Home » Announcements, Maqaallo »

KHATARTA DABKA | Cabduqaadir

KHATARTA DABKA 

Dabku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha asaasiga ah ee nolosha aadanahu ku tiirsan tahay oo aan sina looga maarmi Karin miyi iyo magaalaba, wuxuuna soo jiray oo lagu intifaaci jirey ilaa abuuritaankii aadanaha, waana lagu intifaaci doonaa inta aadanuhu dunidaan korkeeda ku nool-yahay.

Dabku wuxuu soo maray heerar kala duwan oo waagii hore waxaa laga dhalin jiray Geedaha, Dhagxaanta iwm., isticmaalkiisuna wuxuu u badnaa arrimahan soo socda: 

  1.  
    1. Cunto karis.
    2. Qabow ka dugsasho.
    3. Xayawaan isaga ilaalin, gaar ahaan kuwa khatarta ah.
    4. Farriin isugu gudbin ama baaq iwm.
Haddaba dabku maanta wuxuu marayaa heer casri ah oo laga dhalin karo qalab casri ah oo aad u sahlan, isticmaalkiisuna aad iyo aad ayuu u batay oo waxaa la dhihi karaa 90% wixii la isticmaalayo waxay salka ku hayaan dabka iyo waxyaabaha laga soo dhanbalo. Dabka waxaa lagu tilmaami karaa cadow, haddana saaxiibkaa ah oo aad had iyo goor xiriir wada leedihiin, kaana sugaya oo kaliya in aad si khalad ah u isticmaasho oo uu halis geliyo naftaada, tan reerkaaga iyo hantidaadaba. Dabka dawlad walba waxay ugu talo gashaa dhaqaale farabadan, ciidan heegan ah 24-kii saacadood iyo gawaari gaashaaman oo heegan ku jira daqiiqad walba  iyadoo dadaal farabadan la sameeyo xag dawlo iyo  shacab intaba, haddana malaayiin dad ah ayaa sanad walba dhibaatooyin kala duwan ka soo gaartaa oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo hanti beel.  

Inta badan sababaha waayahan dambe dhibaatooyinka dabka badinaya waxaa loo saariyaa arrimahan hoos ku xusan: 

  • Isticmaalkiisa iyo qalabka ku shaqeeya oo aad u soo batay.
  • Reer magaalnimada oo ku soo badatay magaalooyinka waaweyn
  • Guryo badan oo aan loo dhisin si habaysan oo dabka looga badbaadi karo.
  • Mashquulka waalidiin badan oo carruurtu kali ku noqoto guryaha saacado badan maalin walba.

Qoraalkan waxaan ugu tala galay bulshada soomaaliyeed ee wax akhrisa, in ay ka faa’íideystaan oo ay fikrad kooban ka qaataan khatarta dabku leeyahay iyo sida la isaga ilaaliyo, waxaan qoraalkan ku ishaarayaa  afar arrimood oo kala ah:  
 

  1. Goobaha shaqada.
  2. Goobaha waxbarashada.
  3. Gaadiidka dadweynaha.
  4. Guryaha.
Meelahan waa meelaha inta badan bulshadu ku badan tahay dabkuna ka dhaco inta badan, haddii aan laga taxadarinna dhibaatooyin badani ka dhalan karaan maal iyo moodba. Waxaa kaloo jira goobo badan oo xil guud u baahan oo aanan qoraalkaan ku faahfaahin Karin, sida Dekadaha, Airporada, Suuqyada waaweyn, xeryaha askarta, Dhismayaasha dowladda ee kala duwan. Goobahaas oo dhan waxaa xil gaar ah ka saraan yahay laamaha dowladda ku shaqada leh amniga guud ee qaranka, waxayna ka tusaale qaadan karaan qeybta hoose ee ku saabsan warshadaha iyo nabad-gelyadooda. 

