Home » Warar »

Ra’isul-wasaaraha Cumar Cabdirashiid “Kooxaha naga soo horjeeda ayaa Shacabka Madaafiicka ku garaaca, waxayna doonayaan in Dowladda iyo ciimada AMISOM la iska horkeeno”

Ra’isul-wasaaraha Cumar Cabdirashiid “Kooxaha naga soo horjeeda ayaa Shacabka Madaafiicka ku garaaca, waxayna doonayaan in Dowladda iyo ciimada AMISOM la iska horkeeno”

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul-wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta kulamo gooni gooni ah kula yeeshay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya masuuliyiin ka kala socotay Qaramada Midoobay, hay’addo iyo safaarado daneeya arimaha Soomaaliya.

Ra’isul-wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa kullankii ugu horeeyay layeeshay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Axmed Wald Cabdalla iyo ergayga kale ee gaarka ah ee u qaabilsan arimaha Soomaaliya xoghaya guud ee Qaramada oo lagu magacaabo Leen Barows kulaankaas oo ka dhacay Xafiiska arrimaha Siyaasada u qaabilban UN-ka ee UNPOS ee magaaladda Nairobi dalka Kenya.

Sidoo kalle Ra’isul-wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo ay la socdeen wasiiro ay ka midyihiin C/rahman Abdishakuur, C/risaaq Jurile, iyo mas’uuliyiin kalle oo dowladda Somalia ka socday ayaa safaarada somalida ee magaaladda Nairobi kulla kulmay Dowladadaha iyo ururada daneeya arrimaha Somalia, kadib marka uu shirkaasi dhamaaday ayuu warbaahinta la hadlay Ra’isul-wasaare Cumar Cabdirashiid kana warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen dowladaha iyo ururada daneeya arrimaha Somalia.

“Labo shir oo muhiim ah ayaa Nayroobi u imid, mid saakay ayaa galay midna galabta, kii saakay wuxuu ahaa shir aan ku dhisaynay Committee (gudi) la dhaho high level committee oo ka kooban dowladda Soomaaliyeed, beesha Caalamka, Qaramada Midoobay iyo wadamo kale oo dhawr ah” sidaa waxaa yiri Cumar Cabdirashiid.

Wuxuu sidoo kale sheegay in gudigaan uu bil walba hal mar kulan yeelan doono si ay uga wada tashtaan xaalada Soomaaliya meesha ay marayso iyo waxa dhiman in la hirgaliyo iyo waxa soo kordhay oo u baahan in wax laga qabto. Inkastoo aanan la sheegin goobta lagu kulmi doono!

Ra’isul-wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in wadamada deeqaha bixiya oo uu galabta la kulmay uu kala hadlay qaabkii loo soo dedejin lahaa lacagihii ay yaboohen “waxaan ka wada hadalnay masuuliyiinta aan galabta kulanay ee ka socday wadamada deeqaha bixiya sidii loo dardar galin lahaa dhaqaale badan oo loogu yaboohay Soomaaliya”

oma2

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah (GUJI)

Ra’isul-wasaaraha oo ka hadlayay duqayntii shalay ka dhacday qaybo ka mid ah xaafada magaalada Muqdisho taasi oo dad badan oo rayid ah waxyeelo u gaysatay ayaa wuxuu yiri “Runtii anaga hada ka hor qaladaadka dhacay waan ka cudur daaranay, hadana waan ka cudur daaranaynaa wixii anaga hada dowlad ahaan umadda kusoo gaara, laakiin waaydaan waxaad ogaataan in kooxaha naga soo horjeeda ee Al-Shabaab iyo ciidamada kale ay kas ugu tuurayaan shacabka madaafiic iyaga oo doonaya inay iska soo horjeediyaan dowladda iyo AMISOM”.

Ra’isul-wasare Cumar Cabdirashiid oo ka hadlayay xalka kaliya ee lagu badbaadin karo shacabka aya wuxuu yiri “sida kaliya ee wax looga qaban karo waxaa weeye in meelaha ay wax kasoo tuurayaan in gacanta lagu dhigo iyo in laga fogeeyo meel ay wax uga soo tuuri karaan dowladda waana ku talo jirnaa arinkaas”

oma3

R/wasaaraha ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu u kicitimo cariga Ingriiska gaar ahaan caasimada UK ee London halkaasoo uu kula kulmi doono masuuliyiin ka tirsan dowda Britain.

Shalay ayey aheyd markii ra`iisal wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo ey kasoo dhoofeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
Nairobi-Kenya
sayfudiin@hotmail.com
ibraahim@journalist.com
….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Ra’isul-wasaaraha Cumar Cabdirashiid “Kooxaha naga soo horjeeda ayaa Shacabka Madaafiicka ku garaaca, waxayna doonayaan in Dowladda iyo ciimada AMISOM la iska horkeeno” "

  1. claa says:

    waxaa wax aad looga xumaada ah dadka somaliyeed ee maalin walba ku dhimanaya dhulkoodii hooyo geeri iyo mag la,aan caruur iyo rag dumarba . waana ayaan daro taariikhda baal madow kagashay waana waxaan la ilaawi doonin. waxaase in lays weydiiyo mudan somalidu goormay soogadhi doontaa derejada dadnimada, hadii aynu run sheegayno oo aynu dadkeena iyo dhulkeena rabno aan taageerno dawladan taagta daran ,kadib marka haybadii somali soonoqoto aynu maxakamad saro ,hadal badan danbaa dhaantee wadanimo afka ah iyo daacadnimo aan meel jirin iyo taageero qabiil aan dhaafno ww

  2. Xassan says:

    Khaladaadka isdaba joogga ah ee uu galayo mudane Cumar cabdirashiid waa bateen ee Baarlamaanku halla xisaabtamo oo wax ha ka qabto illeen ayagaa shicibka matalayee.
    Aniga waxaay ila tahay haddii aay jiri lahaayd mucaarad aan ahayn AL SHABAAB iyo xulufada raacsan sida gar gaduud,
    Dowladdani mar hore ayeey u dhamaan lahayd.

  3. Maxamed Soomaali says:

    Cumar C/rashiid waa iska hadlayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdishu waa ay yaqaanaan cida madaafiicda ku xasuuqda. qolada dowlada sheeganaysa waa rag lagu siiyo lacag inay shacabka xasuuqaan.

  4. mnur says:

    madafiicdas lagu garacay suqa weyn e bakaraha al shabab haday heysan lahayen in cabdirshid madaxtoyada kuma jeren walahi ee dhiga shacab inuu wax ku cuno yusan isku dayin, wax qabad la.antada dowladada inad ku qariso ayad ka dhadhacsan mana qarin kartid godka madaxtoyada inad ku dhumatin dhaha dowlad ayan nahay jid maka al mukarama orod intay yugandheysku idinku goysiyan