Xafiiska Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Siyaasada Soomaaliya (UNPOS)
Warqad ku socota Soomaalida Qurbaha ku nool (No. 19)
Nayroobi, 06 November 2009
As-salaamu Alaikum,
Saaxiibayaal iga gudooma dhamaantiin salaan diiran .
1. Sida caadadu ahayd, hal bil ayey dib u dhacday warbixintaan idin siin jirey taasoo ay ugu wacan tahay howlo badan oo jirey bishii la soo dhaafay. Marmar waxaa la moodaa in arimuhu ay cakiran yihiin ama aynan halkoodii ka dhaqaaqin laakiin waxaan rabaa inaan idin xaqiijiyo in ay howlo badan ooay dadku ka warqabin socdaan, lana doonaayo in Soomaaliya horey loogu dhaqaajiyo. Dhinacayga mar labaad waxaan rabaa inaan idin sheego dhacdooyinkii ugu dambeeyey.
2. Bishii aan soo dhaafnay, waxaanu qabanay shirkii ugu horeeyey ee Guddiga Heerka Sare iyo kulankii Sadexaad ee Guddigii Wadajirka ee Arrimaha Nabadgelyada, Xubnaha labadan Guddib qaabkooda dib u habeyn ayaa lagu suubiyey. Sidaad xasuusan tihiin Labadan Guddi waxaa lagu dhisay Qodobada 9aad iyo 8aad ee Heshiiskii Jabuuti si wadahadal uu u dhexmaro Dawladii hore iyo Mucaaradkii hore ee jirey. Haddaba labadan Guddi ayaa la isla ogolaaday si la isugu keeno Wakiilada Dawlada Soomaaliyeed iyo Wakiilo ka socda Xubanaha Bulkshada Caalamka si loo xaqiijiyo helitaanka hab is kaabayaa oo lagu hirgelinaayo heshiiskii Jabuuti dhinacyadiisa Khuseeya Amniga, Caddaaalada iyo Dib u heshiisiinta, Arimaha Bani’aadanimada, Dib u dhiska iyo Horumarintuba. Shirkii Guddiga Heerka Sare wuxuu qabsoomay 23kii October 2009 waxaana wadashir u shir Gudoomiyey Ra’isal Wasaaraha iyo Sarkaalka Sare ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoway uga hooseeya Arrimaha Siyaasada Aduunka Lynn Pasco. Sarkaalka Qaramada Midooway wuxuu hoosta ka xariiqay uuna waafaqay codsiga Ra’isal Wasaaraha Soomaaliyeed ee ku aadanaa in la sii wado kaalmada Caalamiga ah ee la siinaayo Dawlada Soomaaliyeed.
3. Guddiga Wadajirka ah ee Arrimaha Nabadgelyada waxaa lagu dhisay Qodobka 8aad ee heshiiskii Jabuti si dib loogu unko ama loogu xoojiyo awooda waxqabad ee Hay’adaha Amniga ee Dawlada Soomaaliyeed iyadoo wado kasta loo maraayo, haddaba shirkii 3aad ee Guddigan oo dhacay 12 Oktoobar waxaan haalkaas ka arkay dhowr arrimood oo aan rumneysanahay inay xoojinayaan awooda waxqabad ee Hay’adaha Amniga ee Dawlada Soomaaliyeed, xoojintaas oo ka imaanaysa dhinacyada Tababarida la siinaayo Cidaamada iyo qaab iskaashi oo dhexmaraayo Dawlada iyo Saxiibadeeda Caalamka.
4. Howlgalka Ciidamada waa inay ahaadaan kuwa aad u habeysan isulana shaqeeya marka ay ka howlgalayaan dalka gudihiisa iyo xiriirka ay la leeyihiin bulshada Caalamkaba., shirka Gudiiga Amnigana wuxuu ka hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo isku kalsoonida iyo isla shaqeynta ka dhaxeysa Qeybaha Ciidamada Dawlada Dhexdooda iyo in Isbedel lagu suubiyo habdhismeedka Ciidamadaba oo heerwalba ilaa Qeybo leh ayaa looga hadlay shirka wadahadalada u socda Guddiga Arrimaha Nabadgelyada Qaabilsan aad iyo aad ayey u wanaagsan yihiin waxaana ka soobixi doona talo soojeedin leh arrimo la taaban karo Isbuucyada soo socda.
