey barnaamijkan casriga , ganacsatadana ku booriyay inay ka faaiidaystaan .

sahal2

Duqa Degmada Boosaaso Mudane C/risaaq Xareed oo xafladdan soo xiray ayaa Shirkadda Golis ku amaanay waxqabadka dhan walba ah ee ay u hayso ummadda soomaaliyeed , gaar ahaan deegaanada PL, wuxuuna ku dhawaaqay inuu noqonayo qofka ugu horeeya ee Account ka samaysta habkan casriga ah ee adeegga sahal.

Ugu dambayn barnaamijkan waa horumar weyn oo ay gaadhay shirkadda Golis .

Golis, Bosaso

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shirkadda Golis oo Daahfurtay Adeegga cusub ee Sahal "

  1. sadaam says:

    asc
    waa fiican in wax la so kordhiyo laakiin adeegan ma laga yaabaa in umada soomaaliyeed u horseedo inuu ka shubto shilimada yaryar ee ay ka uruursadeen biilasha loo soo diro.
    sida hore u dhacday in la dhaco umado badan soo soomaalidu ku jirto.
    waxaan leeyahay ha la iska hubsado inta ay afar jir gaadhayso adeegan iyo mid kale oo lamida oo ay samaysay isla shirkadan oo ka jirta hargeisa.
    loona yaqaano Zaad service.