Home » Siyaasad »

Maxaad uga soo horjeeda wanaaga iyo horumarka|Jooje

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadibna dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qadarinta mudanoow iga gudooma salaanta islaamaka ah Asalaamu caleykum Waraxmatulaahi wabarakaat.

Ummad waxa uu horumarkeeda ku xiran yahay, marka ay dadkeedu diyaar u yihiin in ay horumaraan, laakiin waa waxaan dhici karin in ay hormarto ummad iyadiiba lugaha isku wada dhegan, oo ka naxeysa horumar iyo wanaagba hadey arkaan. Waxaa wax lala yaaba ah ummad had iyo jeer jecel inay buunbuuniyaan dhaliilaha qofka uu leeyahay kuwaas oo ay dhici karto xitaa in lagu been abuuranayo, laakiin aan marna lasoo hadal qaadeyn wanaaga uu qofka iska leeyahay oo waliba ay dhici karto in uu sida qoraxda oo kale loogu jeedo wanaagaas.

Layaab malaha oo waa iska sunnanka rabaaniyanka in ay bani’aadanku u kala baxaan kuwo had iyo jeer samo u doros ah iyo kuwo had iyo jeer balo u doros ah. laakiin tiiyoo ay jirto ayaa haddana marka leysugu yimaado goobaha leysku weydaarsado hadalada waxaad arkeysaa saaxiib ka tirsan qolyaha had iyo jeer balo u doroska ah oo ummaddii ay wax ka dhegaysanayaan oo baabi’inaya waanaga ay ummadi leedahay.

Sida aynu la socono waxaa bishii Janaayo la doortay maamulka cusub ee madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, kadibna halkaas ku soo dhisay Golihiisa wasiirada. Illaa iyo intii ay shaqo bilowday xukuumadaas oo imminka jirta illaa iyo 9 bilood waxa ay ku tallaabsatay ama ay qaaday tallaabooyin muhiim ah kuwaas oo aan cidina inkiri karin. Wey dhici kartaa in laga fili karayey halkaas meel kasii sareysa, laakiin haddana marka loo eego maamuladii ka horeeyay runti waxey qaadeen tallaabooyin wax ku ool ah. tallaabooyinkaas ay qaadeen waxaa tusaale u soo qaadan karnaa: – { Furitaanka Airoprka caalamiga ah ee Boosaaso, mushaharaadka sida joogtada ah ay u qaataan shaqaalaha iyo ciidamada, wasaaradda maaliyadda oo ka gudubtay nidaamkii qalinka iyo warqadda una gudubtay habka computarisedka ah, Qurxinta iyo sare u qaadida bilicda magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, dayactirka waddooyinka, dhismaha isbitaalka boosaaso, dhisidi golaha deegaanka Gaalkacayo, wadashaqeynta rasmiga ah ee Culimada diinta iyo maamulka Puntland, horumarinta waxbarashada Puntland, aqoonsi u helidda shahaadada puntland, deeqaha waxbarasho iyo qaar kaloo baddan oo aan halkan ku soo koobi karin.}

Sidoo kale ma inkirayo inay jireen dhacdooyin iyo shilal dhacay intii uu maamulkan jiray, oo aan runtii oran karo maaha arin ay iyagu shaqo ku leeyihiin, laakiin aheyd falal xag alle ka dhacay. Runtii markey wax dhacaan waxaa la yiraahdaa sidee ayaa loo xaliyey ee lama dhaho maxey waxaas u dhaceen. Dunidan horumartay markaad aragto waxaad arkeysaa in habeen iyo maalin ay shilal foolxun ka dhacaan, laakiin markiiba waa lagalaa oo waa la xaliyaa. Sidaas si lamid ah markii ay Shilalka ka dhaceen Puntland waxaa galay oo arimahaas gacanta ku dhigay Madaxweynaha iyo golayaashisaa wasiirada iyo baaralamaanka. Runtii intoodii badneyd wey ku guuleysteen, qaar kalena hadda ayeey ku guda jiraan oo waxaan leenahay allaha u fududeeyo.

