Home » Badda, Warar »

Ra’iisul wasaaraha DFKMG: Dowlada Kenya waxay si Qaldan u rabtey inay nagu Qiyaanto (Heshiiska Is-afgarad ee badda)

Cumar C/rashiid  oo sheegay in Kenya Doonaysay in ay DFKMG ku Khiyaamayso Heshiiskii Is-fahamka Xuduudda Badda

Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake oo kulan la yeeshay Jaaliyaadda Soomaalida London (28/10/2009) ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan heshiiskii Is-afgarad ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsanaa badda Soomaaliya, waxana uu sheegay in Kenya ay doonaysay in ay khiyaamayso Soomaaliya.

cum1Isagoo arrintaas ka hadlayey waxana uu yiri: Arinkaan waa soo noqnoqatey, marka waxaan idiin sheegayaa in markii ugu horeysay ee dowladda la soo dhisay in magaalada Muqdisho ay yimaadeen Ergayga Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya Mudane Axmed Wallad Abdalla iyo nin khabiir baddaha ah oo ka socda UNta , waxayna noo sheegeen in haddii aynan saxiixin heshiiskii hore Baddaha oo dhacayay, in Badda Soomaaliya qayb ka mid ah lagala wareegayo islamarkaana ay muhiim tahay in arinkaasi Dowladda Soomaaliya ka hor heshiiska cusboonaysiisaa, marka anaga Dowlad ahaan waxaan rabnay inaan heshiiskaas cusboonaysiino laakiinse Dowlada Kenya ayaa waxay si qaldan u rabtey inay nagu qiyaanto kadib markii ay dhulkeena calaamadooda gudaha badda Soomaaliya ku soo darsatey, laakiinse hadaa fiiriso tan aan anaga gudbinay Kenya waxaan xaq ugu leenahay inaan gudaha u sii galno madaama laga cabiraayo dhulka meesha uu ka biloowda, marka arinka arinkaas ayuu ahaa Kenya kama aanan yeelin waana ka daba tagnay mana dhacayso in dhul Soomaaliyeed iyo Badd Soomaaliyeed inaan ka tanaasulno taako inta aan hayo xilka waa igu balan, qof dhiibi karana ma jirto, arinkaasi waxaan filayaa inaa ku seexataan waxaa Dowlada Kenya damacsanayd inaysan dhici karin lana aqbalaynin, ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha DFKMG Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake.

Hadalkaas ka hor waxaa goobta ka hadlay C/raxmaan Cabdishakuur oo ahaa wasiirkii heshiiska Is-fahamka u saxiixay DFKMG, waxana uu sheegay in isaga amar lagu siiyey in uu soo saxiixo, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yiri: aniga waxaan ka mid ahay golaha Wasiirada dowlada Raisal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid, amar ayaa la igu siiyay, tag baa la yiri dowlada heshiiskaas u saxiix, waana saxiixay, ayuu yiri ee hadii aad arinkaas dacwad ka qabtaan rasial wasaarihii i amrey waa kan ee arinka isaga waydiiya ayuu hadlalkiisa ku soo koobay wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee DFKMG Soomaaliya C/raxmaan Dheere. Waxaa ka sii horeeyey oo madasha ka hadlay C/risaaq Juurile oo sheegay in aysan jirin bad la gatay.

April 7, 2009 ayaa magaalada Nairobi waxaa heshiis Is-afgarad ku kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya iyo Wasiirka xiriirka caalamiga ah ee DFKMG. Waxaa xigey in May 6, 2009 ay Kenya u gudbisay Qarammada Midoobay (QM) akhbaar iyo Khariidad muujinaysa in ay cabiratay dhul-badeed Soomaaliyeed oo baaxaddiisu dhantahay 116,000 oo laba jibbaaran. Arrintaas DFKMG go’aan ama qoraal rasmi ah ilaa hadda kama soo saarin.

amiiin4Dowlada ayaa Heshiiskan saxiixday iyadoo og sheegashada iyo damaca Kenya, SomaliTalk ayaa Dowlada Gaarsiisay qoraalo arintaas ka digaya; SomaliTalk oo Gaarsiisay Dowladda Soomaaliyeed warbixintii Dhul-Badeedka Ka hor intaysan saxiixin heshiiskii Is-Afgarad ee Nairobi…

