Home » Siyaasad »

Gunta khilaafka Kismaayo iyo talo ku socota wadaadada ku dagaalaya

Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Ilaahay, nabad galyo iyo naxariisna ha ‘ahaato Nabi Mxamade dushiisha (SCW).

Marka la rabo in si qoto dheer looga hadlo waxa ka dhacaya Gobolka J/hoose waxaa muhiim ah in aan milicsano khilaafkan dhaliyey dagaalada hada ka socda Magaalada Kismaayo,ma ahan iska hor’imaadkani mid si kadis ah ku yimid balse waxaa jiray tan iyo intii magaalada Kismaayo ay la wareegeen Xoogaga Islaamiyiintu khilaaf u dhaxeeya garabyadii wada qabtay magaalada.

Xiligii Midowgii Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa soo if baxay khilaaf u dhaxeeyey Mujaahidiinta Al-Shabaab oo markaasi hoos tagayey daladii Maxaakimta iyo Maamulkii ka jiray Gobolka J/hoose ee uu madaxda ka ahaa Sheikh Axmed Madoobe,dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxa ay doonayeen in ay ku lahaadaan awood xoogan Gobolka halka Sheih Axmed Madoobana uusan raali ka aheyn awood ka baxsan Maaumlkiisa taas oo keentay in ay is fahmi waayaan labada dhinac.

Iyada oo khilaakaasi uu sii xoogeysanayo ayaa waxaa laga saaray Goboladii koonfurta Midowgii Maxaakimta Islaamka waxaana dalku gacanta u galay Gumeeysigii Itoobiya dhammaan garabyadii uu ka koobnaa Midowgii Maxaakimtana waxa ay isku shubeen Howdka J/hoose halkaasoo ugu danbeyn dhaawac halis ah loogu gaystay Gudoomiyihii J/hoose Sheikh Axmed Madoobe waxaa kaloo isla goobtaasi ku geeriyooday 8 ka mid ah saraakiil ka tirsanaa Maxaakimtii Islaamka.

Sheikh Axmed Madoobe waxa uu gacanta u galay isaga oo koomo ku jira Ciidamada itoobiya, waxaana uu ka mid noqday saraakiil loo qaaday xagaas iyo Itoobiya,ugu danbeyn waxaa xabsiga ka soo baxay sheikh Axmed Madoobe waxana uu ku soo laabtay Magaalada Kismaayo xili ay ka talinayaan laba garab oo ka kala tirsan Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo iyagu halgan adag oo ay la soo galeen Gumeeysigii Xabashida iyo dowladii KMG aheyd ay ugu suurta gashay inay dib u hantaan gobolo badan.

Inta uusan soo gaarin ama aan la soo deyn sheih Axmed Madoobe waxaa ka jiray Magaalada Kismaayo khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay labada garab ee kala ah Al-xisbul Islaam iyo Mujaahidiinta Al-shabaab waxaana khilaafkan danbe soo if baxay ka dib markii Kismaayo laga saaray Maleeshiyaadkii uu hogaaminayey Barre Hiiraale,Xoogaga Al-Shabaab ayaa waxa ay ku doodeen in aysan u ogoleyn in lala maamulo Magaalada halka labadii garab ee ka tirsanaa Mujaahidiinta ay soo jeediyeen in la wadaago Maamulka Magaalada taas oo ugu danbeyn khilaafkii lagu dhameeyey.

Sheikh xasan turki oo ahaa mas’uulka ugu sareeyey Mujaahidiinta ayaa waxa uu dhisay Maamul ku meel gaar ah waxaana uu madax uga dhigay Ibraahim Afgaan oo loo yaqaano “Abuu Bakar Zaylici”.mudada ku meel gaarka ah ee loo qoondeeyey in uu shaqeeyo maamulkan ayaa aheyd mudo 6 bilood ah waxaana dhamaaday mudadaasi,waxaa bilowday khilaafkii sedexaad oo ku saabsan in la soo doorto maamulkii kan badali lahaa taasna waxaa ka goys adkeystay gudoomiyihii waxaana ugu danbeyn ka dhashay hardan dhex mara walaalihii shalay cadowga la wada dagaalamayey, isla markaasna isku manhajka ahaa waxa ay ku dagaalameena waa maamulka Magaalada iyaga oo ku guul dareystay in ay meel dhexe iskugu yimaadaan.

