Home » Maqaallo »

Hayadaha Amniga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Marykanka | Abuukar Carmaan

Hayadaha Amniga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Marykanka
Maqaalkan waxaa afka Ingariiska ku qoray Abuukar Carmaan. Waxaana tarjuntay Cabdiya Sheikh Axmed

Isagoo isku dayaayo in uu wanaajiyo xiriirka ku wajahan dunida Muslimka ah, ayuu Madaxweyne Obama sameeyey wax uusan horay u sameyn madaxweyne Mareykan ah.

Laga bilaabo khudbadiisii caleemasaarka oo uu xoogga ku saaray sidii loo dabcin lahaa mowqifka iska caabinta ah si loo joojiyo isu qorshaha cadowtinimada ah. Qudbadii xigtay ee uu ka jeediyay Baarlamaanka Turkiga taas oo uu ku qeexay in Mareykanka iyo reer Galbeedku ayan dagaal kula jirin dunida Muslimka ah, iyo gunaanadkii khudbadiisii taariikhiga ahayd ee uu ka jeediyey Qaahira taas oo uu ku qaadaa dhigay muhimadda ay leedahay in la is ixtiraamo si wada hadal iyo isfaham dhidibada loogu aaso.

Si kastaba ha noqotee, kala buxo wuxuu ku xiranyahay dhakhsaha loo badelo tallaabooyinka ama sharciyada an xaqaaniga ahayn ee la abuuray ka dib dhacdadii murugada lahayd ee 9/11, iyo sida Ameerika ay ula dhaqanto Muslimiinta la horkeenayo haya’adaha cadaaladda ee dalka.

“Hay’addayadu, Xafiiskeenna Xuquuda iyo Xornimada Shacabku wuxuu xiriir adag la dhisayaa Arabta iyo Muslimiinta Mareykanka ah…” ayay Xoghayaha Nabad Sugidda dalka (Homeland Security), Janet Napolitano ku andacootay markay dhowaan khudbada ka jeedisay Haya’adda Xiriirada Dibadda (Council on Foreign Relations). Iyada oo ay Xoghaye Napolitano muujineyso sawirkaa qurxan, ayaa hadana waxaa nasiib darro ah xaaladda runta ahina muujineysaa qiso ka duwan tan xoghayuhu ay soo bandhigtay – taasoo sheekadu ku badnayd balse nuxurkeedu yaryahay.

In ku dhow toban sano hadda, ayaa xuquuq sharciyeedka dalkan ee ah “dambiile ma tihid illaa lagugu cadeeyo dambi” ayaa si joogta ah loo daba maraayay marka qofka lagu mudacayo uu yahay qof Muslim ah. Waa xaqiiqo in ay Muslimiinta Mareykanku haystaan xornimo diimeed ee ay ku dhisan karaan dugsiyo iyo masaajiddo, xornimadaas oo marar badan ka ballaaran tii ay ku haysteen dalalkoodi. Balse Muslimiinta ka soo jeedda Carabta ayaa waxaa ay muteystaan macaamil aan wanaagsaneyn. Kooxda Muslimka ah ee soo raacda waa Soomaalida- ayagoo ku soo biiray booska qalafsan ee ay Carabtu fadhiday.

Soomaalida xaalkeedu waxaa uu marin habaabay marki laga waayey magaalada Minneapolis 20 wiil oo saddex ka mid ah la ogaaday in ayba dhinteen. Dhalinyaradani waxaa la rumeysanyahay in ay ku xirmeen kooxda Al-Shabaab, waxaana laga baqayaa in ay la soo noqdaan fikrado xag jir ah. Al-Shabaab waxaa uu Mareykanku ku daray kooxaha argagixisada ku sifoobay.

Inkasta oo ay guud ahaan Soomaalida fileyso baaritaan xoog leh in uu ku soo food leeyahay, hadana waxa ay ka walwal qabaan waa sida xasaasinimada ah ee ay Haya’daha warbaahintu arrinta oga sii badbadiyeen taas oo Soomaalida, madax diimeedkeeda, masaajiddeeda iyo dugsiyadeedaba laga dhigay dambiilayaal uu ra’yiga dadweynaha Mareykanka lagu qanciyay. Tani waxay abuureysaa dhibaatooyin ku yimaada bulshada iyo waliba in Haya’adaha Nabad Sugiddu ay qaadaan tallaaboyin an laga fiirsan.

Hadda oo ay xiranyihiin laba dhalinyaro Soomaaliyeed ah, midkoodna uu qirtay in uu taageerayay Al-Shabab, halka uu kan kalena maxkamad sugayo, ayaa ay Soomaalidu dhegaha isugu sheegeysaa in ay FBI du xirxiri doonto Soomaali badan bishan Ramadaan ee foodda inagu soo haysa iyo sannadguurada 8daad ee September 11.