Agoosto 1, 2009 ayaa golaha Baarlamaanka DFKMG waxay si aqlabiyad ah ku diideen in heshiiskaas is-faham uu yahay waxba kama jiraan maadaama uu muran gelinayey badda Soomaaliyeed. Halkii Shacabka Soomaaliyeed ka sugayeen in go’aankaas baarlamaanka loo gudbiyo QM ayaa waxaa website QM lagu arkay warqad la saxiixay Agoosto 19, 2009 oo uu ku qoran yahay magaca Ra’iisul wasaaraha DFKMG laakiin uu qof kale u saxiixay, warqaddaas oo garab siinaysay heshiiskii Is-fahamka.

October 18, 2009 waraysi uu Cumar C/rashiid siiyey Aljazeera TV ayuu ku sheegay in xukuumaddiisu u hoggaansameyso go’aanka Baarlamaanka (Waa sida uu faafiyey xafiiskiisu’e). DFKMG ilaa hadda (Oct 29, 2009) QM uma gudbin go’aankii baarlamaanka ama qoraal ay ku muujineyso diidmada cabbirka ay Kenya u gudbisatey QM ee ku daabacay website-ka Qarammada Midoobay.

Kulankii waftiga Ra’iisul wasaaraha DFKMG iyo Jaaliyadda reer London sida uu u dhacay oo faahfaahsan uu soo tebiyey Yuusuf Maxamed Cabdi Yuusuf hoos ka akhri:

Raisal Wasaaraha dalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa jaaliyada Soomaalida London ka shaafiyay murankii dhul badeedka u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

London 29/10/2009. Jaaliyada Soomaalida magaalada London ku nool ayaa caawa xaflad qurux badan ugu qabatey Hall-ka Friends House oo ku yaal xaafada Euston wafdi balaaran oo u hogaaminaayo Raisal wasaaraha dalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo booqasho sadax maalin ah ku soo gaarey dalka Ingiriiska.

Xafladatan oo ay ka soo qayb galeen dad aad u badan oo Soomaali ah islamarkaana ka kale yimid dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada London iyo magaalooyinka Bermingham iyo Liecester.

Wafdiga Raisal wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa ilaa 5 Wasiir oo ka tirsan Dowladiisa sida Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta mudane C/risaaq Osman Juriile, Wasiirka Dib u heshiisiinta mudane C/rashiid Deeroow, Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/laahi Mohamed Cali Sanbaloolshe iyo Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga mudane C/raxmaan Cabdishakkur Warsame iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya.

Wafdiga Raisal Wasaaraha Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake ayaa booqasho 3 maalin ah ku soo gaarey magaalada London islamarkaana kulamo kale duwan la yeeshay dowlada dalka Britian sida Wasiirkeeda Arimaha Dibada mudane David Millaband iyo xubno kale ka tirsan xiriirka iskaashiga caalamiga, iyo Amniga, Mudane Cumar Cabdi Rashiid ayaa wareysiyo kale duwan siiyay jaraaidka , TV-ga iyo kuwa TV Caalamka ee ku sugan magaalada London.

Raisal wasaaraha iyo wafdiga la socda ayaa caawa u helay fursad inay kula kulmaan jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalkaan, si ay warbixino iyo figrado u kale qaatan islamarkaana isla meel dhigaan marxalada dalka Soomaaliya uu maanta marayo iyo sidii iskaashi midaysan looga yeelan lahaa soo celinta Dowladnimada iyo sharafta dalka Soomaaliya.

Hall-ka xaflada ka dhacaysay ayay soo buux dhaafiyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee degan magalaada London islamarkaana waxaa aad loo adkeeyay amaanka goobta iyadoo si qurux badana loo furey xaflada soo dhawaynta Raisal Wasaaraha iyo xubnaha Dowladiisa ka tirsan ee ku wehliya booqashada dalkaan.

Waxaa lagu furey sidii caadaada ahayd aayada quraanka iyo wacdi diini ah islamarkaana waxaa hadalka qaatey xubno laga soo dhax xulay jaaliyada magaalada si ay ereyo soo dhawayn iyo taloba leh ugu jeediyaan wafuuda Qaran ee goobta ku sugan caawa, iyadoo gabayo , heeso iyo buraanburo qiiro leh oo taabanayay dareenka dadka Soomaaliyeed halkaasi laga soo jeediyay.

