Home » Announcements »

kabtan Shaash: hambalyo tartanka Nabadda iyo soo noolaynta kooxihii hore iyo wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada

kabtan Shaash: hambalyo baanu leenahay tartanka Nabadda iyo soo noolaynta kooxihii hore iyo wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada

London 27/10/2009. Kabtankii xulka Qaranka dalka Soomaaliya mudane Ibraahim Mohamed Ali oo ku magac dheer ‘’ Kabtan Shaash islamarkaana ka mid ahaa ciyaaryahanadii dalka Soomaaliya magaca weyn ku lahaa kubadda cagta kana tirsanaa kooxda Horseed laguna tilmaami karo daafacyadii dalka Soomaaliya soo mara kii ugu qatarsanaa oo haatana ku nool dalka Germany ayaa aad ugu faraxsan tartanka koobka Nabadda iyo soo noolayntii kooxihii hore oo todobaadkaan lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku baratameen shanta kooxood ee kale ah :Kooxda Halgan, Kooxda Muqdisho, Kooxda Horseed, Kooxda Jeenyo LLPP iyo kooxda Betroolka.

Run ahaantii aad ayaan ugu faraxsan nahay in lagu qabto magaalada Muqdisho koobka loogu magac darey koobka Nabadda ( Peace Cup) islamarkaana naadiyadii magaca iyo taariikhda ku lahaa dalkeena in dib loo soo noolaynaayo jiritaankooda kooxeed ayuu yiri kabtan Shaash.

Waxaan kale halkaan hambalyo iyo taageero ugu dirayaa Wasiirka isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble oo howshatan fikirkeeda lahaa islamarkaana ka miro dhaliyay howsha quruxda badan ee todobaadkii hore lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka dugsiga Booliska.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan ugu baqayaa inay ka shaqeeyaan sidii dalka Soomaaliya loo nabadayn lahaa waayo nabad la’aan nolali ma jirto, marka bahda Sports Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan waxaan ka codsanayaa inay taageero hiil iyo hooba leh u fidiyaan sidii loo soo celin lahaa kooxihii hore ee dalkeena, si taariikhda Sports ee aynu lahayn u tirtirmin waa in xil la iska saraa ka mira dhalinta howsha baaxada weyn ay wado Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay islamarkaana kooxda Halgan oo koobka qaaday iyo kooxihii kale waxaan leenahay Hambalyo ayuu yiri Kabtan Shaash ‘’ The Man of 3 Captain KABTAN SHAASH’’.

shaash

Kabtan Shaash ayaa qaba fikirka ay qabaan inta badan dadka Soomaaliyeed ee isboortiga jecel in isboortiga dalka Soomaaliya gacanta dowlada lagu soo celiyo. Si looga baxo jahwareerka iyo wax qabad la’aanta haysta isboortiga dalka wixii ka dambeeyay burburkii Dowladii Soomaaliyeed .

W/D: Yusuf Yusuf
Sports editor of SSPAMEDIA
London

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.