Home » Warar »

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo Waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in maamulkoodu abaabulato dagaal dhan ka ah maamulka Galmudug

MAAMULKA XIMAN IYO XEEB OO WAXBA KAMA JIRAAN KU TILMAAMAYEY WARARKA SHEEGAYA IN MAAMULKOODA UU ABAABULAYO DAGAAL DHAN KA AH MAAMULKA GALMUDUG EE KOONFURTA GAALKACYO.

  • Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb
    Maxamed Cumar Hagafeey.

Maamulka ximan iyo Xeeb ee ka arimiya qaybo ka mid gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa si xoog leh u beeniyey warar lagu faafiyey saxaafada Soomaalida qaarkood , wararkaasoo ku saabasanaa in maamulka Ximan iyo Xeeb uu abaabulayo dagaal dhan ka ah maamulka Galmudug.

Maamulka Ximan iyo xeeb wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in dad masuuliyiin sheeganayaa ay abuuraan warar ujeedo guran leh oo looga gol leeyhay in lagu fidneeyo dadaallada nabadeed oo ay ku hawlan yihiin maamulka iyo waxgaradka Ximan iyo xeeb, dadaaladaasoo lagu doonayo in lagu afjaro dagaalada iyo xurgufta Siyaasadeed oo ka dhex jirtay labada beelood .

Maamulka Ximan iyo Xeeb wuxuu si buuxda u cadaynayaa inuu diyaar u yahay dhamaynta qilaafaadka ka dhex jira beelaha walaalaha ah ee Sacad iyo Saleebaan, sidoo kale uu gacan ka geeysanayo dhamynta qilaafaadka maamulka Galmudug dhexdiisa ka jira si ay u suurogasho nidaam iyo maaamul guud oo ka hirgala guudahaan Gobollada dhexe ee Soomaaliya.

ximan2
Maxamed Cumar Hagafeey.

Ugu dambayntii Masuuliyiinta maamulka Ximan iyo xeeb waxay ka codsanayaan waxgardka beesha Sacad in ay ka wada shaqeeyaan nabag iyo horumarin lagu soo dabaalo gobollada ay wada degan yihin laabada beelood si shacabiga ku dhaqan deegaaanadaasi u helaan nidaam iyo xasilooni ka hirgasha goboladooda.

Illaah baa mahad leh
Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb
Maxamed Cumar Hagafeey.

Ibraahim Da’ud Abdalle
sayfudiin@gmail.com

Nairobi-Kenya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Maamulka Ximan iyo Xeeb oo Waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in maamulkoodu abaabulato dagaal dhan ka ah maamulka Galmudug "

  1. cali adan says:

    a/c/w waxaan u arkaa hadalka af hayeeynka maamulka ximan iyo xeeb hadal fiican oo nabada ayhastaan dadka gogoladaas iyo guud ahaanba somalia wax utaraya eeyna fiican tahay kuwa faafiya xumaatada nabada udaran in ay joo jiyaan isku dirka dadka walaalahaa ee wadadaga wabilaahi towfiiq

  2. Anigoo ku hadlaya magaca Gal-Mudug waxaan u mahadcelinayaa afhayeenka Ximan iyo Xeeb sida wax garadnimada ah ee uu uga hortagay wuxuushta ka shaqeeysa sidii dhiig muslim u daadan lahaa.
    walaal mohamed cumar aad ayaad u mahadsantahay.
    M Farah