Home » Warar »

Ururka Caawiye Foundation Trust oo Kaalin ka qaadatay Bad-Baadinta Wiil Yar oo ay meesha laga Saxaroodo ka xirneyd

Ururka Caawiye Foundation Trust oo Kaalin ka qaadatay Bad-Baadinta Wiil Yar oo ay meesha laga Saxaroodo ka xirneyd. 12/10/2009

Ururka Caawiye Foundation Trust oo ah Urur samafaleed waxbana ka qabtay baahida iyo dhibaatada ku habsatay bara kacayaasha soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhibaateysan magaalada muqdisho ayaa Bad baadiyay Wiil yar oo lixbilood jira oo ay kaxirneyd meesha laga saxaroodo islamarkaana ay dhaleen qoys Danyar ah oo aan awoodin in ay qaliin ku sameeyaan.

Ururka Caawiye Foundation Trust oo maanta ka warbixiyay booqdayna Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo uu jiifay Wiilkan Yar ee Qaliinka lagu sameeyay, Runtii Wiilkan wuxuu ahaa mid aad u yar islamarkaana ay ka muuqatay diif iyo dhibaato.

Mas’uuliyiinta Ururka Caawiye oo lahadlayay warbaahinta magaalada muqdisho ayaa xaqiijiyay in Wiilkan ay ka xirneyd meesha laga saxaroodo taas oo halis gelisay Noloshiisa maadaama waxyaabaha Qashin-saarka ah ay qayb kayihiin waxyaabaha caafimaadka Beni aadanka qayb ka qaato.

Saraakiil katirsan Caawiye Foundation Trust kana howlgala magaalada muqdisho oo ku howlanaa Samafalka ayaa ka Warbixiyay Xaalada wiilka iyo sida ay ugu suurta gashay in ay Dhaqaale ku bixiyaan Bad baadinta Nolosha Ilmahan yar ee Soomaaliyeed.

Aabaha Wiilkan yar dhalay oo lagu magacaabo Saciid Shire ( Shuuriyaalko) ayaa sheegay in wiilkiisa uu soo maray xaalad adag balse uu alle bad baadiyay wuxuuna u mahad celiyay Ururka Caawiye Foundation Trust oo isku xil qaamay in ay Bad baadiyaan Wiilkan Yar.

Sidoo kale Hooyo Deeqo Cabdi Aadan oo dhashay Wiilkan ay ka xirneyd meesha laga saxaroodo ayaa sheegay in xaalada wiilkeeda ay hadda wanaagsantahay balse uu soo maray xaalado aan laga sheekayn karin kadib markii ay saxaradu ku ceshoontay.

caaweiye1

Mas’uuliyiinta Caawiye Foundation Trust iyo Dhaqrtarkii Qaliinka sameeyay ayaa sheegay in ay xil gooni ah iska saareen sidii loo bad baadin lahaa Ilmahan yar oo ay ka xirneyd meesha laga saxaroodo, wiilkan waxaa lagu magacaabaa Ayuub Saciid Shire waa 6-bilood jir hadda si caadi ah ayuu u saxaroon karo balse bilo ka hor aan ka saxaroon Karin meesha laga saxaroodo dhibaataysnaana oo ay xaaladiisu aad u liidatay.

Maamulka Caawiye Foundation Trust iyo Waalidiinta dhalay Wiilkan waxay noo xaqiijiyeen in Wiilkan yar uusoo maray ilaa iyo 3-qaliin oo 2-kamid ah ay Fashilmeen halka uu ku najaxay qaliinkan uu ururka caawiye Foundation Trust masuuliyada iska saaray, kuna guuleystay.

Qaliinkii ugu horeeyay waxaa ku sameeyay Ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho ku sugan balse waxay u qaleen si waali ah kadib markii ay ka qaleen meel aan wax dhib ah qabin taas oo keentay in Wiilkan yar uu dhiman gaaro balse tiisi ayaa dhineed, qaliinka AMISOM samaysay wuxuu keenay in 6-bilood jirku uu sii xanuunsado islamarkaana ay Noloshu ku adkaato.

caawiye22

Qaliinka 2-aad ayaa Ilmahan yar lagula sameeyay Cisbitaal kuyaal Magaalada Boosaaso Gobalka Bari balse Dhaqaatiirtii Cisbitaalkaasi joogtay way ku guulaysan waayeen in ay wiilka meesha laga saxaroodo ufuraan.kadibna waxaa dhacday in waalidiinta dhashay wiilka ay lasoo xiriireen Ururka Caawiye Foundation Trust oo ay File-ka wiilka lawareegeen Ururka Caawiye Foundation Trust.

Qaliinkan lagu Najaxay waxaa dadaal dheer kadib dhaaqaalaha ku baxay bixiyay Ururka Caawiye Foundation Trust waxaana fuliyay Dr.Xangul oo kamid ah Dhaqaatiirta ka howlgasha Cisbitaalka Madiina wuxuu alle u sahlay in uu wiilkan yar u furo Saxarada waxaana hadda Ilmahan yar laga dareemayay soo kabsasho kadib muddo uu xanuunsanaa calooshana tubo laga geliyay si ay saxaradu uga soobaxdo alle madiise uu hadda ka saxaroonaayo meesha laga saxaroodo.

Aabaha Dhalay Dhibane Ayuub wuxuu u Mahad celiyay allena kheyr uga baryayaa Mas’uuliyiinta Ururka Samafalka ee Caawiyee Foundation Trust oo isku xilqaamay sidii wiilkaasi uu u heli lahaa adeeg caafimaad iyagoona gacan ka gaystay sidii wiilkaas u heli lahaa wax walba.

Waxay waalidiinta Wiilka si Khaas ah ugu Mahad Celiyeen Madaxa Ururka Caawiye Foundation Ttust

Abdullahi Omar Adow (fooldheere) madaxa ururka Somaliya mogadisho Kamaal Xasan Culusow iyo Jawaahir Maxamud Baarqab oo aan la hilmaami doonin kaalintii ay ka gaysteen Bad baadinta wiilkan Yar.

caawiye4

Sidoo kale waxay Waalidiintu u Mahad celiyeen Dr. Maxamed Cilmi Xangul oo ah Dr.ka ku Guulaystay in uu Wiilkan Yar ufuro Saxarada waxaa kale oo aan la hilmaami doonin dhamaan inta ku abtirsata Caawiye Foundation TRUST

Ugu Dambayntii Mas’uuliyiinya Ururka Samafalka ee Caawiye Fountdation Trust ayaa balanqaaday in ay ilgaar ah ku fiirin doonaan Wiilkan ay Gacanta weyn ka gaysteen Bad baadinta Noloshiisa tan iyo inta xaaladiisa caafimaad ka soo hagaageyso.

Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad kala soo xiriiri kartaa madaxa ururka Caawiye Foundation Trust Abdullahi Omar Adow (fooldheere)

Hotline: –

+44 (0) 7956229091

caawiyeft@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ururka Caawiye Foundation Trust oo Kaalin ka qaadatay Bad-Baadinta Wiil Yar oo ay meesha laga Saxaroodo ka xirneyd "

  1. claahi says:

    asc waxaan rabaa in la igu caawiyo waxaan hayaa wiil yar oo dhibana ah oo madaxa labo meel kajabsan oo lafo ku dhaxjiraan oo naafa ah ayaa rabaa in la igu qacan qabto ama wax la igu qabto