Home » Maqaallo »

Awooda Talada Puntland Dad gaar ah ayey Gacanta ugu jirtaa Haddii aan wax laga bedelina… | Bile Qaboowsade

Awooda Talada Puntland Dad gaar ah ayey Gacanta ugu jirtaa Haddii aan wax laga bedelina waxaa hubaal ah in Kooxaha Xag-jirka la wareegi doonaan Puntland.
 
Waxaa jira jahawareer iyo habacsanaan ka dhex muuqata Maamulka Puntland ee hadda Talada haya, taasoo loo aaneynayo Awooda Xukunka oo ku soo ururtay Dad gaar ah ama shakhsiyaad aan Dalka horay u joogin lana socon dhibaatooyinka soo jireenka ah ee Puntland caqabadaha ku ah had iyo jeer.

Haddaba, dad badani waxa ay aaminsan yihiin Xukunka Puntland inuu noqday mid hal meel ku soo koobmay oo Taladiisa aan meel fog iftiimin.

Waxaa taasi ka sii daran habka iyo hanaanka loo qeybiyey awooda guraasta oo ah mid aan Cadaalad ku dhisneyn una soo dhawaan. Qaar badan oo ka mid ah Beelaha Puntland waxa ay aaminsan yihiin wax badan in ay qaladan yihiin dhabihii lagu saxi lahaana aan la hayn oo Madaxweynaha qudhiisa ku qanacsan yahay sida ay wax la tahay ee uu u dhisay maamulka in ay ku filan tahay. Odayaasha Beelaha iyo dhamaan Guurdida waa uu diiday inuu la kulmo ama Talo tii haboon xataa waydiiyo, wuxuu ku koobmay yaan la ii soo deyn dadka oo albaabada ha ii xirnaadeen, taasina waa dhaqan ka fog Madaxweyne yiraahda cidna doonimaayo in aan la hadlo oo yaan wax wanaaga dalka la iila iman. Haddaba, kooxda yar ee Xargaha Xukunka la haysa lafsad ahaantooda ayaa la dhaliilsan yahay oo lagu tilmaamayaa dad aan karti u laheyn Awooda Xukun daadihinta marka ay timaado Shar iyo Khayr.

Waxaa shacabka isweydiinayaan waxyaabaha is dul saaran ee caqabadaha halista xanbaarsan ee ka jira Puntland dhanka loo Maareynkaro, ama wadiiqo sahlan oo looga gudbikaro halisaha Siyaasadeed ee jira, waana tan wadnaha Farta looga hayo in mar kale loo dhaqaaqo dhabada Colaada oo aan aad loo jecleyn in taasi la arko balse la helo Dulqaad iyo taanasul dadka dhexdiisa ah.

Rag badan oo ruug cadaayo Siyaasadda muddo dheer ku soo jiray ayaa rumeysan in hogaanka Puntland u baahan yahay wax badan oo la isku hayo iyo Talo wadaag danta guud ku saleysan inuu ka shaqeeyo oo laga hormariyo Danaha dadka Reer Puntland mida agar ah.

Waxaa kaloo jira Dhaliilaha aan indhaha laga qarsankarin sida ay gacanta uga laabteen Beesha Caalamka in ay wax weyn ka qabtaan Deegaanada Puntland oo la doonayey in laga hirgeliyo Mashariic waa weyn mar haddii ay muddo labatan sanno ku dhaw Nabad ahayeen Geyigeena. Wadamada Reer Galbeedka ee Maraykanka ugu horooye waxaa la gudboon sida ay aniga ila tahay waa inuu dhulka Nabada ka jirto wax weyn oo dhaqaale lagu horumariyo siiyo oo uusan ku mashquulin ladagaalanka Argagaxisada oo kaliya.

Waxay u baahan yihiin deegaanadan Puntland jidad magaalooyinka waa weyn dhexdooda oo la dhiso iyo kaabayaasha dhaqaale oo sii buburaya sida Dekedaha iyo Garoomada Diyaaradaha Puntland. Dhaaman xarumahaas kama helin Wadamada Caalamka labatankii sanno taakuleyn oo gacan weyn kama gaysan Beesha Caalamka, taasina waxay sahlaysaa in nalkii yaraa ee nabada Puntland haddii aan wax laga qaban halis u yahay inuu damo.

Haddaba, waxaa hubaal ah oo dhab noqonkarta in haddii aan sida hadda wax ku socdaan wax iska bedelin Awooda Siyaasadda, markaasi in laga yaabo Kooxaha xag-jirka inay gacanta u gali doonto Puntland oo ay adkaan doonto xalinta mushkiladaha yar yar ee hadda jira.
 
isku soo duubo waxaa la rajeynkaraa haddii sadex arrimood la helo in wax walba ay sahlanaankarto amuuraha. Sadexdaas arrimood haddii aan sii balbalaariyana waa tan koowaade waa in Xukunka Maamulka hadda jira soo dhaweeyaa Guurtida iyo dadka intii xaajada dhanka wanaagsan wax kala qabankarta oo uusan israacin ummadda waxgaradkeeda iyo xumaan wadayaasha.

Tan labaad waxay tahay xisaabtan dhab ah oo Madaxda xukunka haysa awood gudashada daacadnimo in lagua xisaabtamo kan ka soo baxaya waajibka ummada u hayo iyo kan gudan waayey.

Tan sadexaad oo Beesha Caalamka ku aadan waa in la helaa daqaale dadka shaqooyin loogu abuurayo haddii kale dhalinyarada waxa ay noqonayaan Xoog dalka lagu burburiyo kumanaanka dhalinyaro haddii aan loo jiheyn shaqooyin dalkooda ay ku dhisayaan.
 
Bile Qaboowsade
Qaboowsade11@hotmail.com
Tell: 0025290724923

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.