Home » Warar »

Walad Cabdalla oo Cambaareeyey isku dayga dilka Madaxweynaha DFKMG

Xafiiska Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Siyaasadda Soomaaliya

War-Saxafadeed 029/2009

SRSG-ga oo cambaareeyey isku dayga dilka Madaxweynaha Soomaalia

Nayroobi, 29 Octobar 2009 : Ergaygga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Soomaliya, Ahmedou-Ould Abdullah ayaa si aad ah u cambaareeyey kuwa ka dambeeyey isku-dayga dilka Madaxweynaha Soomaaliyeed, Sharif Sheikh Ahmed, isku-daygaas oo kala dhacay shalay iyo khamiistii la soo dhaafay.

“Ka dib markii ay ku guul-daraysteen isku daygii afgambigii dhici-soowbay ee Bishii May – oo aheyd dhacdo si aad ah ay u cambaareeyeen dhammaan bulshada caalamka- aya isla canaasiirtii ka dambeeysay falkaas ay hadda isku dayayaan in ay argagaxiyaan dadka Soomaaliyeed si ay Ummadda ugu abuuraan qas hor leh. Adeegsiga dilalka siyaasadeed, ee lagu leeynayo dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, iskana maraya hareeraha wadooyinka sida haweenka iyo caruurta, ma aha habkii awood lagu heli lahaa, waana fal gebi ahaanba mudan cambaareen. Is-dilku wuxuu ka soo hor jeeda dhamaan diimaha oo dhan. Waxaa nalagu yiri, “ ha dilina naftiina, dhab ahaan Alle ayaa ah kii marwalba idiin naxariisanaayey. Haddii qof isu dilo carro iyo cadaaladaro darteed, dhaqso ayaan ugu ridaynaa cadaabka- ama dabka” (S4, V 29-30).

Shalay oo aheyd mar uu Madaxweynaha ku soo noqonaayey Muqdishu, ayaa qolooyinka xagjirayaasha ah waxay qaadden weerar ay ula jeedeen dilka Madaxwaynaha. Ficilkaani wuxuu ka dambeeyey isku-day dil kale oo lagu qaday Madaxweyne Shariif Khamiistii hore asaga oo Diyaarad ka raacayey Airport-ka Muqdishu si uu u aado Ugaanda, ugana qeyb-galo shir-ay isugu imanayeen madaxweynayaasha Afrika.

“Isku day kasta oo dil ah laguna qaado Madaxweynaha wuxuu la mid yahay isku-day dil oo lagu qaaday dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, maadaama uu wax dhimaayo dadaalka dadka mudada dheer ugu jiray in uu soo noqoto nadaam iyo kala-danbeynba” ayu yiri Ould Abdullah.

Waxaa cad in kuwa amray ama fuliyey isku-dayga dilka aysan dan kalaheen in ay ka qeybgalaan wadahadal amase aysan doonaynin in ay gacan ka geeystaan geedi socodka nabada Soomaaliya ama tan Gobalkuba.

Donna G. Cusumano
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone: Office    – 254 20 7627133
                     Mobile – 254 737 400133

###

……………………………….

Barnaamijka Cunada adduunka ee WFP ayaa waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay warar dhaawanahaan soo baxayay oo sheegay in wax isdabamarin ka dhacday barnaamijka cunno qeybinta ah ee ay ka wadaan gudaha wadanka Somalia.

War qoraal ah oo kasoo baxay barnaamijka Q,M u qaabilsan arrimaha cunnadda ee adduunka ee WFP ayaa waxaa lagu sheegay inaysan waxba ka jirin wararka ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta qoreen ee ku aadanaa in musuq maasuq lagu sameeyay cunno ay WFP leedahay

war bixintaan ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan caqabado ku yimid in si toos ah loogu gar gaaro dadka dhibaateysan kuwaasoo ay sababeen siyaasadda kacsan ee dalka ka jira.

Sarakiil u hadashay barnaamijka cunnada adduunka ee WFP ayaa waxay sheegeen inay hawshoodu tahay u kaalmeynta dadka ay dhibaatadu heyso isla markaana ay colaaduhu ku qasbeen inay guryahooda ka cararaan ayadoona wartbixintaan WFP kasoo baxday lagu sheegay inay si toos ah iskugu xiran yihiin marka ay ay marakiibta sidda shixnadaha gar gaarka kasao dhaqaaqaan dekeda magaalada Mombasa illaa ay kasoo gaaraan gudaha Somalia.

WFP way waxay sheegtay inay dadka u gaarsiiyaan kaalmooyinka sidii loogu talo galay waxayna sheegeen inaysan jirin wararka ka baxay qaar ka mid ah warbaahinta iyadonka intaa ku dartay inay la shqeynayaan guddi baarayaal ah oo Q,M ka socda kuwaasoo arrintani baaritaano ku heyso.

WFP madaxda u hadashay waxay ugu baaqeen warbaahinta inay ka fiirsato wararka baahinayaan ka hor inta aysan bulshadda gaarsiin warar aan xaqiiqda ku saleyneyn isla markaana lagu wax yeeleynayo hawlaha ay hay’addu dadka dhibaateysan u qabto.

Barnaamijka cunnadda addunka ee WFP ayaa gar gaar siiya dadka ku barakacay dagaalada ka jira gudaha dalka Somalia haba ugu badnaadeene dadkii dagalada Muqdisho iskaga caray.

For more information contact:
Abdulkadir Eno: eno10@deeqa.com

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.