Waxaana qudbado kale duwan ka jeediyay ururo kale duwan oo ka dhisan Magaalada London iyo magaalada Bermingham, dhamaantoodna waxay ka hadleen qoraalo iyo fariimo ay farayaan Dowlada Soomaaliya islamarkaana waxay ka hadleen qaabka ururadooda kale duwan uga howl galaan dalkaan, balse kale qaybsanaanta Soomaalida London ayaa durbadiiba u muuqanaysay marti sharafka madaama mid walbo hadlo loogu yeerayay gudoomiye hebel, arinkaasi dadka badankiisa ma jeclaysan meesha yimid, waxayna dadka qabeen in hal magac jaaliyada Soomaalida London oo kale lagu soo dhaweeyo madaxda sharafta leh iyo wixii hada kadib noo imaanaya insha Allah.

Intaas kadib waxaa hadalkii ugu horeeyay qaatey wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta mudane C/risaaq Osman Juriile oo halkaas warbixin kooban ka jeediyay kana xog waran marxaalada dalka Soomaaliya maanta u ku sugan yahay iyo dhibatada , abaaraha iyo colaadaha ka jira, islamarkaana jaaliyada Soomaaliyeed ee degan magaalada London kula dardaarmay sidii ay gacmaha isku wada qabsan lahaayeen, dalkaana wax uga qabsan lahaayeen si mustaqbalka dalkooda wax uga qaban lahaayeen.

Waxaana hadalkii ku xigay qaatey Wasiirka dib u heshisiinta mudane C/rashiid Deerow oo ku nuuxnuux saday in laga shaqeeyo sidii dalka Soomaaliya nabadeeda looga wada shaqayn lahaa islamarkaana waxana u ka hadlay sidii loogu baahan yahay sidii gacan looga gaysan lahaa dib u dhiska dalka Soomaaliya, dowladatan waa Dowlad dib u heshiisiineed waxay ku dhisan tahay waa taa waxana raadinayno waa Nabad iyo dib u heshiisiin ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay, islamarkaana waxaa mahad gaar ah u celiyay dalalka soo dhaweeyay Soomaalida ka soo carartey dagaalada.

Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga mudane C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa hadalka qaatey islamarkaana warbixin ka bixiyay xaalada dalka Soomaaliya maanta u maraya iyo in laga soo gudbay qabyaalad iyo oor ku kacsiga , qof kastana uu maanta jooga uu og yahay waxa jira iyo meesha loo socda, cid la qaldi karo ma jirto ayuu yiri shacabkiina waa ka soo gudbayn waxyaabo badan, waxayna u baahan yihiin waa dowladnimo, inkastoo goobta shirka dhawr mar laga maqlayay dad ku dhawaaqaya arinka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa wasiirka hadalkiisa uu ku soo darey madaama Wasiirkii ka horeeyay C/risaaq Juriile uu ka hadlay islamarkaana uu sheegay inaysan jirin bad la gatey.

Mudane C/raxmaan Cabdishakuur ayaa yiri aniga waxaan ka mid ahay golaha Wasiirada dowlada Raisal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid amar ayaa la igu siiyay tag baa la yiri dowlada heshiiskaas u saxiix waana saxiixay ayuu yiri ee hadii aad arinkaas dacwad ka qabtaan rasial wasaarihii i amrey waa kan ee arinka isaga waydiiya ayuu hadlalkiisa ku soo koobay wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga dalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Dheere.

Waxaa xusid mudan Wasiir C/raxmaan uu sheegay in dalka maanta ay joogan dad ajaanib ah oo hadane oranaya dalkaan Soomaali ma leh ee Islaam ayaa leh taasoo uu ku tilmaamay ayaandaro, waxana u dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay si run ah xaalada dalka u darsaan islamarkaana ay ku fara adeegaan Dowladnimadooda iyo ciidooda Soomaaliya, waxana oo u xusay in dadkii Soomaaliyeed ee dalka xataa ka soo cararey in dalalkii ay nafta ula soo baxsadeen loogu geeyay dhibaato sida dalalka Australia, South Africa, Malaysia, iyo Uganda islamarkaana argagaxiso sumad looga dhigay, waxaas oo dhibaato ah waxaa ka dambeeyo waa kuwa diinta sida qaldan dadka ugu adeegsanaya iyagoo shisheeye la socda.