DAGAALKAN MUXUU SHARCI AHAAN NOQONAYAA?

Dgaalkan oo runtii ay ku wareereen dadka muslimka ah ee Soomaaliyeed iyo waliba Muslimiinta Dunida ayaa waxaa haboon in loo adeegsado halbeega shareecada Islaamka si uusan qofka Muslimka ahi u dhex galin dagaal shareecadu aysan ogoleyn ama uusan ka hor iman dagaal sax ah oo ku banaan Shareecada Islaamka.

Sharcigu waa hagaha qofka Muslimka ah waxaana laga rabaa cid kasta oo dooneysa Diin ama rabta in aysan ka lumin Jidka saxda ah waa in ay dib u jaleecdaa Xukunka Diinta Islaamku ay ka qabto dagaalada dhex maraya Mujaahidiinta Soomaaliyeed,si arintaasi aan wax uga ogaano ayaan waxaan markiiba ku cararnay Culumo waa weyn oo Soomaaliyeed waxana ka muuqday wajigooda murugo fara badan iyo waliba yaab waxana ay dhamaantood si aan kala har laheyn ay u cadeeyeen in dagaalkaasi yahay Fidno halis ah.

DOOWRKII CULUMADA AAWAY?

Waxaa la is weydiinayaa aaway dowrkii Culumada Soomaaliyeed, su’aashan ayaa ah waa ayyama Culumada la sheegayo? hadii aan isku dayo in aan ka jawaabo malaha waxaa laga wadaa waa Culumada aaminsan Manhajka Salafiga ah isla markaasna ku qanacsan halganka looga soo horjeedo Gaalada iyo daba dhilifkooda.

Culumada ayaa waxaa hubaal ah in ay ka gaabiyeen dowrkoodii ayna halganka uga hareen Mujaahidiinta oo kaliya, waxaana banaanaaday dowrkoodii oo ahaa in ay saxaan halganka lagula jiro Gaalada Soo duushay iyo dhagaraha ay maleegayaan reer Galbeedku.waxa ay u baneeyeen fagaaraha dhalin yaro oo kaliya taasina waxa ay keentay in khaladaad badan ay dhacaan taasoo ay aheyd in ay saxaan culumadu,waxa ay ka gaabiyeen in ay dhex fariistaan goloyaasha Mujaahidiinta si ay u hanuuniyaan isla markaasna ay u saxaan gafafka dhacay marka lagu jiro Jihaadka ayna kala dhex galaan ama marjic ay u nqodaan marka la is khilaafo.

MAXAA LA GUDBOON QOFKA MUSLIMKA?.

Marka dagaalada Fidnada ah ee is ka cad sida kuwa hada ka soconaya Gobolka J/hoose waxaa la gudboon qofka Muslimka ah ee doonaya in uusan ku dhicin dabin fidno ah in uu sameeyo qodobada soo socda waxaana ka mid ah:.

1-Dagaal kasta oo dhaca waxa uu yahay labo midkood in uu sax yahay iyo in uusan sax aheyn

2-Dagaalka ka socda J/hoose waxa uu dhex marayaa dad isku Manhaj ah Jihaadkana kula jiray Ciidamada AMISOM oo aad la socotaan xasuuqa ay ku hayaan dadka Muslimka ah ee Soomaaliyeed iyaga oo dalkooda ugu yimid.

3-Dagaalkani waxa uu ka dhashay khilaaf ku saabsan Aduunyo sida Mansab ama dhaqaalaha Dekada Kismaayo taasina ma aha mid keeni karta in dhiiga Mujaahidiinta si sahlan lagu qubo.

4-ka fogow hana aqbalin garabyada dagaalamaya xogtooda maxaa yeelay mid kasta waxa uu sheeganayaa in uu isagu yahay kan saxsan isla markaasna waxa uu sheegayaa ceebaha walaalaha kale isaga oo qarinaya ama dafiraya ceebihiisa.

