Home » Maqaallo »

Maxay qabatay Towraddu & Maxaynnu Maantay Joognaa?

Kacaankii 21 Oktoobar ee 1969kii ayaa wuxuu ka mid ahaa Kacaamadii ka dhashay Afrika kaddib markii ay xornimadeedii ka qaadatay gumeystiyaashii reer Yurub ee mudada reer Xukumayey iyo Dowladihii ka dambeeyey ee ay ka Talinayeen Dadka Raydka ahaa ee lagu dhaliilayey inuu Xukunkoodu aad u Dabacsanaa ama uu ka Muuqday Musuq Maasuq, Soomaaliya ayaa waxay ku sugnayd Xaalad Murugsan iyadoo Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga ee Soomaaliya Mudane Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke la Dilay Maalmo ka hore , Madaxdii Dalka iyo Baarlamaankiina ay ku Murmayeen Qofkii Xilka Qaban lahaa ayaa Habeenimadii 21Oktoobar 3:00 AM ee Sanadkii 1969kii Xukunkii Dalka Xoog ku Qabsaday Ciidamadii Qalabka Siday ee Dalka ee uu Hoggaaminayey Mudane Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre .

Haddaba, waxaannu ognahay Kacaankani wuxuu ahaa kii ka dhacay Waddan Afrikaanka iyadoon uusan Dhiig ku daadan Towraddu waxay isla markiiba gacanta ku dhigtay dhammaan Goboladii Dalka oo dhan waxayna bilowday sidii ay u soo bandhigi lahayn Ujeedooyinkeeda iyadoo aan cidna Eedaynayn hase ahaatee Xukunkii hore ku Tilmaamaysa inuu ahaa mid Musuq Maasuq ah , Shacabka oo dhani waxay u istaageen sidii ay gacan u siin lahaayeen Kacaanka Dalka ka curtay , taasina waxay keentay in ay Towraddu hesho Kalsooni buuxda oo ay Qorshooyinkeeda ay ku fushan karto sida, Dhisidda Dalka, Canshuuraha , Waxbarashada, Nabadgelyada, iyo Wax soo Saarka .

Dowladdii Mudane Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, waxay Ummadda Soomaaliyeed u ballan qaaday inay la Dagaalami doonto Saddexda Cadow ee Bani’aadanka ee kala ahaa 1. Gaajada, 2. Cudurka , iyo 3. Jahligga Towraddu way ku guulaysatay dhammaan qorshayaasheedii ugu horeeyey waxaana sababay guulaha ay gaartay markii hore ayey ku dhawaaqday in Qabiilkii la Aasay , Qabiilkuna uu noqday wax laga Cararo taasina waxay ka mid ahayd Waxqabakii ugu horeeyey ee dhalinyey in uu Kacaankii 21 Oktoobar uu guulayso 10kii Sano ee ugu horeeyey , inkastoo ay jireen dhaliilo yar yar ah haddana inta badani Dowladdu waxay ku dadaalaysay inay Shacabka u adeegto.

Waxqabadkii oo koobani muxuu ahaa?

1. Qoristii Afka Soomaaliya oo maanta aad aragtaan in Websiteyada laga akhrisanayo wax walba oo maanta dhaca Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisaba
2. La Dagaallankii Cudurka ,Gaajada, iyo Jahligga oo ay Dowladdu bilowday Horumarinta Beeraha iyo Daryeelka Haweenka iyo Carruurta .
3. Gargaarkii Abaaraha iyo Danwadaagaha
4. Suggidii Nabadgelyada oo Dalka oo dhammi uu Nabad ahaa
5. Waxbarashada ,Dugsiyada Hoose,Dhexe, Sare, iyo Jaamacadaha oo ahaa Lacag la’aan
6. Abuurista Shaqada iyo Shaqaalaha
7. Ciyaaraha (Sports) oo Gobolada oo dhami ay ku Tartami jireen
8. Wax Soo Saarka Beeraha, Badaha, iyo Warshadaha oo kobcayey 10-kii Sano ee ugu horaysay
9. Maamuladii Gobolada iyo Degmooyinka oo loo dhiibayey Qof aan Qabiil lagu soo Dooran
10. Dagaalkii Itoobiya ee lagu doonayey in lagu Xoreeyo Soomaali Galbeed (Ogadenia)