Wasiirka Amniga Qaranka dalka Soomaaliya mudane C/laahi Mohamed Cali oo ku magac dheer Sanbaloolshe ayaa isna ka hadlay goobta xaflada waxana uu ka sheekeeyay xaalada dalka Soomaaliya ku sugan yahay islamar ahaantaana waxaa dadka Soomaaliyeed ugu bishaareyay in dhawaan amniga caasimada Muqdisho lagu soo celin gacanta Dowlada insha Allah, islamarkaana loo gudbi doono gobalada kale ee dalka Soomaaliya ee hada gacanta kuwa dowladiidka ay ku hayaan, waxana u wasiirka jaaliyada Soomaaliyeed ka codsaday inay ka caawiyaan dowlada Soomaaliya sidii amniga dalka gacanta loogu dhigi lahaa

Wasiirka ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ka codsaday inay caruutooda il gaar ah ama fiiro u yeeshaan islamarkaana ay la socdaan kana digtoonaadan in caruurtii ay dhibatada kale soo carareen dalkooda in hadane ay ku laabtaan kana soo sameeyaan dhibaatooyin aan dadka Soomaaliyeed shaqo ku lahayn, wadankaan aad joogtaan waa idin soo dhaweeyay marka wax ka qabsada kana ilaaliya kuwa doonaya inay dhibaato idin horseedaan, waxana idin ka codsanayaa inaa mushaarka ciidanka amniga sugaya nala bixisaan ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay mudane C/laahi Mohamed wasiirka Amniga Qaranka.

Ugu dambayntiina waxaa micrafoonka lagu soo dhaweeyay Raisal Wasaaraha dalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo dadka intiisa badan ay aad ugu dhaga taagayeen qudbada Raisal wasaaraha uu u jeedin doono jaaliyada magaalada London ee soo buux dhaafiyay Hallka xaflada ka dhacaysay.

Sacab iyo heesta calanka Soomaaliya ayaa lagu bilaabay inta uusan hadlin Dr Cumar Cabdirashiid , dadkii goobta buux dhaafiyayna way sara istaageen si ay u soo dhaweeyan raisal wasaaraha, waxayna luxayeen calanka dalka Soomaaliya ee quruxda badan, Raisal wasaaraha ayaa ku bilaabay salaan iyo ka mahadcelin soo dhawaynta sharafta badan ee loogu sameeyay magaalada London iyo dadkii soo qaban qaabiyay iyo dadkii kale ee ka soo qayb galay, waxana uu warbixin kooban ka bixiyay safarka ay ku joogaan magaalada London islamarkaana ay caawa saq dhaxe safar kale ugu bixin doonaan caasimada dalka Biljamka ee Bruxsells si ay kaga qayb galeen shir ay la leeyihiin European Union madaxdooda sida Luis Micheal iyo Borosso .

Raisal wasaare Cumar Cabdi rashiid ayaa ka hadlay xaga amaanka iyo dowladiisa mudada 9 bilood ay jirtey waxyaabihii ay qabatey, xaga amaanka waxa u yiri Dowladiisa inaysan dhaxlin ciidan dhisan iyo nidaam balse ay magaalada Muqdisho ugu tagtey labo ciidan oo iska soo horjeeda oo is dili jirey, (ARS V TFG), waxay nagu qaadatey mudo badan sidii labadaas ciidan la iskugu dari lahaa islamarkaana waxaan dowlada ku soo darnay rag badan oo markii hore naga soo horjeeday ayuu yiri Raisal wasaaraha.

Anaga waxaan wax ku raadinayno waxaa weeye waa Nabad, laakinse dadka Soomaaliyeed waxaa moodaa waxa ka socda inaysan indhaha iska tiri karin dalka waayo dadkii xaga fikirka ayaa laga soo galay dagaal aan ujeedo ama faa’ido laga helaynin ayaa lagu wadaa marka waxaas oo dhan waxaan uga bixi karnaa waa inaan midoowno gacmahana is qabsano dhamaanteen si aan dalkeena ugu soo celino Nabad iyo amaan.