5-dhagaha ka fureyso tuhumada iyo erey bixinada xambaarsan tuhunka diimeed sida qoloda naga soo hor jeeda waxa ay ka hor yimaadeen Shareecada Islaamka ama waa buqaad iyo waxa la hal maala ee la isku marinayo hawada iyo warbaahinta.

6-ku dadaal in aad hesho xog ka madax banaan walaalaha dagaalamaya kuna salee xaqiiqada adiga oo ka fogaanaya sida aad jeceshahay.

7-Allaah ka bari in uu kaa bad baadiyo Fitanta wareegeeysa walaalahana Allaah uga bari in uu ku soo duwo caqliga iyo diinta uuna Qalbigooda isku mariyo Burcad.

8-in aadan buun buunin dagaalada dhex maraya walaalaha Mujaahidiinta, waana in aad ka digtoonaataa in aad kala doodo isla markaasna aad jaanis siiso kuwa ku faraxsan Dhiiga Mujaahidiinta ee macna darada ku qubanaya.

TALO KU SOCOTA WALAALAHA DAGAALAMAYA .

1-Waxaan kula talin lahaa walaalaha dagaalamaya in dagaalkoodu uusan farax galin cid kasta oo Muslim ah waxana rajo beel noqday camalkii looga soo horjeeday AMISOM iyo diirkeeda,waxaa kor u soo kacay Cadowga Mujaahidiinta ee markii horeba geed dheer iyo geed gaaban u fuulay in ay fashiliyaan ku dhaqankla Shareecada Islaamka.

2-Ha iloobina in aad leedihiin Cadow idiin siman oo aan cafineyn Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab toona,waxaad ogaataan cadowga idin hortaagan waa mid idin ka badan tiro,dhaqaale iyo hub intaba.

3-Cadowgiina oo ka kooban Ciidamada AMISOM oo ah Uganda, burindhi,Itoobiya,Mareykan Yurub ,Dowladaha afrika iyo waliba kuwo Soomaaliya intuba waxa ay ku midoobeen dagaalkiina waxaana ay baneysteen dhiigiina, isla markaasna waxa ay ku jiraan hal saf ee hal saf idinkuna gala idinkaa ka mudane.

4- Allaah uga baqa boqolaal dhiigooda u hurtay in ay dalka ka saaraan Itoobiya isla markaasna oogaan xukunka shareecada Islaamka

5-Xasuusta in waxa aad isku dileysaan uu yahay oo kaliya Mansab iyo Aduunyo ee uusan aheyn Diin iyo cid u gashay cadow midna.

6-Ha isku adeegsanina ereyo sharci ahaan aan banaaneyn oo ay ka dhalaneyso is Takfiirin ama Tafsiiqin ,waxa aad ku dagaalanteen waa aduun ee hadii aad isticmaashaan ereyadaasi xaalku waa ka sii darayaa.

7-Mujaahidiineey dhexdiina waa lagu jiraa ee is hufa oo ogaada waxa hurinaya dagaalka iyo fidnada waa kuwii Nabi Maxa’ed (SCW) horay u dhibay ee Munaafiqiinta ahaa.

8-Wixii dhacay waa dhaceen ee hada inta hartay ha la bad badiyo una gar dhiibta Culumada Islaamka iyaga ayaa idin xalinayee.

C/llaahi Max’ed Faarax

alhiiraani@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Gunta khilaafka Kismaayo iyo talo ku socota wadaadada ku dagaalaya "

  1. cajaam says:

    Baaq Furan oo ku socdo Maamulka Putland

    Anigoo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo deegaan ahaan ka soo jeeda Maamul Goboleedka Puntland waxaan Baaqan Furan u dirayaa Maamulka Puntland.

    Sida aan wada ognahay bulsho kasta oo maamul sameysataa waxey doorataa hogaan hogaaankaasuna waxaa lagu xusuustaa waxqabadkiisa kaasoo gala sooyaalka taariikhda.

    Maamulka Puntland ee hada talada hayaa waxuu ku yimid maamul isbedel doon ah oo si weyn bulshada Puntland iyo bulshada soomaaliyeedba u soo dhoweeyeen kana sugayaan waxqabadyo la taaban karo oo ka bedelan maamuladii hore. Inkastoo uuu maamulku xoogaa is bedel ah sameeyey hadana ma noqon sidii bulshadu fileysey waxaana jira meelo badan oo u baahan in waxqabadyo deg deg ah laga qabto haddii kale ay saameyn ama raad mustaqbalka dambe ah ku yeelan doonto maamulka.

