Home » Warar »

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo Shirkadda Price Water House Coopers Associates Africa Limit

Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya oo maanta yeeshay shir aan caadi aheyn

  • War ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Xukuumada
    C/qaadir Maxamuud Walaayo

Mogadishu, October, 19, 2009——- shir aan caadi aheyn oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Dowaladda ayaa waxaa Goluhu si buuxda ugu ansixiyay Heshiis Idaari ah ee dhex maray Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya iyo Shariikadda (Price Water House Coopers Associates Africa Limit) iyadoo shirka uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

afh1

Shirka Golaha Wasiirada wuxuu si weyn u lafaguray Ajenda ka kooban saddex qodob oo ay ka mid ahaayeen Heshiiska dhex maray Dowladda iyo Shirkadda Price Water, toosinta Maamulada Dakhliga Kharaj Bixinta, Ciidanka iyo Goboladda iyo Maamul u sammeynta Gobollada degmooyinka Dalka.

Meel marinta Heshiiska wuxuu ka dambeeyey dood qoto dheer oo Golaha Wasiirada ay halka ka soo jeediyeen. Heshiiskaas oo ka kooban dhowr qodob waxaa qodobadiisa ugu weyn ka mid ah in Beesha Caalamka iyo Deeqbixiyeyaasha ay maanta wixii ka dambeeya yabooha Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya u soo mariyaan shirkaddaas.

Isla heshiiska wuxuu Dowladda Soomaaliya u oggolaanayaa inay marka ay doonto ay baaris ku sameyn karto Diiwaanka lacag qabashada ee shirkadda iyadoo hadduu yimaado murran ka yimaada labada geesood lagu kala bixi doono Rugta ganacsiga ee caalamiga ah ee ku taal magaalada Paris oo Soomaaliya ay xubin ka tahay (International Chambers of Commerce in Paris). Rugta ganacsiga ka sokow, waxaa kaloo labada dhinac ay ku kala bixi karaan si saaxiibtinimo leh.

Qodobada Heshiisku ka kooban yahay waxaa ka mid ah in Dowladda Soomaaliya ay Tacdiil ku sammeyn karto Heshiiska marka ay baahi sidaas ay timaado iyadoo la sheegay inay xisaabta socota ay imminka ku jiraan yabooh ay bixiyeen Dowladdo dhowr ah kuwo kalena laga filaayo inay ku soo shubmaan.

Dowladda Soomaaliya waxaa xiriir Maaliyadeed oo toos ah oo laba geesood ah ay la smmeysan kartaa wadamada ay saaxiibka ama Walaalaha yihiin. Lacagaha ka sokow, shirkadda waxay Shaqaalaha Dowladda ka caawin doontaa aqoonta habka Diiwaangelinta iyo ururinta Dakhliyada, Kharashyada iyo Maamulka iyo Maareynta xisaabaadka si shaqaaluhu u yeeshaan Karti, Hufnaan, Tayo, Tamar iyo Maareynta Maamulka.

Qodobada labo oo ah toosinta maamulada Dakhliga, Ciidanka iyo Gobollada iyo Saddex oo ah maamul u sameynta Gobollada iyo degmooyinka Dalka waxaa loo Igmaday Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirshiid Cali Sharmarke inay iyagu go’aan ka soo gaaraan.

afh2
Afhayeenka oo saxaafada la hadlaya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke inta ay dooduhu socdeen wuxuu mar kasta halkaa ka bixinayay toosin iyo caddeyn faahfaahsan.

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada
C/qaadir Maxamuud Walaayo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo Shirkadda Price Water House Coopers Associates Africa Limit "

  1. anigu fikraddeydii ahaa waxaan oran lahaa heshiiskaa ayada ah in ladardargaliyo oona soomaalida wax loo gu qabto siiba soomaalida guryahoodii ka barakacay oo hoy ay seexdaan iyo waxa ay cunayaan eesan jirin.su aal
    yaan idinla dhihin dowladdu wax maka qabanin dhibaatadaa ?
    waad mahadsantihiin………..

  2. Kamal says:

    Waxan la yaabay sababta gacanta loogu galiyay gacanta somaliya loogu deeqay shirkado waxan dhihi intii madow cuni lahaa lacagtina idinku cuna marka waxa halka ka cad in meesha dawladi jirin

  3. ali says:

    toosiyow ma waxaad toosi saa waxii dhaca mise maxiin qalooc sama waar shaki kuma jiro in soomaali oodhami wanaag iyo dowal nimo ubaa han yihiin laakiin marabaan dowlad ay xor uyihiin waad aragaa in soomaaliga sharafta le lagaga kalsoon yahay tuuga wadama shi sheeye wadan kiimiyo dalkii badii intaba maamu layaan waar waxkastaba ha ahaadeene dabada aanka riixno ku wan jooga hadii naynu dhaanu hadii kale eeda aynu ka dhaafno waa intaa oo ay meeluun kasoo baxaane

  4. ali says:

    asc hadii la waayo waxii loobaahnaa waxii laga fursan waayo ayaa layeeli hawl soomaali leedahay in lagasugo shisheeye waxaa sabab u ah shacabka somalida layna kari waa layna fahmi waa layna garan waa waxaynu nahay dad iyo xoolo. dawlad dadkeedii aanu ogalayn hadii ay gebi dhacayso waa gar

  5. Tosiye says:

    beer walba ninkii beerta ayaa goosta….
    Raggaan raggii keensaday ayaa ku shaqaysanaya,weli fari kama qodna….

    waddanka gacan dahsoon oo reer galbeed iyo adeegayaal madmadow,cidda ay doonaanba ha ahaadaane ayaa loogu talo galay in wixii dheef iyo dhaqaale ku jira inay qaataan……dadkii lahaa wax la dilay,wax la barakiciyey,wax la daldashay,wax la dhaqan iyo diin dooriyey ayaa laga dhigaý…fari wali kama qodna…

    Mashruucan waa mashruuc weyn….inagu soomaali ahaan is daba qaban weynay…haddii aan Ilaahay fadligiisa iyo galaddiisa inagu daba qaban,waxaa dhici doona dabar go’o.iyo la dhaho waabaa waxaa jiri jiray soomaali-maryooley qoom la dhaho—-weli fari kama qodna

  6. mnur says:

    kooxdii wadan dibadaa lagu soo magacaababa afkaa u furan shisheye ayaa ka qayb qadanaya markan waa mashruc cusub oo geska afrika ka dilaacay

  7. Xassan says:

    Halkaas waxaa ka cad in aan la is-aamineyn ee SHISHEYUHU NA MAAMULO,
    LAAKIIN ILLA IYO INTEE BE SOCONDOONTAA??.