Home » Maqaallo »

FAALLO: Burcad badeeda Somalida xal ma loo hili karaa?

FAALLO: Burcad badeeda Somalida xal ma loo hili karaa?

Burcad Badeeda Somalida marka aad fakir ahaan aad U Maqashid Qayb waxa ay lee yihiiy Dadwaynaha Somalida, burcad badeeda somalida waa ay ku sax san yihiin wax ay sameenyaan qayb kalena wax ay lee yihiin waa wax qalad waxa ay ku dhaqaaqayaan Burcad Badedda Somalida.

Burcad Badeeda Somaliada waxay Maalinba Maalinta ka danbaysa ka sii badanyaan sida ay haatan yihiin ,waxaan sidoo kale soo galaya jirinimada Burcada Baddeedda dhalinyaro Samaliyeed oo aad u tira badan oo kula baahsan Gobolada Somaliya oo dhan.

Hadii aan u soo lee xano Baddaa ku Xeeran Somaliaya waxa ay kala yihiin Badada Hindiya , Gacanka cadmeed iyo Badda Cas dhamaantood waxay lee yihiin Qayraad laga helo oo ah Kaluunka , Argooosato , iyo Qayraadka kale oo Badan oo laga helo Baddahaasi ku dahaaran Somaliya.

Dadka Somaliyeed ee ku nool Gudaha Wadanka Somaliya waxa ay dareemayaan Dowlad la’aan, Nabad Galiyo la’aan , Dhaqaalo la’aan iyo Barakac aad u baahsan tan iyo markii ay dhacday Dowladii dhaxe ee uu Madaxwaynaha ka ahaa Jaale Maxamed Siyaad Barre mudo haatan Laga Joogo ku Dhawaad 20 Sano.

Taasina waxa ay Sahashay in ay Dadkii ay noqdaan Badan Kooda Dad aan Aqoon Lahayn aana kala Garanaynin waxa u Fiican iyo waxa u Xun, waxaa dhacday in Shacabka Somaliyeed ay isku badalaan Shacab Marwalba u taagan in ay wayeen Nabad Galyo Waarta oo ka Dhacda Dhamaan Guud ahaan Somaliya.

Dhica kale Burcad Badeedka Somalida waxa ay noqdeen Mid ay ka Fa’iidaystaan Xaalada Dalka ka jir ee Bur Burka ah, waxayna u Sahashay in ay Badaha Somaliya ku Xayran in ay qaraabsi u doontaan oo ayna soo Qafashaan Maraakiibta Gooshaya Biyaha Caalamiga ee ku Teedsan Badaha Somaliya.

Waxayna Sidoo kale noqdeen Burcad badeeda Somalida mid soo Jiita Dhamaan Indhaha Dowladaha Caalamka oo dhan iyo Kuwa ugu Awooda badan ee Aduunka ee ugu Horayeeyo Dowlada Maraykanka.

Waxayna arintaa ee sahashay in ay Dowladahaasi ay Sameyaaan Urur la Dagaalama Burcad badeedka Somlida Kana Qolaysta Badaha Somaliya oo dhan waxayna la Magac baxeen in la yiraahdo kooxda Howgalka la Dagaalanka Burcad badeedka Somalida ee ATLANTA.

Waxaana Hogaaminaya Ururkaasi la Dagaalanka Burcad badeeda Dowladaha Aduunka ugu Awooda Wayn, Waxay u soo direen Biyaha Somaliya Maraakib aad u fara badan oo la Dagaalamaya kooxaha jiri badeeda.

marka burcad badeeddu ma wax faiido ah ayey u keneen Dalka somaliya,Dadka Somaliyeed iyo Biyaha Somaliya

Taasi waa su’aal is waydiin mudan oo u taalo Qof walba oo somalia ah oo jooga Gudaha Somaliya iyo Dibadaba.

Dalka Somaliya waxa uu ku jiray Sanadihii 1974 ilaa 1990 Dalalka Africa ugu waa wayn uguna wax soo saara badan markii la Eego xaga wax soo saarka Dhaqaalaha, sidoo kale waxa ay lee dahay Dowlada Somaliya Xeebta Labaad ee Africa ugu dheer markii laga hormariyo Dowlada south Africa oo ah dowlada ugu Xeebta dheer Qaarada Africa.

Iyadoo aanu wada ogsoonahay in ay lee dahay Dowlada Somaliya Xeebta Labaad ee igu dheer Qaarada Africa ayaa waxay noqonatay xeebtaasi mid Mugdi ah oo aynan ka kaluumaysan Karin Kaluumaysata walba ee Somaliya sababta oo ah waxa ay noqntay in qof walba oo Kaluun donanaya in uu arko Markab Xamuul sida ama Markab dalxiiis waxayna Damac ka galayo in uu Qafaasho Markabkaasi Xamuulka sida uuna u helo Lacag uusan waligii ku Hamin uusana Arkin.

Hadaba burcada badeedu waxa ay noqdeen Tusbax Afka laga furay oo ku sii fidaya Biyaha Caalamiga ee ku Deedsan Somaliya si ay ugu Qafaashaan Markiibta Ganacsiga oo u kula Gooshay Dunida Dacaladeeda.

Sidoo kale burcad badeeddu waxa ay Caqabad ku noqdeen in Gar Gaarka la gaarsiiyo Dadka Qaxotiga ah ee ku tabaalaysan Magaalooyinka waa wayn ee Somaliya Deeq daasoo loo soo marinayey Badda iyadoo la soo saarayey Maraakiib Fara badan oo Cuntooyinka loogu deeqayo Dadka Qaxootida Somalida sida.

XALKU HALKA UU KU JIRO.

Burcad badeedu waa Dad Somali ah oo la yaqaan waa Dad aan sidaa u Fogeen Fikrada ay xanbaarsan yihiin ,waayo waxaan aragnay in ooxaha Burcada ay Lacago fara badan ay soo qataan misna ayna ku Fa’idin oo ay ku Qasaraan Taasina Waxa keentay in ay Xolahaasi yihiin Xoolo Xaraan ah oonan Raali looga hayn in ay Qataan.

Marka waa in loo shegaa in ay iska Dayaan Afdoobida Markiib Gooshaya Biyaha Somaliya.

FIKRADA DADWAYNAHA

Hadaba Aqriste sidee ayey kula tahay Burcad badeedka Somaliada .

*Wax faa’iido malee yihiin.

*Mise ma laha.

Jawaabtu waa Xagaaga Adiga oo eegaya Danaha ay u hayan Dadka Somalida Kooxaha Jiri badeeda Somalida.

C/qaadir Saciid Cali (Gaanni)

Bosaaso P/LAND – Somalia

Gaani18@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.