Bukhaari iyo Muslim baa ka wariyey Saciid Ibnu Jubeyr in uu yiri: Cabdullaahi Ibnu Cabbaas baan ku iri: Nawf Albikaaliy wuxuu ku andacoonayaa: in Muusaha raacey Khadir uusan ahayn Muusihii reer Banii Israa’iil, markaas buu yiri Ibnu Cabbaas: been buu sheegay cadawga Ilaahay!.
Ubay Ibnu Kacab baa ii sheegay in uu rasuulka (scw) ka maqlay isaga oo leh: Muuse ayaa ka dhex kacay reer Banii Israa’iil isaga oo u khudbaynaya, markaas baa la weydiiyey dadka yaa ugu cilmi badan?, markaas buu yiri: aniga, markaas baa Ilaahay canaantay mar haddii uusan cilmiga isaga u soo celin (uusan oran: Ilaahay baa og).
Ilaahay baa u waxyooday (Muuse): waxaan leeyahay addoon ku sugan halka labada badood ku kulmaan oo kaa cilmi badan. Muuse wuxuu yiri: Rabbiyow sidee ayaan u helaa?. Wuxuu yiri (Ilaahay): waxaad qaadataa kalluun, waxaadna ku ridataa dambiil, meeshii aad kalluunka ku weydid isagu halkaas buu ku sugan yahay.
Wuxuu qaatay mallay, wuxuuna ku ritay dambiil, wuuna socday, waxaana raacay khaadimkiisii Yuushac Ibnu Nuun, ilaa ay yimaadeen dhadhaabkii (dhagax weyn) oo ay madaxa dhigeen oo seexdeen. Waxaa raftay kalluunkii dambiisha ku jirey, wuuna ka baxay, wuxuuna ku dhacay badda (wuxuuna baddii ka samaystay waddo jeexan). Ilaahay kalluunkii wuxuu ka qabtay qulqulkii biyaha, waxayna u noqdeen sidii daaqad.
Markii uu baraarugay buu hilmaamay saaxiibkiis (khaadimkii) in uu u sheego kalluunkii, markaas bay socdeen intii ka dhimanayd maalintooda iyo habeenkooda. Markii ay berri noqotay buu ku yiri Muuse (khaadimkiisii: ina sii qadadeena, safarkeenaan dhib baan kala kulanaye).
Wuxuu yiri (nabigeenu): Muuse ma daalin ilaa ay dhaafeen meeshii Alle amray, markaas buu ku yiri khaadimkiisu: (ka waran markii aan u dumanay dhadhaabka waxaan hilmaamay kalluunkiiye, shaydaan mooyee cid kalena ima hilmaansiin in aan kuu sheego, wuxuuna baddii ka samaystay wax lala yaabo). Wuxuu yiri nabigeenu (scw): wuxuu u noqday kalluunkii jeexdin, Muuse iyo khaadimkiisana wax lala yaabo. Markaas buu yiri Muuse: (kaasi waa kii aan doonaynay, markaas bay raadkoodii dib ugu noqdeen iyaga oo raacraacaya).
Wuxuu yiri nabigeenu (scw): way noqdeen iyaga oo raadkoodii raacraacaya ilaa ay gaareen dhadhaabkii, mise nin baa maro ku duuduuban, markaas buu salaamay Muuse, markaas buu yiri Khadir: xaggee bay dhulkaaga salaantu uga timid!?. Wuxuu yiri: anigu Muuse ayaan ahay. Wuxuu yiri: ma Muusihii Banii Israa’iil?. Wuxuu yiri: haa, waxaan kuugu imid inaad iga bartid waxa lagu baray hanuun. Wuxuu yiri: (adigu kuma samri kartid raaciddayda).
Muusow anigu waxaan haystaa cilmi ka mid ah cilmiga Ilaahay oo uu I baray, adiguna aadan aqoon, adiguna waxaad haysataa cilmi ka mid ah cilmiga Ilaahay oo Ilaahay ku baray, aniguna aanan aqoon. Markaas buu yiri Muuse: (waad I heli doontaa (in shaa’ Allaah) aniga oo saabir ah, wax talo ahna kugu caasin maayo). Markaas buu khadir ku yiri: (haddii aad i raacdid shayna wax ha iga weydiin ilaa aan wax kaaga sheego).
