Home » Warar »

42 Arday Soomaaliyeed oo ka Qalin jebiyey Jaamacadaha Malaysia

42 Arday Soomaaliyeed oo ka Qalin jebiyey Jaamacadaha Malaysia

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah oo ardayda qalinjebisey

Waxaa sanadkaan 2009 ka qalinjabiyay dalkaan Malaysia Ardaydii ugu tirade badnayd ee abid ka qalin jabisa Jaamacadaha ku kala yaala dalkaan Malaysia, Ardaydaas ayaa waxay tiradoodu ahayd 42 Arday, waxyna ka kala qalin jabiyeen jaamacado kale duwan, Ardaydan ayaa waxay dhamaysteen takhasuusaat kala gadisan. Jaamacadaha ay ka kala qalin jabiyeen ayaa waxay kala ahaayeen.

1. International Islamic University 37 Arday

2. Sunway University Collage 2 Arday

3. University Utara Malaysia 2 Arday

4. University Technology Malaysia 1 Arday

Ardaydan ayaa waxaa xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo abaal marino wax ku oola lagu gudoonsiiyay u qabtay 16/10/2009 Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia. Xafladaas ayaa waxaa Hal ku dhageedu ahaa, ”Appreciating seniors and encouraging juniors’ waxaana kasoo qayb galay Arday fara badan oo ay ku jiraan kuwii qalin jabiyay, marti sharaf kala duwan iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen, Ass. Prof. C/naasir Shuuriye, Maxamed Cabaas oo ah madaxa jaaliyada Soomaaliyeed, Shiikh Ahmed Xanafi iyo C/khadar oo ah Maamulaha Xawaalada Dahabshiil ee Malaysia oo ay xawaaladiisu xafladan maal galisay, waxaa ugu horayntii furay muhiimada loo qabtay barnaamijkana ka hadlay C/laahi Qayliye oo ah Xooghayaha guud ee Ururka Ardada Soomaaliyeed, waxaa kaloo xaflada iyaguna ka hadlay Dr.Shuuriye, Maxamed Cabaas iyo Shiikh Xanafi waxayna dhamaantood ku nuuxnuuxsadeen sida ay maanta ugu baahan tahay umada Soomaaliyeed dad tacliin leh, oo Soomaalida u horkaca horu mar iyo wax wada qabsi caqli iyo cilmi ku dheehan yahay, waxaa iyaguna Ardaydii qalin jabisay afkooda ku hadlay Faysal Cali Xuseen iyo C/kariim Cilmi Talan oo labaduba si lala wada maqsuuday ula hadlay dadkii barnaamijka soo xaadiray.

Ardaydan ayaa noqonaysa Dufcadii ugu badnayd ee Soomaali ah oo hal mar wada qalin jabisa . Soomaalida ayaa waayadaan dame kusoo badanaysa dalkaan Malaysia, taasina waxay keentay inaad magaalooyinka waawayn sida Kuala Lumpur oo kale marka aad ku lugayso aad soomaali ku aragto magaalada dhexdeeda. Oo xitaa waxaa dhacda marar badan hadii aad taksi qaadato inuu dareewalku ku garto oo ku dhoho ma soomaali ayaad tahay. Si kastaba ha ahaate, Ardayda soomaaliyeed ee dalkan kusoo badanaysaa waxay noqotay wax lagu faano, oo waxay dhalisay in ay dad badani ay saadaalinyaan in barnaamijka wasaarada waxbarshada sare ee dowlada Malaysia ee ah in uu dalkaani hoy u noqdo 2010 ilaa iyo 100,000 kun oo Arday Ajnabi ah, in ay soomaalidu ka qaadan doonto saami aad u wayn ayna ka mid noqon doonto dalalka ugu ardayda badan ee wax ka barta dalkaan Malaysai. Hadii ay dhacdo taasina waxay soomalida u keenaysaa Magac, Sharaf iyo Sumcad ay soomaalida u hayaan Dadka iyo Dawlada Malaysia, maadaama ay Ardada Soomaalidu lacagta Familadoodu usoo dirayaan ay wax ku baranayaan, dalkana ay soo galinayaan lacag adag, isla mar ahaantaasna aanay suuqa ku ciriiryayn xoogsatada Malaysianka ah.

jkrt

Dhanka kale Ardayda Soomaalidu kuma koobna buuga iyo qalinka, e waxay khibrad iyo aqoonba ka qaataan barnaamijyada iyo activitiyada kala duwan ee ka socdo Jaamacadaha ay wax ka bartaan.