5. Waxay ila tahay dadka Soomaaliyeed inay u baahan yihiin inay ka Faa’ideystaan xilliga kala guurka ee Xukuumada Soomaaliuyeed ee ku eg 2011 waana inay bilaabaan dib u habeynta iyo dib u dhiska Ciidamadooda Nabadgelyada, waxay ila tahay in waqtigan hadda la joogo mid mirodhal noqon karo iyadoo loo howlgalaayo si taxadir ku jiro, Xiriir ka dhexsamayn Dawlada iyo Dadweynaha mudo ayuu qaadnayaa waana dadaal muddo dheer soconaya. Inkastoo aan fahamsanahay in Safarada uu u yahay muhiim Saraakiisha Dawlada si ay u soo gutaan waajibaadkooda una soo helaan dhaqaalaha sida aadka ah loogu baahan yahay haddana waxaa muhiim in la isu miisaamo Safaradan iyo howsha dadka loo qabanaayo sida dhamaan dadweynaha aduunbka oo dhan dadka Soomaaliyeed waxay jecel yihiin in looga waramo Ujeedooyinka iyo Natiijooyinka ka soo baxa Safarada Saraakiisha Dawlada waxaan hubaa in Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isal Wasaaraha iyo Xubnaha Golaha Wasiiradaba ay u waramayaan dadkooda markii loo baahdo.
6. Bisha Oktoobar waxaan booqday LONDON, PARIS iyo WASHINGTON waxaana kala hadlay Xukuumadaha ka jira wadamadaasi iyo Hay’adaha kale ee daneynaya arrimaha Soomaaliyeed sida ugu haboon ee ay u wadi lahaayeen kaalmada Ummadda Soomaaliyeed daneyn xoog leh ayaa ka jirta Wadamadaasi, saaxiibada idin joogto wadamadani waxay aad u jecel yihiin inay kaalmeeyaan Soomaaliya si ay dib ugu soo celin lahayd arrimaheeda Nabadgelyadeeda iyo Sharafteeda. Baahida loo qabo in lahelo hab cusub oo dib loogu qabeynaayo waxqabadka Hay’adaha Nabadgelyada Dawlada ayaa waxaa mar labaad ka hadlay sarkaalka sare ee Xogahayaha Guud ee Qaramadda Midoway uga hooseeya Arimaha Siyaasada Aduunka Lynn Pasco hadalkana wuxuu jeediyey mar uu qudbad u jeedinaayey Golaha Amaanka bishii Oktoobar 8, wuxuu hadalkaasi ku soo celiyey safarkiisii dhowaa ee u Nairobi oo uu la hadlaayey Diplomaasiyiinta ku nool Kenya.
7. Waxaa nasiib darro ah in tiro dad ah oo maanta Soomaaliya ku nool weli ay adeegsanayaan habkii hore ee Guunka ahaa ee ku dhisnaa xooga iyo Dagaalka si ay u muujiyaan Carrada ay qabaan amaba ay rabaan inay ujeedooyin siyaasadeed ku gaaraan, laga soo bilaabi sanadkii 1992 habkan Guunka ah ee Xoogga ku dhisan dadkii adeegsanaayey wax guul ah oo waaraaya kuma gaarin sidaasi darteed ma jirto sabab maanta aan u aamino karno in isla habkaasi guul lagu gaari karo, bishoo Maajo ee tagtay tiro dad ah oo Soomaaliyeed iyo Isbahaysiyaashooda ayaa isku dayey inay Dawlada Xoog ku Afgembiyaan, haddeertana waxay isku dayayaan inay dil Qorsheysan kula kacaan Saraakshiida Dawlada uuna ka mid yahay Madaxweynaha-
Arintani oo u horseedeysa qas hor leh, Naxdin iyo isafgaranwaa dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa iyo Niyad Jab, sidaad dhamaantiin ka warqabtaan, Umadda Soomaaliyeed weli dhib ayey ku jirtaa dagaaladan sii socda darteed. Waxaan rabaa in aan ku celiyo
mar labaad muhimada ay leedahay helitaanka hab kaalmada Beni’aadanimo lagu gaarsiin karo dadka u baahan iyadoo wax dhibaato ah ama hakad ah la gelinin. Kaalmeynta waa arin dhexdhexaad ah mabda’ ahaana ka madaxbanaan waxyaabaha la isku hayo waxaa muhiim ah in la xaqiiyo in ugu yaraan kaalmo la gaarsiiyo dadka dhibaatada socota waxyeelada ka soo gaareyso.
8. Si loo kaalmeeyo Ummadda Soomaaliyeed Nabadna u kala helaan ayaa Saxiibo badani ay diyaar u yihiin horeyna uga ahaayeen inay Umaada Soomaaliyeed ku kaalmeeyaan sidaasi darteed, Hay’ad Madax banan oo qaabilsan dabagalka Xisaabaadka ayaa la sameeyey si loo xaqiijiyo in la helo hab Xisaabeed Hufan. Talaabadani waa mid lagu dhisaayo Is Aaminaad ka dhexdhalata Hay’adaha Xukuumada Dhexdeeda waana talaabo labaad oo lagu caadiyeynaayo Xiriirka ka dheexa Ummadda Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka marka ay timaado Arrimaha Iskaashiga dhaqaale. Tani waa talaabo mudan soo dhaweyn maadaama ay siineyso fursad kuwa doonaayo inay kaalmeeyaan Soomaaliya iyadoo loo maraayo hab isla tartamid ku dhisan. Waa inaad si aad ugu mahadcelisaan wadanka Norwey oo mar labaad talaabo horey u sii qaaday ee uu ku fulinaayo go’aankiisa ahaa inuu kaalmeynaayo Ummadda Soomaaliyeed Isagoo u sii marsiiyey Bangiga dhexe ee Ummadda Soomaaliyeed. Haddaba waa in uu guuleystaa “Iskaashigan Tijaabada ku dhisan” talaabadan waxaa kale oo ay fariin u tahay kuwa aaminsan in howsha sideedii hore isaga soconeyso lana adeegsanaayo dagaalkii iyo fowdadii, taasoo la aaminsanaa inuu yahay dariiqa keliya ee maanta Soomaaliya ka furan.