Waxyaabaha dabku ka dhalan karo, waxaa ka mid ah: 

  1. Gaaska wax lagu shito ee haamaha ku jira.
  2. Baansiinka iyo shidaalka kale ee dabku ka dhalan karo.
  3. Biyaha macdanta ah ee rinjiga lagu qaso.
  4. Kabriidka iyo qalabka cusub ee dabka dhaliya.
  5. Daawooyinka wax lagu nadiifiyo qaar ka mid ah.
  6. Burjikooyinka iyo dab-qaadyada uunsiga dumarku u isticmaalaan.
  7. Shamaca iyo feynuusaha iftiinka loo isticmaalo.
  8. Korontada iyo qalabka ku shaqeeya iwm.
Intaan oo kaliya ma’ahan ee waxaa la helayaa boqolaal kale oo dabku ka dhalan karo ama ka kici karo, laakiin qoraalka ayaan noo saamaxeyn in aan wada gaarno.
DABKA WARSHADAHA KA KACA  

    Warshadaha maanta jira 99% waxay isticmaalaan koronto iyo qalab gaas ku shaqeeya, kuwaas oo ay ka dhalan karto khatar farabadan oo ugu weyn tahay gubashadu. Sanad walba kumunaan warshadood ayaa dab qabsadaa oo ay ka dhalataa khasaarooyin isugu jira Dhimasho, Dhaawac iyo hanti badan oo baa ba’da.

    Haddaba waxwalba qaddar Alle ayey ku socdaan oo aan rumeysannahay, laakiin waxaa nala faray dadaal iyo taxaddar dheeraad ah in aan siinno nafteena iyo hantideenaba. Dadka warshadaha leh ama companiyada waaweyn ee aadka looga isticmaalo qalabka dabka dhaliya waxaa looga baahan yahay, arrimahan soo socda:- 

  •  
    1. In warshadda loo dooro meel ku habboon oo la waafajin karo barnaamijka loo yaqaan  ka ilaali dabka naftaada, dadka iyo xoolahaaga.
    2. In warshadaha loo yeelo meelo ama albaabbo, si fudud looga bixi karo, haddii dhibaato dhacdo (Emergancy Exit). Laguna kor qoro cibaaro muujineysa bixid iyo nal cagaaran.
    3. In warshad walba leedahay qalabka wax lagu damiyo, sida haamaha dab damiska, tuubbooyin loogu talo galay dab-daminta ee dhaadheer, carro ama ciid fuustooyin afka ka go’an ku jirta iwm.
    4. In warshadaha lagu xiro qalabka dabka ka diga, kormeer joogto ahna lagu sameeyo marmar, si loo ogaado inuu shaqeynayo iyo in kale.
    5. In shaqaalaha loo tabobaro ka hortagga iyo daminta dabka, cabsi la’aan iyo qalabka loo isticmaalo, marka dabka la daminayo.
    6. In warshadaha laga mamnuuco waxyaabaha dabka dhalin kara, sida sigaarka iwm.
    7. In warashadaha meelaha bannaanka ah ee dabayluhu ka soo dhacaan darbiyo dhaadheer looga sameeyo, si aan dabeyl xoog badan usoo gelin warshadda dhexdeeda oo hawadaas khal khal u keenin.
    8. In makiinadaha iyo meelaha dabka laga shido loo daayo dadka aqoonta u leh ee aan loo gacan dhaafin.
    9. In tabobar dheeraad ah la siiyo shaqaalaha ka shaqeeya meelaha khatarta  ah ee dabku si fudud uga dhalan karo.
    10. In korontada warshadaha lagu xiro qalab casri ah oo haddii khatari timaaddo dabka iska jaraya iwm.  
 

Arrimahaan waa muhiim, in ay xil dheeraad ah iska saaraan masuuliyiinta warshadaha, wasaaradda caafimaadka iyo shaqada oo warshad walba kormeer joogto ah lagu sameeyo, loona sameeyo nadaamyo lagu badbaadinayo nafta shaqaalaha iyo hantidaba.  

    DABKA IYO GOOBAHA WAXBARASHADDA 

    Goobaha waxbarashadu waa meelaha ugu badan ee carruurtu isugu timaaddo, kuna qaataan waqti farabadan maalin kasta, marka laga reebo waqtiyada fasaxa, taas waxaa wehelisa in dadku ku soo badanayo magaalooyinka waayahan dambe oo ay lagama maarmaan noqotay, in la dhiso goobo waxabarasho oo dabaqyo dhaadheer ka sameysan, taasi oo u baahan masuuliyad dheeraad ah, marka la dhisayo iyo masuuliyiinta maamuleysa ee gacanta ku qabaneysa goobahaas.  

