Home » Warar »

Puntland oo soo Dhaweysay hadalkii Boqortooyada Sacuudiga, wasiirka caafimaadka oo tababaar ka furay Garoowe iyo Qaahira oo xiriirka k/kolayga…

  • Garoowe: Wasiirka Caafimaadka DPL oo tabar ka furay xarunta wasaaradda…
  • Puntland oo soo Dhaweysay hadalkii ka soo yeeray Dowlada Boqortooyada Sacuudiga
  • Xiriirka K/Koleyga Somalia Oo Balanqaad Ka Helay Guddoomiyaha XKKJ/Carabta

Wasiirka Caafimaadka DPL oo Sabtidii November 7 tabar muddo 2 maalmood ah soconaya ka furay xarunta wasaaradda caafimaadka ee magaalada Garoowe.

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah
 
Wasiirka Caafimaadka DPL Dr Bashiir Cali Biixi aAyaa maanta daaha ka rogay siminaar  soconaya muddo 2 maalmood ah kaasi oo lagu baranayo maalmaha caafimaadka ee loo yaqaan (Child Head day) iyadoona ay ka soo qeybgaleen dhakhaatiir iyo kalkaalayayaal sar sare oo ka kala yimid deegaanada puntland oo dhan.
 
Tababarkani maanta uu daaha ka rogay wasiirka caafimaadka dowLadda puntland Bashiir Cali Biixi ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka dowladda puntland iyadoona ay maalgelinayeen hay’adaha WHO UNICEF.
 
Siminaarkani ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhakhaatiir caafimaadka oo kala yimid deegaanada puntland kaasi oo wax lagu barayey dhakhtaartiirta caafimaadka ama aqoontooda kor loogu qaadayey wasiirka caafimakada Dowladda Puntland Bashir Cali Biixai ayaa waxaa uu faa faahin ka bixiyey siminaarkani iyo ahmiyada uu u leeyahay dadka reer puntland isagoona sheegay in ay wasaaradda caafimaadka ku hawlan tahay u adeegida bulshada isagoona xusey in wasaaraddu ay hadafkeedu yahay in ay had iyo jeer aqoontooda kor u qaado dhakhaatiirta caafimaadka.
 
Dr Bashiir Cali Biixi Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa waxa uu ku booriyey dadka siminaarkani ka soo qeybgalay in ay ka faaideystaan fursada qaaliga ah isagoona  kula dardaarmay in ay gaarsiiyaan goobaha caafimaadka ee deegaanada puntland kuwaasi oo ay ka jirto xaalad caafimaad daro ah iyo dadka oo aysan lahayn aqoon ku filan oo dhinaca caafimaadka ah.
 
Intaas kadib wasiirka caafimaadka Dowladda Puntland Dr Bashiir Cali Bixi oo isaga indhowaalaba safar dibada ugu maqnaa ayaa maanta waxa uu kormeer ku soo marey meelo faro badan oo ay ka mid tahay xarunta wasaaradda caafimaadka loo dhisay isagoona indho indhayn ku soo sameeyey xarunta cusub ee wasaaradda caafimaadka isagoona sheegay in ay ha’ada WHO gacan ka siisay dhisada xaruntaasi isagoona xusey in ay wasaadda caafimadka u soo guuridoonta sida ugu dhaqsaha badan.
 
Dr Bashiir Cali Biixi Wasiirka Caafimaadka DPL ayaa waxa uu sidoo kale kormeer ku soo sameeyey Isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay maamulka isbitaalka weyn ee magaalada garoowe iyadoona uu balan qaaday in uu isbitaalka wax badan ka qaban doono dhinaca daawada kaasi oo u muuqda in ay daawo yaraan baahsan ka jirto sida uu sheegay Agaaasimaha Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe Dr Carabay.
 
Dr Bashiir Cali Bixi Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DPL ayaa waxaa ka mid ah goobaha uu maanta sida weyn kormeerka ugu sameeyey xarunta ha’ada bisha cas ee magaalada halkaasi oo uu indho indhayn ku soo sameeyey wasiirka isagoona halkaasi kulan gaaban kula qaatay madaxda hayada bisha cas ee magaalada garoowe.

garo2

Wasiirka  ayaa waxaa uu kormeer cayn oo kale ku sameeyey xarunta dadka waalwaalan halkaasi oo kula soo kulmay dadka iyaga maskaxda lagaga jiro iyo madaxda gacanta ku haysa xarunta dadkaasi maskaxda lagaga jiro isagoona balan qaadyo faro badan u sameeyey.

garo3
Ugu danbeyntii wasiirka ayaa waxa uu kormeer isana ku soo sameeyey Macadka Caafimaadka oo isaga hoos yimaada Wasaaradda Caafimaadka isagoona halkaasi kula kulmay maamulka macadka iyo ardayda macadkaasi wax ka barata iyadoona uu carabka ku dhuftay in macadkani uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada reer puntland isagoona ku booriyey in ardayda ay si fiican wax u bartaan wasiirka ayaa waxaa markii ugu danbsey kormeer isana ku sameeyey macadka dadka indhoolayaasha ah wax lagu baro isagoona halkaasi kulan kula qaaday maamulka iskuulkaasi oo isaga dayac xumo ka muuqatay isagoona sheegay in uu wax badan u qaban doono dadka indhoolayaasha ah.
 
Xuseen Cabdulaahi Xasan
Email Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Puntland oo soo Dhaweysay hadalkii ka soo yeeray Dowlada Boqortooyada Sacuudiga.

