Home » Maqaallo »

Maalta ama Moolka | Xalane

Maalta ama Moolka

Dadka doonaya iney tahriibaan waa dad ka rajo beelay somaliya kuwa kaxeynayana ee inta ay lacagta ka qaataan, doonaya iney ka gudbiyaan badaha, waa dad bilaa naxariis ah oo dilaa ah, oo billaa damiir ah arintaasina waxey inta badan ku dambeysaa dhimasho

Ka ganacsiga dadka tahriibayasha ah waa ganacsi lacag badan laga helo dhimashadiisuna ay aad u badan tahay, xasuuqa badan iyo dowlad la’aanta ka jirta waddanka ayaa sabab u ah tahriibka

Intaas iyo in ka badan ayaad ku arkeysaa nuqulkan ka hadlaya tahriibka hadaba qofkasto oo damiir leh ayaa ka damqanaya xanuunka uu leeyahay tahriibka waxaana marqaati cad ka bixinaya maqaalkan xiisaha badan ee ka hadlaya tahriibta

Dad badan oo somaliyed oo ka tagay magaalooyin kala duwan badana ku safray ayaa qoysaskooda la’yihiin halkey ku dambeeyeen dadkaasi waxaa ka mid ah qaar iyagu bishan gudaheeda ka baxay libiya iyagoo tiigsanaya qaaradda yurub oo nolol iyo geeri labadaba tey ku sugan yihiin aan la ogeyn, dadkaasi eheladooda oo ay ka maqnaayeen qaarkood waxa ay iiga sheekeyeen xaaladaha iyo wal walka iyaga haya waana tan warbixinta oo dhameystiran.

20 kii sano ee ugu dambeeyey marka la eego ma aheyn waxa ka bur buray haykalkii dowlad nimo iyo hanaan kii iyo kala dambeyntii maamulka balse dhaqamadii iyo caadooyinkii ay dadka somalida lahaayeen ayaa wax badan iyagana iska dhimay

Markii maal laga hadlayo ee lagu qadhaaro ayuu qaraar yahay hase yeeshee marka nafta lagu qamaaro waxey u ekaaneysaa in dambi weyn la galayo waxaa soo baxday dhaqamo ay ka mid yihiin in qofku is biimeeyo oo uu naftiisa ku qamaaro isagoo arkaya dhibta ka horeyso iyo in uu ku tala galo ama dhimo ama bada dhaaf iyagoo hadal hays ka dhigto Maalta ama Moolka nadaamkan oo tahriib la yiraahdo waxaa ku kaalmeeyo dadka gala eheladooda kuwa ay wax isu yihiin qaraabadooda iyo waliba asxaabtooda
Hasa yeeshee bilkasta baroor ayaa soo yeereysa deegaan kasto somaliya quseysa oo lagaga hadlayo oo loogu barooranayo dad markii hore la anbabixiyey markii dambana halaagmay labadii todobaad ee ugu dambeyey Xaafada ka tirsan Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan dhiilo weyn oo ku saabsan 20 qof oo lawada garanayo oo ka ambabaxay dalka libiya oo doon yar oo qaraaba ka raacay 18 sep. 2009 oo ah bishan aaynu ku jirno oo ilaa iyo hada raq iyo ruux meel ay dhigeen jaan iyo cidhib la la’yahay
Dadkii ay ka soo jeedeen habeen iyo maalin ma seexdaan waxa ay tuban yihiin goobaha isgaarsiinta internet-yada iyo taleefanada iyagoo oo tuban ayaa qaarkood marka ay ka hadlaan shucuurtooda iyo xaaladooda halka ay ku sugan tahay

Mid ka mid ah dadka eheladooda ay tahribeeno oo ka waramaysa dareenkeeda, iyadoo ku bilaabeysa magaceeda, aniga waxa la i yiraahda layla xassan iyadoo ooyeesa yay cod dareen leh ku tiri walalkey ayaan wayey, oo ka midka dadka la layahay, dadkan tahriibayasha ah marka hore bixidooda, waxaa gacan ka qeystay oo hanti ku bixyey eheladooda iyo qarabadooda, iyagoo qarkood loo iibiyey guryo iyo hanti si ay ugu tahriibaan, hasa yeeshee marka la waayo murugo iyo ciil badan ayaa imanaya

Waxaa kaloo isaguna ka mid ah dadka dareenkooda ka muujinaya dadka tahribay ee la la’yahay rashiid axmed xirsi, wuxuna yiri aniga wuu maqan yahay walalkey c.laahi axmed xirsi waxaan jecelahay in raq iyo ruux wax uun nalooga waramo 9 habeen ayaa meel kasto oo isgaarsiin ah u taaganahay wax war ah waanu ka la’nahay marka inuu nool yahay iyo in uu dhintay wixii war ah ee aanu ka heli laheyn, waanu ka la nahay waxaanu jecel nahay inan nolol ku helno, hadii aanu weynana in warkiisa oo buuxa anu helno
Mudada dadkaasi ay maqnaanyeen dadkii dhalay iyo dadkii u damqaneyey ee ehelkooda ahaaba, bal xaalada waalidiinta waxa ay ku sugan tahay,

Waxaana iyana jira oday wayeel ah oo isna u muuqday 80 jir odaygaasi oo gabadh uu dhalay iyo wiil ay sii dhashay ay ku jireen doontaasi isla markaana aanu hada heynin cid u adeegta oo gabadhiisa ay gacanta ku heyn jirtay, odayga waayeelka ah oo magaciisa ku sheegay maxamed cali Faarax dareenkaygu maanta ma wanaagsana sababtuna waxaa weeye, aduunyadan isgaarsinta intaa la eg leh, oo imanta dhowr iyo toban casho oo dadki waxa alle iyo waxa uu ku sugan yahay aynan heynin, dhimasho iyo nolol midna,
80 jir baan ahay oo iyadaa ii shaqeynaysay waxaanaba iminka is leeyhay adigaba wax lagaa saaray sababtu waxa weeye waan ku waday oo ka joog baan idhi ma wanaagsana dareenkeygu sas buu u xun yahay
Waxa murugo leh caruurta yar yare ee dadka dhalay ay ka tageen, awoowgii buu agfadhiyey Axmed oo 8 jir ah, oo gabadha uu odayga dhalay ay dhashay ayna ka tagtay iyada oo kaxeysatay mid kale oo 10 jir ah, labada caruur oo kaliya ayeyna laheyd

Wiilkii yaraa wuxuu marba eegayaa afka dadka ka hadlaya amuurtan iyada ah isagoo aad u qiireysan si kasta ha ahatee barnaamijkan ma ahan md dadka weli ay ka xiiso dhaceen iyagoo og maalin walbo waxa dhacaya ayaa hadana waxaa jira guriga laga barooranayo kan ku xiga iyo kan ku sii xiga oo dad kale hada loo wado tabaabushihii bada lagu marin lahaa ee lagu tahriibin lahaa.

Ismaaciil Maxamed Xalane
imxalane@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.