Home » Warar »

Muqdisho oo ay ka sameysmeen Harooyin waaweyn iyo Afgoooye: Dhaqatar loo dilay Xabad Sigaar ah oo uu shitay

Afgoooye: Dhaqatar loo dilay Xabad Sigaar ah oo uu shitay

Wararka ka imaanaya Magaalada Afgooye waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd Magaaladaasi lagu dilay Dhakhtar si aad ah looga yaqaanay Magaaladaasi oo lagu magacaabi jiray Dr. Sagaarey.

Dilkaan ayaa waxaa gaystay nin ka mid ah Ciidamada Ururka Xisbul Islaam kadib markii Dhakhtarka lagu amray in uu damiyo Sigaar u shidnaa, hase yeeshee dhakhtarka waa uu diiday in uu damiyo sigaarkaasi, waxaana dhex maray gacan ka hadal, kadibna waxaa dhacday in askarigii ka tirsan Xisbul Islaam rasaas ku furay dhakhtarkii halkaasna uu ku geeriyooday, waxaana rasaastii ku dhaawacmay saddex ruux oo kale oo ka ag dhawaa halkii ay ka dhacday mashaqadaasi.

Ninkii dilka gaystay ayaa markiiba la qabtay waxaana loo taxaabay xabsiga, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa si weyn uga carooday dilka loo gaystay dhakhtarkaasi, waxayna eheladda ninkaasi codsadeen in loo qisaaso ninkaasi, balse warar dambe oo soo baxay ayaa waxay sheegayaan in ninkii gaystay dilkaasi si hoose loogala baxay xabsigii uu ku jiray.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dilal noocaan oo kale ah ka dhacaan degmada Afgooye oo ay gaystaan maleeshiyooyinka halkaasi ka taliya, hase yeeshee nin la dhashay dhakhtarka ayaa waxa uu sheegay in isla markiiba u gudbiyeen Xisbul Islaam in inta aan la duugin maydka Dhakhtarka ninka dilka gaystay la dilo oo isku mar la duugo.

Isku soo wada duuboo xaaladda Magaalada Afgooye ayaa aad u kacsan waxaana la sheegay in dadweynuhu aad uga careysan yihiin sida hoose ee loo bixiyey ninkii gaystay dilkaasi.

sigaar

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmial.com

Muqdisho oo ay ka sameysmeen Harooyin waaweyn

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
 
Iyadoo maalmahan ay Magaalada Muqdisho ka da’ayeen roobabkii deyrta ayaa waxay roobabkaasi sii baabi’iyeen intii ka hartay wadooyinkaasi, waxayna Gaadiidka iyo Dadkaba ay haatan wadooyinkaasi ku maraan si dhib leh, iyadoo qaarkood ay xirmeen, waxaana wadooyinkaasi ka mid ah Wadadii shaqaalaha, sidoo kale waxaa xirmay Wadadii tageysay dabka kana imaaneysay Bakaaraha , waxayna Gawaaridu maraan xaafadaha dhexdooda, sidoo kale waxay wadadaasi muhiim u ahayd gawaarida ka timaada dekedda weyn ee Muqdisho, waana wadada keliya ee haatan furan ee kala qaybisa labada dhinac ee Muqdisho ku dagaalamaya.
 
Sawirka kuu muuqda waa Jidka Sodonka oo ah jidkii ugu quruxda badnaa ayaa haatan waxa uu noqday meelo ay ka sameysmeen Harooyin waaweyn, waxayna carruurta yaryarta ah bilaabeen in ay ku dabaashaan harooyinkaasi, qofkii ay mudo ugu dambeysayna ma garan karo in halkaan ay wado ahaan jirtay, iyadoo dadka qaarkood sheegeen in haddii aan si dhaqsi leh loo dayactirin in gebi ahaanba ay xirmi karto wadadaasi.
 
Wadada Sodonka oo uu saarnaa laami aad u qurux badan ayaa haatan waxa uu noqday meel uu laamigu ka baaba’ay, iyadoo ganacsatada wadadaasi ku ganacsan jiray ay ka cabanayaan meel uu soo maraan gaadiidka iyo dadka, iyadoo hortooda ay noqotay biyo fariisin aad u weyn., waxaana goobaha qaarkood u soo daawasho dhalinyaro kuwaas ku raaxeysta Neecowda qabow ee ka imaanaya Biya fariisanka, balse waxay la yaaban yihiin sida uu jidkii qurxoonaa ee soddonka uu u noqdey Balli  hase yeeshee waxay biyahaas ka  abuurmey  Kaniico aad u fara badan  oo maalinka cad ku boobeysa
 
Jidka Warshadaha ayaa noqday meel ay ka qodmeen boholo waaweyn kadib markii ay ka da’een roobab waaweyn, gadiidkuna waxay bilaabeen in ay meelaha qaar Wadada Warshada ka wareegsadaan masaafo aad u dheer.

haroo1
 
Isku soo wada duuboo xaaladda waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda kuwo noqon raba ay ka sameysmi rabaan harooyin waaweyn mana jirto cid u maqan oo dooneysa in ay dayactir ku sameyso wadooyinkaasi.
 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmial.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.