Waxaa kale oo u soo qaatey kulamada ay la yeesheen dalkan Ingiriiska waxayna walaac ka muujiyeen in dhibaatada Soomaaliya ka jirta inay tahay burcad badeed iyo argagaxisada laakinse waxaan u sharaxnay dhibaatada Soomaaliya ka jirta inaysan labadaas kaliya ahayn laakinse loo baahan yahay in dowlada gacan laga siiyo sidii dalkeeda amaankiisa gacanta ugu dhigi lahayd lagana taageero waxyaabo badan, runtii rajo weyn ayay noo muujiyeen kulamadii aan la qaadanay oo dhan waana ka filaynaa in wax badan ka soo bixi doonaan, hadane waxaan u soconaa Bruxsells si aan EU uga dhaadhicino sidii ay nooga taageeri lahaayeen soo celinta Nabadda iyo Amaanka dalka Soomaaliya, laakinse waxaan idin sheegayaa Soomaaliyeed inaan anagana isku tashano dad kale wixii laga soo baryo aan meel lagu gaareynin laguna noqonaynin dal jira oo haybad iyo karaamo leh, run ahaantii marka uu arimahaan Raisal wasaaraha u soo jeedinayay waxaa hallka xaflada laga dhadhansan karey in Soomaalida ka daashay dhibaato iyo baryo kaalmo shisheeye, halka Raisal wasaaraha ay ka muuqatey daacadnimo, Soomaalinimo iyo nin ka soo jeedo qoys sharaf iyo magac ku leh dadka Soomaaliyeed dhaxdiisa sababta aan saas u leeyahay waxaa weeye ma arag nin Soomaaliyeed oo sheegayana darajo oo ka xun in shisheeye loo baryo tago ka hor mudane Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaake dowladihii ka horeeyay, run ahaantiina waxaan oran karaa hogaamiye daacad ah oo mustaqbal leh islamarkaana ay ka muuqato deganaan iyo asluub fara badan waxa uu sheegayana ay run ka tahay markaan qudbadiisa sii raac raaco.

Raisal Wasaaraha ayaa soo hadal qaaday muranka xad badeedka Soomaaliya iyo Kenya waxana u yiri arinkaan waa soo noqnoqatey, marka waxaan idin sheegayaa in markii ugu horeysay ee dowlada la soo dhisay in magaalada Muqdisho ay yimaadeen Ergayga Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya Mudane Axmed Wallad Abdalla iyo nin qabiir baddaha ah oo ka socda UNta , waxayna noo sheegeen in hadii aynan saxiixin heshiiskii hore Baddaha oo dhacayay, in Badda Soomaaliya qayb ka mid ah lagala wareegayo islamarkaana ay muhiim tahay in arinkaasi Dowlada Soomaaliya ka hor heshiiska cusboonaysiisaa , marka anaga Dowlad ahaan waxaan rabnay inaan heshiiskaas cusboonaysiino laakiinse Dowlada Kenya ayaa waxay si qaldan u rabtey inay nagu qiyaanto kadib markii ay dhulkeena calaamadooda gudaha badda Soomaaliya ku soo darsatey laakiinse hadaa fiiriso tan aan anaga gudbinay Kenya waxaan xaq ugu leenahay inaan gudaha u sii galno madaama laga cabiraayo dhulka meesha uu ka biloowda, marka arinka arinkaas ayuu ahaa Kenya kama aanan yeelin waana ka daba tagnay mana dhacayso in dhul Soomaaliyeed iyo Badd Soomaaliyeed inaan ka tanaasulno taako inta aan hayo xilka waa igu balan, qof dhiibi karana ma jirto, arinkaasi waxaan filayaa inaa ku seexataan waxaa Dowlada Kenya damacsanayd inaysan dhici karin lana aqbalaynin, ayuu yiri Raisal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake, dadkii goobta buuxay ayaa sacab la sare istaagay markii hadalaas qiirada badan ee runta ah uu sheegay Raisal wasaaraha islamarkaana heesta Soomaaliya ayaa wadajir loogu luuqeeyay madax iyo shacaba dhamaanteen.

Isku soo duuduuboow booqashada Raisal Wasaare Cumaraani Cabdi rashiir Cali Sharmaake iyo Wafdigii la socday oo ay ku joogeen magaalada London ayaa ku soo gabagaboway guul iyo farxad, dadkii Soomaaliyeed ee soo qaban qaabiyay xaflada soo dhawaynta ayaa si gaar ah loogu mahadceliyay marti iyo jaaliyadba si wada jir.

