Home » Warar »

Cadaado: Nabadoon Cali Geeddi Afeey oo Geeriyooday

Allaha u naxariistee Caaqil Cali Geeddi Afeey oo ah Nabaddoon si wanaagsan looga yaqaan gobollada dhexe ayaa maalinadii Jimcadii 23-ka Oktoobar 2009, ku geeriyooday magaalo madaxda maamulka Ximan iyo Xeeb ee Cadaado.

Caaqil Cali Geeddi ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa oday nabaddoon ah, oo waqtigiisa intiisa badan ku qaatay nabadaynta beelaha Soomaaliyeed ee wada dega gobollada dhexe.

Bishii aanu soo dhaafnay wuxuu nabaddoonku hoggaaminayay ergadii nabdaynta ee soo afjartay colaad beeleedkii ka dhacday deegaanka Xaraardheere.

Allaha u naxariistee Nabaddoon Cali Geeddi, wuxuu xusuusta beelaha gobollada dhexe uga tagay inuu ahaa astaan u taagan nabadda, waxaana mar kasta dhici jirtay, marka ay ergo ka socota degmada Cadaado nabadayn u aadaan mid ka mida beelaha deriska ah, in la oran jiray marka laga dhex waayo Caaqilka “Maanta reer Cadaado nabad uma socdaan”, taasoo marka dambe keeni jirtay in dib loo noqdo lana soo kaxeeyo Caaqilka, si goobta ay nabad uga dhalato.

Allaha u naxaariiatee Nabaddoonka waxaa tacsi u diraya dhammaan masuuliyiinta maamulka iyo waxgaradka Ximan iyo Xeeb oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Maamulka Mudane Maxamed Cabdullaahi Aadan (Tiiceey) iyo Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Mudane Maxamed Cumar Hagafeey.
Waxaa kalo tacsi u diraya dadka kala ah:

Guddoomiyaha ururka SSDA, ahna la taliyaha siyaasadda maamulka Ximan iyo Xeeb, Cusmaan Maxmaed Cali (socdaal).

Jeneral Cilmi Sahal Cali.
Guddoomiyaha SSWC Xildhibaanad Caasho Caashi Cilmi.
La taliyaha dhinaca dhaqaalaha iyo maamulka ee Ximan iyo Xeeb Maxamuud Nuur Xasan (Gaarisa).
Imaam Cumar Macallin Abshir.
Cabdirasaq Sheekh Aadan.
Axmed Qooqoor.
Cabdulaahi Maxamed Ciise.
Khaliif Xasan Faarax.
Prof, Nuur Axmed Weheliye “Garyar”.
Guddoomiyaha Jaalidda Ximan iyo Xeeb ee Kenya Abshir Aadan.
Xirsi Xasan Guutaale.
Baaruud.
Cabdullaahi Aayatulaahi.
Dhagacadde.
Maxamed Xasan Barrow.
Cusmaan abtidoon qayd.
Cabdulaahi Xalane .
Cali sheekh Axmed Kaahiye.
Cali Maxamed Maxamuud (Joqombe).
Abshir Maxmed (Bukhaari).
Mahad Cabdi Kadiye.
Cabdullaahi Maxamed Xasan ‘Black’.
Cadbullahi Axmed Cali ‘Fat’.
Cabdulqadir Sheekh Aadan (Ilig beyle).
Xaaji Sucuudi.
Axmed Cosoble.
Maxamed Cabdullahi Ugaas.
Ruqiyo Jaamac dheere.
Xaliimo Macallin Xirsi.

Dadkaasi waxay dhamaantood nabaddoonka ILAAH uga baryayaan dambi dhaaf iyo inuu naxariistiisa jano geliyo, intii uu ka dhintayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin.. aamiin

Ibraahim Da’ud Abdalle

sayfudiin@hotmail.com, ibraahim@journalist.com

Nairobi-Kenya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.