Dowlada Goboleedka Somaliyeed ee Puntland ayaa waxa ay Shaaca ka qaaday in ay haatan Diyaar garow aad u balaaaran ay u galeen sida ay Xoolaha Nool u gayn lahayeeen Dowladaha Carabta, hadalkaani ka soo yeeray Puntland ayaa ku soo Aadaya kadib markii ay Dowlada Boqortooyada Sacuudiga ay sheegtay in ay Xayiraada ka qaaday Xoolaha Nool ee Somaliya ee lageeyo Dowlada Sacuudiga,

garo4

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntlamd Maxamuud Doonyaale ayaa maanta waxa uu kulan la qaatay Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa , kulankaasi waxa uu ka dhacay Maxjarka Wayn ee lagu Baaro Caafimaadka Xoolaha iyadoo ka dib markii la ogaado Cafimaadkooda Xoolaha Nool laga Dhoofinayo Xolahaasi Dakada wayn ee Bosaasoo.

Wasiirka Xanaanada Xolaha Puntland ayaa kulankaasi ka Warbixiyey wax yaalaha ay haatan ku tilaabsatay Dowlada Puntland isagoo ku macneeyey in ay diyaar u yihiin in ay Dowlada sacuudiga ay u Daabulaan Xoolaha nool Sanadkan inta aan la gaarin Mowsimka Xajka ee ay Muslimiinta Caalamka ay isugu yimadaan Dalka Sacuudiga.

garo5

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland waxa uu kaloo sheegay in dowlada Sacuudiga ay diyaar u tahay in ay Dhoofsato Xoolaha Somaliya kadib markii ay Bayaan kasoo baxay Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Sacuudiga lagu sheegay in ay Xayiradi ay qadeen.

garo6

Dhica kale kulankaasi waxaa ka hadlay Maareeyaha Maxjarka Bosaaso Maxamed Faarax isagoo Maareeyaha Maxjarka Hanbalyo u diray Dhamaan Shacab Somaliyeeed Meel kasta oo ay jogaan, isagoo ku macneey Hanbalyeentaasi in ay Guul u soo hayatay Ganacsatada somaliya oo u dhoofin jiray Xoolaha Nool Dalalka carabta .

Gaba gabada kulankaasi waxaa lagu lafa guray in ay muhiim tahay in la baaro oo la Ogaado Cafimaadka Xoolaha Nool si loo geeyo Dalka Sacuudiga.

C/qaadir Saciid Cali Gaanni.
Gaani18@hotmail.com.
bosaaso-Somalitalk.com

Xiriirka K/Koleyga Somalia Oo Balanqaad Ka Helay Guddoomiyaha XKKJ/Carabta

CAIRO: Waxaa si habsami leh bishan 4-7 ugu qabsoomay magaalada Qaahira ee dalka Masar shirweynaha Xiriirada k/koleyga Jaamacadda Carabta, waxaa shirkaasi Soomaaliya uga qeybgalay Xoghayaha guud XSKK Eng. Baana Cali.

Shirweynahan oo ay aheyd in aan ka soo wada qeybgalaan 22-ka wadan ee ka tirsan wadamada carabta balse waxaa ka soo qeybgalay 18 wadan, waxaana ka maqnaa wadamada ay ka mid yihiin Jordan, Iraq, Mauritania iyo Comoro Irelands.

ac2

Waxaana halkaasi lagu doortay guddoonka XKKJC waxaana xilkaasi mar kale loogu doortay Amiir Talal bin Badar bin Saud bin Abdulaziz , wuxuuna doorashadaasi ka dib Amiirka kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha guud Eng Baana Cali isagoo ugu hambalyeeyay doorka wacan ee XSKK wuxuuna ku ammaanay ka qeybgalkii tartanka dhallinyarada U18 ee ka dhacay dalka Morocco isagoo tilmaamay in dadaal balaaran ay muujiyeen Soomaaliya xilli ay marxalad xun uu ku jiro dalka.

Kulankan Taariikhiga ah ee ay yeesheen Xoghayaha XSKK Eng. Baana mas`uuliyiinta sare ee XKKJC guddoomiyaha Prince Talal iyo Gudoomiye ku xigeenka koowaad Ismail Abdulah iyadoo arimo xasaasi ah lagu lafaguray shirkaasi islamarkaasi Eng. Baana uu ka warbixiyay waxqabadka K/Koleyga Soomaaliya isagoo tilmaamay inay jiraan baahi loo qabo dayactirka garoomada, qalabka iyo are u qaadidda aqoonta tababarayaash iyo garsoorayaasha .

ac1

Guddoomiyaha Xiriirada KKJ/Carabta ayaa tibaaxay in ay wax badan ka qeybqaadan doonaan horumarinta ciyaaraha K/Koleyga Soomaaliya isla markaasna ay joogtayn doonaan xiriirka guud ee labada dhinac.

“Waan aqbalnay in aan idinka caawinno [Somalia] tartamada jaamacadda carabta in aan bixino Tikidhada , lacagaha Fee-ga ee sida Hotel-ka iyo cunada cayaaraha inta ay socdaan” sidaas waxaa ku balan qaaday Amiir Talal Guddoomiyaha XKKJ/Carabta oo ka jawaabayay codsiga Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliya ee uu jeediyay Xoghayaha guud Eng Baana Cali oo ka dalbaday in Soomaaliya la caawiyo maadaama aysan haysan wax Sponsorship ah .

ac3

Si kastaba, waa guul Taariikhi ah oo u soo hoyatay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga oo ku talaabsaday muddo labatan sano ka dib inuu dib usoo celiyo xubinimada K/Koleyga Jaamacadda Carab.

Said Ibrahim
saciid_buuna@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.