Arinka dabagalka muran baddeedka Soomaaliya iyo Kenya waxaa mahadeeda leh Somalitalk website oo si wadaninimo leh arimhaas shacabka Soomaaliyeed tooshka ugu ifiyay madaama dabin loo dhigtey ciida Soomaaliyeed ee muqadaska ah, inkastoo tuhunka arinkaan aan rumaysan karno in rag ka tirsan Dowlada Soomaaliya ku lug leeyihiin , balse wixii jira cakaaro ayuu iman doonaa laakinse hadalka caawa Raisal wasaaraha Dowlada Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiis Cali Sharmaake waa mid mudan in loo riyaaqo lana soo dhaweeyo kadib markii uu si geesimo leh boqolaal qofood oo Soomaali ah daaha uga qaaday wax markii hore mugdi ku jirey oo qiyaano Qaran ahaan lahayd hadii ay dhacdo.

Waxaase nasiib xumo dadka dowlada Soomaaliya ku dacaayadaynaayo arinka BADDA inaysan ka ahayn Soomaalinimo iyo wadanimo balse iyagoo kooxo Dowlad diid ah taageerayaal u ah ayay rabaan inay dadka ku qaldaan arimahaan oo kale, halka Dowladaha dariska Ethopia iyo Kenya ay u doonayaan inay dalkeena ku qataan caqli caqli, halka dadkii dalkaan lahaa ay ku mashquulsan yihiin isdhabar goyn iyo xasuuq aan dhamaad lahayn.

W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London, UK

Halkan ka daawo sawiradii kulankii Jaaliyadda London
Sawirada waxaa faafiyey: Maxamuud Maxamed Xasan Shire (Boocame)

cumarabdiCumar C/rashiid: Dawladdu waxay u Hoggaansameysaa Go’aanka Barlamaanka (Arrinta Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda Soomaaliya)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Ra’iisul wasaaraha DFKMG: Dowlada Kenya waxay si Qaldan u rabtey inay nagu Qiyaanto (Heshiiska Is-afgarad ee badda) "

  1. CALI MAHDI says:

    ACWW waxaa wacan oo wanagasan in raisal wasaare sharkake waraaq qoro hadii ay ka dhab tahay hadalada uu sheegayo ee ah inay tahay wax kama jiraan in badda somalia la gatay lagana gatay kenya

    cali mahdi minnapolis minnesota

  2. Khalir cadde says:

    Asc..arinkan ilah sida u danta ah somalida ha ka yeelo,ilahna ha nooga bedbaadiyo xoolaheena aduunkan la is cunayo lana is boobayo…laakiin waxa an ka codsan lahaa somalitalk qolada leh inay iska dayaan dulduleelada yar e ad ka daba shidataan dawlada,hala fiiriyo bal hadi ay wax keenayaan wali ma jirto somli hadi an nahay dawlad aan waqti sinay si ay wax uun u sameyso.wan ka baxay

  3. mohamed abdullaahi says:

    ascw ugu horeeyn waxaan aad iyo aad uga mahadcelinayaa walaalha somalitalk runtii wax aan ku tilmaami karo maanta shaqada aay u mada u qabteen sida aay u weeyn tahay ma garanayo macnaa abaal aan la gudi karin ayeey sameeyeen. meesha aay wabsaayd yada kale aay aad uga gaabiyeen laakiin waxaan dhahayaa oo kaliya walaalha somalitalk jizaakalaahu qeeyra.
    intaas kadib walaalayaal arintaan somaliyeey ha dhayalsanina dadka na hogaaminayo dhihi maayo ma aha dad wadaniyiin ah laakiin waxaan qabaa ineey yihiin dad aad aay aqoontooda u yartahay marka loo fiiriyo waxa aduunka ka socdo marka walaalayaal meel kasta aay tagaan madaxda dowlada hogaamiso culees ha lagu saaro ilaa aay taabtaan xaqiiqada runta ah sida aay maanta u taabteen runtii aay shalay ka been sheegeen ascw