    Maanta xilligaan lagu jiro oo ay badatay isticmaalka waxyaabaha dabka ku shaqeeya ee khatartu ka dhalan karto, carruurta maanta joogta oo ka rabsho iyo cayaar badan kuwii qaaruumihii hore, carruurta oo aad ugu badan goobaha waxbarashada, ayaa waxaa lagama maarmaan ah in Hey’adaha qaabilsan arrimahaan, Mucallimiinta iyo waalidiintu xil dheeraad ah iska saaraan arrimahaan soo socda:  

  •  
    1. In goobaha waxbarashada loo yeelo meelo si fudud looga bixi karo, haddii khatar timaaddo, sida Dabka, Daadadka iwm, loona sameeyo calaamado muujinaya meelahaas (Emergancy Exit).
    2. In goobaha waxabarashada la dhigo qalabka dabka lagu damiyo meelo muhiim ah oo si fudud loogu isticmaali karo.
    3. In mucallimiinta iyo waardiyeyaasha si fiican loo baro isticmaalka qalabka dabka lagu damiyo.
    4. In goobaha  waxbarashada lagu xiro qalabka korontada iska jara, haddii wax khalad ah ay dhacaan, carruurtana la baro in aysan ku cayaarin waxyaabaha khatarta dhalin kara ee goobaha waxbarashada dhexyaal.
    5. In goobaha waxbarashada loo sameeyo, meelo loogu tala galay gurmadka deg degga ah oo laga heli karo kaalmo caafimaad iwm.
    6. In carruurta loo sharaxo oo waqtiyo badan loogu celceliyo, iska ilaalinta waxyaabaha khatarta dhalin kara noocay doonaanba ha ahaadeene.
    7. In aan goobaha waxbarashada wiishash loo sameyn ee loo sameeyo jaran jarooyin waaweyn ama ballaaran, waayo wiishashku kuma fiicna goobaha carruurtu wax ku barato.
    8. In carruurta loo sharaxo musiibooyinka rabbaaniga ah, haddii ay dhacaan iyagoo ku jira goobaha waxbarashada tallaabooyinka ay qaadayaan argagax la’aan sida dhul gariirka, soo butaaca badda iyo webiyada iwm.

     DABKA BAABUURTA KA DHEX KACA

    Maanta waxaa faraha ka baxay masuuliyaddii guud ee aadanaha, qof ama koox walba waxay ku xisaabtantaa danaheeda oo kaliya. Waxaa maalin walba suuqyada soo galaya malaayiin baabuur ah oo aan tayo wanaagsan laheyn ee ah kartoon la soo dhalaaliyey, gaar ahaan waddamada loogu yeero dunida saddexaad.

    Gubashada gawaarida waxay noqotay dhibaato joogto ah oo aad meelo badan ku arkeysid, ama aad warbaahinta ka maqleysid  sida iyagoo shil gala, dab ka kaco ama caadi ahaan isaga gubta cillad farsamo owgeed iwm,  heer waddamada qaarkood khasab looga dhigay baabuurleyda, in ay wataan goorwalba haamaha yar yar ee dabka lagu damiyo iyo santuukh gurmadka deg degga ah  oo had iyo goor laga koontaroolo.

    Haddaba si looga hortago dhibaatooyinka soo badanaya ee gubashada gawaarida, waxaa lagama maarmaan ah, arrimahaan soo socda:  

  •  
    1. In laga hortago waxwalba oo sababi kara gubashada gawaarida, gaar ahaanna kuwa dadweynaha iyo kuwa carruurta u qaada goobaha waxbarashada.
    2. In baabuurta loo sameeyo dab-damisyo yar yar oo looga hortago dabka baabuurta ka kaca.
    3. In aan carruurta masuuliyadda qaadi Karin loo dhiibin baabuurta, sababtoo ah wax badan ayaan aragney dhalinyaro baabuurta biyo la’aan ku ka xaysay oo dab ka dhashay.
    4. In gaadiidka dadweynuhu leeyahay dariishado deg deg lagu jabin karo, haddii khatar timaaddo, sida waddamo badan isticmaalaan, tusaale ahaan waddamada qaarkood wuxuu bas walba leeyahay labo dariishadood oo dubbe yar saran-yahay oo muujinaysa, in loogu tala galay (Emergency Exit).

