Home » Warar »

Madaxwaynaha Punland oo Kulan la Qaatay Taliyaha Ciidamada Police-ka DKMG

Somalitalk:Bosaaso: Madaxawayanaha Dowlada Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa Kulan Aad u Muhiimsan La Qaatay Taliyaha Ciidamada Police-ka Dowlada KMG Somaliya Cabdi Cawaale Qaybdiid, Kulankaasi ay wada Qateen ayaa Qaatay Mudo Saacadaha Waxayna Kulafa Gureen Arimo Badan oo Quseeya Cidamada Somaliyeed ee lagu Tababarayo Kuliyada Carmo ee gobolka Bari.

Taliyaha Ciidamaada Police-ka Dowlada KMG Soomaaliya Cabdi Cawaale Qaybdiid Safar-ka uu ku yimid Degaanada Punland Gaar ahaan Caasimada DGPL ee Garoowe ayaa waxaa ku wehliya Qaar ka tirsan golaha Wasiirada Dowlada KMG Somaliya oo uu ugu horeeyo Wasiir Dowladaha Arimaha Gudaha Somaliya.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Police-ka Somaliya Waxa la Filayaa in uu Maalinta Bari uu soo Gaaro Gobolka Bari Gaar ahaan Degmada Carmo ee Gobolkan Bari si uu Halkaasi ugu Soo Xiro Tababarka Mudada Socday ee loo Qabtay Ciidamada Dowlada KMG Somaliya.

Cabdi cawaale Qaybdiid ayaa waxa uu Kuliyada Tababarka Ciidamada Booliiska ee Magaalada Carmo uu ka jeedin doonaa Khudbad ku Aadan Sidii Ciidamadaasi ay si hufan ugu Shaqayn Lahaayeen Dadkooda iyo Dalkooda uu saameeyay Dagaalada iyo Colaadaha aan Dhamaadka lahayn ee ka jira inta badan Deegaamada Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horaysay oo Mas,uul ka socda DKGS uu soo gaaro Kuliyada Akadeemiyada Carmo iyadoo ay horay u yimaadeen Mas,uuliyiintii isaga danbaysay Xilka Taliyaha booliiska Soomaaliya intii ay jirtay kuliyadaas waxaana sidoo kale yimid Raysul Wasaarihii hore ee DKGS Prof.Cali Maxamed Geedi.

Ugu danbayntii Taliyaha Booliiska DKGS Cabdi Cawaale Qaybdiid ayaa 2dii bishan ka soo dagay Magaalada Gaalkacyo halkaasoo uu kulamo kula Qaatay Maamulka iyo Odayaasha Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo kuwaasoo uu kala hadlay sidii loo Dhamayn lahaa khilaafkii keenay Dagaal in uu ka Qarxo diilinta kala qaybisa Magaalada Gaalkacyo ee ay wadaagaan Maamulada Puntland iyo Golmudug iyadoo sidoo kale Wararku ay Tibaaxayaan in ay dhici karto in uu dib ugu laabto Magaalada Gaalkacyo si uu u dhamaystiro soo Afjaridii khilaafkii keenay Gacan ka hadalkii sababay dhimashada Labadaasi Dhinac.

C/qaadir Saciid Cali Gaanni
Gaanni18@hotmail.com
Somalitalk.com Bosaaso

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.