  4. abdul says:

    bismilahi raxmani raxiim,salamu caleykum marka hore allah baa mahad leh marka xigta intii u ololeyay inaan badeena la qaadan ha ugu horeeyaan somalitalk maansha allah raga somali talk qora hadii ilaah awood isiiyo waxaan abaal idinkaga dhigayaa inaan jasiiradaha jula iyo jawaay half idin siiyo waayo idinkaa dadkiina u sheegay qatarta uu leeyahay heshiiskaas waxaan u heysanay wax iska sahlan.dal walba wixii soo gaara axay ku xiran tahay doqonimada shacabkeeda somaliya waa dal shacabkeedu ubadtey dad xun walahi bilaahi tolaahi la yaabi mayo hadii nagahooda ciidooda calan kooda diintooda sharafkooda gaal xun oo kenyan ah oo madoow oo john la yiraah uu har dharaara qaato waayo waa dal aan rag laheyn.dowlada ku sheega cumar iyo shariif allaha idin hoojiyo waayo waxaad tuhiin dhuuni qaatayaal aan damiir lahyn waji caabud galada mooda in risqigooda ay gacan bini aadaam ku jirto.ilaahii il kaa rida ilbuu kuu furaa ilmihii abaar dhashana aarran waa arkaan waa taas rabi somalitalk nooga dhigay nuur noo ifiyey khiyaanadii ay nala rabeen gaalo.allahu akbar

  5. Ustaad Dalboon says:

    Cod iyo Qoraal Xafiiska RaisalWasaaraha iyo Madaxweynaha ka soo baxa loona diro International Community ayaa Umadda Soomaliyeed shakiga iyo tuhunka iyo kala hadalka Dowladda ay kaga Qanci karaan. Laakiin Xaal dajin ayaan u arkaa Suxufiyiinta London Jooga Maxay Codkiisa u Duubi waayeen Raisalwasaaraha Mase sidii Madaxweynahu iyo Sharif Xasan ay waraysiga noogu diideen ayey idin kaga diideen oo wali Saxaafadda waa ka cararayaan miyaa ? BBC Yuusuf Garaad waan ka Xumahay in uu Badda Soomaliya iyo qoraalkii dhawaan uu UN ka Raisalwasaaraha loo saxiixay in uusan waxba ka weydiin Waxaan hubaa Suxufi hishiiskii Carusha dabagalay 1967 hadii uu jiro ee Somalia ku weyday Gobalada NFD maantay in uu Taariikhda Somalia meelweyn ka gali lahaa suxufiyiinta waxaan ku dhiira galinayaa in ay qalabkooda horay u qaataan Macluumaadka Badda ku saabsana ay akhriyaan Gaar ahaan Macluumaadka lagu daabaco Mareegyada Qaramada Midoobay ee bahda SomaliTalk idin soo Turjunto ayada oo aad qoraalkii iyo website kii laga soo qaadayna aad ka bogan kartaan. Ogow Dowladdu Hishiis Caalamku og yahay ma qarin karto taas Umadda Soomaliyeed ha ku seexato ee yeysan ku seexan hadalada Madaxda oo ah kuwo iska hor imaanaya

  6. macruuf says:

    scw.arintaa xal;y ayaa ligu kale baxay mar ra”iisulwasaaraha warka beenta laa joojijoyo wax la xaday ma jiraan war saxaafada ha loo sidaas

  7. Warsame says:

    Asalaamu calaykum

    Waxay aniga ila tahay in Raisul wasaaruhu uusan jawaab lagu qanci karo uusan ka bicin arrinta la xariirta muranka Badda, sababtoo ah ma uusan ka hadlin warqadii qarada midoobway loo diray oo loo saxiisay asaga cida u saxiixday iyo inuu ogaa, sidoo kale magama hayo wax qoraal ah uu qaramada midoobay u diray oo ku diidayo heshiiskaas, waxay ila tahay inuusan arrin Badda wali Daacad ka ahayn.