DABKA GURYAHA KA KACA 

Guryaha waxaa lagu tiriyaa meelaha ugu badan ee dabku ka kaco, baaritaan la sameeyey hadda ka hor ayaa caddeeyey, in dabka kaca dhammaan saddex marka loo qeybsho laba qeybood ay ka kacaan guryaha, waayo guryaha maanta jira waxaa lagu dhex isticmaalaa waxyaabo badan oo dab ka dhalan karo si fudud, carruurta oo aan taxaddar dheeraad ah lahayna had iyo goor waa dhex joogaan oo cayaar iyo waxwalba tijaabi ku jira.

Haddaba waxyaabaha aan maanta guri walba laga waayeyn waxaa ka mid ah: 

  • Gaaska haamaha ku jira ee wax lagu karsado.
  • Qalabka kala duwan ee korontada ku shaqeeya.
  • Burjikooyinka iyo dab-qaadyada uunsiga.
  • Shumaca iyo faynuusaha hameenkii la shito.
  • Kabriidka iyo aaladaha casriga ah ee dabka lagu shido.
  • Waxyaabo dareere ah oo inta badan loo isticmaalo nadaafadda iwm, ee aan guryaha casriga ah laga waayin iwm.
 

    Waxaa kaloo jira waxyaabo badan oo casri ah oo dabku ka dhalan karo, haddii si khalad ah loo isticmaalo oo aan halkaan lagu soo koobi Karin. 

    Guryuhu waa dhufayska bulshada, waa meesha naftu ku xasisho oo isu soo duma dhammaan xubnaha qoysaska, sidaa awgeed waxay u baahan yihiin masuuliyad dhab ah iyo dadaal dheeraad ah oo dhinac walba ah lagu bixiyo, waayo waxaa maanta guryaha jira lagu tilmaami karaa bakhaar keyd ah oo ay ka buuxaan walxaha qarxa, taas waxaan ula jeedaa waxaa dhex ceegaaga waxyaabo badan oo haddii khalad loo isticmaalo ay ka dhalan karto khatar weyn oo aan laga soo waaqsan muddo.

    Haddii aan dib u jalleecno bulshada weynta soomaaliyeed waxaa la dhihi karaa kumanaan qoysas ah ayaa sanad walba khasaaro ka soo gaartaa dabka guryaha ka kaca, waayo xil weyn iskama saaraan amniga guryaha ay ku nool-yihiin, mana akhriyaan qoraallada iyo buugaagta ku saabsan nabad-gelyada qoyska, naf iyo maalba.

    Waxaan shaki ku jirin 5-tii carruur soomaaliyeed ahba, in saddex ka mid ah dabhaleelay jirkooda oo aad ku arkeyso astaamaha gubashadu leedahay, dhulalka reer galbeedka waxaa jira carruur badan oo waalidkood laga xil wareejiyey arrimo la xiriira gubasho iwm.

    Haddaba waxaa looga baahan yahay guud ahaan bulshada, gaar ahaana waalidiinta, in ay arrimahaan xil ballaaran iska saaraan oo ay tixgalin gaar ah siiyaan sugidda ammaanka guryahooda. Arrimaha muhiimka ahna, waxaa ka mid ah: 

