Home » Warar »

Barakacayaasha guryahoodii uga cararay dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ka cabanaya dhibaatooyin xaga nolosha ah .

Barakacayaasha guryahoodii uga cararay dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay waqooyi bari Magaalada Muqdisho oo ka cabanaya dhibaatooyin xaga nolosha ah .

Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah….

19 sano iyo ka said baan silic ku nooleyne ,suu iyo saban waxay nagu wadeen ,iyo seer xabadihiise siyaasiguna sidaas buu rabaa in uu ku soor qaato ,

Turuqturq qabiil bey hadeer wada saxiixeene ,sawir qaade iyo waxey keensadeen qolo na suuq geysa ,saaxiibka iyo wixii socod lahaa waa laka saarey ,dul waxaa jra waxkasta socdsiisa oo iyane sooryeysa ,qaarna saban la boodey ayey uga dulshiishaane ,somalidu sidaan bey qabtaa socotada u diiday ,suntan buufiska ah ayaa ka roon saan ku nool nahaye ,

Boqolaal ka mid ah dadkii guryahooda uga barakacay dagaalada iyo madaafiicda la isku weydaarsanaya ayaa ka war biyey xaaladood iyo nolosha ay ku sugan yihiin .

xaafadaha ay daganaayeen kuwaas oo hada ku nool duleedka waqooyi bari ee Magaalada Muqdisho oo masaafo ahaan u jirto 15 KM ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee guryaha cooshadaha ka soameysan ee ay hada dagan yihiin kuwaas oo ka cabanayey dhibaato xaga nolosha ay ,waxayna sheegeen in aysan heysan cunto ku filan ,hoy ,waxbarasho ,biyo nadiif ah iyada oo ay intaa u si dheertahay cudurada oo ay sheegeen in ay jiraan cudurada malaariyada ,tiifowga ,shuban biyoodka ,

Barkacayaashaan oo ku qeylinayey biyo la.aan donimeyno caafimaad la.aan doonimeyno ayaa waxaa si isku id ah ay uga kala dhaceen kaamamka ay degan yihiin sida
1. Gubadleey
2. Tawakal
3. Jiiro
4. Sh cali Cabdulle
5. Nasteexo
6. Burdheere
7. Rowdo
8. Bulsho bile
9. Ceelcade mariid
10. Galgalato
11. Dharkeen
12. Xeeb Yarey
13. Dakadaha
14. Calabdheee

xamrr1

iyo deegaano kale oo ku yaal dhanka waqooyibari ee Magaamada Muqdisho
Barakacayaashaan ayaa waxay ay halkaa dageen wixii ka danbeyey bilowgii dagaalkii 1991dii intii ka danbeysayna waxaa isa soo tarayey tirade dadka halkaa deegaanka ka dhiganayey

Banaanbaxayaashaan ayaa shegay in ay u muuqdaan kuwo ay iloobeen hey.addaha gargaarka bixiya marka laga reebo hey.adda haweenweynaha somaliyeed ee cogwo oo u furtay mashruuc shaqo cunto ku bedelasho ah ( food For work ) iyaga o shaqo dhul xaaqid ah ka sameeyo agagaarka goobha ay dagan yihiin iyo wadooyinka qaarkood waxayan codsadeen in ay sida hayadda cogwo oo kale iyaguna wax uunla soo garaan .
Dadka banana baxaan manta ka qeyb qaadanayey ayaa u badnaa haween caruur dad waayeel ah iyo dhalain yaro sheegtay in aysan heysan shaqo iyo wax barasho oo ay maalin iyo habeen geedaha hoostooda ku sheekeystaan mana laha wax hanta ay iyaga oo u badnaa dad ceyr ah oo aan laheyn xoolo miyi iyo hanta Magaalo toona mana .

Deegaanadaanu malah suuqyo ay si toos ah uga adegtaan waxaana dhacada mararka qarkood in ay waayaan goob ay ka adegtaan gaari la.aanta ka jirta darted

Ujeedada banana baxa manta ayaa waxay aheyd cabsho ku aadanayd biyo .aan iyo barkado lagu shubto hadiiba ay dhacdo in la helo ,raashin la.aan ,hoy xumo,dhibato caafimad ,waxaana la shegay in hawenka aysan heysan goob caafimaad iyo umuliso iyaga oo marark aqaarkoo u geeriyooda haweenku dhiig bax iyo daryel al.aan waxaa jira sidoo kale dhalaan yar yar oo u soo ritay cudurka shuban biyoodka iyo jareecada oo aad ugu badan deegaana loo barkacay .
Dadkii ka qeyb qaadanayey isu so baxii manta ayaa dhamaan jaaliyadaha iyo hay.adda deeqaha biya waxay si toos ah iyo si dadban uga codsadeen in ay la soo gaaraan agabyada kala ah tendhooyin ,kuwa guryahay laga sameeyo iyo bacaha kuwa berkadaha laga sameeyo ,raashin iyo daawo
Waxaana mahad balaaran u celineynaa hey.adda cogwo oo naga saaciday xaga raashinka waxayna no sameysan howlo shaqo cunto ku bedeasho ah taas oo aan kaafi Karin nolosha in badan oo ka mid ah qoysaska ku sugan deegana loo barkacaya
Barakacayaasha qaar ka mid ah ayaa fikirkooda ku so bandhigay gabsuugaaneyd loo bogoy waxaana ay isla jibinayeen barbarta hal abuurada qaarkood habka iyo sida ay tahay nolosha ay ku sugan yihiin iyo cida wax u qabatay oo ay ku sheegeen minay kulmaan kun hay.addood cogwo oo kale la kenimaa
Abwaan Axmed Cali korneyl oo markii sii hore ahaan jiray ganacsato hadana k amid ah barkacyaasha ku dhaqan kaammamka ayaa fikirkiisa ku tilamaay hab maanso ah wuxuuna yiri :.
19 sano iyo ka said baan silic ku nooleyne ,suu iyo saban waxay nagu wadeen ,yio seer xabadihiise siyaasiguna sidaas buu rabaa in uu ku soor qaato ,
Turuqturq qabiil bey hadeer wada saxiixeene ,sawir qaade iyo waxey keensadeen qolo na suuq geysa ,saaxiibka iyo wixii socod lahaa waa laka saarey ,dul waxaa jra waxkasta socdsiisa oo iyane sooryeysa ,qaarna saban la boodey ayey uga dulshiishaane ,somalidu sidaan bey qabtaa socotada u diiday ,suntan buufiska ah ayaa ka roon saan ku nool nahaye ,

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Barakacayaasha guryahoodii uga cararay dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ka cabanaya dhibaatooyin xaga nolosha ah . "

  1. muwaadin says:

    allaw nabad galyo caam ah