Galbeed Waa la Xoreeyey ee Waarsaa Gaagixisay

Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa iyagoo kaashanaya Saraakiisha Sare ee Soomaali Galbeed ee waxay Ciidamadii Nafla Caariga ahaa ee Itoobiya badeen Jab iyo Halaag waxayna gudaha u galeen Dalka Itoobiyada Xorta ah , taasina waxay keentay in Dowladihii Itoobiya la Bahda ahaa ay ka Xumaadaan waxayna bilaabeen inay Huwantu isku biirsato inay Dagaal badheedh ahi ay ku soo qaadaan Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga ee Soomaaliya kuwaaso kala ahaa Ruuska, Kuuba, Yemen iyo Waddamo kale oo Yurubta Barri ka tirsanaa , Dunida Caalamkana ay u tusaan inay Soomaaliya Xadgudub Samaysay. Soomaaliya ayaa lagu amray inay Ciidamadooda Dib uga soo saaraan Itoobiya , sidaana ay ay ku baxday “Galbeed waa la Xoreeyey ee Waarsaa Gaagixisay”.

Afgembigii Dhicisoobay ee Dalka ka dhacay

Saraakiishii Hoggaaminayey Ciidamadii Dagaalka aaday qaar ka mid ahaa ayaa waxay door bideen inay Dalka Afgembi ka sameeyaan G/Sre C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu abuuray isaga iyo Saraakiil kale Urur Siyaasi ah oo la Magac baxay SSDF Ururkani ayaa wuxuu isku dayey Afgembi laakiin nasiib darro waxaa ku dhacday Fashilaad waana laga war helay qaar ka mid ahaa gacanta ayaa lagu dhigay qaarna Dalka way ka baxsadeen sida G/Sare C/llaahi Yuusuf Axmed oo wuxuu magangalyo weydiistay Dowladda Itoobiya halkaana uu ka sii waday Dagaalkii iyo Jabhadayntii ilaa iyo intii uu Dalka ka burburayey marna uu Xabsi ugu jiray Dalka Itoobiya.

Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed Hadafkiisu Muxuu ahaa

Dowladdii Mudane Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa waxay mar labaad heshiis la xiratay Dowladihii Yurubta Barri waxayna bilaabeen in Dalka oo dhan laga Hergeliyo nidaamka Hantiwadaagga oo loo sameenayo Xisbi u gaar ah ,kaasoo leh Golahiisa Sare iyo Golahiisa Dhexe Hay’add walba oo Dalka ka jirtana loo diray Wakiil ka socda Xisbigga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, Shirar iyo Barnaamijyo u gaar ahina loo sameynayo Shacabka Xubnaha ka Xisbigga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed loogu Mashquuliyo loogana dhigo Dad Daacad u ah Dowladda iyo Xisbigga.

Maxaa Sababay Burburkii ku dhacay Dowladdii Hore

Dowladdu markii uu ku dhacay nidaam darro iyo Dhaqaalo Xumi uga timi Hay’adaha Mucaawinooyinka bixiya oo ka joojiyay Taakulayntii ay Dowladda Siin Jjireen Kaddib markii ay ogaadeen in Dowladda Muaawinooyinka la siiyo ay u adeegsato Dhinacyada Ciidamada Qalabka Sida iyadoo loogu talagalay in lagu bixiyo Sharcigii loogu talagalay Waxaa kaloo ka mid ah markii ay Dowladdu biloday inay Xirxirto Mucaaradka Xasuuq ba’anna u gaysato Dad Rayd ah oo aan waxba galabsan, Ciidamadii Qalabka Sidayna loo waayey Mushahar joogta ah ay bilaabeen inay Burcad noqdaan Guryahana Habeenkii Dadka ugu soo galaan iyagoo Hubaysan Nabadgelyadiina ay faraha ka baxday.

Waxa is weydiin ah Maxaynnu Maantay Joogaa?

Dagaallo Sokeeye, Burbur, Barakac, Tahriib ,iyo Tarxiil joogta ah Nabadgelyadii markii ay faraha ka baxday ayaa waxaa abuurmay Xasilooni darri ku baahday Dalka oo dhan
waxaannu Taaganahay in Xornimadii Dalka lagu Ciyaaray Gumaysi Dib loogu soo Celiyey ,Dagaal Diimeed uu Dalku ka Socdo iyadoo Soomaalida lagu tiriyo Dad 100% isku Diin isku Af, iyo isku Dhaqan ah Badihii iyo Xudduudihii uu Dalku lahaana la Iibsanayo iyadoo la Huwan yahay Magac Wasiir Dowladeed taasina ay tahay mid meel looga dhacayo Sharafta iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed ee ay Maantay Dhibaatadu ku habsatay, waxaase habool in Tallaabo adag laga qaado Dhammaan Xubnihii ka Dambeeyey Heshiiskii Xaaraanta ahaa ee lagu sheegay Is-Afgardka dhexmaray Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya, Maxkamdna la horkeeno Xubnahaasi.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.