  •  
    •  
      1. In waalidiinta aqoon buuxda u yeeshaan arrimaha la xiriira dabka iyo siyaabaha looga hortagi karo oo ay akhriyaan qoraalladda iyo buugaagta arrimahan ku saabsan.
      2. In carruurta la baro oo muddo dheer lagu celceliyo faa’iidooyinka dabka iyo dhibaatooyinka ka dhasha haddii khalad loo isticmaalo, carruurtana aan laga bajin ee loo tuso shey caadi ah.
      3. In aan la dhigin waxyaabaha dabku ka dhalan karo meelaha carruurtu ku badan tahay ee ay ku cayaari karaan, sida haamaha gaaska, marwaxadaha kuleylka dhaliya, makiinadaha cuntada lagu kariyo ee korontada ku shaqeeya ama gaaska iwm.
      4. In aan carruurta loo ogolaan soo gelitaanka jikooyinka oo dab ka shidan yahay, gaar ahaan carruurta yar yar.
      5. In carruurta meelo aysan gaarin laga saaro waxyaabaha dabka lagu daaro, sida kabriidka, janta-siigarka iwm.
      6. In aan guryaha looga dhex tagin shumaca, faynuusta, digsi dab saaran, makiinad shidan, sida kuwa lagu dhaqo dharka iwm, waayo waa khatar.
      7. In dab qaadka dumarka soomaaliyeed guryaha ku uunsadaan aad iyo aad looga taxaddaro, boqolaal guri ayuu sanad walba gubaa.
      8. In aan carruurta yar yar loo dirin cunto kariska, ee marka hore la baro oo tallaabo tallaabo loo fahamsiiyo qaababka wax loo kariyo iyo siyaabaha la isaga ilaaliyo khatarta dabka iyo qalabka ay isticmaalayaan. dumar badan ayaa gabdhaha yar yar ee aan gaarin heer ay jiko galaan oo cunto kariyaan ayey u diraan oo in badan oo ka mid ah khatar galaan.
      9. In carruurta la baro in aysan ku cayaarin fiilooyinka korontada iyo qalabka ku shaqeeya ee dabka dhalin kara.
      10. In aan hiitarada kuleylka dhaliya wax la dulsaarin, marka ay shidan yihiin.
      11. In fiilooyinka korontada laga saaro TV-GA, marka roobab biriq wata da’ayaan.
      12. In meelaha fiilooyinka galaan kor looga qaado, meelaha ay carruurta yar yar gaaraan.
      13. In fiilooyinka korontada laga ilaaliyo dariishadaha iyo albaabbada, waayo waa xoqi karaan plasti-kada sare ee fiilada korontada.
      14. In guryaha lagu xiro qalabka korontada iska jara marka cilladi dhacdo iyo qalabka ka diga dabka.
      15. In guryaha la dhigto haamaha dabka lagu damiyo, carruurtana la baro isticmaalkeeda, gaar ahaan kuwa waaweyn.
 
    HADDII DAB GURIGAAGA KA KACO MAXAAD SAMAYNEYSAA? 
  •  
    1. In aadan is cabsi gelin ee kalsooni buuxda isu yeesho oo aad ka hortagto sidaad ku damin lahayd, haddiise aad aragto, in uu xoog badan yahay carruurta guriga ka saar, wiishashkana iska ilaali, kooxaha dab-damiskana deg deg ugu yeer, una tilmaan meesha gurigu ku yaallo, haddiise aadan aqoon luuqadda waddanka aad ku nooshahay deg deg ku raadi qof kaa caawiya luqadda .
    2. U qeylo dhaanso dariska iyo qaraabada kaa agdhow.
    3. Isticmaal haanta dabka damisa, haddii aad haysato, haddii dabku ka kaco saliid iska ilaali biyo iyo dareere kaleba . waxaad kaliya oo isticmaashaa shukumaan qoyan oo hab kusii, si uu dabku u caburo.
    4. Ka jar guriga korontada, kana fogee waxyaabaha qarxa sida haanta gaaska , baansiinka iwm.
    5. Xir albaabbada iyo dariishadaha aadan isticmaaleyn, si aan dabku dhaqso ugu faafin guriga.
    6. Haddii aad aragto in talo faraha ka baxday, badbaadi naftaada, labana iska ilaali, in aad wiishka raacdo iyo in aad meel dheer iska soo tuurto.
    7. Waligaa gurigaaga hakuu yaallo toosha cabbaysan oo dabkiisu u dhan-yahay.
    8. Waligaa carruurtaada guriga ha uga tagin kaligood, gaar ahaan haddii ay yar yar yihiin, haddii ay khasab kugu noqotana jikada ka xir.
 

    Ujeedada qoraalkan waxaa weeye:  in bulshada soomaaliyeed taxaddar iska saarto dabka oo dadka waaweyni masuuliyad dhab ah la yimaadaan, carruurtana lagu barbaariyaa iska ilaalinta ku cayaaridda waxyaabaha dabku ka dhalan karo ee khatarta gelin kara naftooda. 

    ABDULKADIR OMAR ADEN(CIYE)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.