Way bexeen iyaga oo ku socda badda xeebteeda, markaas bay soo martay doon, waxayna kala hadleen inay qaadaan, waxayna garteen Khadir, markaas bay nooli la’aan ku qaadeen. Markii ay doontii fuuleen baa waxaa kadis ku noqotay Khadir oo gudin ku fujiyay loox ka mid ah alwaaxdii doonta, markaas baa Muuse wuxuu ku yiri: dad nagu soo qaaday nooli la’aan baad doontoodii u bareertay in aad dillaacisid; (si aad u hafisid (qarqisid) dadka saaran, waxaad la timid wax weyn. Wuxuu yiri Khadir: soow kuma aanan dhihin kuma samri kartid la socodkayga?. Wuxuu yiri (Muuse): ha ii qaban waxaan hilmaamay, hana igu kallifin arrintayda culays)
Wuxuu yiri (Ubayi): Rasuulku wuxuu yiri: tan hore Muuse waxay ka ahayd hilmaan.
Wuxuu yiri (nabigu): waxaa yimid shimbir, wuxuuna ku dhacay (fuulay) doonta qarkeeda, markaas buu badda afka ku dhuftay, markaas baa Khadir ku yiri: cilmigayga iyo cilmigaagu kama aha cilmiga Ilaahay waxa shimbirkaani badda ka nusqaamiyey oo kale mooyee.
Ka dib way ka bexeen doontii, goor ay labadoodii xeebta ku soconayeen buu arkay Khadir wiil wiilal la cayaaraya, markaas buu Khadir gacantiisa ku qabtay madixiisa, markaas buu gacantiisa ku soo fujiyay, waana diley. Markaas buu ku yiri Muuse: (ma waxaad dishay naf daahir ah oo aan naf kale dilin?, waxaad la timid wax la inkiro. Wuxuu yiri (Khadir): soow kugu ma oran adigu kuma samri kartid la socodkayga?. Wuxuu yiri (nabigu): tani way ka adagtahay tii koowaad.
Wuxuu yiri (Muuse): haddii aan wax taa ka dambeeya ku weydiiyo ha ila saaxiibin, agtayda cududaar baad ka gaartaye. Way socdeen ilaa ay u yimaadeen ehluqaryo, waxayna dadkeedii waydiisteen cunto, markaas bay diideen inay martigaliyaan. Waxay ka heleen magaalada dhexdeedii darbi dumi raba) wuxuu yiri: janjeera, markaas buu Khadir kacay oo gacantiisa ku toosiyey, markaas buu yiri Muuse: (waa) qolo aan u nimid oo aan cunto na siin, nana soorin (haddii aad doontid mushqaayad baad ka qaadan lahayd. Wuxuu yiri: kani waa kii aan ku kala tagi lahayn, waana kuu sheegi doonaa wixii aad ku samri weyday tafsiirkooda.
Doonta waxaa lahaa masaakiin badda ka shaqaysta, waxaana doonay in aan ceebeeyo (waxyeeleeyo), waxaana ka dambeeyay boqor boob ku qaadanaya doon kasta (oo wanaagsan).
Wiilka se labadiisa waalid waxay ahaayeen mu’miniin, waxaana ka cabsanay in uu ku kallifo xadgudub iyo gaalnimo, waxaana doonay in Rabbigood ugu badalo (mid) ka khayr badan daahirsanaan, ugana naxariis dhaw.
Darbiga se waxaa lahaa labo wiil oo agoon ah oo magaalada ku sugan, waxaana hoostiisa ugu jirey kansi (kayd) ay lahaayeen, aabbohoodna wuxuu ahaa (mid) wanaagsan, Rabbigaana wuxuu doonay inay gaaraan xooggooda, ayna la soo baxaan kansigooda, (sidaasna waxaan u yeelay) naxariis Rabbigaa xaggiisa ka ahaatay, mana u samayn (waxaas) taladayda, kaasina waa tafsiirkii wixii aad ku samri weyday.
Rasuulku (scw) wuxuu yiri: waxaan jeclaysanay in uu Muuse sabri lahaa ilaa Ilaahay nooga sii qiseeyo khabarkooda.
Saciid Ibnu Jubeyr wuxuu yiri: Ibnu Cabbaas wuxuu akhriyi jirey ( waxaa hortooda jirey boqor boob ku qaata doon kasta oo wanaagsan), wuxuu kale oo akhriyi jirey: (wiilku se wuxuu ahaa gaal, labadiisa waalidna mu’miniin bay ahaayeen).