    Sidaa darteed waxaan maamulka ka codsanayaa iney arimahan si deg deg ah wax uga qabtaan.
    1) Nabadgelyada gudaha ee magaalooyinka dalka.

    Waxaa si cad uga jira in magaalooyinka waaweyn oo ay ugu horeyso Boosaaso oo ah Xarunta ganacsiga Puntland Dhac baahsan oo Ciyaalka fayacaliga loo yaqaan ay xaafadaha Magaalada habeen walba ay shacabka ku baadhaan kana qaadaan waxa ay sitaan iyagoo qaarkoodna dhaawacyo waaweyn u geysta taasoo markii dadweynuhu gacantii ay uga baahnaayeen ka waayeen laamaha amniga ay hada ku dhow yihiin in xaafad waliba ay sameysato dhalinyaro xaafada ah oo ilaalisa xaafada taasoo keeni karta iney lunto kalsoonidii ay bulshadu ku qabeen dawlada iyo laamaheeda amniga. Sababaha u waaweyn ee kalsooni darada iyo raja beelka bulshada keeneyna waxaa ka mid ah.
    • Laamaha Amniga oo ku guuldareystey amniga magaalooyinka
    • Dhaqan xumo iyo belwado ay leeyihiin askarta iyo masuuliyiinta laamaha amniga.
    • Goobaha laamaha amniga sida Saldhigyada Police-ka Maxkamadaha Xeer ilaalinta oo dadka ka hawlgalaa ay caado ka dhigteen musuq maasuq Baahsan iyo laaluush taasoo sababtey in cid kasta oo dembi gashaa soo deyntoodu ay ka xigto lacag. .

    Talo Soojeedin la xidhiidha.
     In la helo ciidamo Amaan oo leh ku dhaqan diimeed, Amaano, dabeecad wanaagsan akhlaaq, Dulqaad, hufnaan hawlkarnimo kala dambeyn u heelanaan ilaalinta nabadgelyada bulshada, dawladuna ay si buuxda u siiso mushahar ku filan si ay uga fogaadaan dhaqamadii xum xumaa ee ragaadiyey ciidamadii ka horeeyey.

    2) Ilaalinta Xuquuqda Dadweynaha Soomaaliyeed ee Kilinka
    shanaad ee Ku sugan Puntland.

    Waxaa maamuladii kala dambeeyey ee Puntland Caado aan hore loo arag ka noqotey dadka walaalaha aan nahey ee kililka shanaad ee ethopia oo ay inaga dhexeyso Diin, Wada dhalasho iyo derisnimoba in marar badan si soo noqnoqod ah dad u dhashey laga dhoofiyey magaalooyinka waaweyn ee Puntland loona gacan geliyey Dawlada Ethopia kuwaasoo ay u dambeysey falkii magaalada gaalkacayo ka dhacey oo dhaawaca iyo dhimashadaba keeney Taasoo Diin ahaan iyo dhalasho ahaanba weji gabax ku noqotey maamulka Puntland iyo dadweynaha reer Puntlandba iyo guud ahaan dadweynaha kale ee soomaaliyeed ee dareenka soomaalinimo ku jirto xusuustooda ama quluubtoodana weli ay ka sii qoyan tahay sidii soomaalidu isku ahaan jirtey iyo khilaafaadkii ka dhexeeyey soomaaliya iyo ethopia isla markaana keentey kalsooni daro iyo kala shaki iyo cadaawad kala dhex galey dadweynaha walaalaha ah ee wada dhalashada diinta iyo jaarnimaduba ka dhexeysa. Sii socoshada Arintani waxey si cad mugdi u gelisey madax banaanida maamul goboleedka Puntland iyadoo cidii dembi ka gasha Puntland ay leedahay laamahii Amniga. Sidaa darteed waxaan u soo jeedinayaa maamulka Puntland iney talaabo cad oo qancisa shacabka ay arintaa ka qaadaan khaladaadadii hore u dhaceyna ay Magdhaw iyo raali gelinba ka siiyaan dadkii eheladooda lagu sameeyey iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta haku noolaadeene..

