Home » Siyaasad »

Dagaal aan dhamaad lahayn, Umad aan Dantooda aqoon Iyo Dagaal ooge Danayste ah ayaa Dowlad la,aanta Sabab u ah

Waxaa soomaaliya mudo gaaraysa 31 sano marka laga soo bilaabo 1978kii Ayaa waxaa ka bilowday dagaal jabhadeed ka dib dagaalkii dowladii soomaaliya ee meleteriga ahayd iyo amxaarada ama wayaanada la gashay ka dib waxaa bilowday dagaalkii jabhadaha iyo beelihii mucaaradka noqday ee magacyada la baxay Sida jabhadii kowaad waxaan isku dayayaa inaan dhamaan jabhadaha magacyadoodii fasirno ama cadayo oo qeexitaan ku samayno iyo ujeedooyinkii loo aasaasay ka dib waxaynu u gudbi doonaa ururdimeedyada magacyadooda iyo ujeedooyinka loo aasaasay.

Hadaba jabhadii kowaad. SSDF= Soomaalida Soortu qaaday Danaha itoobiya Fuliya
Jabhadii labaad SNM= Soomaalida Nabada Mugdiga geliyey
Jabhadii sadexaad USC = Ururka Soomaaliya Cadibay ama Ceebeeyay

Hadaba ka dib jabkii amxaarada waxaa shiray dowladaha reer galbeedka iyo intay cago ku jiitaan waxay is weydiiyeen dalka soomaaliya oo 17sano oo keliya xor ah ayaa waxaa uu ka awood roonaaday dowladii kiristanka ahayd ee ku jirta dowladaha aduunka ugu faca wayn Haddii aan dhakhso wax looga bedelina waxaa imaanaysaa in ay dhibaateeyaan ama isku dayaan inay dhamaan shanta soomaaliya isu keento waxaana la bilaabay oo ay ku heshiiyeen in soomaalida inta hadhayna lakala qaybiyo qabiil qabiilna laysugu diro si aysan awoodoodu intaas u dhaafin waxaa la bilaabay burburintii dowladii maxamed siyaad bare waxaana la ogaadeey in soomaalida loo qaybin karo qabaa,iil Hadaba waxay is weydiin dowaldihii galbedku horta soomaaliya ugu nugul uguna xukun jecel ayaa la yidhi waxaa miiska la soo saaray beelaha dega bariga iyo mudug ee la baxay SSDFwaxaana cadaynaysaa in maamulka SSDF inuu ahaa beesha ugu xukunka jecel xukun dartiisna ujeedo kasta u fulin karta waxaana lagu bilaabay inay hirgeliyaan jabhad ka dhan iyo afgambiyo dowladii iyo qarankii soomaaliyeed ee markaas jirtay ama ha xumaato ama ha samaatoo waxba ka danbayn dowladii soomaaliya ee waqtigaas jirtay .

Markii arintaas la hirgeliyay ayaa wax wayn ka bedeli weyday soomaalida awoodeedii Waana laga adkaaday jabhadii SSDF iyo itoobiyaankii la socday waxaana lagu qasbay inay is dhibaan intoodii kalena waa la hameeyay waxayn la kulmeen jab weyn oo laxaad leh ilaa hogaamiyahoodii lagu xidho meeshii uu u dagaalamayay ee itoobiya waxayna noqotay jabhadii koowaad ee calanka itoobiya dalka soomaaliya dhexdiisa ka taagta iyada oo xukun dartiis doonaysa!!!

Hadana waxaa la aasaasay oo loo tusay inay gumaysi ku jiraan beelaaha soomaliyeed ee degan waqooyi ga soomaaliya oo loo tusay inay soomaaliya beel keliya hantideeda iyo awoodeeda ku takrifalayso iyada oo waxqabadka dowladu ee gobolada waqooyi iyo hirgelinta mashaariicda horumraku socdo ayaa waxaay bilaabeen siyaasiiyiinta ama kornayladii waqtigaas noolaa inay guluf colaadeed oo hab beeleed ku dhisan hirgeliyaan waxayna la baxeen magac SNM waxayna dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaqa ka bilaabeen
Deegaamada waqooyi hadaba dowladii ayaa majarihii ka wareeray waxayna xilalkii madaxnimada u dhiibtay SSDFtii soo noqotay ee is dhiibtay iyaguna waxay sii huriyeen.

Colaadii shacabka oo deganaa waxayna sii kordhiyeen inay jabhadii SNM awoodaysato
Waayo waxay ku bilaabeen umadii iy shacabkii gobolada waqooyi dil , dhac, boob , kufsi, iyo tacadi badan waa taariikh xusan in ilaa kan ugu sareeya ilaa kan ugu hooseeyaa ahaayen SSDF dad ka soo jeeda asal ahaan iyo gobolada la degan beelihii laysku odhan jiray SNM

Halkaas ayaa waxaa mar kale sii laba kacleeyay burburkii ay wadeen beelaha SSDF Oo ah beesha bilowday ee dhamaystirtay burburka dowladii dhexe ee soomaaliya Iyo beesha duugtay qaranimadii soomaaliya waxay dhamaan beelaaha waqooyi ku midoobeen inay dagaal ka dhan ah dowlada galaan maadaama ay laba dhimasho kala dhextaagan yihiin fogaanshiiyaha iyo colaada waqtigaas gashayna waxay sababtay inay soomaali oodhan ka xanaaqaan kana go,aan oo magac kale iyo calan kale qaataan iyaga oo soomaaliduna u bixisay magac ah REER SOOMALI DIID!!!