Haddaba maamulka sidaas u dadaalaya ayaa waxaa jira koox had iyo jeer u taagan siday u fashilin lahaayeen ama raadinaya lugooyadooda. Waayaabe maxey ka helayaan. Kooxdaasi waxey isugu jiraan kuwo danahay ka lahaayeen dowladdan ka waayey iyo kuwo aan qorshahaba ugu jirin in horumar la sameeyo oo xasaasiyad ka qaada libinta ay gaarto Puntland, kuwo siyaasado kale wata iyo kuwo dameer dhaan raacatay ah, oo hadba meeshii qeylo ka yeerta iska raaca.

Haddaba anigu waxaan oranayaa Soomaalidu horey ayaa waxey u tiri Nimaan dowgaaga ogoleen, wanaagaaga ma deeqo, ee yaan lagu daalin kooxaha noocaas ah oo horey halooga dhaqaajiyo. Sideedaba in ummad dhan la qanciyo waa arin aan weligeed la gaari kari. Qof aan wanaagaaga ogoleen wax walboo aad u qabato waa kii xumaantaada ka shaqeeya.

Waxaad arkeysaa qaar ka dhiganaya daliil kartoonka uu sawiro Amiin caamir oo ku oranayaa Ammin caamir baa sidan yiri. Ma inkirayao Amiin caamir waa fannaan ku xeel dheer sawirada, cabiraad wanaagsan, wuuna ku amaanan yahay, laakiin waa qof bani’aadan ah, oo xitaa halka uu wax ka qorayo isagu ma joogo ee kuwo kalaa warka qaldan u gudbiya, marka inaad isku qanciso oo aad sawirada Amiin Caamir nooga dhigto aayad quraan ah runtii waa nasiib daro. Sidoo kale Amiin Caamirna wuu ka badbadiyaa oo wax aan waxba ka jirin ayuu mararka qaarkood iska sawiraa, oo waxaan orana laha sumcadaada ilaasho.

Waxaan hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa Soomaaliyeey yeeysan isaga kaaya qaldamin Wanaaga iyo xumaanta, oo mar walbaa misaankaaga ha noqdo mid cadaalad ku dhisan oo haddii aad aragto wax wanaagsan sheeg, wixii khaldan sheeg. Maamulkan Puntland haddii uu jiro wax ay ku qaldan yihiin, u nasteexey oo maanta dunida wey hor martay oo chanal kasta ayaad kala hadli kartaa, laakiin inaad fadhi ku dirirada ka aflagaadeyso ama aad sharaftood meel uga dhacdo runtii wax fiican maaha, maamulka Puntland waxaa kula talin lahaa iyagana inay qaatan talooyinka wax ku oolka ah ee loo soo gudbiyo, oo yeeysan albaabada xiran.

Guud ahaan Soomaaliya waxaan Allaah ka baryayaa in uu dhibaatooyinkan daba dheeraaday waddankeena ka saaro oo dagaalada bilaa ujeedada ahna naga joojiyo, Aaamiin.

Wabilaahi Towfiiq

Qalinkii: – Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Maxaad uga soo horjeeda wanaaga iyo horumarka|Jooje "

  1. Maxamed shekh c.lahi says:

    Asc marka hore waxan mahad balaran u so jedinaya webka somalitalk o alaba ino so gudbiyo warar tayo leh iyo qormoyin waxtar leh marka xigta waxan mahad u jedinaya qoraga o runti si wanagsan u cabiray ,runtina no bidhanshay wanaaga in wax waliba laga hormariyo e an lagu mashqulin ka badbadinta sinbiririxada qofka laguna daydo dalalka horumaray siraadka ay u maren iyado dintana lagu dabaqayo nabadgalyo