Riwaayad Bukhaari iyo Muslim wariyeen wuxuu ku yiri Saciid Ibnu Jubeyr: annaga oo Ibnu Cabbaas gurigiisa la joogna ayuu yiri: I weydiiya. Waxaan iri: Abuu Cabbaasoow Ilaahay ha igu kaa furtee Kuufa waxaa ku sugan nin sheekeeye (qissa badane) ah oo la dhoho Nowf, wuxuu ku andacoonayaa in aanu ahayn Muusihii reer Banii Israa’iil.
Ibnu Cabbaas wuxuu yiri: Ubayi Ibnu Kacab baa iigu warramay in Rasuulku (scw) yiri: waa Muusihii rasuulka Ilaahay ahaa. Wuxuu yiri (nabigu): maalin buu dadka waaniyey ilaa markii ay ka ilmeeyeen, quluubtuna jilicday uu jeestay. Waxaa ka dabatagay nin, wuxuuna yiri: rasuulka Allow dhulka qof kaa cilmi badan ma joogaa?, markaas buu yiri: maya, markaas buu canaantay (Ilaahay) maadaama aanu cilmigii Ilaahay u celin. Waxaa la yiri: waa jiraa (cid kaa cilmi badan). Wuxuu yiri (Muuse): Rabbiyoow mee?. Wuxuu yiri: halka labada badood isugu yimaadaan.
Riwaayaddu waxay sheegtay in kalluunku mayd ahaa calaamadna ay u tahay meeshii ruuxa lagu la afuufo. Khaadimkiisii wuxuu ku yiri: kugu kallifi maayo wax kale in aad ii sheegtid meesha kalluunku kugu faaruqo mooyee. Wuxuu yiri: wax badan igu ma aadan kallifin.
Kalluunku wuu fargaday iyada oo Muuse hurdo, markaas buu khaadimkiisii wuxuu yiri: ma toosinayo, markii uu soo toosayna wuu hilmaamay in uu u sheego. Kalluunkii wuu fargaday ilaa uu badda galay, Ilaahayna wuxuu ka joojiyay qulqulkii biyaha, ilaa laga moodo in raadkiisu dhagax ku yaal.
Wuxuu ku duuduubnaa (Khadir) maradiisa oo uu madaxa iyo majaha ka meersaday, markaas baa Muuse salaamay, markaas buu wajigiisa fayday , wuxuuna yiri: dhulkayga ma salaam baa ka jirta?, kumaad tahay?. Wuxuu yiri: anigu Muuse ayaan ahay, markaas buu yiri: ma Muusihii reer banii Israa’iil?. Wuxuu yiri: haa. Wuxuu yiri: waa maxay xaalkaagu?. Wuxuu yiri: waxaan u imid in aad iga bartid waxa lagu baray hanuun.
Wuxuu yiri: miyaanay kugu filnayn in aad Tawraad haysatid, waxyiguna kuu yimaado?. Muusoow waxaan leeyahay cilmi aysan kuu habboonayn inaad ogaatid, adiguna waxaad leedahay cilmi aanay ii habboonayn in aan ogaado. Markaas baa shimbir afkiisa badda (biyo) kaga qaatay. Wuxuu yiri: wallaahi cilmigayga iyo cilmigaaga marka la barabar dhigo cilmiga Ilaahay inaanu ka ahayn sida shimbirkaani afkiisa badda (biyaha) uga qaatay oo kale mooyee. (wuxuu u jeedaa inta shimbirku afkiisa badda kaga qaatay bay la mid tahay inta aynu labadeenu cilmiga Ilaahay ka qaadanay).
Waxaa riwaayadaas ku jira in ay Khadir aqoodeen oo ay dheheen: waa addoonkii Ilaahay ee wanaagsanaa, ka qaadi mayno kiro oo uu jeexay (doontii), uuna (meeshuu jeexay) kurtun ku dhakabiyey.
Riwaayad seddexaad waxaa ku jirey in ay ku doodeen Cabdullaahi Ibnu Cabbaas iyo Alxurru Ibnu Qays Alfazaariyi Muuse saaxiibkiis, markaas baa waxaa soo maray Ubayyi Ibnu Kacab, markaas baa Ibnu Cabbaas u yeeray, wuxuuna yiri: aniga iyo saaxiibkaygaan baa ku muranay saaxiibka Muuse ee uu (Muuse) weydiistay jid uu u maro la kulankiisa, ee ma ka maqashay Rasuulka isaga oo arrintiisa sheegaya.
Sh. Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.