Run ahaantii waloow aysan Giilka yar yar ee soomaalidu aysan dhaqan kooda aad u aqoon, hadana taasi kama dhigin inay ka haraan barnaamijyada kala duwan ee dawladuhu ay kusoo ban dhigaan waqtiyada Fanka, Suugaanta iyo Dhaqamada kala duwan lagusoo bandhigaayo jaamacadaha, waxaa marar badan dhacda inay Ardayda Soomaalidu noqoto oo ay ku guulaysato Numberada ugu horeeya ee kusoo baxa tartanka, taasina waxay dhiiri galisaa Ardayda Soomaalida ah, waxayna ku abuurtaa inaysan sanadna ka harin wax kasta oo Ardayda kala duwan ee jaamacadaha wax ka bartaa ay soo bandhigayaan. waxaa xusid mudan in dhamaan Ardayda kala duwan ee ka qayb qaadanaaya barnaamijyadaas ay gadaal ka riixayaan oo ay wadaan Safaaradohoodu laakiinse, maadaama aysan Malaysia Soomaalidu safaarad ku lahayn ardadayda soomaalidu iyaga ayaa iswada.

Ugu damayntii waxaa la orankaraa Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia wax ka barataa way kasoo bexeen doorkoodii wax barasho, waxayna tusaale wanaagsan u yihiin Soomaalida meelkastoo ay joogto, maadaama ay Ardayda qayr kood ahi u arkaan dad dhaqan leh, kartina u leh oo kazoo baxa wax kasta oo ay gacanta ku hayaan, haday noqon lahayd daraasada ay dhiganayaan iyo haday noqon lahayd hawlaha Volenteerka ah ee ay had iyo goor u taagan yihiin inay ka qayb qaataan.

Nasir Muse
Email: mussaiiu@yahoo.com

………….

UNIVERSITY OF UNJANI

Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo wadanka Indonesia ayaa laqu casumay xaflad qalin jebin jaamacadda UNJANI ee ku taala wadanka indonesia magaalada Bandung. Tirada ardada qalinjebinaysay ayaa gaaraysay ilaa 600 kana qalinjabiyay, kulliyadaha kala ah:

Faculty of Engineering
Industry
Metallurgy
Machine
Electro
Chemist
Civil

Faculty of Science and Technology
Physics
Chemist
Pharmacy
IT

Faculty of Medicine Doctor

Faculty of Economy
Management
Accountancy
Faculty of Psychology
Psychology
Faculty of Social and Politic
Government Science
International Relations

Master Degree
Government Science

Isla munaasabadaas ayuu Danjiruhu la hadlay ardaydi, uguna hambalyeeyay dadaalka faraha badan ee kudhowaad 4 sano ah ee ay ku bixiyeen sidii ay u soo gaari lahaayeen heerka ay maanta joogaan si ay wax u taraan aayahooda iyo wadankooda, waxaa kaloo uu ka codsaday maamulka jaamacadda in ardayda Soomalida siiyaan fursad ay wax uga bartaan jaamacadaas, qiimo hoosana loo ogolaado, iyadoo maamulka jaamacadda balan qaaday in ardayda ka imaanaysa Soomaliya loo sameyn doono tixgelin gaar ah, iyadoo danjirah ka codsaday kuliyadaha engineering-ka (electro, industry, chemist, machine, melatalurgy, civil) lagu bixiyo luqadda English-ka, codsigaasina uu aqbalay.

jkrt2

Maamulka Jaamacada ayaa uga mahadceliyay Danjire Colow sida niyada samida leh ee uu ugu heelan yahay gacan qabashada ardada iyo dhallinta soo koreysa, taas oo ay sheegeen in ay muhimad gaar ah u leedadahay mustaqbalka dadyowga iyo dalalka soo korayo, waxayna u rajeeyeen in ay Soomaaliya ku soo noqoto xaalad wanaagsan oo horumar iyo barwaaqo ku naalloodaan shacabka Soomaaliyeed.

Xaflada ayaa ku soo gebagabowday farxad iyo reynreyn.
Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia

J A K A R T A

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.