Home » Warar »

Jaaliyadda Soomaalida K/Africa Oo Boliiska Kala Hadlay Dib usoo Celinta Lacag $50-kun Dollar ah Oo Laga Qaatay Xawaaladda Qaran Express.

Jaaliyadda Soomaalida K/Africa Oo Boliiska Kala Hadlay Dib usoo Celinta Lacag $50-kun Dollar ah Oo Laga Qaatay Laanta Xawaaladda Qaran Express.

Cape Town – Jaaliyadda Soomaalida K/Africa ee Somali Community Board of the Western Cape, ayaa daboolka ka qaaday inay ku daba jiraan lacago Kumanaan Dollar ah oo October 14, 2009 Ciidamo la sheegay in ay yihiin Boliis ah iyo Waaxda Canshuuraha oo wada jira ay kala baxeen xarun ganacsi oo ay Soomaalida laheyd.

Gudoomiyaha Somali Community Board of the Western Cape, C/raxmaan Axmed Cumar (Jidow), ayaa sheegay inay Madaxda Jaaliyadda kullan deg deg ah ka yeesheen sidii wax looga qaban lahaa falkii shalay ay Waaxda Canshuuraha ee SARS iyo Boliis wada socday ay ku galeen dukaamo badan oo ay Soomaali leedahay, halkaasi oo ay ka qaateen badeeco sharci la’aan ay ku tilmaameen oo lagu iibinayey Dukaamadaasi Soomaalida ku leedahay Xaafadda Bellvile.

Cabdi Yare Jidow, ayaa saxaafadda u sheegay in ay la xiriireen Talliyaha ugu sareeya Ciidamada Boliiska ee Bellville, islamarkaana uu ku wargeliyey inuu isagu gacanta ku hayo lacago aad u fara badan oo Oct 14 laga qaatay Dukaan qura oo ka mid ahaa goobaha ay askartu sida xoogga ah ku galeen, ayna hadii ay doonayaan lacagahaasi in dib loogu soo celiyo ay la yimaadaan cadeymo muujinaya cadadkan lacageed ee gaaraya ilaa $50, 000 (kun oo doolarka) Maraykanka ah iyo ujeedada hal goob loogu hayey lacag intan la eg.

Goobta qidmadaasi lacageed lagala baxay ayaa waxaa ku yiilay xarun ay leedahay shirkadda Xawaaladda ee Qaran Express, waxaana Ciidamada Boliiska iyo kuwa Minishiibiyada ay sidoo kale ka qaateen Computers iyo Dukumiintiyo ay laheyd laanta xawaaladda Qaran.

kan1

Sidoo kale badeecooyin kala duwan oo bilaa sharci iyo canshuur la’aan ah ayaa askartu gawaaridooda ku qaateen, iyagoo xiray ilaa Lix Dukaamo waaweyn ah iyo kuwo yar yer.

kan2

Hase ahaatee, Horjoogayaasha Soomaalida, ayaa ku hawlan sidii dib loogu soo celin lahaa dhammaan agabyadaasi, sida sheegay Gudoomiyaha Somali Community Board of the Western Cape, C/raxmaan Axmed Cumar (Jidow), oo rajjo ka muujiyey in maanta ay arrintaasi soo afjarmi doonto, isagoo xusay in lacagtaasi inteeba badan uu lahaa Masaajidka Soomaalida ay maamusho ee ku yaalla Bellvile.

C/risaaq C/laahi Maxamed
Indhojaceel2003@hotmail.com
Cape Town – South Africa

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.