Home » Warar »

Muqdisho: Bank Casri ah oo islaami ah laga furey iyo Siminaar ku saabsan Xuquuqul Insaanka oo lagu soo gabagabeeyey iyo safiirka Somalida u fadhiya Indonesia oo…

– Muqdisho: Siminaar ku saabsan Xuquuqul Insaanka oo lagu soo gabagabeeyey Magaaladda Muqdisho
– Muqdisho: Bank Casri ah oo oo islaami ah laga furey
– Dajire Maxamuud Colow oo ka qayb galay beeridda dhirta ee difaaca deegaanka ee Indonesia
………..

Siminaar ku saabsan Xuquuqul Insaanka oo lagu soo gabagabeeyey Magaaladda Muqdisho

Waxaa Hotelka Ambaasadoor ee Magaaladda Muqdisho lagu soo gabagabeeyey siminaar socdey Muddo Saddex Maalin ka soo ay soo qaban qaabisey Hayadda Center For Democracy And Human Rights CDHR waxaana ka qaybgaley Dad gaaraya 40 xubnodd oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana lagu baranayey Casharo la xiriira Xaquuqu Insaanka iyo sida loo maareeyo waxaan Macalimiin ka ahaa Prof Cabdalla Macalim iyo Cabdulaahi Faarax Siyaasi iyadoo ka qaybgalayaasha Mararka qaarkood ay dhiibanayeen Fikradahooda ku aadan Xaquuqul insaanka waxayna sheegeeen Xuquuqda Biniaadamka ay ku idishahay Diinta Islaamka

Halkan ka daawo Sawirro Dheeraad ah (ee simiraanka)

Siminaarkaan oo ay maaligelinteeda lahayd National Endowment for Democracy (NED) ayaa macalimiinta wax ka dhigeysey siminaarkaas waxay si qota dheer U faaffaahiyeen Xaquqda Biniaadamka iyagoo sheegey in Qofka uu uu leeyahaya Xuquuq isagana lagu leeyahay Xaquuq iyadoo ka qaybgalayaasha loo qaybinayey Kooxo kooxo si ay uga hadlaan aaraadooda ku aadan Xaquuqda Bani’aadam iyo waxaana halkaa ka soo baxayey fkrado ku biya shubtey In Xuquuqda aadiga ay ku dhan tahay Diinta Islaamka

sim1

Ma aha markii ugu horeysey ay Hayadaan ay qabato siminaaro ku saabsan Xuquuqda Baniaadamka (Human Right) iyadoo ka qaygalayaasha ay codsadeen in loo balaariyo siminaarada noocaan ah waayo ayey yiraahdeen laba ama sadex waxba laguma baran karo iyadoo masuuliyiintii ka socotey Hayadda ay balan qaadeen in ay sii laba laabi doonaan siminaarada Noocaan ah ee wax ka taraya Nabada iyo Xuquuqda Bani’aadamka wuxuuna siminaarkaas ku dhamaadey sidii loogu talagaly iyadoo ka qaybgalayaasha ay u mahadceliyeen intii soo qaban qaabisey iyo intii isku soo dubaridey sidoo kale waxay u mahadceliyeen Macalimiintii wax ka dhigayey siminaarkaas oo ay sheegeen in ay wax badan ka kororsadeen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Salaam Somali Bank: Banki casri ah oo Islaami ah oo adeegsanaya Farsamooyin kii ugu dambeeyey

Waxaa Hotel-ka Shaamow ee Magaaladda Muqdisho lagu qabtey Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey waxaana xafladaas lagu fureyey Banki lagu magacaabo Salaam Somaaliya Bank waxaana xafladaas ka soo qaybgaley qaybaha bulshada ka koobana tahay waxaan Banki-gaas Aas –aas u ah diinta islaamka iyadoo Darbiyada Goobta Xafladda ka dhaceysey lagu soo xardhey ereyo ka tarjumaya waxqabadka Banki-gaas waxaana ugu horeyntii halkaa ka Hadley Axmed Shiikh Cali Galool oo ka mid ah madaxda Banki-ga Salaama wuxuu sheegey in Banki-gaan uu yahay midkii ugu horeeyey ee noociisa ah oo laga furo Dalka soomaaliya , isagoo xusey in Banki-gan uu yahay mid saldhig u ah Mabaadiida Islaamka

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah (ee furitaanka bangiga)

Mudane Galool wuxuu sheegey in Bank-gan uu yahay Mid casri ah oo adeegiisu yahay Adeegyada Banki-yada Caalamka isagoo Carabka ku dhuftey in laga maarmi doono in ruuxa uu qaato wax lacag isagoo adeegsanaya Mobile-kiisa , Inter-net iyo Kaararka caalamiga ah sida Master Card , Visa Card

ban1

Mudane Axmed Shiikh Cali Galool wuxuu sheegey in Banki-ga uu adeegsanayo Qaabka Saad oo ah in Mobil-gaaga lacagaha kuugu jira aad wax ku iibsananeyso haddi ruuxa aad wax ka iiibsaneyso uu heysto qaabka saadka