    3). Falalka ay Puntland ka wadaan ciidamada ashahaado la dirirka ahi kuna hayaan shucuubta mislimka ah

    Waxaa wax caqliga iyo fikirka qofka bini adaamka ka weyn noqdey iyadoo maamulka puntand uu dhisan yahay 11 sano ee u dambeeyey ayna u dhameys tiran yihiin hey’adahiisii maamul ay deegaanka ka shaqeeyaan ciidamo ka awood badan kana amar qaadan isla markaana cidii ay doonaan qabqabta iyadoo aan wada ognahay in in badan oo ka mid ah dadka islaamka ah oo soomaali iyo quruumo kaleba ka soo jeeda kana kooban qeybaha kala duwan ee bulshada sida culumada, ganacsatada, aqoonyahanada la qaqabtey iyadoo qaarkood loo gacan geliyey quwado shisheeye lana ogeyn waxey ku dambeeyeen qaarna la jir diley. Waxaan kale oo ognahay awoodii qabqablayaasha muqdisho ay lahaayeen markii ay isku dayeen in ay mashruucan oo kale ay qandaraas kaga qaataan Mareykanka kacdoonkii ka dhashey oo si fudud ay shacabku kula wareegeen hubkuudii iyo talisyadoodiiba. Waxaan kale oo aan ognahey in quwadii ugu weyneyd ee taageeri jirtey oo aheyd dawlada Mareykanka maamulka jooga iminka uu xidhey xabsigii ugu weynaa ee maxaabista islaamka lagu xidhi jirey wada hadalna ugu jiro sidii uu u dhayi lahaa xidhiidhka ka dhexeyn jirey wadamada islaamka wakhti Puntland weli dadka la qabqabanayo.

    Sidaa darteed waxaan maamulka Puntland talo ugu soo jeedinayaa
     Iney si deg deg ah u xidhaan xafiisyada ashahaado la dirirka kalana diraan cida u shaqeysa amniga guud iyo talada Puntlandna ay si buuxda gacanta ugu qabtaan haddii kale cawaaqib xumada ka timaada in aduun iyo aakhiraba lagala xisaabtami doono.

    N.B.
    Fikirkani waa fakir aniga igu kooban daah furna u ah fikradaha saliimka ah ee loo soo jeedinayo Maamulka maxaa yeeley daldaloolada waxaa arka qofka dibada ka jooga.

    Qalinkii Caajam20@hotmail.com

  2. Cirsankayeer says:

    Qoraaga Ilaahay haka abaal mariyo qoraalka xogta iyo waanada xambaarsan ee uu soo bandhigay. Run ahaantii waa maqaal qaayo badan oo mudan in wax laga qaato.

    Hase yeeshee waxaa muuqata qoraagu inuu weli ku jiro marxalad muddo ka hor ahayd taasoo ah in Islaamiyiinta laga sugi karo wax wangaag ah.

    Haddii uu arki lahaa dhacdooyinka qaarkood wuxuu joojin lahaa isticmaalka erayga “mujaahidiinta”, wuxuuna Ilaahay ka magan geli lahaa dad muddo ka hor wanaag lagu malayn jirey laakiin hadda lasoo baxay dhogor kale!

    Walaalka wax qorey wuxuu mushkiladda kasoo qaatey dhacdada xun ee kismaayo, laakiin dadka xog-ogaalka ah waxay ogyihiin in mushkiladdu ay intaas ka qoto dheer tahay.

    Haddii uu qoraagu aaminsan yahay in laysku haysto dhaqaalaha dekedda kismaayo waxaan u malaynayaa inuu ku khaldanyahay!! arrinka runta ah waxaa weeyaan in kooxaha dagaallamaya mid ka mid ah ay doonayso inay meesha ka saarto tan kale kuna dhawaaqdo Imaarad Islaami ah oo hoos tagta Alqaacidda.. Qiima kasta haku kacdee!!!

    taasi waa fikraddayda xaqiiqduna Ilaahay agtiis ayay ku dhantahay!!