Soomaalidu waxay dareemeysaa in weerar lagu hayo.

Hadaba dareenkaan shakiga leh waxaa uu sii xoogeystey kadib marki ka cabashada saraakiisha Haya’adda Federalka ah ee danbi Baarista (FBI) oo iska galaya guryaha iyo rugaha ganacsi ee Soomaalida iyaga oo aanan wadan wax warqad maxkamadeed ah oo u fasaxaya baaritaan taas oo , hadana ay iska dhega tirtay Haya’addii qaabilsaneyd ilaalinta xuquuqda iyo ku xad gudubka sharciga (CRCL )

Waxayba arrintu sii xumaatay, marki ay si an la fahmi karin usoo galeen saraakiisha sirdoonka ee gobollo kale, sida booliiska New York oo soo fargashaday baarista iyo war doonka Minneapolis iyada oo sidoo kale ay difaacday Haya’adda CRCL oo ku tilmaantay arrinta “howlgallo caadi ah”. Hadaba dhaqammada noocaas ahi waxay huwiyeen shaki baahsan doodda xafiiska CRCL ee ahayd in uu yahay xafiis madax bannaan ee dhexdhexaad ah. Wakiiladda CRCL waa in ayan marnaba u dhaqmin sida xafiiska xiriirka dadweynaha ee FBI-da. Waa sax oo waxba kama khaldana in la wanaajiyo sumcadda Haya’adaha Nabad Sugidda ee ilaaliya nabaddeenna, iyo tan bulshadeenna guud, laakiin shaqadaasi waa in ayan noqon tan CRCL ee uu fuliyaa xafiiskale.

Kaaga daranta, arrimahaasi waxay ku soo aadeen xilli xiriirka ka dhaxeeya Muslimiinta Mareykan iyo Haya’adaha Nabadsugiddu ay xumaadeen kadib marki la ogaaday in FBI-du ay u direysey masaajidda wardoonayaal iyo tif tif si ay u dabaan cibaadeystayaasha iyo dhalinyarada an shakiga qabin.

“Inkasta oo guud ahaan shaqaalaha hay’adaha nabadsugiddu ay yihiin dad xaqiiqadu hogaamiso, in badan oo iyaga ka mid ahi waxay wali ku shaqeeyaan maskaxdi 2003 iyo wakhtigi Mareykanku ku qaaday dagaal an laga fiirsan dalka Ciraaq. Hadaba isbedel ku dhaca fikirka noocaas ah ee isku qasay runti iyo beenti ayaa waxaa uu qaadan doonaa wakhti” ayuu yir shakhsi Muslim ah oo asagaba ku dhacay dabinkaas khaldan.

Sannadkan horraantiisii ayaa isu tag guud ee hayadaha ugu waaweyn ee Muslimiinta shaaciyeen warqad furan oo ay ku cadeynayaan in ay hakin doonaan la shaqeynta haya’adda FBI-da inta ay Haya’addu isku qaseyso siyaasadda iyo sharci sugidda, ayna sii waddo dhaqanka ay dhaleeceyneyso haya’ado wax ku ool ah si loo bah dilo. Haddaan doc iska dhigno warxuma tashiilnimada ay sida joogtada ah u wadaan kuwa la midka ah Daniel Pipes, Steven Emerson, Robert Spencer and David Horowitz oo iyagu rumeysan 7-da million ee Muslimiinta Ameerikaanku in ay yihiin fidno jiifto (sleeping cells) iyo bambo ama miino sugeysa in ay qaraxdo, ayay runtu tilmaameysaa mid aan tooda waafaqsaneyn.

Soo duuduuboo, si loo dhiso is aamin iyo isfaham baab’iya waxyaabaha hor taagan in ay si buuxda Mareykanka iyo dunida Muslimku oga wada shaqeeyaan arrimaha labadaba muhimka u ah, arrimhan soo socdaa waa in ay dhacaan:

Marka hore, shuruucda sida “US Patriot Act” waa in dib loogu noqdaa lagana dhigaa kuwo xaq ku qotoma.

Midda labaad, Muslimiinta waa in loola dhaqmaa in ay qeyb ka yihiin umadda ee an loola dhaqmin in ay yihiin soo galooti bambo ay suun u tahay.

Tan saddexaad, dowladda heerarkeeda kala duwan waa in loo magacaabo dad Muslimiin ah oo aqoon iyo khibrad leh ee noqda la taliyayaal xagga siyaasadda, ee an la magacaabin magac u yaallo. Xadka ay shakhsiyaadkaasi u madaxbannaayihiin fikirkooda ayay ku xirantahay aaminaad ay u soo hoyiyaan xafiisyada ama hay’adaha ay ka soo jeedaan.

English Version: Bridges of Rhetoric and Suspicion @ huffingtonpost.com.

Waxaa soo tebiyey:
abukar arman
abukar_arman [at] yahoo dot com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.