  8. Baynaat says:

    Arinta badda waxaad moodaa in muwaadiniin iyo wadaniyiin soomaliyeed ay ku dadaaleen sidii ay uga hortagi lahaayeen arinta badda waxaana moodaa in dowladu ka socon la’dahay shacabka soomaliyeed.arintu ma ah wali mid cad sababtoo ah waxaa loo baahaan yahay in noqolkii horay loo saxiixay wax laga qabto gudina loo saaro arintaas ka daba tagay.Arintu ma joogto waan qaldanay iyo waa la i amary midna ee,raggii howshaan sameeyey warkooda document-ti ha ku cadeeyaan iyo meel caalami ah.
    shacabka soomaaliyeed yaan lagu qaldan qadiyadan

  9. mohamed says:

    Somalitalk waad mahadantihiin waajibkiinii ayaad gudateen, qof walba oo hada jooga oo arimahan lug kuyeesha tariikhda auu qaybka ka geli, isaga oo ah mid dal soodhacshay ama ku gaday. Hadaba in Cabdishakuur shalay iyo maanta hadlkiissa ma is barbardhigay mana ogyahay in uu dad lahadlayo ee aanu duunyo lahadlayn, wixii uu shalay yidhi iyo wixii uu qabtayna diiwaan gashan yihiin. ina Cabdirashiid shalay dadka wuxuu lahaa daku wax ma oga maantana wuxuu leeyahay in nala khayaano ayaa ladamcay waanuna kadaba tegi, micnaheedu waa hadaan soo toosay.Ina juurile Taariikhdiisa wax qabad reer puntland ayaa og waana dark. Hadaba intee ayey le’egtahay kalsoonida aan ku qabikarno dadka noocaas ah. Somalitalk Alla hadaayo hawl aan yarayn oo ka culus tan muuqata ayaa u talle allahayoow garabgal.
    Mohamed

  10. Xassan says:

    Arrintan wali si cad uga ma hadlin Dowladdu oo waxaa cad in aay maa-welis aay atahy, sida aad u aragtaan hadalka uu ku hadlay Mudane C/raxmaan Cabdishakuur oo yiri:- Aniga waxaan ka mid ahay golaha Wasiirada dowlada Raisal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid amar ayaa la igu siiyay tag baa la yiri dowlada heshiiskaas u saxiix waana saxiixay ayuu yiri ee hadii aad arinkaas dacwad ka qabtaan rasial wasaarihii i amrey waa kan ee arinka isaga waydiiya.
    Haddaba hadalkaasi waxuu u muuqdaa difaac uu dambigii la galay uu iska leexinayo.
    Asagoo og in aay khayaano qaran soo socoto.
    Illaa iyo haddana wax la taaban karo oo lagu sixikaro khaladkaas lama sheegin.
    Soomaaliyeey war been ah yaan nalagu daalin.

  11. OMAR says:

    MARKA KOOWAAD WAXAAN KUFARAXSNAHAY IN WAXOOGAA EY RAGII DALALAY BADDA SOMALIYA EY MAANTA YARA TANASULAAN OO EYSAN KU ADKEYSANEEN UGU YARAAN MEELAHA FAGAARAHA AH IN EY KUSAXSANAAYEEN KHIYAANADAAS QARAN SIDII HOREBA EY CAADADOODU AHEED.
    TAN KALE MAFILAAYO IN EY WAX ISKABADALEEN QORSHOHOODII SIDA HADDA KAMUUQATA QORAALKIINAN WAX BURINAYA GO,AANKII HORE LOOMA GUDBIN UN-KA.HADALKA UU R/WASAARE CUMAR U SHEEGAY JALIYADA LONDON LOOGAMA BAAHNEEN MESHAAS EE HAKASHEEGO MEESHII LOOGA BAAHNAA WAA UN-KA.
    WAXAAN DHIHI KARAA XUKUUMADA HADDA TAAGAN WA XUKUUMAD MUSIIBA AH OO KAMID AH MUSIIBOOYINKA HEYSTA DADKA SOMALIYEED AANANA LAGAFILIKARIN WAX WANAAG AH IN EY DALKA IYO DADKA USOO HOYSO LAAKIIN WAXAA LAGAARIDOONAA CIDII NOOLL XILI LALAXISAABTAMO KII INTAA KAHOR DHINTANA XISAAB KALE AYAA KAHOREYSA.

  12. nuradin says:

    aad iyo aad ayey umada soomaaliyeed meel kasto ay dunida ka joogta ugu farxi doonaan warkaan Dr Omar Ra’iisulawaraha dowlada Soomaaliya.

    dad badan ayana ka filaneynin prime minsiter-ka warkano kale. waxaan leeyahay waa guul soo hoyatay, oo taarkhi ah,