Weli reer galbeedku kama hadhin burburinta soomaaliya waxaa la bilaabay in gobolada dhexe ee bartamaha iyo koonfurta soomaaliya iyaga la abaabulo oo lagu diro dowladii soomaaliya waxaa bilowday dagaal beeleed dhexmaray beesha SSDF iyo beelaaha la dega gobolada dhexe waxaana ay beeshaasi mar kale dhaqan gelisay inay gulufkii colaadeed gaadhsiiso deriskooda ka xiga dhinaca koonfureed iyaga oo u adeegsanayaa awooda meleteri ee dowlada soomaaliya oo maslaxad ahaan madaxweynihii hore si uu kursigiisa ugu fadhiyo gacanta u geliyay. SSDF oo soomaalidu ugu magacdareen REER QARAN DUMIS!!!

Ayaa waxay balaarisay mucaaradka iyo jabhadaha dowladii soomaaliya xukunka ka tuuray
Iyaga oo sugaya haddii dowladan la waayo in dalka uu gacantooda soo geli doono.

Waxaa bilaabmay is uruursii iyo abaabulkii USC dalka iyom dibadaba waxaa banaanka u baxay kornayladii iyo geneaaladii waxaana dagaalkii uu yeeshay waji sadexaad oo ah Reerka dowlada haysta iyo soomaalida inteeda kale oo mucaarada. USC oo ah ururka iskaba raaciyay dowladii dalkana gebi ahaantiis burburkiisaa ilaa maanta waxaa sababteeda iska leh beelaaha USC ku abtirsada oo dagaalkooda iyo ujeedadooda
Intaba ay fahmi waayeen soomaalida kale waxaana loogu magacdaray REER QARAN DIID

Waxaa halkaas ka sii socday dagaalkii bilaa hadafka ahaa iyo jabahadihii beelaha ku dhisnaa ilaa iyo toosaa dabka loogu qabtay dalka soomaaliya cidhif ilaa cidhif iyada uusan dagaalkaasi ahayn mid xoriyad doonaa
Mid midnimo dhalin ah mid cadaalad iyo wadaniyad ku salaysan ayaa dhamaan dagaaladii dalka waxay dabada ku hayeen beello ama reero qabaa.il doonayaa inay beel waliba keligeed noolaato ama noqoto boqortooyo iyadu dalkan ka talisa dagaalkii beelaysnaa waxaa uu sababay markay jabhad weliba isqabsatay sida is reebreeb dhexmaray dhamaan soomaalida oodhan.

Qaybtii koowaad

Isaaq vs daarood iyo hawiye , raxanweyn all soomaali
Daarood vs hawiye
Daarood vs hawiye isaaq raxanweyn all soomaali

Qaybtii labaad
Hawiye iyo raxanweyn
Abgaal vs habar gidir ogaadeen , raxanweyn dir, allhawiye an other soomaali
Habar vs murursade
Habar gidir vs xawaadle
Habar gidir vs raxanweyn
Habargidir vs daarood gobolada dhexe
Habargidir vs biyaamaal dir shabeelada hoose
Habargidir vs gugundhabe , baadicade iyo gaaljecel
Abgaal vs murursade

Qaybtii sedexaad
Isaaq vs samaroon
Habarjeclo vs habar yoonis
Habayryoonis vs habar awal
Garxajis vs all isaaq samaroon ciise and dhulbahante , warsengeli
Somaliland vs puntland

Qaybtii afraad
Alitixaad vs harti daarood barri$
Puntland vs somaliland
Cabdilaahi yuusuf vs jaamac cali jaamac
Mareexaan vs majeerteen jubooyinka
Ogaadeen vs majeerteen jubooyinka
Mareexaan vs ogaadeen jubooyinka
Mareexaan vs raxaweyn

Waxaa meeshaas ku dhamaaday dagaalkii beelaaha waxaa bilaabmay dagaalkii huwanta
Iyo isbahaysiyada inshalaah waxaan ku sheegii doonaa iyo kuwa ururdiimeedyadaba qormooyinka danbe iyom ujeedada dhamaan waxan oo dhan ka danbaysa.

Wabilaahi tawfiiq

Fiiro Gaara qoraalkani waa mid ka turjumayaa xaqiiqada iyo dhacdooyinkii ka dhacay soomaaliya oo aan been abuur ahayn waxii cadayn aha ama raadraacaa waxaa masuuliyadeeda iska leh aniga oo ah Galayr

Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
abdirihiin1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.