Home » Warar »

Jaaliyadda Sweden oo qabatay kulan lagu tageerayo hoggaanka cususb ee SSC

Jaaliyadda Sweden oo qabatay kulan lagu tageerayo hoggaanka cususb ee SSC!

Halkan ka daawo Sawiro Dheeraad ah (Sweden)

Jaaliyadda SSC ee Sweden ayaa ku qabatay magaala madaxda Stockholm kulan si heersare ah loo soo agaasimay, oo lagu ayidayo go´aamaddii ka soo baxay shirweynihii beeshu ku yeelatay magaalada Nairobi. Waxaa kulanka lagu furay aayado quraan ah, ka dibna waxaa warbixin qoto dheer ka bixiyey taariikhda soo jireenka ah ee beesha SSC Aadan Xaashi, isaga oo aad ugu dheeraday kaalintii wax ku oolka aheyd ee dadyawga ku abtirsada beesha SSC ay ka soo qaateen halgankii gobanimadoonka Soomaaliyeed.

Isaga oo sii wata hadalkiisa ayuu si kooban udulmaray burburka ku dhacay dalkii soomaaliya loona baahanyahay in loo guntado siddii wax loogu qaban lahaa bulshada SSC loona xoreyn lahaa dhulka beesha ee maqan. Intaa dabadeed waxaa hadalo kala duwan hase ahaatee iskumeel u wada dhacaya ka soo jeediyey kulanka, ka soo qeybgalayashii shirka oo rag iyo dumarba leh.

Gunaanadkii shirka ayaa waxa khadka teleefoonka Nairobi kaga qeybgalay kulanka Garaad Jaamac Garaad Cali, Hogaamiye Suleiman Ciise Axmed; Hogaamiye kuxigeenka Col Cali Sabarey iyagoo dhamaantood ku booriyey jaaliyadu in ay midoowdo una istaagto in ay kalinteeda ka soo baxdo.

Intaa dabadeed waxay jaaliyadu hambalyo diiran u direysaa Hogaankacusub ee SSC, waxay sidoo kale hambalyo iyo bogaadinba u direysaa jaaliyada SSC-Nairobi khaasatan dhalinyaraddii abaabulka shirka qeybta uguweyn ku lahayd EEBE haydinka abaal mariyo.

Waxaa soo gudbiyey:
Liiban M Shariif
Liiban.shariif@hotmail.com

Shirkii Beelaha SSC oo Hugaan cusub loo dhaariyey

Halkan ka daawo Sawirada Xafladii Nairobi

Waxaa 15.10.2009 si rasmi ah u soo xidhmay Shirweynihii dadka Reer SSC oga soconayey Magaalada Nairobi ee Xarunta dalkan Kenya.

Shirweynahan oo dhawaantan lagu doortay Hugaanka Badbaadada iyo Midaynbta Gobolada SSC ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu dhaariyey Hugaankii la doortay.

cayn2

Xaflad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey Kana dhacday Hoolka weyn ee Sir Ali Muslim Club kaasoo lagu Tukado Iidaha aya waxaa ka soo xadiray Kumanyaal Qof oo Soomali iyo Reer SSC ba isugu jira.

Marti sharaftii goobta timid waxaa ka mid ahaa Saladiin, Isiimo , Ugaasyo , Cuqaal , Xildhibano ka tirsan Dawladda KMG ah ee Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin ka ka mid yihiin Siyaasiyiin Caanka ah dalka Soomaliya oo idil.

Beelaha sida weyn Salaadiintoodu soo xaadirtay waxaa ka mid ah, Beelaha Sadde, Beesha Dudublle , Beesha Ugaadeen , Beelsha Goobayaha , beesha Reer Biciid yahayn iyo kuwo kale oo badan.

Siyaasiyiinta iyo dadka Canka ah ee soo xaadiray Waxa ka mid ah anigoon soo Koobi karin. Generaal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ,Maxamed C/Laahi Tiffatirhii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC_da Xildhibaan Maxamed SIiciid Jiniboqor, Xildhibaana ina Gabyoow , Xildhibaan Cali Maxamuud Xirsi iyo Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kale oo badan.

Halkan ka daawo Sawirada Xafladii Nairobi

Furitankii Xaflada waxaa furay Garaad Abshir Salaax Maxamed Garaadka aya sheegay in shirkii ay dhawananahnba u fadhiyeen ay ku doorteen Hugaankan Cusub isla markaana ay u igmadeen in uu isku doono Soomaali iyo SSCba.
Garaad Abshir ayaa wuxuu halkaas ka qaaday Heestii Calanka Soomaliyeed{Soomaaliyeey Toosoo} Taasoo hal mar dadkii ku ridey qiiro weyn.

