Home » Siyaasad »

Dowlad Diyaarad Saaran Dadkeediina Daafaha Muqdisho Duumo Kulaysay

Waa nasiib daro lasoo daristay umada somaliyeed, waxayna nasiib u heleen mudo 20 sano ah dagaalo soo noqnoqda, abaaro, cuduro, aan qaarkood la-aqoon qaarna laga dabar gooyey caalamka, hogaan aan arxan lahayn kanashaqeeya dantiisa iyo mida ehelkiisa iyo caalamka oo kusii ciqaaba dhibka ay kujiraan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan dadlkaan soo maray mudadii 10 ka sano ahayd ee udanabysay 3 Dowladood waxay isaga mid ahyeen Ereyga ah waxaa na aqoonsan caalamka, markaad dib u raacdo aqoonsigaas nooca uu yahay waxaad ogaanaysa macanaha kadanbeeya inuu yahay oo kaliya in dhaqaalaha lasoo tuugsadana dana gaar ah lagu fushado, hubka lasoo gatana dadka lagusii laayo iyadoo loo bixinayo magacyo lagu banaysto dhiiga umada Soomaaliyeed, jagooyinka muhiimka ahna lagu abaal mariyo dad ay iksu Jifo yihiin hadba ninkii kursiga kufadhiya

Aan kasoo biloowno dowladii cabdi qaasim waa tii ugu roonayd marka lafiiriyo labdii kadanbaysay hadana waxay kala mid ahyd tan hada jogta iyo tii cabdulhi laba arimiood diyaarada aan laga dagin oo madaxda dalku isku daba maraan diyaaradaha iyagoo intaas sheega inay kaqayb galayaan shirar lagu casuumay iyo tan kale oo ah inay dhaqaalihii ay ku heshay magaca umada somaliyeed ay jeebka ugaleen shakhsiyaad kuwaas oo guryo waaweyn uga iibsaday wadamada carabta iyo Africa ganacsi balaaran kusamysatay

Tii cabdulhi waxay ahayd dowlad dadku aad ula yabanayeen xiligii ay dalka joogtay, waxaa dhici jirtay in madaxweynaha iyo raysal wasaruhu diyaarada isku badali jireen markay soo fariisato garoonkii Jowhar, ama kii baydhabo waliba raysal wasaaruhu waxaaba uu ahaa nin aanba jeclayn in uu dalka ku nasto xili kasta dalka waxaa uu ka maqnaan jiray mudo faro badan. Mararka qaar waxaa uu aadi jiray shirar uu u qalmo inuu Agaasime Waaxeed loo diro, waxaa intaas sii dheere dhibka ay dalka ugaysatay barakaca umada soogaaray iyo dadka somaliyeed oo xabsiyada lagu iibsan jiray iyadoo askarta dowlada aysanba kamuqan naxariis ay u hayaan shacabka, waxaa kale oo jiray boob baahsan oo kajiray dowlada dhexdeeda kaas oo samayn ku yeeshay ilaa waardiyaha ilaa madaxda ugu sareeysa dalka , waxaa guryo waaweyn laga iibsaday Nairobi, Mobasa, Eislight, Dubai. Abu-Dubai, Qaahira iyo Kampala, waxay magaalada muqdisho kabarkicsay dad gaarayo 500,000 oo qof waxana dagaalki ay ciidank Ethiopia hoganaka uhayeen ku nafwaayey dad gaaraya ilaa 20,000 qof mudadii labada sano ahayd oo dalka ethiopianku joogay

Dowlaa hada jirta oo ayadu ah tii ugu liidatay ee dalka waxay sabab u noqotay barakicinta dhamaan dadkii kunoolaa waqooyiga muqdisho, taasna waxaa sabab u ah dowlada oo aan lahayn tayo ay kudifaacdo dadka ay magacooda wadato, waqooyiga muqdhisho waxaa uu ahaa markasta saldhiga dowladaha waxaase maanta kugu adkaanysaa inaad ku aragto W/muqdisho qof shacab ah oo dagan, waxay awoodi wayday in xilidhibaanada barlamaanku dalka joogaan iyagoo ukal firxaday daafaha caalmaka qaarna qaxootinimo isku dhiibeen markay farihii kabteen, waxaa ciidamka AMISOM madaafiic aan naxariis lahayn labeegsada goobaha shacabku ku badan yahay, dakhliga dowlada soogala waxaa uu ku egyahay inta markaas gacantooda uu soo galo, waxaa wasiiradeedi shirar dalxiis oo kala ah kukala bixiyaan aduunka dacaladiisa, waxaa warbaahinta ku arkaysaa subax kasta wasiir hebel ayaa shir aaday amaa shir kasoo noqday, qaarkood markay shirarka kasoo noqdaan waxaadba moodaa in xafiiskiisa uu kuyaalo magaalada Nairobi halkaas oo uu iska joogo ilaa uu marti qaad kale kahelayo, madaxweynaha ayaan gurigiisa dhan uga dhaafi magalada muqdisho usbuuca uu joogo waxaan hoobiyaal isaga lagu bartilmaameedsanayo ku nafwaaya qoysas dagaan nawaaxiga madaxtooyada, dadkaas waxay nafis helaan marka madaxweynuhu uu dalka kamaqan yahayahay, waxaa intaas sii dheer marka uu baxayo ama soo dagayo waxaa madaafiicada isaga lagu weeraro ku nafwaaya dad shacab ah oo aad ufara badan,

Waxaan ilaahay uga barayayaa in umada inta dhibaysa ilaahay kaqabto maslaxad caam ahna usoo dajiyo.

Wabilaahi towfiiq

Waslmu c ww
Ahmed Farah
New Zealand

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.