Bank-gan ayaa wuxuu Bulshada Soomaaliyeed uu u sahlayaa in ay Acoun ka furtaan Bankiga salaam haddii ay doonayaan in ay xajiyaan si Bankiga uu ururiyo lacacagooda sidoo kale wuxuu Banki fududeynayaa in ruuxii doonaya in uu guursado Mustaqbalka in uu u furayo Acoun si hadhow uusan ugu dhibtoon Guurkiisa sidoo kale Bankiga wuxuu u fududeynayaa Ardeyda dooneysa in mustaqbalka galaan Jaamacadaha in uu u furaya Acoun ay ku urursadaan lacagihii ay wax ku baran lahaayeen

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Dr Shahiid oo u mahadceliyey intii isku soo dubaridey Furida Banki-gaas Casriga ah wuxuu sheegay in banki-gaan uu fududeynayo Wayaabo fara badan oo ummadda soomaliyeed ku dhibaneyd waxaa intii ay socotey Xafladaa hadlo guubaabo ah ku soo bandhigey Abwaan Maki Xaaji Banaadir isagoo ugu baaqey Masuuliyiinta Bankigaas in ay qaybqaataan Taakuleynta dadka soomaaliyeed waxaana xafladaa xiriirinayey Cabdiraxmaan Okiyaale waxayna ku dhamaatey xafladda sidii loogu talagaley waxaana la filayaa in Gobolada soomaaliya laga sameyn doono Xaflado ku aadan furitaanka Banki-ga salaam Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

DANJIRE MAXAMUUD COLOW OO KA QEYB GALAY BEERIDA DHIRTA DIFAACA DEEGAANKA EE INDONESIA

indo1

Sabti 17 October, 2009, waxaa magaalada Bandung lagu qabtay xaflad heer sare ah oo uu soo agaasimay Taliska Sare ee Difaaca Indonesia, Gen. Djoko Santoso, ayna kala soo qeybgaleen Danjirayaal iyo Wakiilo dawladeed oo gaarayay 27 masuul. Xafladan oo loogu talo galay in lagu beero geedo waxtar u leh dadka iyo deegaanka ayaa uu Danjire Maxamuud Colow martiqaad ka helay Gen. Santoso, si uu uga qeybqaato beeritaanka geedka difaaca dadka iyo deegaanka, iyadoo wadan walbaa uu hal geed beerayay.

Intaa ka dib, ayuu Danjire Colow, hadal gaaban la qaatay Gen. Santoso oo uu si kooban uga warbixiyay xaalada amni iyo siyaasad ee uu wadanku marayo, kana codsaday in uu Taliska Military-ga Indonesia gacan ka geysto dib u dhiska Ciidanka Qalabka Soomaaliyeed, ayna tababar iyo qalaba ku taageeraan Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale Danjire Colow ku amaanay Taliska Military-ga Indonesia sida ay xil isaga saareen difaaca deegaanka oo muhimad gaar ah u leh dhaqaalaha iyo horumarka dadka ku nool deegaanada laga fulinayo mashruucan ay hada bilaabeen, isagoo gaarsiiyay in Soomaaliya la xaalufiyay dhirtii iyo hawdkii ballaarnaa ee ay lahaan jirtay, ayna codsanayaan shacabka iyo dawladda Soomaaliyeedba in sidoo kale gacan laga siiyo sidii dib-u-dhireyn loogu sameyn lahaa deegaanka iyo hawdka Soomaaliyeed, si mar labaad ay u soo noqoto bilicsamidii uu lahaa dhulka Soomaaliyeed.

indo5Gen. Santoso, ayaa ka mahadceliyay ka soo qeybgalitaanka uu Danjire Colow ka soo qeybgalay martiqaadka Taliska Xooga Dalka Indonesia ay u fidiyeen, waxa uuna carabka ku dhuftay in ay marnaba Indonesia ka gaabin doonin wax ka qabashada xaaladaha ka jiro dalka Soomaaliya, balse uu isagu dhowrayo oo kaliya sida ay hogaannada labada wadan meel isula dhigaan wajahida xaalada jirta iyo kaalinta ay Indonesia ka qaadan karto wajida deg deg ah ee loo baahan yahay wax ka qabashadiisa. Sidoo kalena, waxa uu xaqiijiyay in ay muhiim tahay gacan ka gerysashada dib-u-dhireynta iyo doogeynta dhulka ballaaran ee uu wadanka Soomaaliya leeyahay, si buu yiri uu ugu naaloodo shacabka Soomaaliyeed barwaaqo iyo reyn reyn.

Xafladaas oo ay ka soo qeybgaleen madax kale oo ka kala socotay Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Beeraha ee Indoensia ayaa ku soo geba gabowday sidii loo qorsheeyay.

Jakarta 20 October, 2009

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia
J A K A R T A
Somali Embassy JKT
email: somalirep_jkt@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.