Home » Warar »

Xaaladii ugu danbeysay iyo sida ay Xalay ahayd Muqdisho

Xaaladii ugu danbeysay iyo sida ay caawa tahay Muqdisho

Waxaa isa soo tarayo qasaraha ka dhashay duqeymihii Ciidamada AMISOM u geysteen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho wuxuuna dhibka ugu weyni gaaray dad rayid ahaa oo ku sugnaa jidka wadnaha agagaarka tarbuunka ilaa geed jacayl inta u dhaxayso siiba masaajidka macalin biyo mamlow ,qeybo ka tirsan xaafda howlwadaag ,suuqa xoolaha oo ay ku dhinteen dad iyo xoolo intaba ka dib markii ay ku dhacen madaafiic BII EM ah oo loogu riday si garbo siman ah sidoo kale gudaha suuqa bakaaraha ayaa aheyd manta goobo dhiig badani ku hoorey .

Ciidamda dowlada iyo kuwa AMISOM waxay joogaan wadada maka al mukaraha halkaas oo ay difac uga jiraan inta ka so hartayna waa dadka joogo waa cabsi ku noolayaal iyagana laga cabsanayo

Dhamaan goobaha ay ka dhacday dhimashadu iyo dhaawaca waxaa tagay gawaarida gurmadka deg deg ah oo sheegay in ay ka qaadeen ilaa 65 qof oo dhawac ka so gaareen duqymihii saaka kuwaas oo ay geeyeen ispitalada magaalada Muqdisho waxaana ka mid ahaa goobihi la geeyey dhawacyada ispitalka madiina oo la garsiiyey 12 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan dhanka kale ispitalka dagmada dayniile oo aan qadka talephonka kula xiriiray ayaa madaxdii halkaa joogtay waxay inoo xaqiijiyeen in la garsiiyey 39 dhawac ah .balse nasiib daro labo ka mid ah rayidkii dhawaca aha aintii ay wadada ku jireen ayey geeriyoodeen halka mid sadaxaadna uu geriyooday intii qalinkiisa lagu guda jirey

Dhaawacyada iyo dhimashadu intaa wey ka badan kartaa oo waxaa jirey in dhaawacyad qaarkood aysan u suurta galin in ay helaan gurmad caafimaad oo deg deg ah wadoyinkuna waxay ahaayen kuwo u xirnaa ciidamda AMISOM iyo kuwa dowlada mark alga reebo wadada aada dagmada dayniile oo dhanka suuqa bakaaraha u furneyd .

Ispitaalada ayaa horey waxaa uga buuxay dad rayid ah oo ay dhaawacyo ka soo gaareen iska horimaadyada hubeysan ee Muqdisho ku soo can baxday waayadaan iyo duqeymaha sidaan oo kale ah ka dhaca waxaana ka mid ah dhawacyo ispitaaladu ay wax ka qaban kari waayeen iyo kuwo ku waayey xubno muhiin u ahaa waxaana Muqdisho ku soo kordhayo dad ka adimadu ka maqan yihiin sida lug ama gacan halka qaarkoodna aad arkeysid kuwo ay ka maqan yihiin labada lugoo ama labada gacmood .

Xiligaan Magaaladu waa dagan tahay wax dhawaq ahna lama maqlayo waxaana kala xiran goobaha ay kala fadhiyaan ciidamada codowga isu ah ee kuwada sugan magaalada meelaha qaar waa muqdi oo aan wax nalal ah laheyn goobaha qaarna leyrka ayaa u shidan.

glo2

Sawirka sare (Waayo waayo iyo xilligii nabadda ee Muqdisho)

Ka soo bilow biixaani wadada jubba hormarta , sayidka ilaa KM 4 warshada caanaha waxaa ay u xiran yihiin ciidamad Dowlada iyo kuwa shisheeye inta kale oo ay gacanta ku hayaan ilaa dagmooyinka Muqdisho ka baxsan waa isu furan yihiin sida afgooye oo loo mari karo dagmada dayniile suuqa xolaha hadii aaad tagto ilaa balcad iyo gobolada dhexe waa isu furan yihiin habeen iyo maalin waxaana si yaraanaya dhacii dadka safarleyda ah mana jiraan goob ay taal jidgooyo sharci daro ah

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

………….
FAAH FAAHIN SAFARKA R/WASAARAHA EE INGIRIISKA
War-saxafadeed

Mogadishu, Oct. 22 — Ra’isal Wasaraha Dawladda Federaalka KMG Soomaaliya, Mudane Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka iyagoo ku sii jeeda dalka Boqortooyada Britian si Xukuumada London ay ugala soo hadlaan soo nooleynta xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Ra’isal Wasaraha waxaa safarkiisa ku weheliya Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Wasiirka Boosaha iyo Isgaarsiinta, Prof. Cabdirazak Osman Jurille iyo Wasiirka Amniga Qaranka, Cabdullahi Maxamed cali “Sanbaloolshe”.

Waxyaabaha ugu weyn ee wafdiga Soomaaliya uu la soo qaadi doono Dawladda Ingiriiska waxaa ka mid ah soo nooleynta xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Britain, bacdamaa Dawladda London ay ka mid ahayd wadamada Soomaaliya xiriirka wacan la lahaa illaa markii Soomaaliya ay Xoriyadda gaartay July 1960 xiriirkaas oo hakad galay wixii ka dambeeyay markii Dawladda Soomaaliya Burburtay January 1991.