9. Sax iyo Khalad midey doonto ha ahaatee, Dunidu maanta wuxuu wadanka la xiriirinayaan in uu yahay Wadan Guuldareystay Khasna ka jiro, haddaba, haddii aad rabtaan Soomaalida berito inay ahaato Soomaali lagu tilmaamo inay ka jirto xasilooni iyo guul, waa inaan dhamaanteen ka qeyb qaadanaa sidii aan ku dhisi lahayn magaca cusub ee wadankiinan weyn, Xafiiskaygu wuxuu aad ugu shaqeynayaa sidii arintaasi u shaqeyn lahayd, inkastoo caqabado ay jiraan haddana waxaa jira waxoogaa talaabo horumar leh inkastoo aanan la tilmaameyn ama la sheegynin horumarkaasi, warka xun keliya ayaa ku soo baxa joornaalada.
10. Soomaalida dad ahaan isagama soo horjeedaan laakiin shaki iyo baqdin ay kala qabaan ayaa isku direysa qaskana u wadaan, Ganacsatada Soomaaliyeed ayagoo wadajira ayey isla shaqeynayaan dalka gudahiisa iyo dibadiisa iyagoo aan isku fiirineyn hab qabiil waxayna doorweyn ka geysan karaan habka Nabad ku soo celinta dalka inta badan Ganacsataduna sidaas ayey u howlgalaan waxaan rabaa inaan xuso shirkii ugu horeeyey ee ku saabsan arrimaha Soomaaliyeed wuxuu dhacay Febrauyo 2008 waxaana la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed wuxuuna ka dhacay magaalada Sharjah, waxaan ka dareemay in dadaal xoog leh ay wadaan Ganacsatada ayna ku taageerayaan Nabada iyo Xasiloonida arintaasi waxay ahayd astaan aad u wanaagsan, haddaba dadkiinan wadanka Dibadiisa ku nool idinkuna waxaad si waxtar leh uga qeybqaadan kartaan wax u tarista wadankiina idinkoo isu eegeyn hab Qabiil iyo hab Goboleedba, dhamaan xubnaha Baarlamaanka iyo Dawlada Soomaaliyeed waxay ka yimaadeen dalka Dibaddiisa sidoo kale Xubanaha Baarlamaanka Puntland iyo Soomaaliland waxay ka wada yimaadeen dalka dibadiisa.
11. Dawlada iyo Saaxiibada kale ee Soomaaliya waa inay si dhab ah u wadaan una fuliyaan mas’uuliyada ka saran habka Nabad iyo Xasilooni ku soo celinta Soomaaliya, Mas’uuliyiinta Hay;adaha Federaalka Soomaaliyeedna waa inay dib u eegaan waajibaadka ka saran inay si wadajir ah u wada shaqeeyaan si toos ahna ula shaqeeyaan Ganacsatada, Bulshada Rayidka ah iyo Ururada iwm. Horumarka wuxuu mar walba u baahan yahay in la adkeeya
Wallaalkiin,
Ahmedou Ould-Abdallah
La xiriir:
Donna G. Cusumano
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone: Office – 254 20 7627133
Mobile – 254 737 400133
Email: Donna.Cusumano@unon.org
www.unpos.unmissions.org
Mr. Ahmedou waxaa ku roon inaad iska
aamusto, isna casisho, dad dhulkoodii
la iibsaday hadal uma baahno. Laga yaabe
Soomaliya inay mar uun awood yeelato
ay dad badan oo dembi ka galay ka aarsato
Walaalkayo Ahmedou Oul-Abdallah
waa ku mahadsanyahay warbixintaan fiican oo u nasiiyay, laakiin kama uusan hadlin arrinta murugada weyn nagu heysa ee isagu
qalqaaladeeda billaabay oo dhul-badeedka soomaaliya aay Keenya rabto in aay qaadato.
Waad la socotaan in Reysulwasaaraha cumar cabdirashiid in uu noo cadeeyay in uu qalqaalada bilowgeeda in la saxiixo uu asagu waday.
Haddaba arrintan oo dambi weyn ah sideebuu rabaa in uu uga baxo.
Ma waxuu damacsanyahay in uu maaweeliskan kusii jiro oo bil kasta noosoo gudbiyo warbixin lambareysan 17 iyo 18 iyo 19.