Dadkii faraha badnaa ee shirweynaha ka hadlay inkastoo anan soo koobi karin, waxaa ka mid ahaa General Morgan oo sheegay in uu SSC u aqoonsan yahay ama uu u bixiyeyba. Soomaalida Sinaant iyo Cadaalada{SSC} wuxuuna sheegay in taariikhda Dhulkaasi uu yahay kan Ay soomaali oo idil ku Fanaan.

Maxamed C/Laahi Madaxii laanta Afka Soomaaliga ee BBC_da ayaa sheegay in uu shirkan sababta uu yimid ay tahay Soomaalinimada , wadaniyada iyo Wanaaga Yaala.

Xildhiban jiniboqol ayaa isna sheegay in uu aad ola dhacsan yahay hugaankan cusub . wuxuu sheegay in uu ku hadlayop Afka Xildhibanada Soomalaiyeed iyo kan Puntland oo uu ka soo jeeedo. wuxuuna sheegay in aysan dhici karin in maamulka Puntland uu is hortaago ama dhibaateeyo dad tashaday doonayana in ay dhulkoodii XOreeyaan oo Soomaali mideeyaan.

Afhayeenka Beelaha Sadde Daarood oo isna halkaas ka hadlay ayaa shegay in y Hiil iyo Hooba la garab tagan yihiin Maamulkan ay dhisteen dadka Dega deeganada Soomaaliya ugu qiimaha Bada.

Ugaaska Beesha duduble ayaa isna halkaas ka sheegay in ay igu Soomaali weyn ahaan u taageernayaan Hugankan iyo dadka ka soo jeeda Mandaqadaasba.

Ugaaska Beesha ugaadeen ayaa isna halkaas ka sheegay Erayo la mid ah kuwa ay sheegeen Cuqaasha kale.

Xildhaban Cabd Aadan Gabyoow ayaa isna halkaaska cadeeyey Maqifka Dawladda KMG ah wuxuuna sheegay in ay taageeryaan waxii ka soo baxa shirkan.

Waxa halkaas ka hadlay Boqolaal qof oo aanan soo koobi karin hadalkoodii iyo codadkoodii toona.
Waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey Hugamiyaha SSC Dr:Suleiman Ciise Axmed Kaar{Xagla_toosiye}. Waxaana inta uusan hadalkiisa Bilabin baalka saaray Kitabka Qur’aanka Kariimka oo asag iyo ku xigeenkiisuba ku dhaarteen Daacad u ahaanshaha dadkooda iyo dalkooda SSC.hadalkiisna wuxuu ku bilabay dhaarta dabadeed in uu hawl geli doono soo celinta Sharaftii dadka iyo dalka.

wuxuu sheegay Suleiman in uu diyaar u yahay in uu tuurta u riddo Mas’uuliyadan Culus ee la saaray isla markaana uu Garab iyo Gaashaanba oga baahan yahay shacabkiisa SSC. Wuxuuna hadalkiisa oo gaabna Yidhi” Laascaanood ayaa inoo balan ah Maalin dhaw Iinsha Allaah” Halkaas ayaad Qudbadayda oo Rasmi ah ka dheegan doontaan ee Inyar ii Samra”.

Hugamiye ku xigeen Cali Sabarey ayaa isna halkaas ka hadalay wuxuna Col: sabrey Digniin ujeediyey Maleeshiyaadka Soomaali diidka ah.” Waxaan idinkula talinaya in aad dhulkaas iska banaysaan kana baxdaan dhiigiina dooni maynee” Waxaan kaloo talo siinaya wiilasha iyo kuwa sheeganay SSC ee deegaanadaas jooga ama maamulkaas La jooga waxaana lee yahay waan idin toobad aqbalayna hadaad inta goori goor tahay noo timaadaan dhulkeenana aad ka xoraysaan Maleeshiyaadkaas.”

Ugu danbeyntii Garaad Jaamac Garaad Cali Garaadka Guud ee SSC ayaa soo qatimay shirku wuxuuna kula dardaarmay Madaxda cusub hadal yar iyo Hawl badan. wuxuna sheegay in ay iguna la shaqayn doonaan.

Waa maalintii u horaysay ee la arko Hugaan ku dhaartay in ay Fulinayaan danta SSC . isla markaana aan ku dhaaran dan dad kale ama meelo kale.

Waxaa shirka ka soo baxya baaq kaasoo aan mar dhaw idin soo gudbin doono iyo weliba codadkii Madaxda.

Suleiman Mohamud Hashi dheere.
Xaashidheere1@yahoo.com
Nairobi,Kenya

Nairobi: xafladii xidhitaanka shirwaynihii beesha sool sanag cayn sawiro

Halkan ka daawo Sawirada Xafladii Nairobi

Waxaa sawirada soo tebiyey
c/risaaq maxamed sahal
macowbuuhoodle@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.