Booqshada wafdiga Ra’isal Wasaraha Soomaaliya ee dalka Ingiriiska waxay ka dambeeysay markii madaxa Xukumadda Ingiriiska, Mr. Gordon Brown iyo Ra’isal Wasaare Cumar Cabdirashiid ay is dhaafsadeen qoraalo muddooyinkii dhowaa ee la soo dhaafay.

Wafdiga Soomaaliya waxay kaloo booqasho ku tagi doonaan magaalada Brussels, dalka Belgium waxayna Guddiga Yurub (European Commission) kala soo hadli doonaan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayadoo shirkaas Brussels diirada lagu saari doona sida Midowga Yurub uu taageero ugu fidin lahaa Miisaaniyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Cabdulqaadir Maxamuud Walayo
Afhayeenka Xukuumadda KMG ee Soomaaliya, Muqdisho

Soo tebintii:
garaad cadde
Email: garaadcadde@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Xaaladii ugu danbeysay iyo sida ay Xalay ahayd Muqdisho "

  1. dhib malaha wa wax laga bixi dono insha allah intaa o kaliya aya nagu danbeysa lakin dad badan o danbilayal ah sidee u xukumi dona? wa yaab

  2. DHOOMBE says:

    Waxa la yiri Adigu/Ummadyahay dantaada ha qabsan! Waxaan keensataan Shaqsi TOLKIINA metela oo aan Deeqda iyo yaboohda idiinkugu soo dhiibno!

    Ilaa intay soconeysaa in Ummadda Soomaaliyeed afduub u ahaadaan Shaqsiyaad u shaqeeya SHISHEEYE/NGO oo Qandaraas ama mushaar yar ku qaata sidii Ummadda Soomaaliyeed loogu dhaadhicin lahaa inay yihiin Dad liita xag dhaqaale iyo xaq Siyaasadeedba.

    Waxay Ummadda Soomaaliyeed u soo jeedinayaa inay iyagu Dantooda oo aan faragalin ku jirin qabsadaan. Ogaada Samofalka iyo xoogaa Maalin lagu siiyo kuma filna jiritaankaaga.

    Waxaa haboon in GAWAANKA laga soo bilaabo wanaajinta Nolosha, Marka hora qofkastoo ka mid ah Ummadda Soomaaliyeed ha ku dadaalo sidii uu u soo saaran lahaa quutul daruuri xalaal ah! Waa muhiim inaad xalaal quute noqoto, taas oo lagu gaari karo in si buuxda looga faa’iideysto Qayraadka Dhulka yaala, gaar ahaan in sare loo qaado wax-soosaarka Beeraha, Kaluumeysiga iyo nadaafada.

    Ma ogtihiin in kheyraadkii dhulkeenu dayacan yahay…qaas ahaan waxaan la beeran 80% boqolkiiiba dhulka ay labada Wabi ee Shabeelle iyo Jubba maraan ! sidoo kale waxaa cajiib ah in BADDA eebe nagu maneystay ay noqotey meel aan lagu xisaabtamin (Sababta maxay tahay Cajiib) ma ogtahay in BADDA ay ku jiraan cunooyinka aduuunka ugu qaalisan, nooc walba oo Malaay/Kaluun ah, oo haddii aad Adiga iyo Caruurtaadu cuntaan nafaqo idinkugu filan mudoo Todobaad/asbuuc ah, Mar haddii aad nafaqo hesho waxaad kaloo sii qabsan kartaa howla-haaga/shaqooyin kale sida inaad Beer soo falato, soo xoogsato iwm.

    Ugu dambeyntii waxaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ku baraarujinayaa inaad u soo jeesataan oo aad WAAJIB ka dhigataan:
    In QOF KASTAA WAAJIBKIISU noqdo;

    ..Sare u qaadista Kalsoonida Dadka iyo Wax-soosarka Dhulka.
    ..Sare u qaadista is aaminaada dhexdiina ah, si loo wanaajiyo xiriirka dhexdeena.
    ..In Laga kaaftoomo GARGAARKA ku sheega NGO ay la ordayaan, oo runtii ah lug’gooyo cad oo Dadkii Soomaaliyeed niyaad ahaan ishortaagey inay Dhulkooda wax ka soosaartaan ! (Waxaa laga yaabaa inay adag tahay in la fahmo arintaasi).
    ..In la iska qabto Dadka SHISHEEYAHA u adeega cida ay doonto ha ahaatee. isla markaana lagu bedelo Shaqsiyaad Wanaagooda,Wadaniyadooda, Imaankoodu iyo Adaabtooda lagu kalsoonaan karo.

    Waad Mahadsan Tihiin.
    Walaalkiin DHOOMBE>

  3. Degan says:

    Asc waxan la yaabey nimanka maba xishoodaan miyaa, damiirse malaha miyaa.
    Inta ay dad wadankooda dhistey soo tuugsadan koodana burburiyan ayey wali leyihiin. Waxan ka wada hadleyna xiriika 2da Dal, dalka soomaali xagee u jooga dadkibaa la cuney. Qaar la gawracey sidii xoolihii, qaarna waala barakiciyey, qaarna isbitalada laga buuxiyey qaar kalena gaaley miciin bideen. Markaasey leeyihiin dawlad baan nahey.hadaba nimaankaas damiir iyo dadnimo maleh waa duli xaaraan cunayaal ah.Qof manta in yar o iiman ah ku jiro ma filayo inu maamuka somalia ka jira uu diyar u noqon karo inu shegto xataa. Rabiyoow soomali u gargaar waxani waa wax aan galabsanaye, toobada Rabiyoo na waafaji aamiin